Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad oo kormeeray Bandhigga hordhaca ah ee Qorshaha Qaranka

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay, ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ayaa dhageystay warbixinnada laga soo saaray Sheybaarada kala duwan ee xarunta diyaarinta Qorshaha Qaranka, isagoo sheegay in tani ay tahay rajada ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay qabaan isla markaana xukuumaddu ay xoogga saari doonto fulinta Qorshaha halkaan ka soo baxa.

Waxyaabaha maanta lasoo bandhigay waxaa kamid ah dib u eegidda iyo falanqeynta lagu sameeyey Caqabadaha ragaadiyey Qarankeenna, fursadaha jira ee u baahan in si maangal ah loo wajaho ka faa’iideysigooda iyo sida qorshaha Isbeddelka Qaranku u wajahayo qaabeynta mustaqbalka dalka.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ah Hindise ay hoggaaminayaan madaxda Qaranka, ayaa ujeedkiisu yahay uruurinta iyo meel isugu geynta muruqa iyo maskaxda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed taas oo horseedeysa in si wadajir ah dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo qarankeenna, lana helo macluumaadka asaasiga ah ee dhinacyada wax soosaarka, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo xoojinta dowladnimo loo dhan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...