Home Blog Page 308

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Masar oo kawada hadlay xaaladda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyey horumar iyo amni.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan xuska maalinta xornimada iyo midnimada dalka u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, xajistaana dhaxalka awooweyaashood.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee qaranka ayaa ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo toddobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee dalka ayaa la wadaagay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas, maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey wareegto lagu dhisayo Sanduuqa Qaran ee Cimilada, waxaana madaxa xafiiskaasi loo magacaabey Liibaan Daahir Obsiiye.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar kala qeyb-galay xuska sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegatay maalintii xornimada dalka.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ambabaxay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq,kadib casuumad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq.

13- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalka Iyo midowgii waqooyi iyo koonfur.

14- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamnka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa furay buugga tacsida ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Alle ha u naxariistee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

15- Kalfadhiga shannaad ee Baarlamaanka 11-aad oo furmi doona 6-da Bisha Luulyo 2024.

16- Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, iyagoo wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda Ciraaq oo loo asteeyay markii ugu horeysay oo wargeys laga soo saaray magaalada Baqdaad 1869kii.

19- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Haji Adam ayaa soo xirey munaasabadda daahfurka Shirka Guddiga heer Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Caruurta Soomaaliyeed.

20- Wasiiru-Dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Maxamed (Dhucle) ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada Urur Gobaleedka ISCOS ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika.

21-Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wada-hadlo muranka ka dhashay is afgarad beenaadkii ay Ethiopia la gashay maamulka gobollada waqooyiga.

22- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.

23- Ciidanka Nabadsugidda ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in uu degmada Guriceel ku dilay Liibaan Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ku qabsoomay xarunta guddoonka Iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay,ayaa ugu horeyn xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay safaro mudadii uu goluhu xirnaa ku tagay dalka Turkiga halkaas oo uga qeyb galay shir caalami ah oo arrimaha Falastiin looga hadlayay isaga oo sheegay in shirkaasi Soomaaliya ay ka cadeysay mowqifkeeda ku aadan qadiyada Falastiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa faahfaahin ka bixiyay safar isaga Iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo uu kulamo mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti iyo madaxda kale ee wadankaasi.

Dhinaca kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya halkaas oo uu uga qeyb galay kulankii 17-Aad ee guddoomiyaaasha baarlamaanada wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), kaasoo looga hadlayay xalinta caqabdaha hortaagan horumarinta ajendayaasha ururka, waxaana Guddoomiyaha uu shirkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay ku biirista ururka gaar ahaan kaalinta kaga aadan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xulo xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC).

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday furitaanka kalfadhiga shanaad ka dib ajendayaasha horutabinta u leh fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, waxaana Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray uu kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in ay xooga saaraan howlaha baaxada leh ee Golaha horyaala kalfadhiga shanaad si looga shaqeeyo shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

 

 

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga oo Shabeellaha hoose kula hadlay Ciidanka XDS 

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gobolka Shabeellaha Hoose ugu khudbeeyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa faray u diyaar garoobaan howlgallo araggixisada looga sifeynayo deegaanada ay uga dhuumaaleystaan gobolkaas.

” haddii aad aamusnaanto haddii aysan ku dhaafeyn,Oo haddii aad Xamar aado ku dhahayaan gaaladaad aaday,aseyn shacab dhaafeyn,Aseyn xoolaha ummadda ka nabad galeyn,Anna ayaa noogala fadhiyaa inaan ummadda Soomaaliyeed ka dulqaadno Khawaarijta”.

Ninka aan dhaafeyn duqowshinka,Oo Culimada diinta islaamka akhrisato dhafeyn, Askari aan dhafeyn,U jeedkiisa waa yaan la noolaan,Ee aan iska qabano,Si ay ugu nolaadaan Bulshada Soomaaliyeed,Xaduudaha dalkaa idinkaa Mas’uuliyiin ka ah,Oo larabaa inaad ka difaacdaan cadaawaha Kusoo duulay.

” haddii aad xaas soo guursato waad ogtahay soo maahan inaad mas’uul ka tahay,Xataa haddii abaheed yahay nin ganacsade ah,Marka ka dalkaan idinkaa mas’uuliyadiisa qaaday ogaada,Oo xifdiya,Askari kasto ha ogaado dalkaan inow daljirkiisa yahay” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga

Dagaal sidaadasaba waxaa guul looga keenaa in laka amar qaato,taliye Unugga ugu soo sokeeyo waa inaad ka mar qadataan,Haddii aan lakala dambeyn,Taargidkeena dhaqsi gaari mayno, Ballanteenu waa Sifeynta Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u Ambabaxay dalka Ciraaq 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq, kadib markii uu Casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya 

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid ee dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Safaaradda Sucuudiga ayaa Wasirku waxaa uu ugu horayn uga mahadceliyay taageerada dowlada Boqortooyada Sucuudigu ay ku bixiso horumarinta adeega Caafimaadka, gaar ahaan bangiga dhiiga iyo xarunta lagu sifeeyo Kilyaha oo ay dad badan ka faaiidaystaan, Sidoo kale, Wasiirka ayaa safiirka ka codsaday in wali ay Wasaaradda Caafimaadku ay u baahantahay taageero dheeraad ah oo lagu horumarinayo adeega caafimaadka.

Dhanka kale, Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ballan-qaaday inay qayb wayn ka qaadan doonaan mashaariicda lagu horumarinaayo adeegga Caafimaadka, waxaana uu sheegay inay ka go’antahay in kaalmadda Hay’adda Boqor Salmaan ay miisaaniyad dheeraad ah uga faa’iidayso dadka Soomaaliyeed.

kooxda Kubadda Cagta Heegan Oo ku guuleestay koobka maalmaha Xorriyadda 

Xaflad lagu abaalmarinayay kooxda Kubadda Cagta Heegan oo ku guuleysatay koobkii maalmaha Xorriyadda, ayaa caawa lagu qabtay Hotelka Maa’ida ee Magaalada Moqdisho, guddiga sare ee munaasabadaha toddobaadka Xorriyadda, ayaa soo qaban-qaabiyey Munaasabadan abaalmarinta ah.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Amniga, dhalinyarada, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiiru dowlaha howlaha guud,Taliyaha Booliska, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobalka Banaadir, Saraakiil iyo marti sharaf kale.

Dhammaan madaxda kasoo qeybgashay ayaa caawa sheegay,Inay Heegan soo bandhigeey ciyaar aad u qurux badan,Lana soo baxeen xirfadahooda. Taas ayaa sabab u ah inay qadaan koobka caawana la guddoosiiyo.

Madaxweynaha Mareykanka oo hambalyo ku aaddan Todobaadka Xorriyadda la wadaagay Madaxweynaha Soomaaliya 

Farriin qoraal ah oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya ka gaartay Dowlad-dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa, ”Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda.”

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska.

“Anaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga, laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha,” ayuu yirri Madaxweyne Biden.

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal.

“ Sanadka soo socda, waxaan rajaynayaa in xiriirkeennu xoogaysan doono, maadaama Soomaaliya qaadan doonto masuuliyadda amniga wadanka, kadib bixitaanka ATMIS. Waxaan idin rajaynayaa farxad iyo in aad nabad ku dabbaal degtaan adinkoo maamuusaya maalinta qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay Buuga tacsida AHN Prof jawaari

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta furay buuga tacsida ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana buuga tacsida mudo sedax maalmood ah ka furnaan doonaa gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa guud ahaan qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyadeey

Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo shaaciyay xiliga uu furmayo kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

0

Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamiyay in maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 6-da Bisha Luulyo 2024 uu furmi doono kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad.

Kalfadhiga shanaad ee maalinta sabtiga ah furmi doono ayaa sida dastuurka KMG uu qabo waxaa daah furi doono Madaxweynaha JFS oo khudbad ka hor jeedin doono xildhibaanada laba gole