Home Blog Page 308

Antonio Guterres oo ku baaqay Xabad joojin bini’aadannimo oo ka dhaqan gasho Qaza

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo ku sugan dalka Shiinaha, ayaa Maanta oo Arbaca ah ku baaqay xabbad joojin bini’aadannimo oo degdeg ah, kana dhaqan gasho Qaza.

Guterres oo khudbad ka jeediyay Madasha Hindisaha Belt iyo Road ee Beijing, ayaa yiri “Waxaan ku baaqayaa xabbad-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah, si loo yareeyo dhibaatooyinka ba’an ee ka socda magaalada Qaza, waxaan marqaati ka nahay in halkaasi ay ka jiraan dhibaato aan nindhaha laga qarsan karin”.

Xoghayaha Qaramada Midoobay, waxuu Israa’iil ugu baaqay  in si degdeg ah ay u ogolaato in dadka godoonsan la gaarsiiyo h gargaarka bini’aadantinimo.

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.

Duqa Muqdisho iyo Alnuaimi ayaa ka wada hadlay xariirka labada dhinac, Iskaashiga iyo dar-dargelinta Mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Qatar ka fuliso Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxa ay labada dhinac isla qaateen xoojinta taageerada Dowladda iyo dhiirigelinta Maalgashiga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay Ganacsatada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.

“Dowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ayna ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo kuwa guduhuba”

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa u sheegay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho.

Waxuu kula dardaarmay Ra’iisul Wasaaruhu ganacsatada in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha wadada Via Moscow

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, ayaa dhagax-dhigay wadada Laamiga ee Via Moscow oo isku xerta Buundooyinka Degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab iyo Guddoomiyaha Degmada Waaberi, iyadoona Duqa Magaalada Muqdisho uu kula dar-daarmay shacabka Degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan Bilicda, Nadaafada iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horeyso wadooyinka dib loo dhisaayo.

Kolonyo Gargaar siddo oo ku sii jeedo Falastiin

Kolonyo sidda gargaarka bini’aadannimo oo ka soo anba baxday Masar, gaar ahaan magaalada Al-Cariish, ayaa ku sii jiida marinka Qaza, inkastoo Ciidamada Israa’iil ay saakay ka geysteen duqeymo horleh, sida ay shegeen shaqaalaha gargaarka.

Kolanyo gaareysa 120 baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah oo sida sahay isugu jirta cunto, biyo iyo gargaar caafimaad, ayaa isu diyaarinaya inay gudaha u galaan dhulka Falastiin, si ay noolal u helaan Shacabka godoonsan ee duqeymaha ay ku socdaan.

Magaalada Qaza, ayaa todobaadkii hore waxaa go’doomiyay Ciidamada Isra’iil, kuwasi oo duqeeymo aan loom eel dayin ku asqeeysay magaalda kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Isra’iil.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga waxa ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta Baarlamaanka dalka Taliyaaniga, iyagoo yeeshay kulamo kala gedisan oo looga hadlaayay horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya iyo soo celinta iskaashiga labada gole sharci dejin ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Shirka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga miro dhaliyo Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ee Soomaaliya, isaga oo ka hadlay maalinta labaad ee barnaamijka Aqoon is-weydaarsiga Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda oo ka socda magaalada Muqdisho.

Mudane, Saalax ayaa ku dheeraaday sida lagama maarmaanka u tahay in aynu si xawli ah uga shaqayno sidii dalkeena aynu ugu jeexi lahayn jiho cusub oo la jaanqaadaysa nidaamka Tikloonajyada casriga ee dunidu u guurtay, taasina ay ku imanayso dadaal iyo wakhti dheeraad ah.

Shirka ayaa maanta xoogga lagu saarayaa barnaamijka dayn cafinta kadib halka loo jihaysan doono, u hogaansanaanta sharciga hanti-dhowrka, qorshaha horumarinta Qaranka iyo hannaanka dhaqaale iyo qorshaha fog ee 2060 Soomaaliya.

Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba-gabeyo.

Tirade dadka ku waxyelloobay duqeymaha Isra’iil ay ka waddo Falastiin oo korartay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay duqeymaha arxan-darrada ah ee Ciidamada Isra’iil ay ku garaaceyaan dhulka reer Falastiin, gaar ahaan magaalada Qaza iyo magaalooyin kale.

Ciidamada Isra’iil ayaa isbuucii labaad duqeymo culus ka wado magaalada Qaza, waxa ayna magaalada noqotay mid bur burtay ,sidoo kalana ay ka barakaceen inta badan dadkii kunoolaa.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Falastiin, Eyad Al-Bozom,ayaa sheegay in duqeymaha Isra’iil ay ku dhinteen dad ka badan 2,750 oo qof, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 9,700.

Eyad Al-Bozom, ayaa sidokale, sheegay in ay jiraan dad ka badan kun qof oo nolol iyo geeri lagu la’yahay, waxa uuna shintaa ku daray in qaarkood ay ku hoos jiraan dhismayaasha ku bur buray duqeymaha Israel.

Ciidamada Isra’iil ayaana wali sii wada duqeymaha ay ku garaaceyayaan magaalada Qaza iyo degaano kale oo Falastiin katirsan, waxa ayna duqeymaha sii badinayaan dhimashada shacabka aan waxba galabsan.

 

Taliska Booliska oo faah-faahin ka bixiyay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho afaafka hore ee maqaayadda Blue Sky ee degmada Boondheere uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) Agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, halka ay ku dhaawacmen Afar qof oo kale.

“Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qof iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska.

Qaraxa is-miidaaminta ah oo uu fuliyay naftii-hallige Khawaarijta ka tirsanaa ayaa imanaya xilli uu soo hagaagayo amniga magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada kala duwan ee dowladduna ay Caasimadda iyo gobollada dalka ka waddo howl-gallo ka dhan ah khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta oo ka Tacsiyeeyay geerida wariye Cabdifataax Qeys

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirku Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Iyo dhammaan shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee JFS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan bahda saxaafadda, qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdifataax Macallin Nuur (Qeys) oo ahaa Agaasimaha Telfishinka Somali Cable ee xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

Marxuumka waxaa uu ka mid noqday dadkii uu galaaftay qarax ka dhacay makhaayad ku taalla magaalada Muqdisho.