Madaxda Qaranka oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta arxanka daran

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan Khawaaarijtu kala jecleyn shacab iyo dowlad, isagoo ku baaqay in loo midoobo, garabna loo noqda ciidamada Qaranka.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya” ayuu yiri Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Khawaarijta ayaa habeen ka hor weerar arxan daran ku qaaday xeebta Liido, halkaas oo ay ku beegsadeen dhallinyaro ku caweynayey dalkooda, waxaana halkaas ku shahiiday in kabadan 32 qofood halkan 63 ku dhaawacmeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...