Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga ka furay Muqdisho

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta magaalada Muqdishu si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo lagaga hadlayo 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐧 𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚.

Shirkaan, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Sederaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha Maaliyadda Dowlad-Goboleed yada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha Maaliyadda iyo horumarinta Dhaqaalaha.

Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay ayaa xaqiijiyay in Dowlada Federaalka ay wado dadaalo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajoodka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda, ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado si loo gaaro horumar dhaqaale iyo adeeg bulsho.

Shirkaan oo socon doona ilaa iyo galinka dambe ee maanta, ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah horumarinta dakhliga Dowladda iyo Heshiiska Bulshada ee horumarinta dhaqaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...