Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay Waxbarashada da’ayarta Soomaaliyeed

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo loogu hadlay Horumarinta Waxbarashada iyo dar-dargelinta Ollolaha Hooyo u hiili Qaranka ee lagu garab istaagayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo shirka goobjoog ka ahaa, ayaa warbixin la xariirta Waxbarashada ka dhageystay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, iyadoona dood dheer laga yeeshay horumarinta goobaha Waxbarashada (Dugsiyadda).

Maamulka Gobalka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa isla qaatay sidii da’yarta soo koreysa loogu faa’ideyn lahaa Waxbarashada Lacag la’aanta ah ee ka jirta dalka, maadaama Wasaaraddu ay horey u qaadatay kun Macalimiin hadana uu socdo qorshe kale oo lagu qaadanaayo macalimiin cusub isla markaana lagu horumarinayo goobaha Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale shirka ayaa warbixin loogu dhageystay Hormuudka Haweenka Hogaaminaya Ollolaha Hooyo u Hiili Qaranka ee lagu garab istaagaayo Ciidamada Qaranka Soomaaliya ee dagaalka ciribtirka Kooxaha Khawaarijta ka wada dalka, Waxa uuna Duqa Muqdisho faray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka in ay si buuxda ugu qeyb qaataan taageerida ollolahaasi.

Shirka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Mudane Cabdullahi Cadaani oo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ku amaanay horumarada ka jira Caasimadda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...