Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Shirkadda Huawei

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta dhexe ee Shirkadda ganacsiga Huawei ee dalka Shiinaha ayaa ku dhiirigaliyay mas’uuliyinta shirkadda sidii ay qayb uga noqon Maalgashiga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda XFS mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa madaxda Shirkadda la wadaagay fursadaha Maalgashi ee waqtigan ka jira dalkeenna, gaar ahaan horumarka Soomaaliya ka sameysay dhinaca Tignoolajiyadda.

Booqashadan waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo qayb ka ah safarka Madaxweynaha ee dalka Shiinaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...