Home Blog Page 311

Wasiirka arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Madaxda Hay’adda SoDMA 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa shir-guddoomiyay kulan xog isweydaarsi ah oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda oo ay ka qeybgaleen Guddomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin, howlwadeenno iyo lataliyaal ka socday hay’addaasi iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa kulanka ka sheegay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka uu marayo, arrimaha hortabinta u leh hay’adda sida dhisidda awoodda iyo aqoonta howlwadeennada, kahortagga musiibooyinka ka dhaca dalka iyo yaraynta khatarta ay ku leeyihiin muwaadinka iyo hantida Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa u ballanqaaday Hay’adda SoDMA in ay u noqon doonaan wakiil buuxa ee masraxyada caalamka ka iibiya waxqabadka iyo qorshayaasha hortabinta u leh hay’adda maaraynta musiibooyinka.

Madaxweynaha JFS oo ugu hambalyeeyay Dowladda aan Walaalahanahay ee Jabuuti Maalinta Xorriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas, maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku tallaabsatay tan iyo markii ay xornimada qaadatay, isagoo tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalaheenna Jamhuuriyadda Jabuuti sanadguurada 47-aad ee xorriyadda. Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay wadaagaan taariikh dheer, dhaqan iyo dhiig. Waxaan ku faaneynaa horumarka iyo midnimada ay gaareen walaalaheenna Jabuuti, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo hurumar waara.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, isagoo uga mahadceliyey dowlad iyo shacabba doorka ay ka qaateen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray Dowladda Jabuuti 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa hambalyo ku aadan 47-sano guuradii kasoo waraagatay markii wadanka Jabuuti uu ka xorroobay gumeystihii Faransiiska u diray shacabka aynu walaalaha nahay ee jamhuuriyadda Jabuuti iyo dowladooda.

Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xorrnimada maanta ay ku naaloonayaan walaalaha Jabuuti ay usoo mareen dadaal badan iyo halgan dheer loona baahanyahay in ay ilaashadaan horumarka iyo dowladnimada ay maanta heystaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku amaanay horumarka ay heystaan iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka Geeska Afrika iyo kan gobolka.

Bishii Juun 27-keedii sanadkii 1977-dii ayay markii wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda uu xorrnimada ka qaatay dalka faransiiska oo xiligaas gumeysanayay.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyay barwaaqo iyo hormar dowladnimo oo kan kasii balaaran.

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo 

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Mahamuud Moallim Abdulle oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyey Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo Md. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Hoggaamiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha wasiirrada maamulkiisa ayaa hoggaanka SoDMA la wadaagay warbixinnada bani’aadannimo ee ka jira degaannada maamulkaas iyaga oo u xusay sida dadka nugul wali ugu baahan yihiin garab istaag, halka ay ka mahad-celiyeen howlahii gargaar ee hay’addu ka qabatay gobolka Sool.

Ugu danbeeyn Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa booqashadooda kaga mahad-celiyay Hogaamiyaha Maamulka KMG ee SSC iyo wafdigiisa isagoo xusay in hay’addu sii laban-laabi doonto dadaallada bani’aadannimo ee ay ka waddo degaannada SSC-Khatumo.

Shirka Gollaha Wasiirada oo lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Qataha Amniga Qaranka

Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka.

Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:

1. Argagixisada;
2. Aragtida Gooni-goosadka;
3. Dowlad-nugeylka;
4. Xuduudaha Beylahda;
5. Faragelinta Shisheeye;
6. Isbeddelka Cimilada;
7. Khatarta Tiknoolajiyadda;
8. Khataraha Bulshada;

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Khawaarijta waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Xuska 27-ka June ee Maalinta Xorriyadda Jabuuti

Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada Soomaalida ee la isku oran jiray dhulkii udugga, waxayna halgan adag u soo galeem sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.

              Taariikhda Halgankii Jabuuti

Sanadki 1839-kii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacoonaya in uu raadinayo goobo uu ka fushado danahiisa sida Xeebaha badda Cas ,wuxuuna waqtigaasi Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska  ee Somaliland.

Sanadihii 1869-1888-dii Faransiisku,wuxuu heshiis la galay odoyasha beelaha ,si ay ugu ogolaadaan  in gacankaTajura uu ku darsado magaalooyin uu horay u heystay sida Obokh,Dikhil iyo  kuwo kale.

Dhanka kale,Xilligaasi waxaa Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray gumeysi la mid ah kan Faransiiska,oo ay horkacayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana qabsashada dhulka Soomaalida ay  dhaliyeen in la mideeyo awoodda dadka, meelna looga soo wada jeesto quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhaxalka umadda.

Dhaq-dhaqaaqyo xornimo doonka ah oo loogu magac daray xoreynta xeebaha jabuuti ,ayna horkacayaan dhallinyaro isku baheystay Ururka Somal Pan ayaa bartamihii qarnigii 19-aad ka bilowday gudaha dalka Jabuut,,iyagoo taageero ka helay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliya ee SYL, tallaabadaasina waxa ay noqotay bilow wanaagsan oo loo qaaday raadinta xornimo taam ah oo dhameystiram.

Sanadkii 1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heystay qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo kuwo daba-dhilif ah ,ayaa qabtay afti dadweyne oo ku saabsan in Jabuuti ay ku sii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani, waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

Codeynta aftidaasi oo lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab ku shubasho ah oo ay daneynaayeen Faransiiska waxay kalliftay in shacbiga Jabuuti ay colaad iyo naceyb u qaadaan maamulkii Jabuuti ee taabacsanaa gumeysigii Faransiiska,

Siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa dadaal u galay in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa  ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna  sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowgii shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jeclaa midowga dadka Soomaaliyeed,kana horjeeday gumeysiigii Faransiiska ee qabsaday Jabuuri waxa uu muteystay oo abaal ahaan uu u helay in lagu qoro diiwaanka halgamayaasha Soomaliya,isagoo si gaar ah  loogu magac daray dugsi ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho .

Dhinaca kale,Cali Caarif Burhaan, ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ku caanbaxay naceybka midowgii dadka Soomaaliyeed,wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1960-66-dii ,isagoo la safan maamulkii gumeysiga Faransiiska uu si cad u muujiyay sida uu uga horjeedo in lagu biro bahweyntii Soomaaliyeed.

Sanadkii 1967-dii Faransiiska iyo maamulkii been abuurka ahaa ee loo sameeyay Jabuuti waxaa,iyagoo raadinaya kalsoonida shacabka ay magacii dhulka Faransiska ee Soomaaliland ku baddaleen dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Toban sano ka dib,afti la qabtay 8-dii May 1977-dii  dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani, waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.

Wafdi ka socday Dowladii Mileteriga ee Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayey Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa Madaxweyne ku xigeen ayaa ka qeybgalay xafladdii caleeemo saarka madaxweynihii Jabuuti ,waxayna shacabka dalkaasi la qeybsadeen farxadda iyo dabbaaldegyada loo sameeyay maalinta xoriyadda iyo dhalashada dowladda cusub.

Inkastoo lagu guuleystay helitaanka xornimo taam ah iyo dowlad cusub oo ay heleen Jabuuti,haddana,waxaa halkaasi ku soo gabagabobay dadaal socday 1960-77-dii oo Dowladdii Rayidka iyo Dowladdii Mileteriga ee Soomaaliya ay u galeen sidii dadka Jabuuti ay wax ula qeybsan lahaayeen bulsh weynta Soomaaliya.

Dad badan ayaa  naftooda ku waayay intii uu socdayhalgankii reer Jabuuti ,kuwo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,halka  sidoo kale ay jireen  kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Xuskaan oo ah kii 47-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu qaatay xorriyaddiisa,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhaceen gudaha Dalka Jabuuti, Soomaaliya iyo dalal kale.

Haddaba,anagoo ka faa’odeysaneyna xuskaan waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka  reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.

Wasiirka Owqaafta oo Shahaado Sharaf siiyay Warbaahinta Qaranka 

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa Shahaado Sharaf ku abaal marisay Warbaahinta Qaranka oo shaqo wanaagsan ka qabatay soo gudbinta xogta rasmiga ah ee xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan.

Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranku ay bulshada u soo bandhigtay hormarka la taaban karo ee dowladdu ka sameysay adeegga xujeyda Soomaaliyeed oo meel wanaagsan soo gaaray, waxa uuna sheegay inay tahay abaal marintaan mid ay ku muteesteen, Soo gubinta xogta saxda ah ee Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Owqaafta, ayaa sanadkaan wax badan oo is badal muuqda ah ku sameysay adeegga xajka waxaana hadda socda dadaal sanadka dambe laga sii hormarinayo halka uu hadda soo gaaren howlaha xajka.

Warbaahinta Qaranka,ayaa u taagan inay bulshada Soomaaliyeed usoo gudbiso,wax qabadka Dowladda iyo howlaha socdaan oo ay waddaan hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Ciidanka Booliska oo soo xiray 9 eedaysane oo ka tirsanaa Ciidmada Qaranka sida

Howlgal ay fuliyeen Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaya Hey’adaha ammaanka Caasimadda, ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Askarta lagu soo qabtay howlgalkaas ayaa lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii laga soo saaray inaan la ridi karin rasaas loogu dabaal-degayo Todobaadka Xorriyadda.

War kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri “Waxaa socota baaris, maadaama uu jiro khasaare ka dhashay rasaastii sharci darada aheyd ee xalay la riday, sidoo kale hey’adaha ammaanka waxay baadi goob ugu jiraan tiro kale oo askar ah iyo gaadiidka xabado laga dul riday.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay taallada dhagax-tuur

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay Ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar ka mid ah Halgameyaashaasi, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga miradhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Ra’iisulwasaare Xamse oo la kulmay safiirka cusub ee Maraykanka u fadhin doona Soomaaliya

0

– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay danjiraha cusub ee Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley, iyaga oo ka wada hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu socday kulanka waxa uu ka warbixiyay siyaasadda guud ee Xukuumadda DanQaran, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markale caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheeggii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda. Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse ay ku xiran tahay, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabanayso damaceeda gurracan.

Danjiraha Mareykanka Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026.

Safiirku waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.