Home Blog Page 298

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxeexday heshiis Ceelal Biyo looga dhisayo Deegaanadii laga xorreeyey Khawaarijta

0

Wasiirka Tamarta iyo Qayraadka Biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan mira-dhal ah oo diiradda lagu saarayay hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xoreeyay khawaarijta la qaatay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.

Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraadka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada laga xoreeyay Khawaarijta.

Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweynaha JFS, Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka, halka uu si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

Wasiir Tamarta XFS,Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa uga mahaceliyay safiirka, shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Wasiirka dhallinyarada XFS oo gaaray Baydhabo

0

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane, Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiir Maxamed Barre ayaa u tagay halkaas si uu ugu kuurgalo mashaariicda horumarinta dhallinyarada ee ka socda Koonfur Galbeed, in la dardargeliyo qodobbada hortabinta u leh siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhowaan la ansixiyay iyo dhismaha Golaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka kala imaanaya dowlad goboleedyada dalka.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka duulaya tiirka saddexaad ee Xukuumadda Dan-Qaran ee ah SOOMAALI HESHIIS AH ayaa xoogga saaray inuu wada shaqayn buuxda la yeesho Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee heer dowlad goboleed si loo dardargeliyo horumarinta iyo u qareemidda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dowladda Shiinaha oo deeq lacageed guddoonsiisay hay’adda SoDMA

0

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya H.E Fei Shengchao ayaa maanta ku wareejiyay Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle kaalmo lacageed oo gaaraysa Boqol soddon iyo sagaal kun, saddex boqol toban iyo siddeed, afartan iyo shan Sent , (139.318.45$), taas oo billow u ah deeqo kala duwan oo dowladda Shiinaha ku garab istaagayso shacabka Soomaliyeed ee fataahaduhu saameyeen.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Ambassador, Fei Shengchao ayaa sheegay in Dowladdiisu ay mar walba garab taagan tahy shacabka Soomaaliyeed ee xaladdan adag ku jira, isagoo sheegay in gargaar iyo taakula kalana ay dhowaan billaabi doonaan, kana qayb qaadan doonaan dhismaha kaabayasha ku bur buray roobabka iyo dhismaha biya xireenno.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo khudbad kooban ka jeeday munaasabadda la wareegidda lacagta ayaa u mahadceliyay shacabka, dowladda iyo safiirka Shiinaha u qaabbilsan Soomaaliya isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo aysan ahayn markii ugu horreysay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday dowladaha caalamka in ay gargaar lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee isugu darsantay fataahadaha iyo colaadaha muddada dheer ah.

 

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GAARAY BAYDHABO

0
Baydhabo, November 22, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo gaaray magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa waxaa safarka ku weheliyay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen, Xildhibaano iyo Wasiiro isugu jira heer Federaal, kuwa maamulka KGS iyo qeybaha kala duwan Bulshada.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu furi doonaa shirka shaacinta iyo horumarinta farta rasmiga ah ee Maayga oo ka dhici doona Magalada Baydhabo.
DHAMMAAD

Wasiiirka Caafimaadka oo soo saaray wareegtada ku lifaaaqan qoraalkan Sharciyadda iyo Waajibaaadka Machadka Caafimaadka Qaranka.

0

Wasiiirku waxa uu farayaa dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo saraakiisha ay sida tooska ah ugu socoto wareegtadu, oo ay ka mid yihiin agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo hay’adaha dawladda in ay dhaqan geliyaaan wareegtadaan.
Wasiirku waxa uu xaqiijiyay in dhismaha Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaliya in loo cuskaday xeerka ay ansixiyeeen aqlabiyada golaha wasiirrada ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna soo baxay wareegtada Raysul Wasaaaraha Xukuumadda Federaaalka.
Wasiir, Waxa uu qirayaa muhiimadda uu u leeyahay Machadka Caafimaadka Qaranka hagaajinta himilooyinka caafimaaadka, ka hor Taga Cudurrada iyo Xakamaynta xanuunnada xilliyada ay jiraaan Musiibooyinka degdegga ah.

Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday heshiis iskaashi

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska kulan kula yeeshay Wasiirka horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell.

Labada Wasiir ayaa magaalada London ku wada saxiixay heshiis dhabbaha u xaaraya iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo gargaarka.

“Anigoo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee booqashada shaqo ku jooga Boqortooyada Ingiriiska waxaan heshiis Iskaashi iyo wada shaqayn ku kala saxiixannay magaalada London Wasiirka horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell”.

Dalka Ingiriiska ayaa safka hore kaga jira dalalka Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo howlaha samafalka.

Odayaal horay ula shaqayn jiray khawaarijta oo isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

0

Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeyn jiray Kooxda Khawaariijta ah ee ku sugan degmada Ceeldheer iyo degaanka Cowswayne ayaa isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka iyo Kuwa dib u xoreeynta degaanka ee howlgallada ka wada xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.

Axmed Cali Gadaf waxaa uu Khawaariijta kala shaqeyn jiray in uu u keeno xoolaha baadda ah ee ay argagixisadu xoogga ugu qaadato dadka degaanka Cowswayne.

Cali Maqane ayaa isna ahaa Oday dhaqameed ama (Naqiib) waxa ay u yaqaanan kaas oo isna khawaarijta u uruurin jiray xoolaha , wuxuuna dhowr jeer ka badbaaday weerar ay ku qaadeen Ciidamada dib u xoreeynta degaanka.

Firxadka Xubnahii la shaqeyn jiray Kooxda Khawaariijta ah ayaa yimid ka dib markii howlgallo gaar ah ay Ciidanka degaanku ka fuliyeen degmada Ceeldheer iyo deegaanno hoos taga, kuwaas oo lagu soo afjaray xubno muhiim u ahaa Khawaariijta qaarkoodna nolol lagu soo watay.

Israa’iil iyo Xamaas oo ogolaaday xabbad-joojin & isdhaafsiga maxaabiista

Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey heshiis xabbad-joojin ku meel gaadh ah, oo wadada u xaareysa in la sii daayo ilaa 50 qof oo lagu haysto Gaza iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran jeelasha Israa’iil.

Heshiiskaan oo ay garwadeen ka yihiin Dowladda Qadar ayaa dhigaya in muddo 4-cisho ah Gaza laga sameeyo xabad-joojin si la isu weydaarsado maxaabiis gaareysa 50 oo ay heystaan Xamaas iyo 150 Falastiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in heshiisku aanu micnihiisu ahayn in dagaalku joogsanayo, isagoo wacad ku maray in Israel ay sii wadi doonaan dagaalka ka dib xabbad-joojinta.

Heshiiska ayaa qeexaya in mudada xabbad-joojinta Israa’iil ay sidoo kale joojin doonto dhammaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka waddo Gaza iyo in boqollaal baabuur oo ku raran gargaar raashin,dawo iyo shidaal loo ogolaado in in ay galaan Gazaa.

Duqeymaha Israa’iil ayaa weli ka sii socda guud ahaan Gaza oo ay ku jiraan agagaarka Isbitaalka Indonesia iyo Khan Younis oo ku yaalla koonfurta gobolka.

In ka badan 14100 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo Oktoobar 7. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarrada Xamaas waxay gaaraysaa 1,200.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo magacaabay guddiyo muhiim ah

0

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiyada saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Shiinaha, Ciraaq iyo Isutaga imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Awqaafta oo soo saartay liiska shirkadaha ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka

0

Guddiga Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS u qaabbilsan tartansiinta shirkadaha adeegga Xajka ayaa soo saaray liiska kama dambeysta ah ee magacyada shirkadaha ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka sanadka 1445/2024.