Home Blog Page 298

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulluugga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing halkaas oo hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha ay uga wada hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta Dhaqaalaha Buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga.

Shir doceedkan waxaa ka qeyb galay daneeyayaal muhiim ah wuxuuna ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca Dhaqaalaha Buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha si loo gaaro koror dhaqaale.

Wadahallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Soomaaliya, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamaynta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadalay barnaamijyada cilmi-baarista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda.

Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyadda ay u leedahay inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinaad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid. Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin horumarada dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ee dalka.

Shir doceedkaan wuxuu ahaa madal loogu talagalay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dhiirrigelinaya iskaashiga labada dowladood si loo hormariyo koritaanka dhaqaale waara.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdallag Bin Saalim Alnuceymi

Guddoomiyaha iyo Safiirku ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, arrimaha bani’aadannimada, iyo iyo dardar galinta taageerada dhinacyada horumarinta Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale safiirku wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqayn doono in xiriir toos ah ay wada yeeshaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shuurada Dowladda Qadar, si ay isu waydaarsadaan khibrada shaqo, sharci dajin iyo korjoogtayn.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Aminga iyo la dagaalanka Khawaarijta 

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed;

1′ In ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

2′ In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.

3′ In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimadeenna.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

Madaxda Masar iyo Turkiga oo ku heshiiyay taageerida midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, oo shir jaraa’id oo wadajir ah magaalada Ankara kula qabtay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in la taageero dadaallada lagu xasilinayo gobolka, isagoo tilmaamay in caqabadaha sii kordhaya ee ka jira ay sii xoojinayaan baahida loo qabo iskaashi dhexmara wadamada gobolka.

Wasaaradda Maaliyadda XFS Oo ku dhawaaqday in canshuurta gedista laga joojiyay Isbitaalada

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo khudbad ka jeediyay Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano ee Isbitaalka Demartino, ayaa sheegay in canshuurta gedista laga joojiyay isbitaalada.

Wasiir Xaange waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay tixgaliyeen talooyinka bahda caafimaadka, isla markaana ay meesha ka saareen cashuurtii gedista, iyagoo u damqanaya xaaladda dadka iyo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada ay yihiin dhinacyada ay dowladu mudnaanta siineyso, isagoo ballan qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha isbitaalada dalka.

Wasiirka Caafimaadka oo bogaadiyay adeegyada uu siiyo Bulshada Isbitaalka De-Martino

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Aden oo caawa ka qeyb galey Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano iyo Daah furka Hanaanka casriga ah ee xogta iyo Ololaha Kobcinta daryeel bixinta Caafimaad ee Isbitaalka Demartino.

Munaasabadda oo aheyd mid heerkeedu sarreeyey waxaa kasoo qeyb galey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Xasan Bullaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Agaasimayaal, Siyaasiin, Dhaqaatiir, Aqoon yahan iyo marti Sharaf kale.

Munaasanadda ayaa lagu soo bandhigey howlaha muhiimka ah ee uu u qabtey bulsho waynta Soomaaliyeed Isbitaalka Demartiino iyo kaalinka lama ilaabaanka ah ee uu kaga jiro adeegga danta guud iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed, waxaana sidoo kaley intaasi bar bar socdey Daahfurka Hanaanka casriga ah ee xogta iyo Olalaha Kobcinta daryeel bixinta Caafimaad oo iyaduna ah qodob muhiim ah islamarkaana ahaan baahi wayn oo taagan maadama maalinba maalinta ka dambeysa uu sii kobcayo hanaankeena Caafimaadka.

Madaxda iyo marti Sharafkii kasoo qeyb galey Munaasbadda, ayaa bogaadiyey dadaalada uu Isbitaalka Demartiino u hayo bulsho waynta Soomaaliyeed, waxa ayna sidoo kale u riyaaqeen in la daah furo hanaanka casriyeysan ee xogta iyo Ololah kobcimta daryeel bixinta Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maamulka iyo shaqaalada Isbitaalka Demartiinu ku amaaney doorka muhiimka ah ee ay ku lee yihiin qeybta Caafimaadka gaar ahaan bixinta adeegga Caafimaadka taasoo muujineysa in Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay markasta diyaar u btahay sidii bulsho weynta Soomaalyeed u heli la haayeen adeeg Caafimaad oo dhamaystiran.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay kulanka Maamuuska Madaxda Afrika iyo Shiinaha

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kala qeyb-galay Madaxda Afrika ee ka qeyb-galaya Madasha Shiinaha iyo Afrika munaasabad sharafeed uu soo agaasimay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha Mudane Xi Jinping, taas oo hordhac u ah furitaanka Madasha.

Madasha Shiinaha iyo Afrika, ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta bulshada, iyadoo laga arrinsanayo kobcinta maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee Jamhuuriyadda Shiinuhu ay ka fuliyaan Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta uu ku sugan yahay Madasha, waxa uu la kulmi doonaa hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada sare ee dalalka Afrika iyo Shiinaha, si loo dardar geliyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dalkeennu uu la leeyahay caalamka.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay Geerida Siteey Maxamed Nuur 

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyootay Allaha u naxariistee Marxuumad Siteey Maxamed Nuur (MA NOOGTO) oo ka mid aheyd Fanaaniinta Qaranka ee Hoballada Waaberi.

Allaha u naxariistee Marxuumad Siteey Maxamed Nuur (Ma Noogto) waxa ay muddo dheer ka tirsaneyd Hobollada Qaranka Waaberi ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo kaalin muuqata ka soo qaadatey wacyigelinta iyo horumarinta fanka Soomaaliya.

Waxan Allah uga baryeeynaa inuu u naxariisto Marxuumadda, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka tagtayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyeeyay Geerida Siteey Maxamed Nuur (Sitey Manoogto)

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed geeridii xanuunka badnayd ee ku timid Alle ha u naxariistee, Siteey Maxamed Nuur (Sitey Manoogto) oo muddo dheer ka mid ahayd hobollada Qaranka Waabari, maantana ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha wuxuu xusay in Marxuumaddu ay ahayd Fannaanad wayn, jilaa iyo majaajilayste caan ku ah cayaaraha Hiddaha iyo dhaqanka (Falkaloorka) dadkeedana usoo adeegatey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta, cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka nabadda iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna ka mid ahayd Fannaaniintii Qaranka ee dalkeenna u soo hooyay billado, door lama illaawaan ah ka soo qaadatay nabadda iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Marxuumaddu waxa ay kaalin lama illaawaan ah ku lahayd in magaca iyo fanka Soomaaliyeed uu caan noqdo, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeedna laga daawado isla markaana laga xiiseeyo masraxyada iyo tiyaatarrada caalamka iyo Gudahaba.

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu Marxuumadda Alle uga baryey inuu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xafiiska ku qaabbilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa xusay inay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.