Home Blog Page 30

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa magaalada The Hague ee dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards.

Munaasabaddan waxaa Wasiir Al-Cadaala ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Belgium, saxafiyiin rug-caddaa ah, iyo mas’uuliyiin kale oo Soomaaliyeed oo xilal ka haya dalka Netherlands.

Xafladda oo si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan muwaadiniin Soomaaliyeed oo horumar la taaban karo ka sameeyay ganacsiga, iyagoo tusaale u noqday dadaalka iyo kartida qurba-joogta Soomaaliyeed.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo toddobaadkan booqasho rasmi ah ku joogey Jamhuuriyadda Djibouti ayaa intii uu ku sugnaa Djbouti.

kulan booqasho ah ugu tagey Madaxweynaha Dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Wasaaradda oo kulanka uu ku wheliieyey dhiggiisa Dalka Djibouti Mudane Muumiin Xasan Barre ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyey dadaalada iyo garab istaaga joogtada ah ee uu mar kasta u muujiyo Soomaaliya, wuxuuna ku suntahay badbaadiyaha Soomaaliya, kadib qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya 1991, gaar ahaan shirkii nabada ee Carte ee uu qabatey sanadkii 2000, kaasoo ee dib loogu yegleeley Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil cumar Geelle iyo dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha islaamka iyo Awqaafta soo dhoweynta diiran ee ay walaaltinimadu ku dheehan tahay ee lagu soo dhoweeyey asaga iyo wefdiigiisa, wuxuuna xusey in waxyaabihii ay ka faaideysteen Wasaaradda Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta ee jamhuuriyadda Djibouti ay ka hirgelin doonaan Soomaaliaya, sida dhisidda Awqaafta, Diiwaanka Sekada iyo Machadka Dhexdhexaadnimada iyo ee fidinta dhaqanka nabada ee Dalka DJibouti.

Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka

0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan doceed la yeeshay Dr. Géza Andreas von Geyr, Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, intii lagu guda jiray Shirka Cimilada iyo Amniga ee Berlin (#BCSC2025).

Kulanka waxaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jarmalka ee ku saabsan Isbeddalka cimilada, dhisidda adkeysiga bulshooyinka, iyo horumar waara, taas oo muujineysa go’aanka labada dal ee ah in si wadajir ah wax looga qabto saameynta xiriirka ka dhexeeya cimilada iyo amniga

Danjire Ilyas Cali Xasan oo loogu soo dhoweeyay Magaalada Lubumbashi ee Dalka Kongo DRC 

0

Lubumbashi, Kongo DRC, Oktoobar 23, 2025 – Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo Urur Goboleedka EAC, Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Lubumbashi ee gobolka Haut-Katanga ee dalka Kongo DRC.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka gobolka Haut-Katanga, Mudane Hon. Michel Kabwe Mwamba, Duqa magaalada Lubumbashi, Mudane Hon. Patrick Afwimbi Mumamba, iyo bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan ayaa garoonka diyaaradaha si diirran ugu soo dhoweeyay Danjiraha.

Danjire Ilyas, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Kongo DRC, ayaa u kuurgalaya xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. Waxa uu horey kulamo ula yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Kinshasa, waxaana uu sidoo kale kulamo la qaadan doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Lubumbashi.

Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa la hadlay dadkii soo dhoweeyay iyo warfidiyeenka, isaga oo uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee ay u fidiyeen dowladda Kongo DRC iyo bulshada Soomaaliyeed ee deegaanka.

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo kala hadashay Turkiga Sharciga Deggenaanshaha Soomaalida

0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Ankara ayaa bilihii la soo dhaafay ku mashquulsaneyd sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha sharciga deggenaanshaha ee qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.

Danjire Faxtudiin Cali Maxamed (Ospite), oo arrintan si dhow uga warqabay, ayaa shir muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Ali Yerlikaya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira sharciyeynta deggenaanshaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga, iyo sidii xal waara looga gaari lahaa caqabadaha ay wajahaan.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliyeed wada-shaqeyntii ay safaaradda kala sameeyeen arrinkan.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod, ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.

Guddiga ayaa Golaha la wadaaggay Xogta liiska ku-meer gaarka ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegeen in 30-ka bisha Nofeembar laga qaban doono caasimadda Muqdisho doorashada Golayaasha deegaanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa kala ah, sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darjada (B) ah.

Degmooyinka Darajada (A)

1. Hodan

2. Yaaqshiid

3. Deyniile

4. Kaaraan

5. Dharkeenley

6. Wadajir

7. Warta-Nabadda

8. Heliwaa

9. Howl-wadaag

Degmooyinka Darajada (B)

1. Waaberi

2. Shibis

3. Xamar-jajab

4. Boondheere

5. Xamar-weyne

6. Cabdicasiis

7. Shangaani

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;

𝟏. 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

𝟐. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

𝟑. 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐝d𝐮𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐚𝐟𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐫𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.

𝟒.𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, iyo dhammaan masuuliyiinta iyo howl-wadeennada Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, eheladii, asxaabtii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka, Marxuum Cabdullaahi Daahir Barre, oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuum Cabdullaahi Daahir Barre waxa uu ku dhashay sannadkii 1940 degmada Luuq ee gobolka Gedo. Wuxuu ka mid ahaa garsoorayaashii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed, isagoo si rasmi ah ugu biiray garsoorka dalka 17-kii Abriil 1967-kii.

Intii uu noolaa, marxuumku waxa uu soo qabtay xilal muhiim ah sida:

– Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Baladweyne

– Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa

– Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer

– Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir

– Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka xilligii dowladihii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Sheekh Shariif.

Marxuumku wuxuu door muuqda ka qaatay dib u habeynta caddaaladda iyo garsoorka dalka, isaga oo si daacadnimo iyo hagar la’aan ah ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed muddo ku dhow 50 sano, laga soo bilaabo dowladdii rayidka ee 1967-kii.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka qaybgalay shir looga hadlay horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qayb galay Shirkii 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika, oo lagu qabtay magaalada Dubai.Shirkan waxaa isugu yimid madaxda dekedaha, maal-gashadayaal iyo khubaro caalami ah oo ku takhasusay arrimaha badda.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa kulammo miro-dhal ah la yeeshay AD Ports Group, Tanger Med Engineering, iyo hay’ado kale oo goboleed. Waxaa lagu falanqeeyay dardargelinta mashruuca dekedda cusub ee Muqdisho, horumarinta gaadiidka xeebaha, iyo kobcinta maal-gashiga adeegyada logistics-ka.

Iskaashiyadan cusub ayaa muhiim u ah kor u qaadista ganacsiga iyo dhismaha dekedda Muqdisho oo noqonaysa xarun istaraatiiji ah. Waxaa sidoo kale lagu bogaadiyay kaalinta dekedda Muqdisho ee qiimeynta CPPI ee Bangiga Adduunka, taas oo muujisay horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gaaray Dalka Ciraaq

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaamanayo oo safar shaqo ugu baxay Dalka Ciraaq ayaa waxaa soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Federaalka Dalka Ciraaq Sarreeye Guud Sacad Khalaf badr, Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiya Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed , Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq Sarreeye Gaas Calaa Caashuur Mataani iyo masuuliyiin kale .

Safarka Taliyaha ayaa salka ku haya casumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Ciraaq, si kor loogu qaado xiriirka walaalnimo ee labada dal.

Madaxdan ayaa ka wada hadli doona sidii laysaga kaashan dhinacyada Amniga ,Tababarada Ciidamada, is-dhaafsiga Khibradaha iyo la dagaallanka Argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga oo furay tababar ku Saabsan Isku-duwidda Warbaahinta Xilliyada Xasaradaha

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta furay tababar hal maalin ah oo loogu talagalay howlwadeenada waaxyaha warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Federaalka, kaas oo diiradda lagu saarayo habraaca iyo isku-duwidda warbaahinta dowladda iyo xafiisyada xiriirka, xilliyada lagu jiro xasaradaha iyo xaaladaha deg-degga ah, si gaar ah falalka argagixisadu ku lug leeyihiin.

Aqoon-isweydaarsigan, oo ay soo qabanqaabisay Unugta Xiriirka Istaraatiijiga ah (SCEU) ee Madaxtooyada Qaranka waxaana bixinayay khubaro ka socda Dowladda Ingiriiska.

Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in tababarkan uu qexyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo isku-duwidda farriimaha amniga iyo kuwa kale ee loo gudbinayo shacabka, isagoo xusay in dagaalka lagula jiro khawaarijta uu yahay mid milatari iyo mid warbaahineedba ah, loona baahan yahay in hay’adaha dowladda ay si wadajir ah u gudbiyaan farriima mideysan oo ka tarjumaya xaqiiqda.

Furitaanka tababarka waxaa sidoo kale goob joog ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, iyo Mr. Sam Thomas, Safiir Ku-xigeenka Dowladda Ingiriiska oo labaduba bogaadiyay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameyneyso dhisidda awoodaha warbaahineed ee dowladnimada iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Natiijada laga filayo Tababarkan ayaa ah inuu horseedu doono nidaam warbaahineed oo mideysan, hufan, isla markaana waafaqsan xeerarka amniga qaranka iyo xeerarka warbaahinta.