Home Blog Page 28

Wasiirka Ganacsiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga

0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dal, kobcinta fursadaha maalgashi, iyo ballaarinta iskaashiga warshadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda iskaashi dhaqaale oo miro-dhal ah, kaas oo gacan ka geysan kara horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii adkeeyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee labada dal.

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan la tashi ah la qaatay Bankiyada

0

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay wakiillo ka socday bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, kaas oo ka dhacay xafiiska guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa diiradda lagu saaray la-tashiga Hindise Sharciyeedka Lacag Bixinta Qaranka oo uu guddigu gacanta ku hayo.

Wakiillada ka socday bankiyada iyo xawaaladaha ayaa kulanka uga qeyb galay si ay ula wadaagaan guddiga talooyin iyo aragtiyo ku saabsan qodobbada ku jira hindisaha.

Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame ayaa uga mahadceliyay wakiillada ka qaybgalka iyo aragtidooda, isagoo xusay in guddigu sii wadi doono kulamada la-tashiga ah ee ay la leeyihiin wasaaradaha iyo hay’adaha ay shuruucdani khuseeyaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP) oo in muddo ah lagu howlanaa sidii loo hirgentiisa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mashruucani yahay mid qaran oo tiir-dhexaad u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (2025–2029), kaas oo kor u qaadi doona maaraynta biyaha iyo horumarinta beeraha.

Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar (JOSP) ayaa horseedi doona in dadkeenna ay si buuxda uga faa’iideystaan kheyraadka dalka, isla markaana uu dalku ka maarmo kaalmo shisheeye, iyadoo hadii hirgalo mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Shirkan waxa ka qayb galay mas’uuliyiinta dowladda, bahwadaagta horumarineed, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah,waxaana diiradda lagu saaray dib u eegista horumarka JOSP, xallinta caqabadaha fulinta iyo xoojinta taageerada farsamo, dhaqaale iyo siyaasadeed ee wejiga xiga ee mashruuca.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin kooban oo ku saabsan howlaha baaxadda leh ee horyaalla Golaha Shacabka iyo sida ay laga maarmaanka u tahay in goluhu kalfadhiga todobaad xoogga lagu saaro ka shaqeynta shuruucda Golaha hortaalla.

Ugu dambeyn, Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Saalim Caliyow Ibrow.

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyay shirka Amniga oo lagu gorfeeyay xaaladda caasimadda iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

Shirka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Liibaan Aadan iyo Taliyeyaasha guutooyinka Militariga ee ka shaqeeya taageerada Booliska ee loo yaqaan Bolisiya Militaaro.

Kulanka ayaa lagu guudmaray dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, kordhinta wadashaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka, ka hortagga falalka amni-darrada iyo abuuridda jawi nabadeed oo shacabka loogu adeego si hufan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday in la xoojiyo joogteynta is-dhexgalka iyo xog-wadaagga hay’adaha amniga, in la dar-dargeliyo hawlaha ka hortagga falalka nabadgelyo-darrada, iyadoo xoogga la saarayo degmooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda, gaar ahaan xakamaynta kooxaha dambiyada abaabulan gaysta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku nuuxnuuxsaday in nabadgelyada iyo xasilloonida caasimaddu ay saldhig u tahay horumarka guud ee dalka, isla markaana maamulka gobolka ay ka go’an tahay in uu la shaqeeyo dhammaan hay’adaha amniga.

Shirka ayaa kusoo dhammaaday in la sii wado tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo nawaaxigeeda, iyadoo la ilaalinayo ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta.

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

0

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa laga billaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo Balcad, kuwaas oo ka wada tirsan Hirshabelle.

Inta lagu guda jiro wajigan hore, waxaa ka faa’iideystay 5,705 qoys oo ku nool labada degmo.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u hirgelinaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo African Risk Capacity (ARC), kuwaas oo iska kaashanaya sidii gargaarka bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka u baahan waqtiga ugu habboon.

Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubada dhexe

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn qorshaysan oo ka dhacday 26-ka Oktoobar 2025 magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey.

Dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Khawaarijta, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogayaashii isaga ka dambeeyay hoggaanka Khawaarijta, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Khawaarijta, iyo Madaxa Dabagalka, dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada, iyo dilalka arxan darrada ah ee Khawaarijta.

Dhagarqabahan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee Khawaarijta, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo uu la socday horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Khawaarijta.

Hawlgalka guuleystay ee lagu khaarijiyay dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka tarjumayaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku aaddan la dagaallanka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale u xaqiijinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni, iyo horumar waara.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dowladda Imaaraadka kala wareegay Gaadiid Dab-damis ah

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay gaadiid dab-damis ah oo lagu xoojinayo adeegyada gurmadka iyo badbaadinta shacabka.

Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay deeqdan, isagoo sheegay in gaadiidkan dab-damiska ah uu wax weyn ka tari doono howlaha gurmadka degdegga ah iyo ka hortagga dababka ka dhaca caasimadda.

“Dowladda Imaaraadka waan uga mahadcelineynaa gaadiidkan waxtarka u leh bulshada, gaar ahaan marka ay dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay ka jawaabtay codsi ay u direen maamulka gobolka, si loo helo gaadiid casri ah oo lagu xoojinayo adeegyada dab-damiska, looguna adeegayo badbaadinta hantida iyo nolosha shacabka magaalada Muqdisho.

 

 

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka oo kormeer ku tagay xarunta iskuul taariikhiga ah ee degmada Waajid

0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool, ayaa maanta kormeeray iskuul taariikhi ah oo arday danyar ah si lacag la’aan ah ugu helaan waxbarasho tayo leh.

Iskuulkan, oo la aas aasay sannadkii 1945-kii, ayaa ka mid ah dugsiyada ugu fac weyn ee gobolka Bakool, wuxuuna soo saaray aqoonyahanno iyo masuuliyiin door muuqda ku lahaa adeegga Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, Wasiirka ayaa u kuurgalay xaaladda waxbarasho ee carruurta danyarta, isagoo baahiyaha jira ka dhageystay macallimiinta, maamulka iyo ardayda dugsiga.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa lagu ammaanay tabarucaadkii uu ugu deeqay mushaarka 20-ka macallin ee halkaas ka shaqeeya, si loo hubiyo in ardayda danyarta ahi ay si joogto ah u helaan waxbarasho bilaash ah oo tayo leh.

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda.

Intii uu halkaas joogay, Wasiirku wuxuu booqday Xarunta Xusuusta Kigali iyo Matxafka Ololaha Lagaga Hortagay Xasuuqa, isagoo u muujiyay tixgelin iyo xusuus dhibbanayaasha xasuuqii 1994 ee lagu laayey dadka Tutsiga.

Rwanda oo ka soo kabatay dagaalladii sokeeye ayaa maanta tusaale u ah dib-u-heshiisiin iyo horumar waara.

Booqashada Wasiirka ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Soomaaliya iyo Rwanda ay ka wada shaqeynayaan nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka.