Home Blog Page 292

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay wasiirka Qorsheynta

0

Guddiga Arrimaha Dibadda, iskaashiga Caalamiga,Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Aqalka Sare oo gudnaya waajibaadka ka saran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, ayaa xafiiskooda ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha oo uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradaas Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene.

Kulan oo saacado badan qaatay ayaa wax looga waydiiyay mas’uuliyiinta wasaaradda Mashaariicda dalka laga fuliyo iyo sida loo qaybiyo, howlaha hay’adda tirakoobka Qaranka, dhaqan galka sharciga Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaah dibadda Aqalka Sare Senator Maryan Farah Kahiye oo kulanka Shir gudoominaysay ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta uga mahad celisay sida faahfaahsan oo ay uga jawaabeen su’aalihii ay qabeen xubnaha guddiga, iyadoo ku boorisay in waajibaadkooda ay u gutaan si hufan oo xilkasnimo leh.

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka: Dagaalkii shalay Khawaarijta waxaa lagu gaarsiiyay jab xooggan

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Caad lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan, islamarkaana looga furtay hub.

“Ciidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxaha falaagada, kaas oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaan la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen soonaha Caad”. ayaa yiri Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Baraag iyo meel Caad u jirto 10 KM kooxaha Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyadoo la burburiyay saldhigyo halkaas ay ku lahaayeen, waxaana laga furtay hub tiro badan.

“Khasaaraha Khawaarijta soo gaaray lama soo koobi karo, meel kasta waxay daad gureynayaan khasaarihii soo gaaray, gaadiidna waa laga gubay oo kuwa dagaalka ah, hub badana waa laga helay”. ayuu yari taliye Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay ku sheegtay  in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 khawaarij ah, loogana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiska Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kulan kula qaatay xubnaha guddiga iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaithi.

Xubnaha guddiga oo uu hogaaaminayo guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta Xildhibaaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay howlaha guddiga u qabsoomay tan iyo intii la magacaabay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha ku amaanay howsha muhiimka ah ee ay hayaan iyo sida ay ugu howlanyihiin ka mira dhalinta howsha loo magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Safiirka kula dardaarmay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo in la sii laba jibaaro xiriirka Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha JFS oo xilka ka qaaday Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Nasa Cige oo ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Lataliyaha Hore wakhtiga uu usoo shaqeeyey dalkiisa, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso xoojinta xiriirka ay leedahay caalamka si waafaqsan dahana iyo arrimaha hortabinta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Janhuuriyadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in masuuliyiinta dowladdu ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed si masuuliyad leh oo ilaalinaysa qiyamka iyo nidaamka dowladnimada.

Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

0

Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay “Indhacade” ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka October ee ku sugan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdirashiid oo ku dhashay Magaalada Baydhabo ayaa Argagixisada ugu biiray sida uu sheegay deegaanka Doolan-doole ee Gobolka Baay horraantii 2018, markii uu qaatay fikirka lagu khalday kadib ayuu qeybta jabhadaha ee Khawaarijta uga soo barbar dagaalamay gobolada Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Nolol adag iyo dhibaatooyin kala duwan oo uu wajahay darteed ayaa ugu dambeyn ku kaliftay inuu Fikirka Khawaarijta ka laabto, isaga oo Bambooyin “F1” ku hubeysan oo uu la soo baxsaday waxaa deegaanka Janaale ku soo dhaweeyay Taliyaha Ururka 83-aad, guutada 14-ka October Gaashaanle Maxamed Nuur iyo saraakiisha guutada ee deegaankaas ku sugan.

Sanadkan 2023-ka Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN)

0

Kadib markii la soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho15-kii bishii May ee sanadkii hore, islamarkaana uu halku dhig ka dhigtay ‘SOMALI HESHIIS, DUNIDANA HESHIIS LA AH’ ayaa waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qorshayaashaan soo socda:- siyaasadda arrimaha gudaha”- 1. Amiga dalka (la dagaalanka Khawaarijta). 2. Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. 3. La dagaalanka Musuqmaasuqa. 4. Dhameystirka Dastuurka si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Siyaasadda arrimaha dibadda:- inay Soomaaliya Dunida kula dhaqmi doonto si dhex-dhexaadnimo ah, 1. In lagu biro Ururka Bulshada Afrika. 2. Qaadista Cuneqabateynta Hubka. 3. Deyn cafinta. 4, ka bixitaanka Dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS oo hore loo oran jira AMISOM.

Haddaba maxaa ka fulay qorshayaasha Dowladda ee dhinacyada siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo midda gudaha?.

Qorshayaasha dowladda ee arrimaha dibadda:-

1.ku biirista Bulshada Bariga Afrika:- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

2.Qaadista cuneqabateynta Hubka:- ee saarneyd dalka Soomaaliya muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Desmber ee sanadkan Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Maalin kadib  waxay Dowladda Soomaaliya ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka uu markaa ku suganaa ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

3.Deyn Cafinta : Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamullada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Diseembar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee Soomaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, marka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka, ugu dambeyntiina 12-ka bisha Desember ayaa habi ahaanba deymihii lagu lahaa laga cafiyay.

Dhinaca kale Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, iyadoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Soomaaliya aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana Soomaaliya laga cafiyay deymaha lagu leeyahay oo dhamaa $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

4.Dhameystirka ka bixitaanka Soomaaliya Ciidamada ‘ATMIS’. “Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.

“ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna hadalkaan jeediyay markii ay Ciidamada ATMIS ka baxeen Villa Soomaaliya, ayna la wareegeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed,  “Waa Taariikhda Jamhuuriyadii Seddexaad ee Madaxweynaha aysan Ajnabi ilaalinayn”.

Qorshayaasha dowladda ee siyaasadda arrimaha gudaha ayaa ahaa:-

1.La dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyom wax la jira jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

3.La dagaalanka Musuqmaasuqa:- Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku laheyn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, haddaba dowladda ayaa looga baahan yahay inay dagaal adag ku qaaddo la dagaalankiisa, waxaana ilaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay Eedeysanayaal badan oo qaarkood lagu xukumay xariga u dhaxeeya 1 sano iyo iyo 8 sano, waxaana Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

4.Dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”.

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo,dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan.

Hambalyo iyo Bogaadin sanadkan 2023ka, waayo Deyntii Waa nalaga Xoreeyey, Go’doonkii waa nalaga xoreeyey (Suuqa EAC), Cabsidii khawaarijtii waa nalaga xoreeyey, Cunaqabatayntii Hubka waa nalaga xoreeyey. Iyo Waxayaabo kale oo badanna waa nalaga xorayn doonaa Insha Allah.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.

Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka Dowladda Uk oo Soomaaliya ugu deeqay 9-Milyan oo dollar

0

Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) oo Dawladda UK u qaabilsan horumarinta dibadda ayaa Soomaaliya ugu yaboohay qaddar dhaqaale oo dhan $9 Million oo dollar oo lugu biirin doono mashruuca ADRiFi ee Bangiga Horumarinta Afrika kaasoo hay’adda SoDMA fuliye ka tahay.

Foreign Commonwealth and Development Office ayaa ballan-qaadkaan dhaqaale sameysay intii lugu guda jiray shirkii caalamiga ahaa ee lugu falanqeeynayay arrimaha is-beddalka cimilada – COP28 ee lagu qabtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Tallaabadaan iyo deeqdaan dhaqaale ayaa gacan ka geysan doonta, maareynta musiibooyinka bani’aadannimo ee dalka oo ay abaarahu ugu horreeyaan muddo shan sano ah.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay mas’uulka matalayay FCDO, dowladda iyo shacabka UK, sida hagar la’aanta leh oo ay u garabtaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

 

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Somaliland oo la kulmay Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Galmudug

0

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa xalay kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka GALMUDUG, kulanka ayaan diirada lagu saaray dardar-galinta iyo dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND.

Ergeyga ayaa uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi ka dib uu ka dhageystay firadahooda iyo doodaha ku xeeran arrintan, iyaga oo Ergeyga la wadaagay mas’uuliyiintu tallooyin aad u wanaagsan oo wax tar u leh Wadahadallada.

Kulamadaan Wadatashiga ah ee lala qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Madaxda Dowladd Gobleedyada ayaa ah kuwo bud-dhig u ah in lahelo aragti mideysan oo loo dhanyahay, taas oo ku wajahan ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo SOMALILAND.

Duqeyn khasaaro lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacday koonfurta Mudug

0

Howlgal Qorsheysan oo ay Fuliyeen ciidanka xoogga Dalka iyo saxiibada Caalamka yaa xalay Duqeyn ku burburiyay Saldhigyadii kooxda Khawaarijta AS ee Koonfurta Mudug.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay Saldhigyadii Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta A-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Howgalka oo dhacay Aroornimadii hore ee saaka lagu beegsaday Saldhigii Howdka Jeexjeexa oo Koonfurta oga beegan Buurta Yackoos halkaas oo khawaarijtu ku diyaarinayeen Gaadiid qaraxyo ah

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Wasiirada Guriyeynta jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Libya.

Kalfadhigii 40-aad ee Gollaha Wasiirada Guryeynta iyo Dhismaha Carabta ayaa lagu qabtay caasimada Tripoli ee dalka liibiya.
Howlaha Madasha Wasiirada Carabta ee Shanaad ee Guriyeynta Horumarinta Magaalooyinka, iyo Bandhig la socday ayaa lagu qabtay caasimadda Tripoli, iyadoo oo uu shirka ka qeyb galay kuna metelayay dowladda Soomaaliya Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dib-udhiska iyo guriyaynta Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxman Sheekh Bashiir iyo Wefdiga uu hogaaminaayay oo tirsan wasaradda hawlaha guud ee dalka.
Shirka ayaa looga dooday lana soo bandhigay Sidii Guryo qiimo Jaban loogu heli lahaa Shacabka dan yarta ah iyo Shaqaalaha Dowladda ee aan awwoodin inay kiraystaan ama iibsadaan guryaha qaaliga ah sii loo yareeyo dhibaatooyinka jira.