Home Blog Page 293

Wasiirka Deegaanka oo Saxiixday Heshiis Iskaashi oo lagu taageerayo bulshooyinka u nugul deegaanka

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Amb Khadija Al-Makhzoumi, ayaa heshiis la saxiixatay hay’adda Global Center for Climate Mobility.

Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo Soomaaliya ku habboon.

Iskaashigan cusub wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.

Ujeedada heshiiska, ayaa ah in la maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad oo kormeeray Bandhigga hordhaca ah ee Qorshaha Qaranka

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay, ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ayaa dhageystay warbixinnada laga soo saaray Sheybaarada kala duwan ee xarunta diyaarinta Qorshaha Qaranka, isagoo sheegay in tani ay tahay rajada ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay qabaan isla markaana xukuumaddu ay xoogga saari doonto fulinta Qorshaha halkaan ka soo baxa.

Waxyaabaha maanta lasoo bandhigay waxaa kamid ah dib u eegidda iyo falanqeynta lagu sameeyey Caqabadaha ragaadiyey Qarankeenna, fursadaha jira ee u baahan in si maangal ah loo wajaho ka faa’iideysigooda iyo sida qorshaha Isbeddelka Qaranku u wajahayo qaabeynta mustaqbalka dalka.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ah Hindise ay hoggaaminayaan madaxda Qaranka, ayaa ujeedkiisu yahay uruurinta iyo meel isugu geynta muruqa iyo maskaxda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed taas oo horseedeysa in si wadajir ah dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo qarankeenna, lana helo macluumaadka asaasiga ah ee dhinacyada wax soosaarka, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo xoojinta dowladnimo loo dhan yahay.

ku-Simaha duqa Muqdisho oo furay Bandhigga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed

0

Ku-Simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa daah-furay Bandhigga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa soo bandhigay wax soo saarka Warshadaha ka dhisan dalka, taasi oo loogu kaaftoomayo baahida ganacsatada Soomaaliyeed ay u qabaan in dalka dibadiisa ay kasoo dhoofsadaan badeecadaha maanta lasoo bandhigay.

Guddoomiye Ciise, ayaa boogaadiyay Warshadaha ka dhisan dalka doorka ay ka qaadanayaan Kobaca Dhaqaalaha dalka iyo hal abuurka ay la yimaadeen, asigoona sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dhiira-gelinaayo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka qeybgalay shirka Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika 

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qayb galay shirka 18-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaaannada Dowladaha Bulshada Bariga Afrika oo maanta ka furmay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha oo shirka ka jeediyay khudbad uu dhinacyo kala duwan uga hadlay, ayaa ugu horrayn ka warramay muhiimadda ay Soomaaliya u leeyahay ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afirka, iyo kaalinta ay ka gaysan karto horumarka dhinaca dhaqaalaha, iskaashiga Ganacsiga, Nabadda iyo horumarinta Bulshada.

Sidoo kale guddoomiyuhu, wuxuu xusay in Ururkan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha Afrika ayna ku dhiiri galinayso in Afrika oo idil ay iskaashato, islamarkaana ay samaysato midow ay ku midaysan yihiin dowladahaas, taas oo faa’iido wayn u ah dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo in ay iska kaashadaan soo saarka khayraadka dihan ee dhaxyaal dhulka Afrika

Shirka waxaa kaloo ka qayb galay Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed oo ka qayb galay shirka Xoghayayaasha Guud ee Baarlamaannada Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Wasiirka Isbadalka Cimilada Soomaaliya oo kulan la qaadatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda ( WMO)

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa kulan muhiim ah la qaadatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada (World Meteorological Organization WMO) si loo xoojiyo adkeysiga cimilada ee Soomaaliya.

Ajendaha kulankan, oo aja horumarinta sharciyeynta Hay’adda Qaranka Saadaasha Hawada ee Soomaaliya (SNMA), taageerada farsamo iyo howlgalka WMO, iyo nidaamyada digniinta degdega ah ee saadasha si looga caawiyo bulshada inay ka foojignaadaan saameynta cimilo xumada.

Waxaan u heelanahay dhisidda nidaam qaran oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah, kaas oo u noqonaya lafdahabar horumar waara uu dalka gaaro.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo warbixinno ka dhageestay Saraakiisha CBS

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Ayaa kulan isugu yeeray Saraakiisha Ciidanka Boliiska, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlaha ay u hayaan bulshada.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray qodobo ayka mid yihiiin, adkaynta amniga, dabar goynta Khawaarijta, hirgalinta saraynta sharciga, waxaana la isla qaatay in la dar dargaliyo arimaha amniga, iyadoo xooga la saarayo ku dhaqanka saraynta sharciga wacyigalinta shacabka si wadajir loogu istaago ilaalinta xasalinoonida dalka.

Gabagabadii, Taliye Asad ayaa kula dardaarmay saraakiisha amniga in ay laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada, waxaana uu sheegay in la joogteyn doono kulamada noocan oo kale ah ee looga hadlayo Amniga.

Xildhibaannada labada Gole oo leh Akhrinta 2-aad ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

0

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta leh fadhiga Akhrinta 2-aad ee Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Fadhigan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo Wasiiru dowlaha Waaaaradda mudane xildhibaan Saadaad Maxamednuur Caliyow.

Dhanka kale Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo Xildhibaannada hortooda ku dhaariyay wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta Mudane Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdirashiid Ducaale, kuwaas oo uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Sidoo kale Senator Cabdiweli Garyare oo maalin ka hor lagu doortay Dhuusamareeb, ayaa maanta lagu dhaariyey kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Al-Cadaala oo ka Warbixiyay Isbadalka Qorshaha Qaran ee 5-ta sano ee soo socoto 

0

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala “Waxaa halkaan lagu diyaarinayaa qorshaha dalkaan lagu hoggaami doono 5 sano ee soo socoto, taasina waxa laga faa’iidayaa horumarin dhinac walba leh.”

Warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlay halka uu ka socdo diyaarinta Qorshaha Qaranka ayaa sheeagay inay iska kaashanayaa diyaarintaan,Bulashad qeybaheeda kala duwan madaama dalka hormarkiisa labo in la jiheeyo.Aqoon yahanada dalka iyo dibada ka yimadeen ayaa ka qeyb ka ah.

Qorshahaan oo ka duwan kuwii hore waxa uu inoo horseedi doonyaa hormar dhaqaale,hormar bulasho meesha maanta dalkeyna joogo sumcad ahaan meel ka sarrayso ayow ina gaarsiin doonyaa Qorshaha Qaranka ee la diyaarinaayo.

Runtii waxaan shaqadaan uga mahadcelinaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo runtii xil weyn iska saaray,Anaga ka Wasaarad ahaan qeyb ayaan ka nahay howsha socoto.

Saxaafadda Soomaaliya shanta ee socoto laxaddeeda isbadalka xoog leh lagu sameyo, haddiiay ahaan laheyd Radiyah iyo Talafashinada, Warbaahinta cusub ee Social media loo yaqaaano.

Horumarinta waxa ay noqon doonaan in la dhiso sharciyada ay u baahnayeen inla dhaso, Social mediayuhu waa suuq dhaqaale laga abuuri karo, Sidaad ogtihiin dadka Soomaaliya joogo awood uma lahan inay Aaladaha la isticmaalo sifo sharci ah ku isticmalaan,Marka waxaan ka shaqeynay sida ay ku heli lahaayeen sharciyada looga shaqeysan karo online-ka.

” Waxba kama jiraan runtii waa iska hadalo raqiis ah in ay dowladda xirtay Social mediaha,Dowladda waxa ay ka shaqeysaa Xuriyatul Qowlka marka ma dhacayso inay xakamayso aragtidayada ay qabaan Bulshada”.

Shacabka Somaliland oo u dareeray Goobaha Codbixinta 

0

Shacabka maamulka Somaliland ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ayaa saakay u darreeray goobaha codbixinta doorashooyinka Madaxtinimo ee maamulkaasi.

Inta badan dadweynaha magaalooyinka waaweyn ee maamulka Somaliland ee kala ah Hargeysa, Berbera,Boorama, Burco iyo Gibileey, ayaa aroornimadii hore ee saakay safaf dhaadheer loo galay iney codadkooda dhiibtaan,waxaana doorashadaasi oo ay ku tartamayaan 3 xisbi Siyasaadeed oo u tartamaya Madaxweynaha, halka toban ururna ay u tartamayaan iney Xisbiyo noqdaan.

Ammaanka goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan, ayaa si aad ah loo adkeeyey iyadoo dhammaan dhinacyada tartamayana ay shacabka ku booriyeen iney si nabad ah codadkooda u dhiibtaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa horey u bogaadisay nidaamka doorashooyinka maamulka Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo hooygiisa ku qaabbilay Madaxa ka socotay Dowladda Kenya 

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wafdi ka socda dowladda Kenya.

Xubnaha wafdiga,ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorka dowladda Kenya ee ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka.

Xubnaha wafdiga ayaa kala ahaa Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow.