Home Blog Page 310

Jubbaland oo soo bandhigtay xubno gacansaar la yeeshay Khawaarijta

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland
ayaa maanta soo bandhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47 iyagoo ula dhaqaaqay dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe si ay argagixisada uga iibsadaan hantida Dowladda ee lagu aaminay.
Ka hor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay hadda wax walbo waxa ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga.
Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen argagixisada kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan Khawaarijta balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay argagixisada iyo raggan khiyaanada Qaran ku kacay.

Ra’iisul Wasaaraha Ireland: Midnimada Israa’iil waay baabi’i doontaa haddii ay sii waddo duqeymaha ay ka waddo Qaza

Ra’iisul wasaaraha dalka Ireland Leo Varadkar, ayaa sheegay in midnimada Isra’iil ay meesha ka bixi doonto haddii ay sii waddo jawaabaha xad dhaafka ah ee ay ka bixinayso weeraradii ugu dambeeyay ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas ay ku qadeen Isra’iil.

Mr Varadkar, ayaa Raadiyaha iyo Telefishinka Irishka ee RTA, ka sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is difaacdo, balse jawaabaha ay bixineyso ay yihiin kuwa xad dhaaf ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxa jira xiriiro badan oo caalami ah oo wakhtigan Israa’iil ay la leedahay Caalamka, waxana aaminsanahay in ay taasi burburi doonto haddii ay Israa’iiliyiinta ku sii adkaysato falalka ay ka wadaan Qaza”.

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Argagaxisada Al-shabab kaas oo Ku Howlanaa Wax Yeeleeynta Shacabka ku Nool Caasimada Muqdisho.

Ciidamada Amaanka ayaa beryihii u dambeeyey xoojiyey hawlgalada lagu fashilinayo falalka Amni darro ee ay soo abaabulaan khawaarijtu.

Laammaha Amniga ayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee U taagan Gacan Siinta Ciidanka Amniga Soomaaliyeed.

 

Xukunka waayeelkii loo Dilay Dhaxal aan lagu lahayn

0
Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah.
Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka maraykanka ah.
Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray hooyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.
Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah.
Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.
Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Sadaxdii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.
May be an image of 2 people, poster and text

Dhulgariir xooggan oo mar kale ku dhuftay Afghanistan

Dhul gariir cabirkiisu yahay 6.3 ayaa ku dhuftay galbeedka dalka Afgaanistaan, kadib markii dhowaan ay dalkaasi ka dhaceen dhul gariir ay ku dhinteen in ka badan 2,400 oo qof.

Dhulgariirkaan oo ahaa mid xooggan ayaa ku dhuftay deegaan u dhow magaalada Herat ee xarunta gobolka Herat, subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ah.

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhaawacantay dhul go’a xiray wadada weyn ee isku xirta Herat iyoTorghundi, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press, oo soo xiganeysa afhayeenka wasaarada warfaafinta Abdul Wahid Rayan.

Dhulgariirka ayaa sidoo kale dhulka la simay 700 oo guri oo ku yaal tuulada Chahak,waxaana jira xogo kooban oo ku saabsan saameynta degdegga ah ee dhulgariirka.

 

Hawlgalo lagu burburiyay Gooba ay ku dhuumaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahan Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB oo kaashanaya Ciidamada daraawaaiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ahaa Khawaarijta Al-Shabaab ka fuliyay dhul howd ah oo kuyaalla Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalladan ka sameeyay degaannada kala ah, Aboodin, Buuro banaan, Jideyso iyo Garasiinda, halkaas oo la sheegay inay maleeshiyaadka Khawaarijta ku lahaayeen fariisimo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan Gobolka Jubbada Hoose.

Sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee DANAB, Gaashaanle Carab Dheeg Axmed, ujeedka howlgalkan ayaa ahaa Burbrinta saldhigyada Khawaarijta ay ku lahaayeen degaannadaas, si looga hortago weerarada ay geystaan.

Wafdi uu hoggaaminaya Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray Furumaha Ciidanka ee koonfurta Mudug

0
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Warfaafinta Al cadaala iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray rugaha Ciidanka ee koonfurta gobolka Mudug.
Wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay cutub ka tirsan Guutada 27aad ee Abuu dujaana ee qeybta ka ahaa xoreynta Magaalooyinka muhiimka ah ee Koofurta Mudug ayaa ku amaaney in ay furimaha kusii nagaadeen xili fasax gaaban la siiyey ururadii kale ee guutada.
Madaxwaynaha Galmudug ahmed Cabdi kaariye QoorQoor ayaa sidoo kale ciidankan ku amaaney go’aanka ay ku difaacayaan dadkooda, dalkooda, iyo diintooda.

Maraykanka oo Masar iyo Israa’iil kala hadlaya sidii marin ammaan ah loogu heli lahaa dadka ka barakacaya Qaza

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Maraykanka Jake Sullivan, ayaa galinkii danbe ee shalay sheegay in Maraykanku uu wadahadallo kula jira Israa’iil iyo Masar, sidii ay marin ammaan ah ay u heli lahaayeen dadka rayidka ah ee Qaza, oo ay ku socdaan duqaymo aan kala joogsi laheen.

Shir jaraa’id oo uu Jake Sullivan ku qabtay Aqalka Cad, ayuu diiradda ku saaray ka hadalka weeraradii dhawaan ka dhacay gudaha Isra’iil iyo duqeymaha ka socda Qaza.

Ciidamada Isra’iil ayaa maalintii shanaad duqeyma xooggan ka wado marinka Qaza, kuwaa oo ay ku dhinteen in ka badan 900 oo Ruux, halka ku dhawaad ​​4,600 oo qofna ay ku dhaawacmeen,  taasi oo ay u sii dheer tahay burbur baaxad leh oo soo gaaray dhismooyin ay deganayeen dad rayid ah.

 

Wasiirka Maaliyadda DFS Biixi Imaan oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Ceymiska (MIGA).

0
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaaalda Marrakesh ee dalka Morocco ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Ceymiska Maalgashiga Caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (MIGA) oo ka mid ah hey’adaha hoostaga Bankiga Adduunka.
Kulanka uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka MIGA Mr. Junaid Ahmed ayaa looga hadlay sida Soomaaliya ay usoo jiidan laheyd indhaha maalgashiga caalamiga ah iyagoo laga faaiideysanayo caymiska iyo dammaanad qaadka Hey’adda #MIGA ee Bankiga Adduunka. Maalgashiga shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa laf-dhabar u ah soo kabashada dhaqaale ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa dalka Talyaaniga

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga Mudane Lorenzo Fonta.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la dhiso guddi saaxibtinimo ee labada Baarlamaan. Sidoo kale waxeey ka wada hadleen xojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Mudane Lorenzo Fonta oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku boggaadiyay shaqada adag ay Golaha Shacabka qabteen saddexda kalfadhi ay shaqeeynayeen, isagoona intaa ku daray in Dowladda Talyaaniga ay garab istaageyso halganka dalka looga xorreynaayo Khawaariijta.

Gunnaanadka kulanka labada guddoomiye ee labada baarlamaan ayaa looga hadlay arrimaha amniga, xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, waxaana Guddoomiyaha kulanka ku weheliyay xildhibaanno iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh ayaa dhigiisa dalkaasi ku casuumay inuu Soomaliya yimaado si uu u arko horumarka dalka ka jira iyo shaqooyinka Baarlamaanka wuuna ka aqbalay.