Home Blog Page 309

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo matallaaddooda

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda iyo matallaaddooda ku aaddan goleyaasha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlayey waafajinta sharciga dalka ee qoondada matallaadda haweenka ee boqolkiiba 30, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed ee ku jira goleyaasha dowladda dadaalka ay ugu jiraan in dumarku ay si fiican uga dhex muuqdaan siyaasadda dalka.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Haweenka Soomaaliyeed ay halbowle u yihiin horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka cadowga looga xoreynayo dalka iyo dhinacyada kala duwan ee adeegyada bulshada.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen Kutladda Haweenka ee Golaha Shacabka ee BFS, ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka F.S Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda.

Guddoomiye Madaale” wax aan furimaha Dagaalka ku soo arkay Odayaal 90 jiro ah oo qoriga u qaatay siday Khawaarij ula dagaalami lahaayeen”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdsiho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale( Yuusuf Madaale)ayaa ka hadlay dhibkii uu geystay Qaraxii 14-kii October 2017 ay kooxaha khawaarijtu ka geysteen isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho,Guddoomiyaha ayaa sheegay in Khawaarijtu yihiin maafiyo cadow ah oo u heshiiyey shacabka Soomaaliyeed in ay dhammeeyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay isu garabsanayaan sdii ay khawaarijta dabar goyn lahaayeen,guddoomiyaha ayaa xusay in uu furimaha dagaalka ku soo arkay in waayeel iyo dhalinyar ba loo midoobay sidii Khawaarij isaga xorayn lahaayeen”Furimaha wax aan ku soo arkay odayaal 90 jiro ah oo qoriga u qaatay sidii ay deegaanadooda uga xorayn lahaayeen Khawaarijta”ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalka looga qayb qaato af,adin iyo dhaqaale,isagoo hambalyeey dhalinyaradda Soomaaliyeed ee dhexda u xidhay sidii dalka looga dabar goyn lahaa kooxaha Khawaarijta.

Guddoomiye Madaale oo kumanaan shacab ah kala qeyb galay Duco iyo xus loo sameeyay Shuhadadii ku naf-wayday dhacdooyinkii murugada lahaa ee 14-October 2017 & 29-October 2022

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenada G/Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa kumanaan shacab ah kala qeyb galay Duco iyo xus loo sameeyay Shuhadadii ku naf-waayay dhacdooyinkii murugada lahaa ee 14-October 2017 & 29-October 2022 ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay Khawaarijta ku xasuuqeen maato aan waxba galabsan oo isugu jiray Waayeel, Caruur, Haween iyo Dhalinyarro.

Isku soo baxa Bulsho ee loogu duceenayay Shuhadada ayaa dhiig shubis loogu sameeyay Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa difaaca Shacabka, iyadoona Bulshada Gobolka Banaadir ay cod dheer ku taageereen Dagaalka Sifeynta Khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka, kaasi oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

𝖨𝖿𝗋𝖺𝖺𝗑 𝖠𝗑𝗆𝖾𝖽 oo u ololeysa arrimaha haweenka 𝖺𝗒𝖺𝖺 𝗅𝖺 𝗀𝗎𝖽𝖽𝗈𝗈𝗇𝗌𝗂𝗂𝗒𝖾𝗒 Abaalmarinta sanad𝗅aha

0

𝖨𝖿𝗋𝖺𝖺𝗑 𝖠𝗑𝗆𝖾𝖽 oo u ololeysa arrimaha haweenka 𝖺𝗒𝖺𝖺 𝗅𝖺 𝗀𝗎𝖽𝖽𝗈𝗈𝗇𝗌𝗂𝗂𝗒𝖾𝗒 Abaalmarinta sanad𝗅aha ah ee ” Women of concern honouree”, taas oo ay soo agaasimeen 𝗁𝖺𝗒’𝖺𝖽𝖽𝖺 Concern Worldwide iyo EY_Ireland m𝗎𝗇𝖺𝖺𝗌a𝖻𝖺𝖽 𝗄𝖺 𝖽𝗁𝖺𝖼𝖽𝖺𝗒 M𝖺𝗀𝖺𝖺𝗅𝖺𝖽𝖺 𝖣𝖺𝗉𝗅𝗂𝗇 𝖾𝖾 𝖽𝖺𝗅𝗄𝖺 𝖨𝗋𝖾𝗅𝖺𝗇𝖽.

Abaalmarintan waxay qiraysaa dadaalk𝗂𝗂 𝖺𝗒 𝖨𝖿𝗋𝖺𝖺𝗑 𝗄𝗎 𝖻𝗂𝗑𝗂𝗌𝖺𝗒 ololaha ka dhanka ah Gudniinka iyo 𝖳aca𝖽diga loo geysto haweenka Soomaaliyeed 𝗂𝗒𝗈 𝗄𝗎𝗐𝖺 𝖨𝗋𝖾𝗅𝖺𝗇𝖽.

Marwada Madaxweeynaha Dalka Ireland 𝗈𝗈 𝗅𝖺𝗀𝗎 𝗆𝖺𝗀𝖺𝖼𝖺𝖺𝖻𝗈 Sabina Higgins ayaa 𝖨𝖿𝗋𝖺𝖺𝗑 ku casuumtay hoygeeda 𝗐𝖺𝗑𝖾𝗒𝗇𝖺 𝗎𝗀𝗎 𝗁𝖺𝗆𝖻𝖺𝗅𝗒𝖾𝗒𝗌𝖺𝗒 𝗀𝗎𝗎𝗌𝗁𝗂𝗂 𝖺𝗒 𝗀𝖺𝖺𝗋𝗍𝖺𝗒.

Khawaarijtii geysatay xasuuqii Soobbe, maxay ku sugan tahay maanta? ( Warbixin)

Maanta waa 14- October, lix sanno ka hor waxay dadka Soomaaliyeed ugu asteysan tahay maalin hal goob looga dilay tiro dhan 600-qof ( lix boqol oo qof), ugu yaraan kun kale oo qof-na looga dhaawacay.

Wuxuu xasuuqaas ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho 14-kii bishii October 2017.

Muxuu sawirka guud ee maalintaas, Maxaase Soomaaliya ka socda maanta?

Aan ku bilaabo maalintaas, Dowladda Soomaaliya waa ay tabar yareyd, shacabku waxay la daala dhacayeen abaaro baahsan iyo saboolnimo, waxaana u dheer gumaadka iyo baadda dhaqaale ay Khawaarijtu ku haysay oo lagu asteyn karo in Soomaalida abid soo marin tan oo kale.

Difaaca ugu weyn ee dalku uu lahaa wuxuu ahaa dhagax lagu jiray jidadka waa weyn ee magaalada Muqdisho, ciidamo cusub ayaa badbaadinta qarankan tababar ugu maqnaa. Khawaarijtu waxay ku sii naaxeysay dhiiga shacabka ay haysteen, daruufaha aan tilmaamay iyo in ka badan.

  Maxaa socda maanta?.

Wax walba ayaa isbeddelay, waxaa kobcay awoodda Dowladda, waxayna qaadatay doorkeeda, waxaa qaranka loo dhisay ciidamo ku filan difaaciisa, waxaa dhiiraday shacabkii u hooban jiray gumeysiga Khawaarijta, waxayna askarta Dowladda ay Khawaarijta ku sii baacsansysaa difaaca ugu dambeeya ee bar kasta dalkan ay ka joogaan.

Khawaarijta ayaa laga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan kuwaas oo muddo ku naaxayay dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxaanna hadda iyagu ka qubta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ka quban jiray. Qaraxyadii gil gili jiray caasimadda waxaa beddelay duqeymo joogto ah oo ka socda dhulka howdka ah ee gobollada dalka, haadkana ka quudiyo hilbaha Khawaarijta.

Dowladda ayaa ku guuleystay in ay Khawaarijta ka joojiso malaayiin dollar oo ay si baad ah ugu qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo jiifka ku jiqi jiray horjoogayaasha haatan harsiga u diiday geesiyaasha dalka.

Waxaa la rumeystay maalmihii uu Muqdisho ka curtay kacdoon ” Guul ama Geeri” ee halganka Dowladda ugu jirto I dalka laga xoreeyo argagixisada si nabadda iyo kala dambeynta dalka loo soo celiyo.

Agendaha hoggaaminta dalka ee madaxweynaha qaranka ayaa baalka hore looga soo qoray dagaalka Khawaarijta si taas looga mira dhaliyo wuxuu madaxweynuhu labo bilood ka hor ka guuray madaxtooyadii uu ku shaqeyn jiray ee caasimadda Muqdisho, wuxuu subax kasta xaadiraa xafiiska hoggaaminta dagaalka khawaarijta oo laga dhex furay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.

iska xoreyna kooxaha argagixisada ee nabad diidka ah

Guud ahaan hogaamiyayaasha haweenka gaar ahaan gobolka banaadir magaalada muqdisho caasimada dalka, ururka haweenka soomaaliyeed ay hogaamineeso gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir marwo jawaahir baarqab ayaa u mujiyay garab istaag ciidammada qaranka gudanaya waajibaadkooda iyagoo ka garab istaagaya doorkooda kaga aadan dagaalka lagula jiro cadowga khawaarijta.

Halka dalka uu heegan ogu jiro wajiga labaad ee dagaalka uu horkacayo madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya oo ku sugan caasimadda dowladda Galmudug.

sidoo kale waxay diyaar garow oogu jiraan dhamaan ururka haweenka gobolka banaadir iyo wasaarada haweenka iyagoo sheegay in gabar kasta diyaar u tahayin ay garab istaagayaan geesiyaashooda sooma jeestayaasha ciidamada qaranka

Wasiir khadiijo diiriye  “ haweenka soomaaliyeed waxa ay garab taagan yihiin ciidammada ku sugan furimaha dagaalka”  waxaa sidaa yiri wasiir khadiijo oo wareysi la yeelatay telefashinka qaranka soomaaliyeed.

Waxaa ay sidoo kale raaciyeen hoggaamiyaasha haweenka iyo ururka gobolka banaadir in aysan noo soo dhuuman khawarijtana uu gabalkoodu dhacay haweenka soomaaliyeed ayaa geesiyashooda la garab taagan u dhiibista sahayda ciidanka iyo karinta raashiinkooda

Sidoo kale, qaar ka mid ah haweenka ayaa furmaha qorraxda ugu dhacdaa

Guddoomiye Jawaahir baarqab ayaa waxay tiri“ hadaan nahay haweenka soomaaaliyeed waxaan sameyney isxilqaan aan ku garab istaagayno ciidamada furimaha dagaalka kula jiro khawaarijta dalka laga xoreynaayo” ururka haweenka gobolka banaadir waxay u diyaariyeen wajiga labad ee dagaalka ku dhawaad 15kun oo ciidan agabkii la gaarsiin lahaa biyihii buskudkii kac kicii oo laga keenayo degmooyinka gobolka banaadir

Sidoo kale, hoggaanka ururrada haweenka  soomaaliyeed ee ku kala sugan gobollada dalka ayaa dhinacooda muujinaya garab istaaga ciidmada qaranka ee dagaalka kula jiraan khawaarijta

Haweenka galmudug oo kaashanaya wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka dowladd goboleedka galmudug ayaa dhankooda bilaabay diyaarinta cuntooyin fudud oo loogu tala galay in la gaarsiiyo ciidamada jiidda hore ku sugan oo khawaarijta ka sifaynaya meelaha ay kaga harsan yihiin oo weli ay ku dhuumaaleysanayaan gobollada Sh/dhexe, hiiran, mudug iyo galgaduud.

haweenka soomaaliyeed oo muujiyey garab istaaga ciidammada.

0

Guud ahaan hogaamiyayaasha haweenka gaar ahaan gobolka banaadir magaalada muqdisho caasimada dalka, ururka haweenka soomaaliyeed ay hogaamineeso gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir marwo jawaahir baarqab ayaa u mujiyay garab istaag ciidammada qaranka gudanaya waajibaadkooda iyagoo ka garab istaagaya doorkooda kaga aadan dagaalka lagula jiro cadowga khawaarijta.

Halka dalka uu heegan ogu jiro wajiga labaad ee dagaalka uu horkacayo madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya oo ku sugan caasimadda dowladda Galmudug.

sidoo kale waxay diyaar garow oogu jiraan dhamaan ururka haweenka gobolka banaadir iyo wasaarada haweenka iyagoo sheegay in gabar kasta diyaar u tahayin ay garab istaagayaan geesiyaashooda sooma jeestayaasha ciidamada qaranka

Wasiir khadiijo diiriye  “ haweenka soomaaliyeed waxa ay garab taagan yihiin ciidammada ku sugan furimaha dagaalka”  waxaa sidaa yiri wasiir khadiijo oo wareysi la yeelatay telefashinka qaranka soomaaliyeed.

Waxaa ay sidoo kale raaciyeen hoggaamiyaasha haweenka iyo ururka gobolka banaadir in aysan noo soo dhuuman khawarijtana uu gabalkoodu dhacay haweenka soomaaliyeed ayaa geesiyashooda la garab taagan u dhiibista sahayda ciidanka iyo karinta raashiinkooda

Sidoo kale, qaar ka mid ah haweenka ayaa furmaha qorraxda ugu dhacdaa

Guddoomiye Jawaahir baarqab ayaa waxay tiri“ hadaan nahay haweenka soomaaaliyeed waxaan sameyney isxilqaan aan ku garab istaagayno ciidamada furimaha dagaalka kula jiro khawaarijta dalka laga xoreynaayo” ururka haweenka gobolka banaadir waxay u diyaariyeen wajiga labad ee dagaalka ku dhawaad 15kun oo ciidan agabkii la gaarsiin lahaa biyihii buskudkii kac kicii oo laga keenayo degmooyinka gobolka banaadir

Sidoo kale, hoggaanka ururrada haweenka  soomaaliyeed ee ku kala sugan gobollada dalka ayaa dhinacooda muujinaya garab istaaga ciidmada qaranka ee dagaalka kula jiraan khawaarijta

Haweenka galmudug oo kaashanaya wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka dowladd goboleedka galmudug ayaa dhankooda bilaabay diyaarinta cuntooyin fudud oo loogu tala galay in la gaarsiiyo ciidamada jiidda hore ku sugan oo khawaarijta ka sifaynaya meelaha ay kaga harsan yihiin oo weli ay ku dhuumaaleysanayaan gobollada Sh/dhexe, hiiran, mudug iyo galgaduud.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga Norway

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS Mudane, Axmed Siciid Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga Norway, Hogaanka Socdaalka, Xarunta Aqoonsiga Qaranka iyo Booliiska socdaalka Dalka Norway.

Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa kulamada uu la qaatay mas’uuliyiintan waxa uu kala hadlay, sare u qaadida iskaashiga, wadaagida qibradaha, tababarrada Saraakiisha iyo joogteynta taageerada dhanka horumarinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

Dhanka kale, Agaasimaha guud ee HSJ iyo wafdigiisu waxey booqasho indha indheyn ah ku tageen xarumaha ay ku shaqeeyaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga Norway iyo Hay’addaha kale ee hoos yimaada, waxaana dhamaan xarumahan Agaasimaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay si heer sare ah.

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

0

Waxaa nasiib darro ah in qaraxii Soobbe ee dhacay 14 October 2017-kii,isla markaana galaaftay nolosha dad badan, kadib in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana doonaya in ay wiiqaan nidaamka dowladdnimo iyo dadaalada kale ee loogu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo soo celinta amniga dalka.

14-ka Oktoobar  waaa dhacdado aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isoyska Soobe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen kooxo nabad-diid ah,waa mid reebay xasuus lama iloowaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 ruux,halka la waayey ,dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee uu geystay qaraxaasi,waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal badan.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta  u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Inkastoo dib u dhis wanaagsan uu ka muuqdo goobihii ganacsi ee agagaarka Soobbe,haddana falkaasi ay ka dambeeyeen kooxda Shabaab waa xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku jiray raadinta nolol maalmeedkooda.

Isku day kasta oo ay ka dambeeyaan kooxaha nabad-diidka ma ahan kuwo wax u dhimaya horumarada socda,sidaa daraadeed waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dalka.

Sida cad,wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacabba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha  dalka .

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab,waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amnga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan la qaatay hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka hoggaamiyaha KMG ah ee deegaanka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC ka dhageystay Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaal aragtida, hiigsiga dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhasahy dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.