Wasiirka Deegaanka oo Saxiixday Heshiis Iskaashi oo lagu taageerayo bulshooyinka u nugul deegaanka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Amb Khadija Al-Makhzoumi, ayaa heshiis la saxiixatay hayโ€™adda Global Center for Climate Mobility.

Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo Soomaaliya ku habboon.

Iskaashigan cusub wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.

Ujeedada heshiiska, ayaa ah in la maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...