Home Blog Page 297

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray

0

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa ku booqday isbitaalka Erdogan shacabka ku dhaawacmay falkii bahalnimada ee kooxaha khawaarijta ah ay xalay Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO CAMBAAREEYAY WEERARKII KHAWAARIIJTA KU QAADAY XEEBTA

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa cambaareeyay weerarkii Khawaariijta xalay ku qaaday shacab dhalinyaro u badnaa oo ku fiidsanayay xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa ehelada, qoysaska iyo asxaabta dadkii ay waxyeelada soo gaartay, dhamaan dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan alle SWT uga baryayaa inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah siiyo “ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in wixii xalay ka dhacay xeebta Liido ay tusaale u tahay heerka ay gaarsiisantahay cadowtinimada ay khawaariijta u qabaan umadda Soomaaliyeed, wadada keliya ee inoo furanna ay tahay in meel looga soo wada jeesto, sidoo kalena ciidamadda Qaranka lagu garabsiiyo dagaalka Khawaariijta dalka looga ciribtirayo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in midnimo iyo wadajir lagu wajaho dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaariijta.

Ra”iisulwasaare Xigeenka Dalka: Xukuummaddu waxay laba jibaari doontaa gurmadka Shacabka

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Guddoomiyay kulan looga hadlaayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabkii xalay khawaarijta ku xasuuqday Xeebta Liido.

Sidoo kale waxa kulankan ka qayb ahaa Wasiirrada Warfaafinta,Waxbarashada, Caafimaadka,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Waxa Shirkan Wasaaradda cafimaadka iyo hay’adda SoDMA looga dhagaystay xalaadihii u dambeeyey iyo khasaaraha uu geystay Qaraxu kaas oo ah 32 dhimasho ah iyo 63 dhaawac ah.

Ra’iisulwasaare Xamse: Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa Shacabka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay falkii bahalnimo ee kooxaha Khawaarijta ah ku xasuuqeen xalay shacab Soomaaliyeed oo ku fiidsanayay xeebta Liido, inuu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, oo lagu dabargoynayo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

“Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.

Mudane Xamsa ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay qaraxa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Deg Deg ah la qaatay Laammaha Amniga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laammaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii Khawaarijtu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.

“Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.

Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed.

Dad shacab ah oo ku geeriyooday Miino kooxda Khawaarijtu dhigtay jidka u dhexeeya Jowhar iyo Balcad

0

-kooxda khawaarijta ee arxanka darran ayaa saaka qarax miino nooca dhulka la geliyo ah u dhigtay Dad Shacab ah oo ku safrayey Wadadda u dhexaysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

sida ay Wakaaladda SONNA ku heshay xog hordhac ah Gaariga Qaraxa loo dhigay ayaa waxa saarnaa 11 qof oo Shacab waxana halkaas ku geeridooyaday 7 qof oo ka mid ah Rakaabkii Gaariga waxa sidoo kale Dhaawacyo kala duwan soo gaaray 4 qof oo kale.

Dadka Shacabka ah ee Khawaarijtu qaraxa ku laysay ayaa waxa ku jira Dumar iyo Carruur yar yar.

Booliiska oo ka warbixiyey khasaraha ka dhashay qaraxii Liido

0

Afhayeenka Ciidanka Booliiska soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadam Xasan oo goor dhowed Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar xalay kooxaha Khawaarijta arxanka daran ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido goobtaas oo ah goob Dadka Shacabka ahi wakhtigooda ku qaataan.

Afhayeenka ayaa sheegay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha taas oo sababtay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanku ka hortageen saddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta kuwaas oo rabay in ay guddaha Hotelka ku laayaan Shacabkii guddaha ku jiray isla goobtana ay ku toogteen Ciidanka ammaanku.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliiska ayaa xaqiijiyey in ay Ciidanku gacanta ku dhigeen Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka,sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.

 

 

Xaaladda Bariga Dhexe oo sii xumaaneysa iyo Mareykanka oo diraya ciidamo dheeraad ah

0

Xafiiska Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in milatariga Maraykanku uu gobolka geyn doono dagaalyahanno iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Iiraan ay ka aargoosato Israa’iil ,kadib dilkii Tehran loogu geystay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh.

Hadaladaan ayaa soo baxaya xilli saddex carruur ah, qof dumar ah iyo oday waayeel ah lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay magaalada Gaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Falastiin.

Dhinaca kale,Kumanaan kun oo baroordiiqayaal ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan deegaanada Bariga Dhexe,gaar ahaan Lubnaan, Yemen iyo Urdun si ay u xusaan Haniyeh ka dib markii lagu aasay Qatar.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhawaad ​​saddex-meelood laba meel dhammaan dhismayaasha Marinka Qaza oo ah in ka badan 151,000 oo dhisme ay ku waxyeeloobeen ama ku burbureen weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar.

Ugu yaraan 39,480 qof, oo ay ku jiraan 16,314 carruur ah, ayaa la dilay 91,128 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Mas’uuliyiin isbitaallada Muqdisho ku booqday dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii khawaarijta

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Bullaale ayaa qeyb wayn ka ah la socodka xaaladaha dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido, isagoo booqday isbitaallada lagu dabiibayo dadka.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido.

Duqa Muqdisho ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay shuhadadii ku shahiiday weerarkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Takhaatiirta iyo goobaha Caafimaadka in sida ugu wanaagsan oo aan shuruud ku xirneyn ay ula tacaalaan caafimaadka dadka ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii Arxandaradda ee dhacay Liido, asigoona balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu gacan ka geysan doonno garab istaaga iyo gacan siinta Bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale dadka magaalada Muqdisho ayaa qeyb wayn ka ah u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada kasoo gaartay weerarkii khawaarijta, iyagoo dhiig u shubaya dhaawacyada, waxaana badaha bulshada ka socota fariimaha ku aadan garab istaagga dadkaasi.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud opened the 2nd Conference of Somali Islamic Scholars in Mogadishu, noting the priority given by the government to the advice and instructions of the scholars in state-building in Somalia.

2- President Hassan Sheikh Mohamud spoke on the phone with the President of the Republic of Turkey, Recep Tayyip Erdogan, as they discussed the strengthening of strategic cooperation between the two countries, especially in the fields of energy and defense.

3- Prime Minister Hamsa Abdi Barre paid a visit of encouragement and praise to the National Army and Jubbaland Darawish in the Lower Jubba region, who played an important role in the ongoing war in the region to eliminate the Kharijites Al Shabab terrorist group.

4- Prime Minister Hamsa Abdi Barre together with the President of the Jubbaland state Ahmed Mohamed Islam, visited the Armed Forces, especially the Birjeh Brigade of the Jubbaland Dervish Army, which recently defeated the Kharijites al-Shabab.

5- Prime Minister Hamsa Abdi Barre who closed the 2nd Conference of Somali Islamic Scholars, which discussed the unity of the religious leaders, urged them to strengthen unity among themselves and overcome everything that causes division.

6- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has appointed few new members of the Cabinet including the new Minister for Family Affairs and Human Rights.

7- The Deputy Prime Minister of Somalia, Mr. Salah Ahmed Jama chaired the coordination meeting of the stabilization program which discussed the progress made in the stabilization program in the areas liberated from the Kharijites.

8- The Deputy Prime Minister of Somalia, Mr. Salah Ahmed Jama chaired a meeting to discuss the process of drafting the National Transformation Plan and its importance for the development of the nation.

9- The Federal Government of Somalia has condemned and condoled the death of the late leader of the Palestinian Movement of Hamas, Ismail Haniyah, who was killed in Tehran, Iran.

10- The Conference of Somali Islamic Scholars which concluded in Mogadishu has issued a communique containing several points including the speeding up of the establishment of the Council of Somali Islamic Scholars.

11- The Commander of the Somali National Army Major General Ibrahim Sheikh Muhuddin said that the care of the orphans left behind by the soldiers who died in the war to liberate the country from the Kharijites will continue.

12- The Minister of Interior, Federal and Reconciliation, Mr. Ali Yusuf Ali Hoosh has briefed the Upper House of the Federal Parliament of Somalia on the activities, plans and commitments of the Ministry.

13- The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Mr. Ambassador Ahmed Maallin Fiqi Ahmed, said that the policies and work procedures of the Ministry are being reformed, in order to achieve a modernized structure that leads to effective changes.

14- The Minister of Fisheries and Blue Economy of Somalia Mr. Ahmed Hassan Adan held a meeting in Riyadh with his Saudi counterpart Mr. Abdulrahman Al-Fadley, focusing on investment in the Blue Economy of Somalia.

15- The Minister of Internal Affairs, Federalism and Reconciliation of Somalia Mr. Ali Yusuf Ali said that the Government of Somalia gives special importance to the stabilization activities carried out in the area liberated from the Kharijites Al Shabab.

16- Abbas Sheikhdoon, who served as the Head of Finance for the Kharijites Al Shabab in Mudug Region, has surrendered to the Somali Police Force operating in Hobyo District of Galmudug State.

17- The Parliament of Turkey has approved the proposal of President Recep Tayyip Erdogan that the Turkish Navy should be sent to the coast of Somalia to participate in the efforts to secure the Somali waters.

18- The Federal Government of Somalia has welcomed the action of the Turkish Parliament to approve the decision of the Turkish Government to send naval forces to Somalia to operate on the coast of Somalia.

19- The Ministry of Health of Somalia held an event to commemorate World Breastfeeding Week in Mogadishu.

20- The President of HirShabelle State, Mr. Ali Abdullahi Hussein is paying visits aimed at inspecting the security and life conditions in areas under the state.

21- The Commander of the Somali Custodial Corpse Brigadier General Mahad Abdirahman Aden has issued an order to strengthen the security of the Central Prison in Mogadishu.

22- The Banadir Regional Court has sentenced Abdinur Aden Ibrahim, who was a director in the Ministry of Finance of the Southwest Administration, to prison for money laundering.