Home Blog Page 309

Maanta waxaa dalka ka hirgalay qaadista Canshuurta Gadista ee loo yaqaano (VAT)

0

Qiimaha lagu bilaabay Canshuurtaan oo ah 05% ayaa ah kan ugu yar waddamada geeska Afrika, taas oo ah u turis ay Dawladdu u turayso Shacabka Soomaaliyeed oo kasoo kabanaya duruufo qalafsan oo muddo dheer ay kusoo jireen.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo xalay is faham ay ka gaareen Dawladda iyo Ganacsatada cabshooyinkii ka yimid, kuwaas oo ay Dawladdu balanqaadday in ay ka jawaabayso.

Talaabadaan waa mid kor u qaadaysa awoodda iyo sharafta Dawladnimada Soomaaliya, waxeyna horseedaysaa in Dawladdu kordhiso adeegyada dadwaynaha sida Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Dib u dhiska Waddooyinka iyo Horumarinta hay’adaha Qaranka.

Waa talaabo kale oo Dawladdu u qaadday xoojinta iyo hirgalinta nidaamka Dawladnimada, waxayna muujinaysaa horumarka maalin kasta ay ku talaabsanayso Dawladda Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay hannaanka qaadista canshuurta iibka

0

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir iyo gobollada dalka ayaa soo dhaweeyey go’aanka dowladda ee bixinta canshuurta.

Shacabka qaarkooda oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in bulshada ay bixiyaan canshuurta si dowladda ugu fududaato bixinta adegyadii bulshada sida waxbarashada iyo Caafimaadka.

Dowladda soomaaliya ayaa casiriyeeysay dib u habeenna ku sameysay canshuurta Iibka ayaa maanta dhangalisay in la qaado canshuurta, iyadoo kulan uu Ra”iisul waasaraha XFS uu la qaatay ganacsatada la isku afgartay in la bixiyo canshuurta waxii cabasha ah ay qabaana ay dowlada ay diyaar u tahay in la saxo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo isna hadlay xalay ayaa ku dheeraaday arrimaha canshuuraha oo cabasho laga qabay, asaga oo yiri “Majirto Canshuur cusub oo dowladdu soo kordhisay balse waxaa cusub nidaamka lagu bixinayo”.

Howlgal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Baay

0

Ciidanka Daraawiishta Degmada Buur-Hakaba ayaa howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay Deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25km ujira Degmada Buur-Hakaba Ee Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba Sandheere Xasan Aadan oo hoggaaminaya howlgalkaasi ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Howgalka ayaa wali socdo, si khawaarijta looga ciribtiro deegaankaas oo ah wado muhiim u ah isticmaalka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolada Koonfurta

Madaxweyne Xasan: Dowladdan ajandaheeda koowaad waa in dalka laga xoreeyo khawaarijta

0

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka dhanka ah kooxda cadowga ah ee khawaarijta.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu wali socdo dagaalkii bilaawday labo sano ka hor, ayna tahay waxba kama jiraan haddii la sheegay in dagaalkii istaagay.

“Dagaalku maanta ayuu intii hore ka sii xoog badan yahay, dhulkii lagu dagaalamayey iyo dabeecadihiisuba wey isbedaleen, nuuca dagaalka ee lagu jirana wuu isbedalay laakiin dagaalku ma istaagin ee wuu socdaa, intii horenna waa ka sii xoog badan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in hadda xoogan dalka dagaallo oa dhan ah Khawaarijta ka wadaan aagag hor leh kuwaas lamid ah dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aan dagaalka wajiga koowaad qeyn ka aheyn.

“Labo sano Jubbaland dagaal kama dhaceyn wuu ka socdaa, Koonfur-Galbeed kama dhaceyn waad ogtihiin wuu ka socdaa, dowladdan ajandaha koowaad ay leedahay waa dalka in laga xoreeyo khawaarijta” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbadiisa sidoo kale kaga hadlay duruufaha ku xeeran dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha dowladda ee difaaca madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna.

Natiijada Imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo lagu dhawaaqay

0

-Agaasinka guud ee Waxbarashada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta shaaciyay Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir kaas oo ay sanadkaan u fariisteen 34,792 arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal.

Waxaa gudubtay oo natiija wanaagsan keenay 32,689 arday oo kamid ah ardaydii u fariisatay imtixaanka, halka ay hareen ama natiijadii la rabay aysan la imaan 2,103 arday

Xildhibaan Cusmaan Cali Cusmaan ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP269

0

Xildhibaan Cusmaan Cali Cusmaan ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP269 oo degaan doorashadiisu tahay maamulka Soomaliland.

Kursigaan waxaa hore ugu fadhiyay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Cumar maxamed

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa daahfuray shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalka.

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa daahfuray shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalka.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaal, Agaasimeyaal ka tirsan Hay’adaha dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay (UNDP) iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo lagu soo bandhigi doono cilmi-baarisyo qoto dheer, talooyin iyo qorshayaal muhiim ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah.

Wasiirka Caddaallada iyo Dastuurka XFS oo Shir uga qayb gelaya Maraykanka

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuummada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeyb galaya shir heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayo dhameystirka Dastuurka, ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Ohio ee dalka Mareykanka.

Kulanka oo laba maalin soconaya, ayna soo agaasintay hey’adda cilmi baarista siyaasadeed ee Bulsho Trust ayaa looga hadlayaa arrimaha ku xeyn-daaban Dastuurka dalka, dowlad wanaagga, xasiloonida iyo horumarka guud.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa ka qeyb galayaasha la wadaagaya xaaladda uu marayo geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka oo si wanaagan loo dardargeliyay intii ay jirtay xukuumadda Dan-qaran.

Dhallinyarada ha lagu abaalmariyo waxqabadooda’ (WARBIXIN)

0

wax walba waa maalinteeda Taariikhda Soomaaliya waa tii uu ku dhaco isbedalka la yaabka leh ee Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ka sameynayo gayiga Soomaaliya, waxaana ka mid ah Dalka oo la xoreeyo, Ciidanka oo goob walba ku dila kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaabka Arxanka daran, guulaha isdaba joogga ah ee dalku gaarayo iyo dhiirigalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, taasoo sabab u ah hoggaamintiisa wanaagsan ee Xukuumadda Dan Qaran ee uu gar wadeenka ka yahay, waxa uuna dhawaan tegay magaalada Kismaayo, iyadoo magaaladdaas oo go’doon aheyd ayuu jidka doorashadda saaray, waxaana shacabku ku rajo weyn yihiin in dalka uu gaarsiin doono xasilooni amni iyo mid doorasho dadweynuhu oo ay gacantooda kaga ciil baxaan. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kama qaldamin inuu Ra’iisul wasaare waddanka uga dhigay mudane Xamze Cabdi Barre, waxayna aheyd xulushadii ugu habooneyd ee masuul ku magacaabo.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhawaan xafiiskiisa ku qaabilay seddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.Dhallinyaradani ayaa wakhti halis ahaa ku dhiirraday in ay dhabarkooda ku qaadaan oo badbaadiyaan dadka waxyeellada soo gaartay ee dhaawaca ahaa oo dhulka yaalay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhallinyaradan ku ammaanay geesinimadooda, isaga oo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo tusaale u ah dhallinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay mar walba garab taagan tahay dhallinyarada u taagan difaaca iyo badbaadinta bulshada, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaalkooda. “Waxaad xilli adag muujiseen geesinimo iyo in aad caawisaan dhallinyaro walaalahiin ah oo xaalad adag ku jiray, idinka oo khatar u galiyey naftiinnaa, dadkiinana u shaqeeyey, runtii shaqada ay qabteen waxa soo jiidatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Xukuumadda DanQaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteysateen billad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul wasaaruhu in uu ka dhaxeeyo xiriir dhow oo aan la siyaasadeyn karin, isla markaana xukuumaddu mudnaanta koowaad la siinayo dhallinyaradu sidii ay u heli lahaayeen shaqooyin iyo wax walba oo ay dalkooda uga baahan yihiin, isagoo intaasi ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin lafdhabartii dalkan, dowladduna ay gacan buuxda ku siinayso sidii ay horumuud ugu noqon lahaayeen ummadda Soomaaliyeed. Dhallinyaradii ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha taageerada iyo dhiirrigelinta xukuumadda, iyaga oo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danta guud iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale dhallinyaro ka mid ah Macaawisleeyda Deegaanka Masagawaa ee Degmada Ceeldheer ee gobolka |Galguduud dhinaceeda Bari ayaa ku dhiiraday inay labadooda oo kaliya ah inay ka baxaan Fariisinkoodii, islamarkaana weerar gaadmo ah ku qaadaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab, iyagoo ka gubay Booyad Biyood, kuna khaarijiyay Laba ka mid ah Maleeshiyaadka Khwaarijta ah, kana soo furtay laba Qori iyo Rasaastooda, waxayna si nabad ah ugu oo laabteen iyagoo bed qaba fariisinkii ay markii horeba ka baxeen.

Wiilashaasi waxaa magacyadooda la kala yiraa Ilyaas Abuukar Xiiseey iyo Saciid Maxamed Afeey, waana geesiyaal mudan in howshaasi lagu abaalmariyo, islamarkaana lagu dhiirigaliyo wax ay ku dhiiradeen, islamarkaana ay ku deydaan dhallinyarada kale ee ka tirsan Ciidamada Deegaanka ama Macaawisleeyda, waxaya howlgalka u gaarka ahaa ka sameeyeen inta u dhaxeysa Deegaannada Cali Heele iyo Baraag Shiikh Caamir.

”Marka adiga iyo saaxibkaa isku dhaarsatiin inaad qoryihiina garabka saarataan kadibna dhul ay shabaabku joogaan ka soo dhex qadeysaan, qoryo ka soo furataan, Saad iyo Booyadna ka soo gubtaan wax sahlan maaha ee waa geesinimo iyo go’aan adag iyo baraarug ay sameynayaan dhallinyaradeenii, waana u jab iyo halaag iyo cabsi ku soo siyaadday Argagixisadii, mar laga baqi jirey, maantase loo qaraab doonto, guul & gobanimo wiilasheena”, sidaasina waxaa yiri Cabbaas Nuur Shiikh oo ka mid ah Muwaadiniinta ka soo jeeday Deegaannadaasi.

“Waxaan booqasho ku gaaray. Degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer, deegaanada ku hareereysan iyo Tuulooyinka ay gaartay neecowda dowladnimada. Waxaan booqday. anagoo Wafdi ah dhammaan Fadhiisimada, Xerooyinka, Dhufeysyada hore, saangoobka macawisleyda iyo goobihii ugu dambeeyey ee ay ka dhaceen dagaaladii lagu wiiqay khawaarijta laguna halaagay ee Duleedka Waniinle, Haanta Cagadheere, Geerile Mesegowaa Cali yabaal, waarikoow iyo goobo kale”, sidaasi waxaa yiri:- Xil. Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Fareey oo markaasi ku sugnaa Degmada Ceeldheer.

Xildhibaank u waxa uu intaasi sii raaciyay in Degmooyinkaasi iyo Deegaanadaasi oo xor ah muddo dheer aysan weli helin adeegyada Xasilinta, Gargaarka bini’aadanimo, adeegyadii bulshada, balse ay gacan ka helaan dadka maalqabeenka ah ee ka soo jeeda deegaanadaasi, “waxaase ammaan mudan Qurbojoogta ka soo jeedda Degaanadaasi”. Waxaan soo arkay geesiyaasha CXDS, Saraakiisha xaq u dirirka iyo Macawisleyda oo si dhab ah ugu diyaarsan baacsiga haraadiga Argagixisada, qaba kalsooni buuxda, u baahan garabka Allaah SW, taageerada madaxda, shacabka Soomaaliyeed, iyo dadka deegaanada la xureynayo kasoo jeeda. Waxa ay ku wajahan yihiin bartilmaameedyo muhiim ah, waxa ay leeyihiin hadaf cad iyo waajibaad qaran, waxaa u muuqata guusha, waxa kaliya oo ay dalbanayaan waa duco, iyo in ay arkaan dadkooda oo aan cidina gumeysi, qarax, qax, xuriyad ka qaadid iyo cabsi gelin ku heynin, hantidooda aan la baneysaneynin, sharafkooda, cirdigooda iyo cibaadadoodana ay dhowrsoon tahay.

Ugu dambeyn; “Waxaan si gaar ah baaq ugu dirayaa bulshooyinka kasoo jeeda deegaanada la xureeyey iyo kuwa lagu wajahan yahay in ay muujiyaan taageero hiil iyo hooba leh, si gaar bulshada Galcad, Budbud, Gallibaax, Maxaad Xaaji, Ceelhareeri, Cowsweyne, Bido Ciise, Ceelbuur, Galhareeri, Wabxo, deri, Jacar, Bargaan, Garablo, Xiindheere, Jowle, Dhalwo, Ceelgaras, Ceel Cali, Xaaji iimaan, Cagocade, Baraag Shadoor, iyo deegaanada Galgaduud iyo mudug in ay si gaar ah isku xilqaamaan oo dhiig iyo dheefba huraan. Khawaarij la dagaalankeeda laguma raali gelinayo Madaxweynaha Qaranka, Madaxda Dowladda iyo cid gaar ah waxaa lagu raali gelinayaa badbaadinta biri’mageydada ay khawaarijtu baneysteen dhiigooda” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa.

Maamulka Puntland oo xukun dil ah ku fuliyey 10 Khawaarij ah

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa Magaalada Gaalkacayo aroornimadii hore ee saaka dil toogasho ah ku fulisay 10 dhagar qabe oo ka tirsan khawarijta kuwaas oo horey dilal uga geystay gudaha Magaalada Gaalkacayo.

Xubnahan Khawaarijta ah ee maanta Dilka lagu fuliyey ayey hore Ciidanka Amniga uga soo qab qabteen magaalada Gaalkacayo,kooxdan ayaa ahayd Shabakad isku xiran oo fulin jirtay dilalka Qarsoodiga ah.