Home Blog Page 28

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda NIRA 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle ayaa xarunta Safaaradda ka daahfuray Xafiiska Hay’adda NIRA, Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya magaaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeybgalay, Diblomaasiyiinta Safaaradda iyo masuuliyiin kale.

Maareeyaha Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli Cali Cabdulle ayaa tilmaamay in shaqada Hay’adda la balaariyay, isla markaana Safaaradda ay noqoneyso tii 30-aad ee ay ka hirgelinayaan Xafiiska Hay’adda NIRA.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xusay in wixii hadda ka dambeeya ay bulshada Soomaaliyeed fursad u heli doonaan in xarunta Safaaradda ay ka qaataan kaarka aqoonsiga.

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah. Heshiiskan ayaa ah tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, isla markaana ka tarjumaya kororka doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo kaalinteeda firfircoon ee Qaramada Midoobay.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan oo ka dhacday magaalada Madrid, waxaa kala saxiixay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Spain, Diego Martínez Belío.

Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha badda, horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, fursadaha dhalinyarada, iyo wada-shaqeynta heerarka caalamiga ah.

Dowladda Spain ayaa bogaadisay horumarka la taaban karo ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada xasilloonida iyo dib-u-dhiska qaranka. Dhankiisa, Wasiir Cali Maxamed Cumar ayaa dib u xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la jaanqaadaya mudnaanta iyo danaha qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Ismaaciil Shire Jaamac. Iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu cuskaday qodobada 120-aad iyo kan 117-aad, ee dastuurka JFS iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, isla markaana la tixgaliyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo hawlaha wasaaradaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintan muddadii ay u soo shaqeeyeen Qaranka, isaga oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay askartii ku soo dhaawacantay dagaallada ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah isbitaallada ku yaalla Muqdisho.

Booqashada Taliyaha ayaa ku saabsaneyd xoojinta niyadda iyo dhiirrigelinta ciidamada geesiyaasha ah ee dhiiggooda u huray difaaca dalka iyo sidii looga xoreyn lahaa Khawaarijta caadeysata daadinta dhiigga shacabka.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa u duceeyay askarta dhaawaca ah, isagoo Alle uga baryay inuu siiyo caafimaad degdeg ah, isla markaana ku ammaanay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen.

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, oo uu wehliyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Booqashadan ayaa ujeedkeedu ahaa kormeeridda habsami u socodka shaqooyinka taliska, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo kor u qaadista waxtarka ciidanka. Wasiirka iyo Taliyaha ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha taliska, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay howlaha maalinlaha ah, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed ee ciidanka.

Sidoo kale, booqashada ayaa qeyb ka ahayd isbarasho rasmi ah oo dhexmartay Taliyaha cusub iyo ciidamada kala duwan ee hoos yimaada taliska, si loo dhiso xiriir shaqo oo adag iyo isfaham buuxa.

Mas’uuliyiinta ayaa ku booriyay ciidamada inay sii xoojiyaan shaqadooda, ilaaliyaan anshaxa iyo sharciga, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan sugidda amniga iyo cadaaladda dalka.

Ugu dambeyn, booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dardargelinta howlaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo horumarinta nidaamka cadaaladda ee dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay buugga tacsida ee loo furay geerida naxdinta leh ee ku timid ganacsade Maxamed Faarax Jiis.

Guddoomiyaha ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, isagoo ku tilmaamay shaqsi door muuqda ka qaatay horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Wuxuu xusay in Maxamed Faarax Jiis uu ahaa ganacsade sumcad ku dhex lahaa bulshada, islamarkaana kaalin muhiim ah ka qaatay taageerada arrimaha bulshada.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Ugu dambeyn, munaasabadda saxiixa buugga tacsida ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kale, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo dhamaantood muujiyay murugada ay ka qabaan geerida marxuumka.

Drs Nasra oo faahfaahisay hal-ku-dhigga  maalinta Caalamiga ah caafimaadka Afka Iyo Ilkaha

Drs Nasra Cabdisamad ayaa si qoto dheer u sharaxday muhiimadda hal-ku-dhigga loo doortay sanadkan ee xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Afka iyo Ilkaha, iyadoo tilmaantay in maalintani ay tahay mid lagu baraarujinayo bulshada daryeelka joogtada ah ee afka iyo ilkaha.

Waxay sheegtay in hal-ku-dhigga sanadkan uu xooga saarayo ka hortagga cudurrada ku dhaca afka iyo ilkaha, sida suuska iyo caabuqa cirridka, kuwaas oo si weyn u saameeya caafimaadka guud ee qofka. Drs Nasra ayaa sidoo kale xustay in nadaafadda afka ay door weyn ka qaadato ka hortagga xanuunno badan oo kale oo jirka saameeya.

Intaa waxaa dheer, waxay bulshada ku boorisay in ay si joogto ah u cadaydaan ilkahooda, u isticmaalaan daawada cadayga ee fluoride leh, isla markaana ay la tashadaan dhakhaatiirta ilkaha ugu yaraan laba jeer sanadkii.

Ugu dambeyn, Drs Nasra Cabdisamad ayaa ugu baaqday waalidiinta iyo dhalinyarada inay si gaar ah uga taxaddaraan caafimaadka afkooda, maadaama ay tahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah caafimaadka guud ee nolosha.

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga magaalada Baydhabo. Qoysaskan oo muddo la daalaa dhacayay biyo la’aan baahsan ayaa helay gargaar degdeg ah oo wax ka taraya xaaladdooda nololeed.

Hay’adaha samafalka iyo maamulka deegaanka ayaa iska kaashaday howlgalka biyo dhaaminta, iyagoo gaarsiiyay biyo nadiif ah oo badbaado u ah isticmaalka bani’aadamka iyo xoolahaba. Tallaabadan ayaa lagu yareynayaa saameynta abaarta, iyadoo wali loo baahan yahay gurmadyo dheeraad ah si loo daboolo baahiyaha dadka ay dhibaatadu hayso.

Dadkii ka faa’iideystay biyo dhaaminta ayaa muujiyay farxad iyo mahadcelin, iyagoo sheegay in tani ay tahay bilaaw fiican.

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo sharafta Soomaaliya. Tartankan oo ay ka qeyb galeen arday ka kala socday dalal badan ayaa ahaa mid lagu soo bandhigayay hal-abuur, aqoon iyo karti sare.

Ardaydan ayaa si gaar ah uga dhex muuqday tartanka, iyagoo soo bandhigay mashruucyo iyo fikrado cusub oo soo jiitay indhaha garsoorayaasha, taasoo ugu dambeyn u horseeday inay ku guuleystaan abaal-marin caalami ah.

Guushan waxay muujineysaa kartida iyo hibada ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed, waxayna dhiirigelin u tahay ardayda kale ee dalka ku nool iyo kuwa dibadda ku sugan. Sidoo kale, waa tallaabo muhiim ah oo sare u qaadaysa sumcadda Soomaaliya ee caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka cusub ee degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Wareegto ka soo baxday wasaaradda oo ku taariikheysan 24-ka Maarso 2026 ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo sidoo kale talooyin ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka ee degmada Waajid.

Maamulka cusub ee degmada Waajid ayaa loo magacaabay sidan:

Xasan Cabdi Isaaq (Bootoole) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Jugle) ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaasadda.

Aadan Cali Kulow ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada.

Ayaanle Cabdi Dhuux Yare ayaa loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose.

Wasaaradda ayaa fartay mas’uuliyiinta la magacaabay in ay si degdeg ah ula wareegaan xilalkooda, isla markaana si hufan u maamulaan adeegyada iyo arrimaha bulshada ee degmada.

Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ayaa lagu wargeliyay in ay taageeraan hirgelinta maamulka cusub si loo xaqiijiyo xasillooni iyo horumar ka hirgala degmada Waajid.

Magacaabistan ayaa dhaqan gashay isla marka uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Xil. Cali Yusuf Cali-Xoosh.