Home Blog Page 310

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kigali kaga qeybgaley caleema saarka Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo dhowaan dib loo doortey.

2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kigali kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib booqasho laba maalmood ah ku tagey magaalada Qaahira ee dalka Masar.

4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

5. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar oo heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah ku kala saxiixday magaalada Qaahira.

6. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka teleefonka kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha kaga hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee looga saarayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshaha dimuqraadiyeynta iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

8. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay saddex dhalinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.

9. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, Ammar Ali.

10. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayey dejinta qorshaha kobaca iyo casriyaynta dhaqaalaha Soomaaliya deyn cafinta kaddib, iyo ku biirista Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika.

11. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay madasha horumarka oo looga hadlayay dajinta qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha dalka ee deyn cafinta kadib.

12. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeer ku tagay xarunta qaran ee howlgalada gurmadka deg-dega ah oo hoostagta Hay’adda SODMA.

13. Wadahadaladii Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka socday magaalada Ankara ee garwadeenka ay ka tahay Dowladda Turkiga ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana lagu balamey wareeg 3aad oo dhici doona bishii September.

14. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Muqdisho oo dhawaan la baneeyay.

15. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley, iyagoo ka wadahadley taageerada horumarka dhinaca warbaahinta ee Soomaaliya.

16. Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa kulliyadda Turksom tababar ugu soo xiray saraakiil xigeeno ka mid noqonayo Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo tababar takhasus u aadaya dalka Turkiga.

17. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa kormeer ku tagay isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo ay yalaan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta ee Xeebta Liido.

18. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa deeq lacageed ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Qaranka ee shacabkii ku dhaawacmay qaraxii Liido ee magaalada Muqdisho .

19. Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa soo qabanqaabisay kulan wadatashi oo muhiim ah, kaas oo looga hadlay Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Qorshaha Isbedelka Qaran.

20. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh, ayaa kulan la qaatay Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis, iyagoo ka wadahadley arrimah amniga iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

21. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

22. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa soo bandhigtay natiijada tartanka 3,000 oo macallimiin cusub ah oo ka hawalgeli doona dugsiyada dalka.

23. Dowladda Masar ayaa magaaladda Muqdisho si rasmi ah dib uga furtey xarunta cusub ee safaaraddeed.

24. Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa in ka badan 30 Khawaarij ah ku dilay hawlgalo ka dhacay degaannada Yadi iyo Xaliimo Caddey oo hoos taga degmada Badhaadhe ee Jubbada Hoose.

25. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeeray taliska cusub ee loo diyaarinayo Ciidanka Dhulka oo laga hirgelinayo Degmada Hodan.

26. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ku dilay ku dhowaad 10 Khawaarij ah, isla markaana cadowga ka furtay hubkii iyo gaadiidkii ay wateen.

27. Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta guud ee INTERPOL oo ku taalla magaalada Lyon ee Dalka France.

28. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleystay saddex shahaaddo oo caalami ah oo uu bixiyo ururka caalamiga ah ee ISO.

29. Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay madaxa UNDP ee Somaaliya Mr. Lionel Laurens.

30. Horjooge Aaden Raabbi Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isu soo dhiibay guutooyinka Ciidanka Xoogga Dalka ee degaanka Farlibaax oo 45 km galbeed kaga beegan Beled Weyne.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1. President Hassan Sheikh Mohamud attended the inauguration of Rwandan President Paul Kagame who was recently re-elected in Kigali.

2. President Hassan Sheikh Mohamud held separate meetings with Rwandan President Paul Kagame and Kenyan President William Ruto in Kigali.

3. President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the country after a two-day official visit to Cairo, Egypt.

4. President Hassan Sheikh Mohamud met with Egyptian President Abdel Fattah El Sisi in Cairo, where they discussed strengthening relations and cooperation between the two countries.

5. The Federal Republic of Somalia and the Republic of Egypt signed a defense cooperation agreement in Cairo.

6. President Hassan Sheikh Mohamud had a telephone conversation with the President of the Republic of Turkey, Mr. Recep Tayyip Erdoğan.

7. President Hassan Sheikh Mohamud gave a speech after Juma prayers in Mogadishu, where he spoke about the acceleration of the war against the Kharijites and ways to remove from the few remaining areas in the country, the economic growth and the implementation of the democratization process and the country’s elections.

8. Prime Minister Hamsa Abdi Barre has commended and gave rewards to three young men in Mogadishu who sacrificed their lives to save the people injured during the terrorist attack at Lido Beach.

9. Prime Minister Hamsa Abdi Barre received in his office the Charge d’Affaires of the Sudanese embassy in Somalia, Ammar Ali.

10. Prime Minister Hamsa Abdi Barre has closed the Forum of Somalia’s Perspectives by Heritage Institute, which discussed the establishment of a plan for the growth and modernization of Somalia’s economy after debt relief and joining the East African Economic Community.

11. The Deputy Prime Minister of Somalia, Mr. Salah Ahmed Jama, inaugurated the national development forum, which discussed the development of the country’s economic growth plan after the debt relief.

12. The Speaker of the People’s Assembly of the Federal Parliament of Somalia, Mr. Sheikh Adan Mohamed Noor (Madobobe) visited the National Emergency Operations Center of SODMA.

13. The talks between Somalia and Ethiopia, which were held in the city of Ankara under the auspices of the Turkish government, have been concluded and a third round has been scheduled for September.

14. The Minister of Interior of Somalia Mr. Ali Yusuf (Ali Hoosh) inspected the construction of the Ministry of Interior in Mogadishu which was recently vacated.

15. The Minister of Information, Culture and Tourism of Somalia, Mr. Daud Aweis Jama, met with the US Ambassador to Somalia, Richard H. Riley, in Mogadishu, discussing support for the development of media in Somalia.

16. The Minister of State for Defense, Omar Ali Abdi, has attended the closing ceremony at Turksom College where SNA military officials concluded a training and are preparing for specialized training to Turkey.

17. The Minister of Agriculture and Irrigation of Somalia, Mr. Mohamed Abdi Hayir, visited the Erdogan hospital (Ex Digfeer) where some of the injured people were injured in the attack of the Kharijites Al Shabab in Lido Beach.

18. The Minister of Agriculture and Irrigation of Somalia, Mohamed Abdi Hayir has handed over a donation to the National Emergency Committee for the people injured in the Lido explosion in Mogadishu.

19. The Ministry of Planning, Investment and Economic Development of Somalia has organized an important consultation meeting, which discussed the Economic Development Pillar of the National Transformation Plan.

20. 20-The Minister of Interior, Federalism and Reconciliation of Somalia, Mr. Ali Yusuf Hoosh, had a meeting with the British Ambassador to Somalia, Mr. Mike Nithavrianakis, discussing security issues and the electoral process in Somalia.

21. 21-The Governor of Banadir Region and the Mayor of Mogadishu Mr. Yusuf Hussein Jimale (Madaale) chaired the meeting of District Commissioners of Banadir Region.

22. The Ministry of Education, Heritage and Higher Education has announced the results of the competition for 3,000 new teachers who will work in the country’s schools.

23. The Egyptian government has officially reopened its embassy in Mogadishu.

24. The Danab Brigade of the National Army and Jubbaland administration’s Darwishes killed more than 30 Khawarij in operations that took place in the areas of Yadi and Halimo Addey in Badhadhe district of Lower Jubba Region.

25. The Commander of the Somali National Army Major General Ibrahim Sheikh Muhuddin inspected the new command prepared for the Land Forces that is being constructed in Hodan District.

26. The Somali National Army has killed about 10 Kharijites Al Shabab in the Galcad district of Galgaduud region, and has cleared the enemy of their weapons and vehicles.

27. A delegation led by the Commander of the Somali Police Force, General Sulub Ahmed Firin, visited the headquarters of INTERPOL in Lyon, France.

28. The National Telecommunications Agency has won three international certificates from the international organization ISO.

29. The Chairman of the Disaster Management Agency, Mr. Mohamud Maallin Abdulle, met with the head of the UNDP in Somalia, Mr. Lionel Laurens.

30. One of the team leaders in the Kharijites Al Shabab terrorist group, Aden Rabbi Abdullahi has surrendered to the Somali National Army unit in Farlibah area, which is 45 km west of Beled Weyne.

Xildhibaanno ka dalbaday Qurba joogta inay ka qeybqataan dhismaha Isbitaalka Gado

0

Mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo,ayaa codsaday in Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya,Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qurbo joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibadda ay ka qeybqaataan dhismaha Isbitaalka weyn oo loo qorsheeyay in laga dhiso gobolka Gedo.

Mas’uuliyiinta oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Duniyo Sheekh Axmed,Anfac Xashi Goodir oo kamid ah golaha deegaanka Magaalada Oslo ee Norway iyo maamulka Degmada Dooloow, ayaa booqday goobta loo qorsheeyay in laga hirgaliyo Isbitaalka .

Booqashada goobta Isbitaalka oo ay sidoo kale xaadireen oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale waxa ay si gaar ah uga dalbadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubballand inay qeyb libaax ku yeeshaan  dhismaha Isbitaalka oo wax badan u qaban doona dadka deegaanka Gedo.

Dhaqaatiirta waaweyn ee magaca ku leh bulshada dhexdeeda, ayaa sidoo kale laga codsaday in ay gacan ku yeeshaan taabagalinta Isbitaalka oo ku fadhiya dhul gaaraya 1050 mitir.

Cabdullaahi Cumar Abshirow oo Shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee BJFS 

0

Guddiga joogtada ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankiisa sideedaad ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa guddiga joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha golaha shacabka gaar ahaan shaqooyinkii ugu dambeeyay ee qabsoomay ,howlaha baaxada leh ee golaha horyaala iyo sida ay muhiim u tahay in goluhu dardargeliyo waajibaadka qaran ee ay Shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa ka dooday ajendayaasha golaha ee todobaadka soo socda iyo ay sida horutebinta u kala leeyihiin,waxaana ugu dameyn isku raaceen in la xoojiyo shaqada golaha shacabka si uu goluhu uga howlgalo ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee Dalka.

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo sheegtay in ay bilaaban doonto qaadista canshuurta gadida 18 Agoosto, 2024 

0

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay marwalba uga mahadcelineysaa shacabka Soomaaliyeed doorka wanaagsan ay ka qaataan kobcinta dakhliga dowladda, kaas oo muhiim u ah inay dowladdeenu gudato waajibaadyada kaga aadan muwaadiniinteeda sida sugidda ammaanka iyo bixinta adeegyadda muhiimka oo ay ka mid yihiin cadaaladda iyo waxbarashadda.

Waxaa xusid mudan in canshuurta ay bixiyeen canshuur-bixiyaasha kala gedisan ay u horseeday in markii ugu horeysay taariikhdeena, dowladdu ku guuleysato in ay dakhliga gudaha ku filnaado oo wada daboolo mushaharaadka kala gedisan ee dowladdu siiso Shaqaalaheeda, Askarta, Dhaqaatiirta isbitaaladda dowladda iyo shaqaalaha kale. Sidaas oo kale, dakhliga gudaha ee canshuur-bixiyayaashu soo geliyeen dowladda ayaa suurageliyay in la daboolo mushaarka 6,000 oo macalin oo ay dowladdu shaqaalaysiisay labadii sanno ee la soo dhaafay. Kharashyadan kala duwan ayaa wakhti dheer laga kabi jiray deeqa dibedda.

Wasaaradda Maaliyadda oo ku dadaaleysa in dalkeenu gaaro isku-filnaasho maaliyadeed, awoodna u yeesho bixinta adeegyadda muhiimka ah sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ayaa dadaal ballaaran gelisay sidii loo kobcin lahaa dakhliga gudaha iyadoo la xoojinayo hanaan- ka loo qaado canshuuraha kala gedisan. Taas oo keentay in la adeegsado nidaamyo casri oo horumarinaya hufnaanta iyo isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo in canshuurta muwaadiniinteena ay bixiyaan ay si toos ah u gaarto kaliya Khasnadda Dhexe ee Dowladda.

Hadaba, Wasaaradda oo dadaaladaas xoojineysaa ayaa dhawaan ku dhawaaqday casriyeynta hanaanka qaadista canshuurta gadida (Sales tax), oo ah canshuur dadban oo ay bixinayaan dadka iibsanaya badeecaddaha iyo adeegyada. Canshuurtan ayaa ahayd mid ay ganacsatadu dowladda u qaadaan kadibna u shubaan waqtiga ay bixinayaan canshuuraha kale ee ku waajibay ganacsiyadooda.

Wasaaradda, ayaa ku guuleysatay in nidaamyadda badeecooyinka iyo adeeg- yadda lagu kala gato ee loo yaqaano koontooyinka ganacsiyadda (Merchant Accounts) si toos ah uga jarto canshuurta wakhtiga ay dhaceyso kala gadasho kasto oo ay sameynayaan ganacsi- yadda iyo macaamiishoodu, canshuurtaas oo toos ugu dhacaysa Khasnadda Dhexe ee Dow- ladda.

Wasaaradda wax ay ku wargelineysaa dhammaan ganacsiyadda kala gedisan in laga bilaabo tariikhdu marka ay 18-ka Agoosto, 2024 ay qaan-sheegad kasto oo ay macaamiishoodu alaab ku gad- anayaan ay ku daraan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadida si looga baaqsado in ganacsadaha lacagtii uu alaabta ku gatay ay u go’do canshuur ahaan. Si taas la ah waxaa la ogeysiinayaa ma- caamiisha ganacsiyadda iyo muwaadiniinta in wasaaradu si toos ah u dhaqangelin doonto qaadi- da canshuurta gadida.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirada Beeraha Dowlad Gobaleedyada dalka

0

Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareye) oo ay wehliyaan Wasiirrada dowlad gobaleedyada Wasaaradaha Beeraha oo safar shaqo u joogo Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle, ayaa shir ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Wasaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeele.

Inta uu kulanka socday, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayaa soo bandhigtay howlaha la xariiro beeraha ay ka wadaan Hirshabelle sida Mashaariicda Horumarineed ee Beeraha.

Madaxdu waxey sidop kale la kulmeen Iskaashatoyinka Beeraha iyaga oo la wadaagay siyaasadda qaran ee Iskaashatooyinka Beeraha, siyaasadda qaran ee fidinta beeraha, howlaha horutabinta u leh Dowladda ee dhanka Beerha iyo sida ay Wasaaradda Beeraha uga go’antahay caawinta iyo garab istaaga beeraleyda Soomaaliyeed.

Shirk hormarinta Beeralayda oo lagu qabtay Magaalada Jowhar  

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye, ayaa shir guddoomiyay uga furmay Wasiirada Beeraha dowlad Gobaleedyada dalka magaalada Jowhar.Kulanka oo jeedkiisu ahaa Socdaalka xoojinta tacbashada Beeraha iyo la qabsiga Isbedelka Cimilada 2024.

Sidoo kale Wasiir Maareeye iyo Wasiirada kale ee Dowlad goboleedyada, ayaa la kulmay Iskaashatooyinka Beeralayda, iyagoo la wadaagay Siyaasadda Qaran ee Beeraha, Siyaasadda qaran ee Fidinta Beeraha, Howlaha Hortabinta u leh Dowladda ee dhanka Beeraha iyo sida ay Wasaaradda Beeraha uga go’antahay caawinta iyo garab istaagga beeraleyda Soomaaliyeed.

Dhinaca mas’uuliyiinta,ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo muhiim u ah Wax-soo saarka dalka iyo Beero ku yaal banaanka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiiska iskaashiga Difaaca iyo Amniga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.

Shirka, oo ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

Kulanka kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada waddan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaabilay Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda UK

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa maanta xarunta Taliska Ciidanka xoogga dalka kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Safiirka UK ee Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka ayaa si qota dheer uga wada hadlay qorshaha dhismaha ciidanka xoogga, dib u habeynta xerooyinka Ciidanka iyo sare u qaadista taageerada Dowladda Britain ee dhanka Ciidanka Millateriga.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahad-celiyay qorshaheeda dhanka horumarinta Ciidanka iyo garab istaagga dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna taliyuhu Safiirka ku amaanay sida ay uga go’an tahay in uu ka dhabeeyo howlaha shaqo ee uu Soomaaliya u joogo.

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Madaxa Cusub ee Iskaashiga Jarmalka ee Soomaaliya 

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Alena Kern, oo aheyd Madaxa Iskaashiga Horumarinta Dowladda Jarmalka ee Soomaaliya oo xilka ka degaysa, iyo Mudane Simon Hagemann, oo ah Madaxa Cusub ee Iskaashiga Horumarinta Dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.

Kulanka, ayaa lagu falanqeeyey guulaha laga gaaray mashaariicda horumarineed ee hadda socda, iyadoo la isla gartay in la kordhiyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, si loo xaqiijiyo guulaha mustaqbalka. Wasiirka, ayaa si gaar ah u xusay kaalinta muhiimka ah ee Alena Kern ay ku lahayd horumarinta xiriirka labada dhinac, isagoo ku ammaanay dadaalkeeda joogtada ahaa ee lagu taageerayay horumarinta Soomaaliya.

Intaa kadib, Wasiirku wuxuu si diirran usoo dhoweeyey Mudane Simon Hagemann, oo xilka la wareegaya. Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in hogaamintiisa ay sii xoojin doonto iskaashiga labada dal, iyadoo la tixraacayo qorshayaasha cusub ee horumarineed ee la filayo in laga hirgeliyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday in labada dhinac ay ka wada hadlaan qorsheyaasha mustaqbalka, oo ay ku jiraan mashaariic cusub oo la filayo in ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta dhaqaalaha, bulshada, iyo deegaanka ee Soomaaliya. Iskaashigan cusub ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo horseedi kara isbeddel weyn oo dhinacyada kala duwan, gaar ahaan sidii loo heli lahaa xal waara oo loo dhan yahay.

Kulankaan wuxuu astaan u yahay sii socoshada iyo xoojinta xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, iyadoo la rajeynayo in iskaashiga labada dal uu noqdo mid miro-dhal ah, kaasi oo wax weyn ka tari doona horumarka dalka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.