Biden oo ku adkeystay inuu ku sii jiro tartanka Doorashada Madaxtinimo ee dalka Mareykanka

Date:

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa ballan qaaday inuu ku sii jirayo tartanka madaxtinimada isla markaana uu ka adkaan doono ninka ka soo horjeeda inkasta oo ay sii kordhayaan baaqyada ka imanaya xubnaha Dimuqraadiga oo codsanaya inuu tanaasulo Biden.

12 ka mid ah siyaasiyiinta Dimuqraadiga oo ay ku jiraan laba senatar iyo koox xubno ka ah Congress-ka ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu ka haro tartaka maadaama uu xilligaan go’doon ku yahay gurigiisa xeebta ku yaal ee Delaware tan iyo markii laga helay cudurka ‘Covid-19’.

“Si wada jir ah xisbi ahaan iyo dal ahaan waan guuleysan karnaa, waanna ku adkaan doonaa sanduuqa codbixinta” ayuu yidhi Biden.

Dhinaca kale Donald Trump ayaa sheegay in uu todobaadka soo socda ku laabanaayo ololaha tartanka doorashada ,kadib kolkii maalinimadii shalay la soo gabagabeeyay Shirweynihii Qaran ee xisbiga Jamhuuriga.

Ragga sida weyn uga soo horjeeda Biden waxaa kamid ah Senetarka laga soo doorto Ohio Sherrod Brown iyo Senetarka laga soo doorto New Mexico Martin Heinrich .kuwaas oo la tilmaamay in ay u ololeynayaan in madaxweynugu uu ka haro tartanka doorashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...