Home Blog Page 316

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo isku shaandheen ku Sameen doono howlwadeenada Wasaaradda 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta sheegay in isbeddel uu ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda, isagoo faray dhammaan diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ka idlaaday ee dib xarunta Wasaaradda loogu soo celiyay lagu kala meeleeyo waaxyaha, machadka iyo xafiisyada maamul ee Wasaaradda.

Wasiirka, ayaa hadalkani maanta ka sheegay madal lagu kulmiyay diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ee loo igmaday, uu ka idlaaday oo dib Wasaaradda loogu soo celiyay markii ay muddo sideed sano ka soo shaqeeyeen Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Axmed Fiqi,ayaa tilmaamay in la dardargelin doono shaqada safaaradahana looga baahanyahay inay hore-u-socod sameeyaan, isagoo cadeeyay in safaaradaha iyo qunsuliyadaha guud ay yihiin xarumo dowladeed oo u adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, lagana dhowrayo sare u qaadidda howl-gudashada.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan sannadeed kaga qeyb galey deegaanka ceelow

0

-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta deegaanka Ceeloow ee degmada Warsheekh kaga qeyb galay kulan-sanadeed uu halkaasi ku qabtay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole).

Kulanka ayaa waxaa ka qey bgalay Xildhibaano heer federaal, Xubno Isugu jira labada gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Siyaasiyiin, Duubabka dhaqanka, qeybaha bulshada iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si diirran loogu soo dhoweeyay deegaanka Ceeloow ayaa mid mid u gacan qaaday mas’uuliyiinta iyo dhaqanka ka qeyb galay kulan sanadeedka oo sanad walba bishaan oo kale ka qabsooma deegaankaan, iyadoo ay ku duceystaan bulshada halkaasi ku dhaqan iyo siyaasiyiintooda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sannadkan joogo kulan-sannadeedka deegaanka Ceeloow oo Soomaali oo dhan ay joogto, ducada halkan lagu duceysto waxaan rajeynayaa inuu Alle ku badbaadiyo kuna xifdiyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle in ay dhowraan midnimada iyo wadajirka bulshada sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaannadooda.

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo kormeeray goobaha ay Xujeyda Soomaaliyeed ka deggen yihiin Mina

0

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Dr Khadar Daahir ayaa caawa kormeerayay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed ka deggan yihiin Mina isagoo mid ka mid ah xarumaha Caafimaadka ku booqday xujey lagu dabiibayo.

Xarumaha caafimaadka Xujeyda Soomaaliyeed oo dowladdu soo kordhisay sanadkaan ayaa shaqo muhiim ah u qabanayay maalmihii la soo dhaafay xujeyda oo qaarkood ay saameeyeen kuleyka daran ee ka jira goobaha Mashaacirta.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay xujeyda uu la kulmay oo uu ka warsanayay culeyskii ay dareemeen saacadihii la soo dhaafay, maadaama gudashada waajibaadka xajka iyo kuleylka ka jira Mashaacirta ay culeys weyn ku ahayd dadka da’da ah iyo kuwa xanuunada qaba.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa maalmihii la soo dhaafay aad ugu howlaneed hubinta iyo la socodka xaaladda xujeyda Soomaaliyeed ee gudanaysa acmaasha Xajka.

Hay’adda Boqor Salmaan oo maalintii labaad qeybinayso Hilibka udxiyada 

Waxaa maalintii labaad la qaybinayaa Hilibka udixiyada ee loogu talagalay dadka Soomaaliyeed, iyadoo ay gacan ka geysanayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimo, iyadoo ay wehelinayso Hay’adda Al-Maxasin foundation.

Waxaa si habsami leh uga socda Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya Howlaha qeybinta Hilibka udxiyada, iyadoo ay taasi ku timid dadaallo ay iska kaashadeen Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimo iyo Mu’asasada Al-Maxasin Foundation.Qorshahaan bini’aadantinimo, ayaa ujeedadiisu yahay in hilib la siiyo qoysaska tabaalaysan ee ku nool gobollada dalka oo dhan Sida:Benaadir, Koonfur-galbeed Soomaaliya, iyo Hirshabeelle, iyadoo ay ka faa’iideysanayaan ku dhawaad ​​53,280 qof.

Mashruucan, ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu taageerayo haqab-beelka cuntada iyo hagaajinta xaaladaha nololeed ee dadka ugu nugul bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan maalmaha Ciidda Carafo.

Mu’asasada Al-Maxasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada iyo Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan, waxa ay xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay sii wadida taageerada bini’aadantinimo iyo Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, iyagoo raadinaya kor u qaadista iskaashiga iyo isuduwidda hey’addaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo hubiyo in gargaarka uu gaaro tirada ugu badan ee suurtagalka ah ee ka-faa’iideystayaasha.

Iskaashigaan miro dhalka ah ee u dhexeeya hay’adaha Samofalka,ayaa ka tarjumaysa sida ay Boqortooyada Sucuudigu u doonayso inay ka taageerto waddamada walaalaha ah iyo kuwa saaxiibka ah si ay u wajahaan caqabadaha bani’aadantinimo, iyo inay gargaar u fidiyaan cid kasta oo Garab u baahan.

Danjire Jabriil oo kulan is xogwareysi la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya

0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdille oo uu wehliyo Xildhibaanka laga soo doorto Kaamakuuji ee deegaanka dadka Soomaalida degan yihiin Mudane Yuusuf Xasan ayaa Salaadda Ciidda ka dib waxa ay kulan gaar ah la qaateen dhallinta iyo waxgaradka deegaanka xaafadda Eastleigh (islii).

Danjire Jabriil oo ka hadlay kulankii Hambalyada iyo ducada ee ku beegnaa munaasabadda Ciidul Adxa ayaa ku booriyay dhallinta iyo waxgaradka degaanka inay ku da’daalaan isku duubnida iyo iskaashiga. Waxa uuna ugu hambalyeeyay horumarka balaaran ee uu deegaanka Eastleigh ku tilaabsaday.

Hay’adda Boqor Salmaan oo Muqdisho ka daah furtay Mashruuca udxiyada ee Ciidul Adxaa

Mu’asasada Al-Mahasin foundation ee Horumarinta iyo Waxbarashada oo kaashanaysa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka Bini’aadantinimo, ayaa ku dhawaaqday inay daah furrtay Mashruuca lagu qaybinaayo Hilibka udxiyada ee sanadkaan 1445 / 2024.

Mashruucan bini’aadantinimo, ayaa u jeedadiisu tahay in lagu taageero Qoysaska dhibaataysan inta lagu guda jiro Ciidul Adxaa ee barakeysan, si kor loogu qaado qiyamka wadajirka bulshada iyo naxariista Muslimiinta dhexdooda ah.Qoosaska u baahan, taas oo si togan uga tarjumaysa Caafimaadkooda iyo badbaadadooda.

Mashruucan, ayaa waxaa ka mid ah in hilib loo qaybiyo 53,280 qof ka-faa’iideystayaal ah oo ku kala nool deegaannada kala duwan oo ay dadka ku barakaceen iyo kuwa baahan ee Soomaaliya. Hawshaan, ayaa si taxadar leh loo soo Agaasimay si loo hubiyo in si Cadaaladda ah oo habsami leh loo gaarsiiyay gargaarka dadkii u baahna.

Mashruucani waxa uu ka mid yahay mashaariicda Hay’adda Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimo ee lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la fulinaayo Mashaariic badan oo dhinacyo kala duwan ah sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, kor u qaadista sugnaanta cuntada iyo buuxinta baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul ee bulshada dhexdeeda ah.

Waxaan u mahadcelineynaa Xarunta Gargaarka Bani’aadamnimada ee Boqor Salmaan oo si deeqsinima leh iyo Iskaashiga joogtada ah ee hirgelinta Mashaariicda bani’aadamnimada, waxaana xaqiijineynaa sida ay uga go’an tahay sii wadida taageerada aan siineyno kuwa u baahan.

Waxaan si adag uga shaqeyneynaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo iskaashiga joogtada ah si loo dhiso Mustaqbal wanaagsan dhammaan dadka, waxaana ugu baaqaynaa qof kasta inuu ka qayb qaato dadaalladan bini’aadantinimo ee lagu taageerayo dadka dhibaataysan xilliyada ay u baahan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo boqolaal Shacab ah salaadda Ciidda kula tukaday Masjidka Isbahaysig Islaamka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul.

Ciidan Xoogga oo howlgal sifeyn ah kawda gudaha iyo daafaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha iyo daafaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka wada howlgal sifeyn ah oo ka dhan ah kooxaha Khawaarijta ah.

Taliyaha guutada 18-aad Gorgor Gaashaanle Xasan Ciraaqi ayaa hoggaaminaya howlgalka, waxayna ciidanku soo mareen shacabka degana kula hadleen deegaano ay ka mid tahay tuulada Cad-cadey oo hoos tagta degmada Ruun-nirgood.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maal mahaan howlgallo ka dhan ah khawaarijta kawaday degaanno katirsan Gobolka Shabeellada Dhexe,halkaa oo lagu soo qab qabtay xuno katirsan argagixisad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shacabka Caasimadda salaadda Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shacabka ku nool caasimadda Muqdisho Salaada Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaaladda Muqdisho.

Guddomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Salaada Ciida ka dib la hadlay dadweynihii masaajidka ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada ciida, waxaa uuna dadka Soomaaliyeed ku booriyay garab istaagida dadka danta yar.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed midnimo, wadajir iyo in ay taageeraan horumarka dowladnimo ee dalka

Ra’iisul wasaare Xamse oo bulshadda Soomaaliyeed ugu hambaleeyay bilashadda munaasabadda Ciidul Adxa

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Adxaa awgeed. dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibedda.

Ra’iisul wasaare Xamse oo hambalyo gaar ah la wadaagay geesiyadda ciidamadda qalabla sida ayaa sheegay in ciidan tan xigta uu ku han-weyn yahay in dhamman dalka oo idil laga ciribtiray khawaarijta, waxaana uu xusay kaalinta naf-hurnimada leh ee ciidamada geesiyada ah ee ku sugan furimaha dagaalka ee lagu eryanayo khawaarijta.