Home Blog Page 292

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga soo qeyb galey Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo waddamada Carabta iyo Islaamka uga arinsanayeen xasaradda bani’aadamnimo ee haysta shacabka reer Falastiin iyo Lubnaan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Carabta iyo waddamada Islaamka ee ka dhacaya Sacuudiga, loogana arinsanayay arrimaha Lubnaan iyo Falastiin.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Kenya.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka.

5- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur ayaa socdaal shaqo ku tagey dalka Britain.

7- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo yeelaneysa magaca cusub oo ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

9- Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee XFS Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.

10- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay habraaca uu ku shaqeyn doono Guddiga KMG ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka.

11- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedyada Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, Doorashooyinka iyo Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha.

12- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah una dhacdo qaab hufan si waafaqsan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka.

13- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddiga doorashada dadban ee uu magacaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Jubbaland in uu yahay sharci darro, kana soo horjeeda xeerarka dalka iyo heshiisyadii Golaha wadatashiga Qaranka.

14- Kulan wadatashi ah oo dadweynaha looga talo galinayay dib u eegista Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Laas Caanood ee xarunta maamulka Ku Meel Gaarka ah ee SSC-Khaatuma.

15- Wasiirka Caafimaadka Mudane Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah casri ah (CT Scan) oo lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda adduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund)

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlaayey istaraatiijiyadda wasaaradda ee Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029.

18- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u xaqiijiyey in Itoobiya si rasmi ah looga reebay dalalka ka qayb qaadanaya hawlgalka taageerada xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,.

19- Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

20- Kulanka la xiriira la-tashiga dadweynaha ee dib u eegista Dastuurka ayaa lagu qabtay deegaanka Ari Caddeeye ee maamulka SSC-Khaatumo.

21- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bogaadisay doorashooyinka maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland.

22- Wasaaradda Waxbarashada ayaa daahfurtay deeq waxbarasho oo la siinayo 3,000 oo gabdhood.

23- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer.

24- Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Mudaner Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee labada dal.

25- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa dilay 23 xubnood oo ka tirsaan Khawaarijta Al Shabab, hawlgal ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

26- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo kala hadley kaalinta haweenka ee nabadda iyo amniga.

27- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa dilay 6 xubnood ka tirsan argagixisada Al Shabab, hawlgal ka dhacay tuulada Weel-manaas ee degmada Qansaxdheere.

28- Ugu yaraan 19 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay Ciidanka Nabadsugidda (NISA) ka fuliyeen meel deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

29- Dowlada Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 24 dhalinyaro oo laga soo badbaadiyey kooxaha dhibaateeya dadka muhaajiriinta ah ee ka hawlgala xeebaha DalkaTunisia.

30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay 8 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku dayday in ay weerar ka geysato Masagawaay ee Galmudug.

31- Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

 

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha “Dadkeennu waxa ay u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur oo ka qeybgalay kulanka toddobaadka Warbaahinta Qaranka,ayaa sheegay in dadkeennu ay xilligaan u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah oo looga dareero gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha ayaa xusay in laga gudbay doorashooyin dadban,sidaa daraadeedna loo baahan yahay qabashada doorasho ay awodda leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Adduunka waqtigaan casriga nagama aqbalaayo in aan iska dhexdooranno qof,balse waxaa ay daneynayaan in loo darreero doorasho qof iyo cod ah oo ay ku soo baxaan madax ay rabbaan shacabka Soomaaliyeed “ayuu yiri wasiirku.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimah Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur waxa uu ku taliyay in la joojiyo cabsida siyaasiyiintu ay ka qabaan foorashada qof iyo codka ah,isla markaana ay dalkooda u horseedaan nabad iyo horumar.

Wasiirka Deegaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay madasha UNCC ee COP29

0

Waxaan khudbad ka jeediyay madasha UNCC ee #COP29, anigoo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamyada digniinta deg degga ah si Soomaaliya ay uga sii gaashaamato saameynta isbedelka cimilada. Waxaan til-maamnay dadaalka dowladda ee dhismaha nidaam isku dhafan kaas oo bulshada siiya macluumaad sax ah oo waqtigeeda ku habboon, si loo yareeyo saamaynta fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqda ee dalka ka jira.

Waxaan sidoo kale xusnay in adeegsiga saadaasha cimilada heer qaran uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo ilaalinta bulshada iyo wax ka qabashada caqabadaha cimilada. Nidaamkan digniinta deg degga ah ayaa ah mid isku xira xogta deegaanka iyo aqoonta bulshada, taas oo suuragelinaysa in digniinaha lagu gaarsiiyo dadweynaha meel kasta oo ay joogaan, iyadoo la adeegsanayo aalado sahlan sida moobilka iyo raadiyaha.

Gebagebadii, waxaan ku baaqay in beesha caalamka ay taageeraan dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta nidaamyada digniinta deg-degga ah, iyada oo ku adkeysatay in maalgashiga nidaamyadan uu horseedi doono bulshada Soomaaliyeed oo leh adkeysi iyo badbaado sare.

Kulan la tashi ah oo ku saabsan hindisaha xeerarka ururada iyo xisbiyadda oo lagu qabtay Muqdisho 

0

Qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah, siyaasiyiinta xisbiyada iyo khuburo cilmi baarayaal ah, ayaa ka qeybgalay kulan ku saabsanaa nidaamka xisbiyada iyo sida dalka ay uga suurtagali karto doorasho qof iyo cod ah.

Kulankaan oo ahaa mid latashi ah waxaa xubnihii ka qeybgalay ay si saraaxad leh uga doodeen ahmiyadda doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka iyo sida looheli karo tirakoob sax ah,amni iyo dastuur madaxbannaan.

Guddoomiyaha guddigga kmg ah ee labada aqal u xilsaaran diyaarinta xerarka doorashiiyinka, kan ururada siyaasadda iyo dhismaha guddigga doorashooyinka Xildhibaan Mahad Naxaned Guuleed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in doodaha wax ku oolka ah ee ay soo jeediyeen ka qeybgalayaasha ay muujinayaan baahida loo qabo dooraho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka.

Wasiirka Degaanka XFS oo khudbad ka jeesiday madasha IOM ee Shirweynaha COP29

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay madasha IOM ee Shirweynaha COP29, iyadoo iftiimisay saameynta isbeddelka cimilada iyo waxyeelada ay ku leedahay dhallinyarada iyo bulshada u nugul ee caalamka.

Wasiirka, ayaa carabka ku adkeysay in isbeddelka cimiladu yahay dhibaato halis ku ah jiritaanka nolosha Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, maadaama ay sabab u tahay barakaca, kororka magaalooyinka, yaraanta biyaha, amni xumo dhinaca cuntada, iyo qalalaase aan la xakamayn karin.

Wasiir Khadija ayaa tilmaantay in ay muhiim tahay in si wadajir ah oo degdeg ah loo wajaho dhibaatooyinkaasi. Waxa kale oo ay xustay in saameynta ugu daran ee cimilada ay ku dhacdo dhalinyarada, dhanka waxbarashadooda, adeegyada aasaasiga ah, fursadaha shaqo, iyo guud ahaan yoolalka horumarineed ee caalamka (SDGs).

Wasiirka ayaa ugu baaqday hogaamiyeyaasha, siyaasiyiinta, iyo hay’adaha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa awoodda dhalinyarada si ay uga qayb qaataan xallinta caqabadaha cimilada. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya waxay ka go’an inay ka dhigto codka dhalinyarada qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaalladeeda isbeddelka cimilada iyo horumarka waara, iyadoo dhalinyarada loo aqoonsanayo inay yihiin awood wax ka tari karta mustaqbalka dalka iyo caalamka.

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeygalay shir-weynaha Caalamiga ah ee COP29

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya shir-weynaha caalamiga ah ee COP29 ee ka socda magaalada Baku, Azerbaijan, ayaa ka mid noqday madaxdii ka hadashay kulan muhiim ah oo looga doodayay saameynta La Niña ee la filayo in ay ku yeelato gobolka Bariga Afrika iyo abaarta ka dhalan karta.

Guddoomiyuhu, oo hadal muhiim ah ka jeediyay shirka, ayaa ku adkeeyay in hadda ay tahay waqtigii saxda ahaa ee la qaadi lahaa tallaabooyin lagaga hortagayo abaarta la saadaalinayo, iyadoo la xoojinayo nidaamka digniinaha degdegga ah iyo hubinta in fariimaha digniinta ay gaaraan dhammaan shacabka ay abaartu saameyn karto.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxa urur-goboleedka IGAD iyo wasiirro ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ingiriiska

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadanka Ingiriiska Lindsay Hoyle.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhigiisa Ingiriiska ayaa kulankooda diiradda ku saaray iskaashiga xoojinta xiriirka Baarlamaanadda labada wadan,khibrad isweydaarsiga Xildhibaanadda labada Baarlamaan iyo sidoo kale sidii Baarlamaanka wadanka Ingiriiska uu gacan uga geysan labaa kor u qaadista aqoonta howlwadeenadda Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday xarunta Baarlamaanka ee wadanka Ingiriiska,wuxuuna warbixin ku saabsan habka  uu u shaqeeyo baarlamaanka wadankaasi ka dhageystay dhigiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalkaasi.

Ku-Simaha Duqa Muqdisho oo tababar u faray Howlwadeenada Waaxda Canshuuraha

0

Ku-Simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa daah-furay Tababar loo qabanaayo Howlwadeenada Waaxda Canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo lagu baranaayo Xirfadaha wadashaqeyn kooxeedka iyo xiriirka.

Guddoomiye Ciise ayaa sheegay in ay muhiim tahay wanaajinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya howlwadeenada waaxda canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar si loo helo adeegayaal si hufnaan oo xirfadeysan ugu shaqeeya bulshada qeybahooda kala gedisan, asigoona u rajeeyay howlwadeenada in ay ka faa’ideystaan cashirada ay bixinayaan aqoonyahanada.

Munaasabaddan lagu daah furaayay Tababarka Howlwadeenada Waaxda Canshuuraha waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar Sowdo Hussein Sudi, Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha D/hoose ee Xamar Md. Xuseen, Aqoonyahano iyo xirfadleyaal kala gedisan.

Saraakiil ka tirsan CXD oo ay tababar u soo gabagabeeysay Safaaradda Mareykanka 

0

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa Muqdisho loogu soo gabagabeeyay tababar aqoon-kororsi oo ku saabsan hufnaanta hawlgalada, tayeynta saadka, maareynta iyo hagaajinta xiriirka ciidamada iyo rayidka, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Tababarkan oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska iskaashiga amniga ee Safaaradda Mareykanka, ayna fulinayeen khuburo ka tirsan Machadka Maamulka Amniga (ISG) oo kaashanaya Kulliyadda Dagaalka ee Ciidanka Mareykanka, ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa hufnaanta hawlgalada iyo maareynta tayeynta ciidamada difaaca Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta horumarinta iyo tayeynta ciidamada difaaca oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, si dalku u noqdo goob ammaan iyo xasilloon, ayaa uga mahad-celisay dowladda Mareykanka taageerada muhiimka ah ee ay ku bixiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo gacan-siinta arrimaha bini’aadantinimada.

 

Wasiirka Deegaanka oo Saxiixday Heshiis Iskaashi oo lagu taageerayo bulshooyinka u nugul deegaanka

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Amb Khadija Al-Makhzoumi, ayaa heshiis la saxiixatay hay’adda Global Center for Climate Mobility.

Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo Soomaaliya ku habboon.

Iskaashigan cusub wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.

Ujeedada heshiiska, ayaa ah in la maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.