Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Date:

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku hayso siyaasad diyaarinta siyaasad jihaynaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha dalka, si sare loogu qaado iskufilnaasha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in dalka loo soo dhoofiyo waxyaabo badan oo gudaha laga soo saari karo, si taas looga jawaabaya Wasaaradda ganacsigu ay diiradda saarayso kordhinta wax-soosaarka warshadaha, taas oo dhinaca kale abuuraysa fursado shaqo oo ballaaran.

“Xoolaha la dhoofinayo in loo badalo hilib, neefka marka la qalo maqaarka waxbaa laga samayn karaa, lafahana waxbaa laga samayn karaa, halkaas shaqo abuur baa kandhalanaya” ayuu yiri wasiir Jamaal.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay haysato fursado badan oo ka saacidaya inay wax-soosaarkeeda gudaha kobciso maadaama ay haysato suuqa weyn ee EAC ee dhowaan dalku ku biiray iyo suuqyada kale ee caalamka oo dalab badan uu ka jiro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...