Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Date:

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ku sii jeeda caasimadda Dalka Mozambique ee Maputo.

Safarka Xulka ayaa qeyb ka ah diyaar garowga kulanka muhiimka ah ee ay la ciyaari doonaan dhigooda Mauritius, kaas oo ka tirsan kulamada Hordhaca ah ee isreeb-reebka tartanka AFCON 2027, Ciyaartan oo la qorsheeyay inay dhacdo 27-ka bishan, ayaa ah mid muhiim u ah rajada Xulka Soomaaliya ee u soo bixista tartanka Qaramada Afrika, iyadoo ciyaartoydu ay muujiyeen diyaar garow wanaagsan iyo kalsooni sare ka hor safarkooda.

Xidigaha Ocean Stars ee maanta safray oo ah kuwa laga soo xulay gudaha Dalka ayaa la midoobi doona ciyaartoy ka imaan doonta Dibadda, kuwaas oo uu waajibaadka xulka ugu yeeray tababare Yuusuf Cali Nuur Yuu Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...