Home Blog Page 29

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay qaabilay wufuud iyo diblumaasiyiin sarsare oo ka socda qaar ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Kulamadan waxa ay qeyb ka yihiin xoojinta difaaca qaranimada kadib duulaankii qaawanaa ee Israa’iil kusoo qaadday midnimada dalkeena.

Qaabilaadda diblumaasiyiinta ayaa ka tarjumaysa sii xoojinta xiriirka caalamiga ah iyada oo la-tixgalinayo shuruucda iyo qawaaniinta dhaqanka diplomaasiyadeed iyo xeerarka u degsan dunida ee ilaalinta qaranimadda dalalka madaxa banaan, iyo in aan la farogalin arrimahooda gudaha.

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa xiray eedeysane Yuusuf Xasan Cali (Yuu Boss), kaas oo isagana loo haysto ku lug lahaanshaha kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni.

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad qeybta koowaad ee kumaandooska Gorgor Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi oo hoggaaminayay howlgalka ayaa xaqiijiyay in la khaarajiyay horjoogayaal ku howlanaa farsameynta qaraxyada si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan.

Howlgallada ka socda gobollada Dalka ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyagoo ku waayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo dadka masaakiinta ah dhibaateyn jiray.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, waxa ayna ka wada-hadleen dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, si looga miro-dhaliyo danaha guud ee ay wadaagaan labada dowladood, gaar ahaan xilliyada ay Soomaaliya ku jirto marxaladda muhiimka u ah dib-u-soo-kabashada amniga iyo dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, isaga oo caddeeyey in ay sii xoojinayso taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga, maalgashiga iyo horumarka dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada hagar-la’aanta ah iyo garab-istaagga midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka muuqda ee Shiinaha ee ku aaddan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaalmada bini’aadanimo.

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali , ayaa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Hindiya, Mudane Narendra Modi, munaasabadda furitaanka kulankii labaad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta, oo lagu qabtay magaalada New Delhi.

Kulankan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hindiya iyo dalalka Carabta, iyadoo diiradda la saaray horumarinta wada-shaqeyn, wadahadal wax ku ool ah, iyo iskaashi dhab ah oo gacan ka geysanaya xasilloonida iyo barwaaqada wadajirka ah.

Soomaaliya waxay mar kale caddeyneysaa sida ay uga go’an tahay diblomaasiyad dhismeed oo heer gobol ah, iyo dhisidda iskaashiyo miro-dhal ah oo wax ku ool u ah danaha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga waxa uu ka qeyb galayaa xarig-jarka Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo waxtar leh dhaqaalaha iyo adeegyada Gobolka.

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale soo gaaray Jigjiga.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafe Cumar ayaa hoggaaminaya soo dhaweynta bulshada deegaanka.

Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?

0

Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo aad loogu garan og yahay Cabdullaahi wadaad waxa uu dhashay sanadkii 1965-kii, isaga oo ku dhashay degmada Ruun Nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxa uuna kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ku biiray sanadkii 2009-kii, isaga oo waqtigaas kaga biiray magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir, isagoo kamid noqday madaxda sare ee kooxda Al-shabaab.

Sida la sheegay Horjooge Cabdullaahi Wadaad, waxa uu ka mid ahaa Raggii loogu doonista badnaa marka loo eego shartiisa, kuwaasi oo ay dowladda Soomaaliyeed aad u baadi-goobeysay. Sanadkii 2024-kii ayey dowladdu ku dartay liiska Horjoogaaasha waaweyn ee cunqabataynta la saaray, waxaana ay dowladdu xayiraad saartay dhaq-dhaqaaqiisa, waxaana uu soo qantay xilal kaa gedisan, isagoo noqday sargaalka u qaabilsan Khawaarijta isku xira beelaha dega gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barrow, kaasi oo lagu khaarijiyay horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaas oo muddo dheer dhibaato ku hayay nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.

Horjoogahan ayaa si weyn loogu yaqaanay dhaca iyo baadda hantida shacabka, falal amni-darro oo uu ka geystay deegaanno kala duwan, iyo cabsi gelin joogto ah oo uu ku hayay bulshada, islamarkaana waxa uu ku lug lahaa dilalka ganacsato badan oo dalkooda maalgashanayay, iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay gudaha dalka, sida uu Wasiirku sheegay.

Horjooge Cabdulaahi Cabdi Xassan (Wadaad) waxa uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, waxaana la sheegaa in uu hadda ka mid ahaa 10 xubnood ee ugu sarreeya kooxda. Horjoogaha Wadaad ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday Kuumyo sida ay xaqiijinayaan ila muhiim ah. Horjoogahan ayaa ka mid ahaa kuwa aadka iskaga ilaaliya Sawirada waxaana laga hayaa sawir yar ee uu ka mid yahay midkaan kore. Warar la helay ayaa tilmaamaya in uu isticmaalo magacyo Been abuur ah, si uu hormariyo xirfadiisa ku saabsan is-qarinta.

Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda

0

Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda.

Xafladda gebagabada waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga, laba ka mid ah Ku-xigeennadiisa iyo Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda TİKA. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxaa matalayay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud, Mudane Cabdijamal Ismaaciil.

Intii uu socday tababarku, waxaa sidoo kale dhacay kulamo doceedyo u dhexeeyay hoggaanka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga, iyo Hay’adda TİKA, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wadaagga khibradaha, iyo ballaarinta wada-shaqeynta hay’adeed.

Dhanka kale, Hay’adda TİKA ayaa mar kale adkaysay ballanqaadkeeda ku aaddan taageerada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, halka Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud uu uga mahadceliyay Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo Dowladda Turkiga martigelinta iyo iskaashiga miro-dhalka ah.

Gebagabada barnaamijka, hantidhowrayaashii ka qaybgalay tababarka ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin, taas oo muujinaysa guusha iyo muhiimadda barnaamijkan horumarinta xirfadaha baarista maaliyadda.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika,kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ku qabsoomay qaab fogaan-arag ah, waxaana looga hadley Midnimada iyo Madaxbannaanida , Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada, Gurmadka Abaaraha iyo Doorashooyinka Qof iyo Codka.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-Xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Durmuş Ünüvar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Midowga Yurub (EU), kuwaas oo u yimid xoojinta iskaashiga labada dhinac.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istraatiijiyadeed ee labada dal.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Amb. Ali Onaner, iyo Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Amb. Alper Aktaş.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, u magacaabay Mudane Saalax Xiireey Kheyre.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanno dhammaystay waxbarashada heerarka sare ee Master iyo PhD, ee Jaamacadda University for Peace (UPEACE), isaga oo xusay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta waxbarshada.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Bani’aadannimo ee (HNRP 2026), kaas oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, OCHA iyo bah-wadaagta arrimaha gargaarka bani’aadannimo.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhowaynayey carruur tiradoodu gaareysay 25 qof, kuwaas oo dalka Talyaaniga loogu sameeyay adeeg caafimaad oo dhanka wadnaha ah.

12- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.

13- Xukuumadda Federaalka ayaa ku dhowaaqday in 1-da Febraayo 2026 uu magaalada Muqdisho ka furmi doono wada-hadal qaran oo taariikhi ah,taasoo dhinacyada siyaasada kuwada xaajoon donaan.

14- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa si rasmi ah u kala saxiixday lagu fududeynayo isu-socodka mas’uuliyiinta labada dal.

15- Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulan oo ay yeesheen ku ansixiyey Hindise-Sharciyeedka muhiimka ah ee Amniga Internetka (Cyber Security).

16- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa heshiis ku saabsan horumarinta arrimaha islaamka kula saxiixday magaalada Jeddah dhiggiisa Wasiirka Awqaafta, Arrimaha islaamka, Dacwada iyo Hanuuninta ee Dalka Boqoortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Cabdiladhiif Ibnu Cabdulcasiis Aala Sheekh.

17- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar.

18- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Qatar Mudane Sheikh Faisal bin Thani bin Faisal Al Thani,iyadoo kulanka diirrada uu sarnaa iskaashiga dhaqaalaha ,warshadaha iyo xirirka ganacsi ee labada dal.

19- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si adag uga hadlay faragelin uu sheegay inay dowladda Israa’iil ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya.

20- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayo Siyaasadda Macaahidda , Qaab-dhismeedka Manhajka , ayeynta Waxbarashada Diiniga ah ee dalka.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqiayaa kulan la yeeshay Madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub, Jeneraal, Seán Clancy, oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan heer sare ah oo miro-dhal ah magaalada Islamabad kula yeeshay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari.

23- Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay kaga jawaabtay hadallo ka soo yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada Guddiga La-socodka Dastuurka (OC), kuwaas oo su’aal ka keenay hannaanka la-tashiga dadweynaha ee Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

24- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday dalka Turkiga.

25- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

26- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay qorshe ballaaran ka leedahay dib-u-soo-nooleynta iyo horumarinta qaybta dalxiiska dalka.

27- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa magaalada Islamabad kulan muhiim ah kula yeeshay madaxda sare ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Kaydinta Xogta Qaranka ee Pakistan (NADRA).

28- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

29- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan dhiirigelin ah kula yeeshay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

30- Wasiir-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya qaybaha ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka.

31- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale, ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan.

32- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgal qorsheysan la fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose ,ayaa dilay Timaweyne oo kooxda Khawaarijta u qabilsanaa dhibaateynya shacabka degaanka.