Home Blog Page 30

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

0

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr prayers in the Gendershe area, where the Somali National Army recently wrested control from the Kharijites Al-Shabab.

2- President Hassan Sheikh Mohamud praised the Somali National Army for liberating and stabilizing the Gendershe town, and announced that many developmental projects will be implemented there.

3- President Hassan Sheikh Mohamud congratulated the Somali people on the celebrations of Eid al-Fitr, calling for peace, unity, and assistance to the vulnerable and needy.

4- Prime Minister Hamza Abdi Barre congratulated the Somali people on the occasion of Eid al-Fitr, and urged solidarity, security, and support for those affected by drought.

5- Prime Minister Hamza Abdi Barre commended the legislators of Somalia representing the East African Community for their oath.

6- The Speaker of the House of the People, Sheikh Mohamed Nur Aadan, stated in a press release that the President of South West State has undermined a process aimed to find a solution to the ongoing political crisis in South West State.

7- The Ministry of Interior, Federal Affairs and Reconciliation of the Federal Government of Somalia condemned the decision by the South West State to sever its ties and cooperation with the central government.

8- The Ministry of Women and Human Rights Development held a large meeting in New York on the advancement of Somali women.

9- The Ministry of Trade and Industry of Somalia said that major global business companies, such as vehicle and construction firms, are interested in opening business in Somalia following the government’s success in stabilizing security.

10- Minister of Women and Human Rights Development Khadijo Mohamed Makhzumi inaugurated a conference in Geneva, Switzerland on advancing Somali human rights.

11- The Somali government signed a memorandum of understanding with the West Virginia administration of the United States on mineral development of key resources.

12- The National Intelligence and Security Agency (NISA), with international partners, killed more than 22 militants in the Hiiraan and Mudug regions.

13- The Somali National Army leadership organized an Iftar gathering to honor the fallen soldiers in the fight against the Kharijites Al Shabab, who died defending the country, religion, and the Somali people.

14- The Commander of the Somali Police Force, Brigadier General Asad Osman Abdullahi, chaired a meeting of police leadership and units to discuss security during the Eid holidays.

15- The Director-General of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Mahad Mohamed Salad, had an iftar with security forces on the outskirts of the Dhanaane area in the Lower Shabelle region.

16- The swearing-in of the Somali MPs representing East Africa’s Parliament (EAC) took place in Arusha, Tanzania.

17- The Somali ambassador to India visited imprisoned Somali citizens who have been detained for a long period in India.

18- The Federal Government of Somalia is addressing aid to about 6.5 million people affected by the drought in the country.

19- The Regional Disaster Committee of North East Federal Member State has officially concluded the first phase of drought relief efforts across various administrative areas.

20- The National Election Committee distributed voter cards for the “one person, one vote” elections to four districts in HirShabelle.

21- Somali National Army and Galmudug’s Darwish forces conducted operations in eastern Galgaduud to counter the Kharijites Al Shabab, killing nearly 10 insurgents and destroying their hideouts.

22- The Governor of Banadir Region and the Mayor of Mogadishu, Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), presented a financial grant to people with special needs living in the city.

========END=========

 

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gurmad biyo-dhaamin ah gaarsiisay deegaannada Daaniyaa iyo Majiido oo hoos taga degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Gurmadkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu yareynayo saameynta abaarta ba’an ee ku habsatay bulshada ku nool deegaannadaas, iyadoo baahida biyaha ay noqotay mid aad u daran.

Mas’uuliyiinta Hay’adda SoDMA ayaa sheegay in howlaha gurmadka ay sii socon doonaan, ayna gaari doonaan deegaanno kale oo ay abaartu si xooggan u saameysay, si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda si weyn u soo dhoweeyay gurmadkan, iyagoo muujiyay baahida joogtada ah ee ay u qabaan biyo iyo adeegyo kale oo aasaasi ah.

 

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo dhowaan halkaasi kala wareegay Khawaarijta Al Shabab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku bogaadiyay xoreynta iyo xasilinta degaanka Gendershe, isagoo sidoo kale sheegay in mashaariic badan oo horumarineed laga fulin doono degaankaasi.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay farxadda Ciidul-Fidriga, waxaana uu ugu baaqay nabad, midnimo iyo in la caawiyo dadka tabarta yar ee tabaaleysan.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fitriga, kuna baaqey xoojinta midnimada, nabadgelyada, lana garab istaago dadka ay abaaruhu saameeyeen.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay dhaarinta xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika .

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweynaha Koonfuur Galbeed uu hor istaagay safar xal raadin, wadahadal iyo isku soo dhoweyn ah oo uu ku tagi lahaa magaalada Baydhabo.

7- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay go’aanka Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed ku sheegtay inuu jarey xiriirka iyo wadashaqeynta uu la lahaa Dowladda Dhexe.

8- Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta Haweenka Soomaaliyeed.

9- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadaha ugu waaweyn ganacsiga caalamka sida kuwa gawaarida iyo dhismaha ay daneynayaan inay xarumo ka furtaan Soomaaliya, kadib markii dowladda ay ku guuleysatay xasilinta amniga dalka.

10- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku guddoomisay shir looga hadlayay harumarinta Xuquuqul Insaankan Soomaaliya.

11- Dowladda Soomaaliya oo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan horumarinta macdanta muhiimka ah la saxiixatey Maamulka Gobolka West Virginia ee dalka Mareykanka.

12- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa in ka badan 22 ka tirsan argagaxisada ku dishay gobollada Hiiraan iyo Mudug.

13- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo abaabulay kulan afur ah oo lagu xusay shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka ee ku dhintay dagaalka Khawaarijta, kuwaas oo shahiiday iyagoo difaacaya dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

14- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi yaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen hoggaanada, fadhiyada iyo qeybaha Ciidanka Booliska, shirkaas oo looga hadley sugidda amniga maalmaha Ciidda.

15- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa ciidamada amniga kula afuray duleedka deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

16- Sagaalka xubnood oo Soomaaliya uga matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika ee EAC ayaa lagu dhaariyay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

17- Danjiraha Soomaaliya ee u fadhiya dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran wadanka Hindiya.

18- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la tacaaleysa gargaarka dad gaaraya ilaa 6.5 milyan oo la tabaaleysan abaaraha dalka ka jira.

19- Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyey wejiga koowaad ee gurmadka abaaraha ka jira deegaanada kala duwan ee maamulka.

20- Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo afar degmo oo ka tirsan HirShabeelle gaarsiiyay kaarka codbixinta doorashooyinka qof iyo cod.

21- Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo deegaano dhaca bariga gobolka Galgaduud ka fuliyey howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo lagu dilay ku dhawaad 10 dhagarqabe, laguna burburiyey goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen.

22- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed guddoonsiiyay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool magaalada.

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si wadajir ah u oogay salaadda Ciidul Fitriga.

Askarta ayaa goobaha difaaca ku tukaday salaadda ciidda, iyagoo muujiyay feejignaan iyo diyaar garow buuxa oo ay ku ilaalinayaan amniga dalka, inkastoo ay ku jiraan xaalado dagaal. Saraakiisha hoggaaminaysay ciidamada ayaa khudbado kooban u jeediyay askarta, iyagoo ku ammaanay geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca qaranka.

Ciidamada ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, iyagoo u rajeeyay nabad, barwaaqo iyo midnimo. Waxay tilmaameen in ay ka go’an tahay sii wadista dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hana qaada.

Intii ay socotay munaasabadda, askarta ayaa isugu hambalyeeyay ciidda, iyagoo muujiyay niyad adag iyo kalsooni ay ku qabaan guusha dagaalka, una taagan ilaalinta diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, saraakiil, masuuliyiin kale iyo shacab salaadda Ciid Fidriga kula tukaday Masaajidka Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal jeediyay ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeeyey munaasabadda maalmaha Ciida, isagoo u rajeeyey in ciidaan ciideeda ku gaaraan horrumar, barwaaqo iyo caafimaad qab.

 

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa salaadda ciidda kadib khudbad dhiirrigelin ah u jeediyay ciidamada, isagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo geesinimada ay u muujiyeen difaaca dalka iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay xoojinta awoodda ciidanka iyo daryeelka askarta Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Sheekh ayaa ciidamada kula wadaagay farxadda ciidda, isagoo u rajeeyay guul iyo nabad waarta, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan halyeeyada u taagan difaaca qaranka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xusay in ciidamadu ay laf-dhabar u yihiin amniga dalka, loona baahan yahay midnimo iyo wadajir si loo gaaro xasillooni buuxda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa dhiirrigelinta iyo u kuurgelidda xaaladda ciidamada ku sugan furimaha hore, kuwaas oo howlgallo ka dhan ah kooxaha amni-darrada ka wada deegaannadaasi. Taliyaha ayaa ciidamada la wadaagay talooyin la xiriira adkeynta amniga, dardar-gelinta howlgallada, iyo ilaalinta shacabka ku nool goobaha la xoreeyay.

Intii uu ku sugnaa Gendershe, Taliyaha Ciidanka Dhulka wuxuu sidoo kale la kulmay saraakiisha hoggaamineysa cutubyada, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha jira.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo howlgalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose, si loo sugo amniga loona xasiliyo deegaannada laga saaray kooxaha khatarta ku ah nabadgelyada

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Bashiir Cumar Nuure, iyo ku-xigeenka safiirka dowladda Sweden u fadhiya Qaramada Midoobay, Amb. Andreas Von Uexkull, ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyey kulankaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa haweenka Soomaaliyeed.

Kulankan ka dhacay magaalada New York waxaa ka qeybgalay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya horumarinta haweenka, kuwaas oo sidoo kale ka qeybgalay shir sanadeedka haweenka adduunka ee halkaas ka socda. Soomaaliya ayaa madasha kusoo bandhigtay horumarka laga gaaray xaaladda haweenka Soomaaliyeed iyo caqabadaha weli jira.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Bashiir Cumar, oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka, ayaa ka warbixiyey dadaallada iyo tallaabooyinka ay dowladda Federaalka Soomaaliya qaadday si wax looga qabto dhibaatooyinka haweenka, gaar ahaan ansixinta sharciyo iyo siyaasado lagu ilaalinayo xuquuqdooda. Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyey beesha caalamka taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa Soomaaliya ku bogaadiyey dadaallada ay ugu jirto horumarinta haweenka, iyagoo kulankan ku tilmaamay mid qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda ee kor loogu qaadayo doorka haweenka Soomaaliyeed.

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay mashruuca sugidda iyo qeybinta Zakaatul Fitriga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sanadkan 1447H – 2026, kaddib maalmo xiriir ah oo ay socdeen howlaha qeybinta.

Mashruucan oo si ballaaran looga fuliyay Gobolka Banaadir, ayaa lagu gaarsiiyay gargaarka kumannaan qoys oo danyar ah iyo barakacayaal ku kala sugan deegaanno iyo xarumo kala duwan. Goobaha la gaarsiiyay waxaa ka mid ah xeryaha barakacayaasha, ceelasha biyaha, iyo deegaannada Lafoole iyo Afgooye, halkaas oo baahi weyn laga dareemayay.

Sidoo kale, gargaarka ayaa si gaar ah loo gaarsiiyay xarumaha lagu xanaaneeyo agoonta ee magaalada Muqdisho, iyo bukaannada ku jira Isbitaalka Martini, si loo hubiyo in dhammaan dadka nugul ay helaan taageerada ay u baahan yihiin ka hor munaasabadda Ciidul Fitriga.

Mashruucan ayaa si weyn uga qeyb qaatay yareynta culayska nololeed ee qoysaska danyarta ah, gaar ahaan xilli ay jirto xaalad adag oo ay sababeen abaaraha soo noqnoqday iyo kororka barakaca, taasoo sii xoojisay baahida loo qabo gurmad degdeg ah.

Hay’adda Al-Mahasin Foundation ayaa sheegtay in mashruuca loo fuliyay si hufan oo nidaamsan, iyadoo lala kaashaday hay’adaha maxalliga ah iyo guddiyada bulshada, si loo xaqiijiyo in gargaarka uu gaaro dadka mudan waqtigii loogu talagalay ee Zakaatul Fitriga.

Ugu dambeyn, mashruucani waxa uu markale muujinayaa doorka muhiimka ah ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada ay ka qaadato taageerada dadka Soomaaliyeed, iyo xoojinta isku duubnida iyo is-gargaarka bulshada, gaar ahaan xilliyada adag iyo munaasabadaha diimeed.

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Wasaaraddu waxay ka walaacsan tahay in xilligan la abuuro caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo saameynaya qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidaa darteed, DFS waxa ay shacabka Soomaaliyeed u caddeynaysaa arrimaha soo socda:

1. DFS waxa ay bogaadineysaa dowrka Shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo hormuud ka ah ilaalinta midnimada dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isla markaana si buuxda uga qeyb qaatay hannaanka dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, qeybna ka ah geedi socodka dimuqraadiyeynta dalka ee hadda lagu howlan yahay.

2. DFS waxa aysan marna qeyb ka ahayn xasillooni darrada ka abuurantay qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed, waxayna si degdeg ah uga howlgaleysaa joojinta colaadaha iyo in wixii khilaafaad ah lagu xalliyo wadahadal, si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray la dagaallanka argagixisada.

3. DFS waxa ay cambaaraynaysaa go’aanka ka soo baxay madaxtooyada Koonfur-Galbeed ee lagu sheegay in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay DFS, waxayna caddaynaysaa in hay’adaha DFS dhankooda ay gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci ee ka saaran deegaannada Koonfur-Galbeed iyo Shacabka ku nool.

4. DFS waxa ay ugu baaqaysaa maamulka Koonfur-Galbeed in uu sii wado ka qeyb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyadeynta.

Sidoo kale, DFS waxa ay ugu baaqeysaa bulshada, beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanka in ay ka feejignaadaan wax walba oo khatar galin kara amniga, nabadda iyo badqabka shacabka ee ku dhagan deegaannada Koonfur Galbeed.