Home Blog Page 29

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax, ayaa sheegay in dhammaadka sanadkan 2025 ay dalka dib ugu soo laaban doonto diyaaraddii qaranka ee Somali Airlines, taas oo muddo dheer ka maqneyd hawada.

“Waa farxad weyn in dhamaadka sanadkaan 2025 ay dalka ka hawlgali doonto diyaaradda Somali Airline,” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay gaartay horumar la taaban karo, isla markaana la adkeyn doono ilaalinta sharciga iyo nidaamka duulista. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in aan la ogolaan doonin siyaasiyiin ama cid kale oo fowdo ku abuurta garoomada dalka.

Somali Airlines, oo la aasaasay sanadkii 1964, ayaa ahayd diyaaraddii qaranka Soomaaliya oo duulimaadyo ka fulin jirtay gudaha iyo dalal ay ka mid yihiin Kenya, Talyaaniga, Imaaraadka iyo Suudaan, balse way istaagtay kadib dagaalkii sokeeye ee 1991. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dadaal ugu jirta soo celinta astaantii duulimaadka qaranka.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo shir muhiim uga qeyb galay Qaahira

0

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay “Madasha 3aad ee Horumarinta Daahfurnaanta iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa Dowladaha Carabta”, kaas oo ka dhacay magaalada Qahira ee dalka Masar, sidoo kalena ay ka soo qaybgaleen saraakiil sarsare, hay’ado caalami ah iyo quburo ku xeel-dheer dowlad wanaagga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa.

Madasha ayaa bidhaamisay kaalinta teknolojiyadda iyo dhijitaalka ee ku aaddan xoojinta hufnaanta iyo daahfurnaanta la xiriirta dejinta siyaasado/qorshooyin dadweyne oo wax weyn ku kordhiya dowladnimada, iyada oo loo marayo in ay dalalka Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah is weydaarsanayaan waaya-aragnimadooda iyo dhaqamada maamul wanaagga.

Hantidhowraha Guud ee JFS oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay bilowday dhijitaaleynta isla-xisaabtanka, iyada oo laga faa’iideysanayo teknoloojiyadda. Waxa uu xoojiyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Carabta ay iska kaashadaan horumarinta hufnaanta iyo bobcinta kalsoonida dadweynaha.

Madashan Saddexaad ee Dowladaha Carabta waa fadhi ay Dowladaha Carabtu isku weydaasrsadaan waaya-aragnimadooda, ayna ku horumariyaan hal-abuurka ah in xal dhijitaaleysan loo helo isla-xisaabtanka, si loo adkeeyo dowladnimada.

Wasaaradda Warfaafinta oo dowladda Turkiga Ka guddoontay Qalab warbaahin oo Casri ah

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qalab casri ah oo Warbaahineed ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper AKTAŞ.

Qalabkan oo isugu jira camerooyin casri iyo qalabka sida tooska loogu tebin karo barnaamijyada ayaa qeyb ka ah heshiis hore u dhexmarey Soomaaliya iyo Turkiga ee dhanka horumarinta Warbaahinta qaranka. Hay’adda Turkisha Cooperation and Coordination Agency (TIKA) ayaa heshiiskaasi fulintiisa wakiil uga ahayd Dowladda Turkiga, iyadoo munaasabadda guddoominta oo ka dhacdey magaalada Muqdisho, uu goob joog ka ahaa Madaxa TIKA Soomaaliya, Zafer Eski. Qalabkan, casriga ah ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo laguna horumariyo qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, si loo dardar geliyo howlaha Warbaahineed ee dowladda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa;uud Aweys Jaamac ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo Hay’adda TİKA taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka. Wasiirka ayaa xusay in deeqdan qalabka ah ay qeyb ka tahay barnaamijyo xiriir iskaashi oo labada dowladood dhexmarey, kaas oo looga golleeyahay horumarinta iyo tayeynta warbaahinta.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay qalabkan uga faa’iideysan doonto fulinta ajendayaasha qaran ee horyaalla, sida dowlad dhiska, isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta iyo doorashooyinka taariikhiga ah ee la filayo inay dhowaan ka dhacaan dalka.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E. Alper AKTAŞ, ayaa sheegay in xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, isla markaana labada dal ay si dhow uga wada shaqeynayaan kor u qaadista warfaafinta iyo is-dhaafsiga aqoonta saxaafadda iyo istaraatiijiyadda warbaahinta.

Madaxa Hay’adda TİKA ee Soomaaliya, Mr. Zafer Eski, ayaa dhankiisa sheegay in qalabkan uu qayb muhiim ah ka qaadan doono tayeynta warbaahinta Soomaaliya, isla markaana Hay’adda TIKA ay kaalin ka qaadn doonto, tababarka, qalabeynta, iyo hawlaha casriyeynta ee Warbaahinta Qaranka. Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay qalabka casriga ah ee la guddoonsiiyay Warbaahinta Qaranka, iyadoo masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’adaha Turkiga ay ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal.

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Cadale ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Masuuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan degmada Cadale ayaa si rasmi ah ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Cadale ee Gobolkaas.

Guddiga iyo maamulka degmada Cadale ayaa ugu baaqay bulshada degmada iyo deegaannada hoos yimaada inay ka qeyb galaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay codkooda u dhiibtaan xilliga doorashada, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin.

32-kamid ah suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta oo tababar loo furay

0

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, ayaa tababar ku saabsan ka hortaga been abuurka iyo marin habaabinta bulshada Muqdisho uga furay 32 kamid ah suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta dalka.

Tababarkaan oo ay iska kaashanayaan NUSOJ iyo Dowladda Australia ayaa lagu kobcinayaa xirfadaha weiyaasha ka kala yimid Muqdisho iyo gobollada dalka, iyadoo muhiimadda gaar ah la siinayo awoodda saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka hortagga wararka been abuurka ah iyo marin-habaabinta ee loo adeegsado aaladaha warbaahinta.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa goobjoog ahaa furitaanka tababarkaan, halka Safiirka Australia ee Kenya, Marwo Jenny Da Rin, ay qadka fogaan aragga uga qayb gashay furitaanka tababarka.

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee BFS

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay kulan casho sharaf ku maamuusay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Duqa Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay waxqabadka maamulka gobolka Banaadir iyo dadaallada dowladda federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda saaraya dowlad-dhisidda, nabadeynta, iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, waxaa lagu taageeray hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyadoo la adkeeyay muhiimadda midnimada umadda iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo shacabka.

Guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada ka qaybgalay kulanka, isagoo ku booriyay masuuliyiinta in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.

Wasiir Jaamac oo kulamo wadatashi ah ka wada degmada Waajid

0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulamo wadatashi iyo wacyigelin ah ka bilaabay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kuwaas oo ku saabsan hirgelinta doorashada qof iyo cod iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka shacabka.

Wasiir Jaamac ayaa kulamo la yeeshay Golaha Deegaanka Degmada Waajid, Odayaasha Dhaqanka, iyo Dhalinyarada, isagoo dhegaystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan habka ugu habboon ee lagu gaari karo doorasho daahfuran, caddaalad ah, isla markaana shacabka awood u siinaysa inay si toos ah u soo doortaan wakiilladooda siyaasadeed.

Wasiirka ayaa xusay in doorashada qof iyo cod ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta dimuqraadiyadda, hufnaanta hoggaanka, iyo horumarinta maamulka dawladeed ee dalka, isagoo ku booriyay bulshada Koonfur-galbeed Soomaaliya inay kaalin muuqata ka qaataan geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

 

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Warshiikh ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta Degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha dhexe ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan Degmada Warshiikh ayaa si rasmi ah ugu daahfuray Degmada ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Degmada.

Xubnaha Guddiga iyo masu’uuliyiinta ayaa bulshada ku nool Degmada iyo deegaannada ku xeeran ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u dhiibtaan codkooda maalinta doorashada taas oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.

default

default

default

Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ay weheliyaan madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Madaxa Shirkadda Favori ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta garoonka, waxana ay xuseen in isbeddel muuqda lagu sameyn doono qeybaha kala duwan ee adeegyada garoonka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey shirkadda Favori dadaalka ay ku bixisay horumarinta Garoonka Aadan Cabdulle, ayaa sheegay in garoonku uu yahay albaabka ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid horumarsan oo leh adeegyo casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xusay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

 

Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Nigeria

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Kigali ee dalka Rwanda Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Nigeria, Major General Usman Abdulmumin Yusuf.

Kulanka labada taliye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinaca ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha dagaal, iyo tababarada ciidamada.

Labada Taliye ayaa isku raacay in la sii ballaariyo iskaashiga labada ciidan, maadaama ay labada dal wajahaan cadow isku dabeecad ah oo argagixiso ah, islamarkaana ay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.