Home Blog Page 316

madaxweyne xasan sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida duqii hore ee magaalada mogdisho cali ugaas cabdulle.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey nabadaynta iyo horumarka dalkeenna

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa ee uu dalkeenna soo maray, Alle ha u naxariistee Cali Ugaas ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Safiirka dalka Talyaaniga iyo Duqii Magaalada Muqdisho Sanadkii 1987-1990,

“Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiis, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Marxuum Cali Ugaas Cabdulle ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen Duqa Muqdisho iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka diyaradaha Shaati Gaduud Wafdiga Guddoomiyaha waxaa ku soodhaweeyey Wasiiro,Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, Kan Degmada Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Wafdiga Guddoomiyaha u gareen Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shirka
Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada oo looga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimo ee wadanka,kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta ayna ka qeybgalayaan Wasiirada Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka ka jira,Gobolka Banaadir ,wakiilo ka socda Beesha Caalamka kaas oo malamaha soo socda ka furmaya Baydhabo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxriisto Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Marxuumka uu kaalin weyn kasoo qaatay Nabadeynta, isku keenida ummada Soomaaliyeed iyo dib u yagleelida Dowlad-dhiska Soomaaliya. Asigoona eebe ugu baryay Marxuumka in uu jannaddi fardowso ka waraabiyo.

Allaha u naxariisto Cali Ugaas Cabdulle ayaa Duqa Magaalada Muqdisho noqday sanadihii 1987-1990 dowladdii Kacaanka.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir: Laba bilood gudahood ayaan khawarijta uga saareynaa jiinka Wabiga

0

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo abaabul ciidan oo ka dhan ah khawaarijta kawada degaanno katirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in laba bilood gudahood ay khawaarijta uga saari doonaa degaanada ay kaga sugan yihiin Jiinka wabiga,si looga dhameeyay khawaarijta guud ahaan gobolka Hiiraan.

” Laba bilood gudahood ayaan khawarijta uga saareynaa jiinka Wabiga.”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir

Xildhibaanka ayaa ballan qaaday in dowladda ay ciidamada dadka degaanka ee is abaabulay ay diyaar ulatahay Hub iyo wax ay cuni lahayeen balsa ciidanka looga baahan yahay in ay u diyaar garobaan dagaalka khawaarijta looga saaray degaanada dhaca jiinka wabiga oo ay dhibaato ka soo maleegaan khawaarijta.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir iyo Masuuliyiin kale oo katirsan dowladda kana soo jeeda gobolka Hiiraan ay mudda halkaa u jogeen dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarij ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Dhulka oo gaaray deeeganka Biya-cadde ee gobalka Shabeelaha dhexe

0

Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka Soomaliyeed G/sare dayax Cabdi Cabddulle oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale ayaa gaaray deeeganka biyacadde ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo fadhigodu yahay deegaanka Biyacadde ayaa halkaas ku soo dhaweeyay Wefdiga taliyaha, ujeedka socdaalka ayaana ah dardar galinta howlgalka Ciribtirka Khawaarijta.

Degaanno katirsan shabeellaha dhexe waxaa ka soconayo howlgallo ka dhan ah khawaarijta,halkaa oo lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.badan oo katirsan khawaarijta.

Dr. Mowlid Abdi Mohamed

Dr. Mowlid Abdi Mohamed, born in Mogadishu, Somalia, is a prominent figure in health communication and advocacy.He currently serves as the producer and coordinator of health messages across various National Media platforms, contributing significantly to public health education.

Amidst the Covid-19 pandemic in 2019, Dr. Mohamed was selected as one of the key doctors to disseminate accurate health information through written articles and videos, enhancing public awareness and promoting preventive measures.

In addition to his media role, Dr. Mohamed collaborates with the Benadir Regional Government’s Health Department, focusing on implementing effective health policies and addressing local health challenges.

His academic pursuits include advocating for health rights, combating female genital mutilation, and raising awareness about associated health risks. Dr. Mohamed’s efforts underscore his commitment to improving health outcomes and community welfare in Somalia.

Maraykanka oo malaayiin Dollar dul dhigey horjoogaha 2aad ee kooxda Al-Shabaab

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in lacag dhan 5 milyan oo dollar ay ku  abaalmarineyso qof  kasta oo soo sheega Abuukar Cali Aadan oo la tilmaamay in uu yahay ku xigeenka horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee dalkaasi,ayaa lagu sheegay in lacagaasi la siin doono cid kasta  oo keenta xog ku saabsan horjoogahaasi iyo sida loo heli karo.

Bishii Jannaayo 2018, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Abuukar Cali Aadan u aqoonsatay Argagixiso Caalamiga ah,kadib markii kooxdiisa la tilmaamay in ay khatar ku yihiin muwaadiniinta Mareykanka , amniga qaranka, siyaasadda dibadda iyo dhaqaalaha Mareykanka.

kooxdaan xagjirka ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro badan oo ka dhacay  Soomaaliya, Uganda iyo Kenya,gaar ahaan weerarradii ismiidaaminta ahaa ee July 11, 2010 ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo uu ku jiray qof Mareykan ah.

Sidoo kale kooxdaasi waxa ay sheegatay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013, halkaasi oo ay ku dhintay in ka badan 60 qof waxaana ku dhawacmay ilaa 200 oo kale.

2008-dii Maraykanka wuxuu kooxda Al-Shabaab u aqoonsaday urur argagixiso shisheeye.

Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 16aad ee Danab oo booqday Qoysas ay ka shahiideen Qaar ka mid ah shuhadadda ciidanka CXDS

0

Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 16aad ee kumaandooska Danab Cabdullaahi Mustaf Cali {Madaala-Qaran} iyo madaxa arrimaha bulshada ururka 4-aad ee Danab Ayaa Maanta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose ku  booqday Qooysas ay ka shahiideen Qaar ka mid ah shuhadadda ciidanka CXDS ee Danab .

Afhayeenka Booliska oo kawarbixiyey khasaaraha ka dhashay Qarax ruux naftii haliga ah uu ku weereray goob ay ku shaahaan dhalinyaro

0

Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay Qarax ruux naftii haliga ah uu ku weereray goob ay ku shaahaan dhalinyaro.