Home Blog Page 311

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta Kormeer Shaqo ugu tagay Kumaandooska Ilaalo Qaran

0

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta kormeer shaqo ugu tagay Kumaandooska Ilaalo Qaran oo howlgallo sifayn ah maalmahaan ka waday deegaanada Ciid Ciidka iyo Cali Fool Dheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe.
Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay sida ay waajibkoodi ciidanimo uga guteen khawaarijtii ku dhuumaalysanaysay Ciid Ciidka ,isagoona xusay ineey tahay wax ay ku mudanyihiin bogaadin iyo amaan gooni ah.

Sidookale taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiishaba kula dar daarmay ineey sii laba jibaaran dadaaladooda ku aaddan baacsiga iyo sifaynta khawaarijta ee goobaha duurka ah ee ay isku dayaan ineey isku soo aruursadaan kana soo maleegaan weeraro fulaynimo ah .
Taliska ciidanka dhulka oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo lagu guubaabinaayo geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira khawaarijta ,isagoo taliyuhu ku sugan yahay furumaha horre ee dagaalka .

Koonfur-galbeed oo lagu qabtay kulan loogu diyaar garoobayo la dagaalanka Khawaarijta Wejigiisa 2-Aad

0

Wasiirka wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Abduqaadir Maxamed iyo Taliyaha Booliska maamulka Koonfur Galbeed G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa Si-wadajir ah u shir gudoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Waxaa shirka kasoo qeyb galey saraakiisha Gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo Taliyaha Qeybta Gobolka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka Baarista ee CID iyo Taliyasha Rugaha Booliska Baydhabo

Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka khawaarijta loogu xoreynayo Gobollada Baay, Bakool iyo Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed uu faray saraakiisha iyo askarta in ay heegan buuxa galaan.

Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Bacaadweyne

0

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayna wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulkaadir Maxamed Nuur, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Alcadaala iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda iyo Galmudug ayaa soo gaaray Magaalada Bacadweyne ee koonfurta Gobolka mudug halkaas oo ka mid ahayd Deegaanadii laga xoreeyay khawaarijta

Wafdiga ayaa waxa Bacadweyne ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka mudug, Mamaulka Bacadweyne, Guddiga Difaaca iyo dibu xoreynta Koonfurta Mudug, Lataliyaha Madaxweynaha Qaranka Sakariye Xasan Gaashaan, Saraakiisha Ciidamada iyo shacabka Bacadweyne

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa iminka kulan la qaadanaya Masuuliyiintii gobolka,kuwa deegaanka,Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka.

 

Xafiiska Hantidhowrka oo Faray masuuliyiinta gacanta ku haya Baabuurta Dowladda in ay soo celiyaan

0

Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka oo ka duulaya ilaalinta iyo maamul wanaagga Hantida dowladda waxa uu ku wargelinayaa dhammaan mas’uuliyiinta halkan hoose ku xusan in ay si dhaqsi ah u celiyaan gaadiidka dowladda ee kujira gacantooda.

Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey habraacyadda lagula dagaalamayo musuq maasuqa sidoo kalena kor loogu qaadayo hufnaanta shaqo ee Haya’addaha Dowladda.

WARBIXINTA TODDOBAADLAHA EE DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Taliye Ku-Xigeenka Xoogga Dalka u magacaabey General Maxamed Nuur Ufurow, isla markaana Taliyaha Ciidanka Lugta u magacaabey G/le Sarre Dayax Cabdi Cabdulle si loo dardar geliyo hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay saraakiisha guutooyinka Gorgor kana dhegeystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha ayaa ku baaqay in muwaadiniintu qaataan si loo sugo amniga loona horumariyo adeegyada dadweynaha.

5- Guddoonka labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya oo lagu soo bandhigay doorka walaalaha Jabuuti iyo taariikhda casriga ah ee dowladnimada Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu horumar ka sameysay amniga kana shaqeynayso Soomaaliya ka caaggan argagixisada.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray sanduuqa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay qaadashada warqadaha aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, oo lagu beegay maalinta caalamiga ah ee aqoonsiga dadweynaha 16 Sebtembar.

9- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada New York uga qaybgalaya Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada New York khudbad ka jeediyay kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee Caalamka, wuxuuna kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tallaabsanayo.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York, kula kulmay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daahfuray mashruuca soo Dib u Soo Kabashada Xasaradaha Soomaaliya.

13- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu meel mariyay heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

14- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ku ciribtirayaan Khawaarijta.

15- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka ay inta badan gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta, gacantana ku dhigay magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara, Qeycad, Xiin labi, Qodqod iyo deegano kale oo istaraatiiji ah.

16- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa kormeer ku tagay magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo laga saaray Khawaarijta.

17- Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Agaasimaha NISA Mahad Salad Maxamed oo gaaray deegaano laga saaray Khawaarijta oo Mudug ka tirsan.

18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa deegaanada Nuur-Dugle iyo Caddaan Laxey kula hadlay Ciidamada Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka ayaa adkeeyay iskaashiga ciribtirka Khawaarijta.

19- Ciidanka Qalabka Sida ayaa fashiliyay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo Khawaarijta ku weerareen deegaanka Laas-Gacamay oo hoos taga magaalada Bacaad Weyne oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Galmudug, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

20- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ugu baaqay dadkii ay Khawaarijtu xoogga uga saareen deegaanada la xoreeyay ee Galmudug in ay dib ugu soo noqdan guryahooda.

21- Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhiiragalin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee degaanadii dhowaan laga xoreeyay ee gobollada Mudug iyo Galguduud.

22- Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho oo fulinaya howlgalo amniga lagu sugayo ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari laga so buuxiyay walxaha qarxa oo ay Khawaarijtu dooneysay inay shacabka ku leyso.

23- Maamulka Gobolka Banaadir oo raashin ay iska soo uruuriyeen bulshada caasimada ku wareejiyey Taliska Xoogga Dalka si loo dhiira galiyo hawlgalka ciribtirka Khawaarijta.

24- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe) oo ku sugan magaalada Riyaad ee Sacuudi Caraabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga Amiir Abdul-Aziz bin Saud, kuwaa oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta amniga.

25- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini), oo horay Xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September 11-keeda ee sannadkan.

26- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Ururka G77+China oo laba maalin ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

27- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska Bangiga ee dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay Nairobi.

28- Haweenka Magaalada Ceelguula ee Gobolka Mudug ayaa deeq taakulo ah oo iskugu jirtay xoolo, biyo iyo cunooyin ku wareejiyay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka.

29- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo bandhigtay hanaanka wadatashiga ee Istaraatiijiyada jiilka shanaad (5G).

30- Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

31- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay duufaanta El-Nino.

32- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Bay ku dilay madaxii maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Bay Aadan Gardhuub iyo Maleeshiyaad uu watay.

33- Horjooge, Xasan Musdhaf Dhaayoow oo loo yaqaanno (Shiniyey ) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Baay.

===DHAMMAAD====

Isra’iil oo ku dhawaaqday go’doominta Marinka Qasa

Isra’iil ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba go’doominayso Marinka Qasa, taasoo la micno ah inay ka jarayso cunnada, biyaha, korontada iyo dhamaanba adeegyada lagama maarmaanka u ah noolasha.

Magaalada Qasa oo ay ku nool yahiin ku dhawaad Laba Milyan oo ruux ayaa waxaa maamula kooxda Xamas oo hadda dagaal kula jirta Isra’iil.

Dhimashada labada dhinac ayaa sii kordheysa, iyada oo weli ay dagaallada ka sii socdaan halkaas.

Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in dhowr iyo toban Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan Haween iyo Carruur, lagu dilay duqeyn ay Isra’iil ay shalay galinkii danbe ka geysteen xerada Jabaliya

Saraakiisha caafimaadka ayaa intaas ku daray in dad ka badan 500 oo qof ay ku dhinteen dagaalladaii ugu dambeeyey, halka 120,000 oo qofna ay guryahooda ka carareen.

Midowga Yurub oo ka laabtay hakinta gargaarkii uu siin jiray Falastiiniyiinta

Guddiga sare ee Yurub ayaa dhawaan ku dhawaaqay inaay joojinayaan gargaarka ay siiyaan Falastiiniyiinta, ka dib weerarkii dhaqdhaqaaqa Xamaas uu ku qaaday Israa’iil.

Midowga Yurub ayaa galinkii danbe isniintii shalay ka laabtay hadal ka soo baxay Midowga Yurub oo ku saabsanaa in Ururka uu si degdeg ah u hakin doono kaalmada uu siiyo maamulka Falastiiniyiinta, isagoo taa beddelkeeda sheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan gargaarka la siiyo Falastiiniyiinta, ka dib weerarradii ay Xamaas ku qaadeen Israa’iil.

Xaflad lagu abaalmarinayay tartamayaashii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii Ramadaanka oo Muqdisho ka dhacday

0

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad weyn oo lagu abaalmariyey tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii bishii Ramadaan ay qabatay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirrada warfaafinta iyo wasiirka arrimaha gudaha ee XFS, wasiirrada waxbashada dowladda federaalka iyo Galmudug, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, xubno ka tirsan BFS, maamulka Bangiga IBS, masuuliyiinta warbaahinta qaranka iyo marti sharaf badan ayaa ka soo qeyb galay xafladaan lagu soo gunaanaday tartan aqooneedkii bisha Ramadaan.

Degmooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Hodan oo kala galay seddaxda kaalimood ee ugu horeysa tartanka ayaa caawa xafladaan lagu guddoonsiiyey koobka, waxaana dadaalkooda ugu hambalyeeyey masuuliyiintii ka soo qeyb gashay munaasabadda.

In ka badan 700 oo ruux oo ku dhintay duqeymaha Israa’iil ee ka socda Qaza

In ka badan 700 oo ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan 140-caruur ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen  duqeymaha Israa’iil,kadib kolkii ay go’doomiyeen deegaanka Gaza oo dadka ku nool ay u baahan yihiin  cunto iyo shiidaal.

Wasiirka Caafimaadka Falastiin ayaa dalbaday in la la sameeyo waddo nabdoon oo soo gasha Gaza si gargaarka caafimaad loo soo gaarsiiyo cisbitaalada halkaasi oo ay buux dhaafiyeen tiro dad ah oo aad u fara badan.

Kooxda Xamas ayaa sheegtay in ay dili doonto dadka Israeli ee ay heystaan,haddii aysan joojin weerarada iyo duqeynaha ay ku hayaan dadka rayidka ah.

“Waa dambi dagaal marka loo eego qawaaniinta Qaramada Midoobay in dad rayid ah la go’doomiyo si ay ugu dhintaan gaajo” sarkaal u hadlay Falastiin ayaa yiri.

Dagaalka u dhaxeeyay Israa’iil iyo Falastiin ayaa bilowday maalinimadii Sabtida ee la soo dhaaafay, waxaanna tirade dhimashada Israa;iil ay mareysaa 900 oo qof,iyadoo colaadaha cusub ay dabajoogaan ciidanka Yuhuudda oo sanadihii u dambeeyay  geystay falal xasuuq ah oo ka dhan ah dadka Falastiin iyo in ay mamnuucaan ama xoog ku galaan goobaha barakeysan sida Masjidka Al-Aqsa.

 

Hawlgallo lagu beegsanayo Khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe

0

Howlgallo lagu naafeeyey Khawaarijta oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa saaka laga fuliyey degmooyinka Bu’aale, Jilib iyo Saakow oo hoos yimaada Gobolka Jubbada Dhexe.

Hawlgalkan oo ahaa Duqeymo dhanka cirka ah ah ayaaa lala beegsaday Xarumo ay horjoogeyaasha iyo Maleeyshiyaadka Khawaarijtu kaga sugnaayeen Gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladda Soomaliya ayaa maalmihii u dambeeyey xoojisay hawlgalada lagu beegsanayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxda Khawaarijtu.