Wasiirka Qorsheynta oo soo xiray aqoon isweydaarsiga tiirka casriyaynta dowladnimada

Date:

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta soo xiray aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo ku saabsanaa tiirka casriyaynta dowladnimada ee qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025-2029).

Aqoon-is-weydaarsigan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa looga gol lahaa in lagu dejiyo yoolalka iyo qorshayaasha qaybaha kala duwan ee tiirkan, oo ay ku jiraan Amniga, Saraynta Sharciga, Siyaasadda loo dhanyahay iyo dib u habaynta hay’adaha dowladda. Waxa kale oo aqoon-is-weydaarsiga looga hadlay sidii daneeyayaasha kala duwan ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii caqabadaha jira loo xallin lahaa.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka ee tiirkan hoos yimaada. Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, Maxamed-Wali Maxamed, oo ah masuulka hogaaminaya qaybta Siyaasadda loo Dhanyahay, ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii laga dooday iyo yoolalka la rabo in la gaaro shanta sano ee soo socota. Sidoo kale, Mudane Cabdi Cismaan, Isku-duwaha Qorshaha Isbedelka Qaran, ayaa sharaxay habka diyaarinta qorshaha iyo waxa weli harsan in la qabto.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Feysal Aadan Xasan, ayaa sidoo kale hadal kooban ka jeediyay gabagabada kulanka, isagoo bogaadiyay dadaalka iyo ka qaybgalka mas’uuliyiinta.

Ugu dambayntii, Wasiirka Qorsheynta, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha aqoon-is-weydaarsiga, kuna booriyay in ay dadaalkooda sii wadaan si loo soo saaro Qorshe Qaran oo wax ku ool ah, isla markaana ay wakhti iyo dadaal badan geliyaan sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...