Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga hirgaliyay kulliyadda Duulista Rayidka 

Date:

Jaamacadda Mogadisho, ayaa daah furtay kulliyaddii ugu horreysay ee lagu baranayo cilmiga duulimaadyada rayidka ah ee Soomaaliya, taas oo noqonaysa tallaabo horumarineed oo muhiim ah.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista rayidka , Axmed Jamac Cumar, maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka, Axmed Macallim, guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka ee duulista iyo howlaha guud, Cabdullaahi Geel-qaad, iyo mas’uuliyiin kale.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka, Axmed Macallim, ayaa sheegay in hay’addu ay si buuxda u taageeri doonto Jaamacadda, iyadoo iskaashi dhinaca tababarrada ah la sameyn doono, wuxuuna tilmaamay in muhiimadda barnaamijkan ay tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan aqoonta duulimaadka, si loo yareeyo baahida loo qabo dadka ajanebiga ah.

Guddoomiyaha midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Xasan Biday, ayaa isna bogaadiyay dedaalka Jaamacadda Mogadishu University ee ku aaddan horumarinta waxbarashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...