Soomaaliya oo Ka qayb gashay shirweynaha 6-aad golaha fulinta Midowga Afrika

Date:

-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana kaga qayb galay shirweynaha 6-aad ee bartamaha sanadka ee isu duwidda hawlaha qorshaysan ee hor-yaalla guddiyada kala duwan ee AU iyo sidoo kale Kalfadhiga 45-aad ee guddiga fulinta ururka Midowga Afrika, kaas oo socon doona ilaa 21 July ee sanadkan.

Shirarkan ayaa looga arrinsanayaa arimmo ay kamid yihiin Nidaaminta Musharixiinta Afrikaanka ah ee Ururada Caalamka, Horumarinta Dhaqaalaha Afrika, meel-marinta miisaaniyadda Midowga Afrika ee 2025, Xaaladaha Nabad-gelyada iyo waxbarashada ee qaaradda, Ka Qayb-galka Midowga Afrika ee G20, Arrimaha Bini’aadan-nimada Afrika” iyo arrimo kale oo muhiim ah oo loogu tala galay horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo daryeelka dalalka iyo dadweynaha Afrika.

Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Cumar Balcad ayaa si gaar ah u shir guddoomiyay kulanka guddiga nidaaminta musharixiinta Afrikaanka ah ee loolanka ugu jira kuraasta kala geddisan ee ka bannaan ururada caalamka sida AU, UN iyo kuwo kale, iyadoo ay guddigu go’aanno rasmi ah ka gaari doonaan arrimahan.

“Guddigu waxay soo gudbiyeen warbixinno la xiriira dariiqa loo marayo iyo qorshaha loo diyaariyay hanaanka nidaaminta musharixiinta Afrikaanka ah ee ururada caalamka, iyadoo gunaanadka kulankan guddiga lagu shaacin doono go’aano dhaxal gal ah” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa ku wehliya Shirarka ka socda magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana danjiraha JFS ee Midowga Afrika Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo mas’uuliyiin kamid ah golayaasha DFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...