Home Blog Page 285

Labo Badmaax oo ka tirsan Ciidanka Mareykanka oo lagu waayey Xeebaha Soomaaliya

0

Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda ee Mareykanka ayaa lagu la’yahay biyaha badda ee u dhow xeebaha Soomaaliya, sida maalinimadii shalay lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.

Illaa hadda lama hayo faahfaahin ku saabsan markabka ay badmaaxiintaasi la socdeen iyo magacyadooda,waxayna kamid ahaayeen kooxda 5-aad ee ciidamada badda ee ku sugan badda Cas.

Hawlgallo isugu jira baadigoob iyo  samatabbixinta ayaa haatan ka socda badda Cas, sida ay ka dhawaajiyeen taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka.

Maraykanka ayaa labadii bilood ee u dambeeyay maraakiib badan geeyay badda cas iyo gacanka cadmeed, kadib weerarro isdaba joog ah oo xoogaga Xuutiyiinta Yemen ay ku fuliyeen  marakiibta ku safra badda ee ku socda Isra’el tan iyo bilowgii 17-kii Oct.

Mareykanka oo taageeray midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya

0

Waaxda arrimaha afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa war qoraal ah oo lagu daabacay barta X ee ay isticmaasho waxaa lagu yirii.

“Mareykanka waxa u taageerayaa midnimada iyo madax-bannaamideed dhuleed ee dowladda Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka bisha Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya,Itoobiya oo salka ku haya damaca Badda iyo sidoo kale xaaladda ka taagan dalka Suudaan,isagoo ku baaqay in la dardar galiyo wada hadalada,si xasiilooni loogu waarta loogu soo dabaalo gobolka.

Dhanka kale madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah guddoomiyaha Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha ka soo cusboonaday gobolka iyo xaaladda adag ee ka taagan dalka Suudaan sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda ka aloosan dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Hal tilaabo hadii ay soo qaado Itoobiya Saddax iyo afar tilaabo ayaan qaadaynaa”.

0

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa markale uga digay dowladda Itoobiya in ay isku daydo in tillaabo u soo qaado badda Soomaaliya,oo ay haddii hadalka ficil ku badasho diyaar dowladda u tahay in Dalka ay difaacdo.

Mudana Xasan Sheekha ayaa cadeeyay in dowladda aysan duulaan ku ahayn Itoobiya,balsa hadeey iska dhaga tirto hadalada loo sheegayo ay shacab iyo dowladba ay u diyaarsan yihiin dicaafa sharafta iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed ha u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo bad-dooda, Itoobiya haddii ay tallaabo soo qaaddo afar tallaabo ayaan qaadi doonaa, waana isku filanahay.” Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxeyne Xasan Sheekha ayaa sidoo kale ummadda Soomaaliyeed meel walba ay jogaan ugu baaqay in ay difaacdaan Sharafta iyo midnimadooda ayna muujiyaan isku duubni,cadawgana hal meel ay uga soo wada jeestaan

“Soomaaliyeey dhulka yuusan ina dhaafin ee aan difaacano”.ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekha ayaa sheegay in dhaqanka Itoobiya ka soo muuqday uu yahay balaayo,geeso la qabtana ay leedahay oo Soomaali meel walba ay joogta loo baahanyahay in ay iska qabato

“Soomaaliyeey dhaqanka Itoobiya maanta ka soo muuqda waa balaayo geeso la qabto ayeyna leedahay ee geesaha aan ka qabano.”sidaa ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ururka Suxufiyiinta Caalamka IFJ ayaa si aad ah u cambaareeyay falalka lagu bartilmaameedsaday Suxufiyiinta ka howlgala Somaliland

0

Ururka Suxufiyiinta Caalamka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano IFJ ayaa si aad ah u cambaareeyay falalka gurracan ee lagu bartilmaameedsaday Suxufiyiinta ka howlgala deegaannada Somaliland, kuwaas oo wali u xiran maamulka Somaliland.

Ururka IFJ ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo ah Guddoomiyaha MM Somali Tv oo fadhigiisu yahay Hargaysa iyo wariyeyaasha kale ee xiran.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ku dhawaaqday in la hakiyay muddo seddex cisho ah tartankii kubadda Cagta

0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in muddo seddex cisho ah la hakiyey tartanka Kubadda Cagta Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Go’aankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, xilli xalay la weeraray baskii ay saarnaayeen ciyaartooyda Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana falkaasi cambaareeyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkadda dahabshiil group oo ka qayb qaatey qaadhaanka masaajid loo dhisaayo bulshadda soomaaliyeed ee degan kaakuma oo ku taal dalka kenya

0

Wafti ka yimi Kenya oo Hargeisa u yimi uruurinta qaadhaanka Masaajidka ayaa maanta salaadii jimce masaajid ku yaal magaalada Hargaysa ka codsaday in wixii ka dhiman loo dhamaystiro.

Gudoomiyaha shirkadda Dahabshiil Group Xaaji Mohamed Said Duale, oo ka mid ahaa dadkii ku tukanayay masaajid ka oo aan ogayn ayaa halkaa kaga dhawaaqay in dhamaan lacagta loo uruurinay ee gudidu codsatay in ay ku deeqayso shirkadda Dahabshiil.

Culimidii safarka lacag uruurinta Masaajidka la dhisayo ujoogay dhawrka bilood iyo dhamaan bulshadii kale ee ku tukanaysay masaajidka ayaa u duceeyay, ugana mahadnaqy gudoomiyaha shirkadaha Dahabshiil Group dhamaystirka wixii ka dhinaa kharashka masaajidka, Allena uga baryay inuu barakeeyo.

Hoggaanka Baarista Dambiyada ee CID iyo maamulka safaadda Soomaalida ee Kenya oo yeshay kulan muhiim ah

0

Taliyaha Hoggaanka  Baarista Dambiyada ee CID-da Gaashaanle Dhexe Muxudiin Axmed Cusmaan oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa la kulmay maamulka safaaraddaasi Danjire Mud, Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda.

Labada dhibac waxa ay ka wadahadleen arrimmo xasaasi ah oo ku saabsan in ay wadashaqeyn ka yeeshaan dhinaca amniga,gaar ahaan la socodka dokumiintiyada aasaasiga ah ee ay qaataandadka socotada ah.

Safiirka iyo Taliyaha Hogaanka Baarista Dambiyada ee CID-da waxay isla garteen in Xarunta Safaaradda ee Magaalada Nairobi laga Furo xafiiska laga qaato warqadaha Dambi la’aanta ee ay bixiyaan Hoggaanka Baarista Dembiyada si loola dagaalamo Dadka Dukumiintiga Been-abuurka u sameeyo Muwaadiininta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka kenya.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ”Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia“.

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

“Soomaaliland heshiis lama gali karo dal sida Ethiopia ah,tallaabadaasi ay qaadeenna waa waxba kama jiraan”ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxwenihii hore ayaa ku tlmaamay heshiiskaasi mid aan soconeyn oo loo qaaday waddo qaldan,mana jirto ayuu yiri cid qaadaneysa damaca Itoobiya ee badda Sooamaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu u mahadceliyay dowladaha ka hadlay damaca Itoobiya iyo sida ay u garab taagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

 

IGAD oo 18-ka bishaan kulan ka yeelanaya damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD ayaa kubaaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo Damaca Guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka Bishaan dalka Uganda ayaa daba socda baaqii Soomaaliya ee ahaa in Wadamada IGAD ay kulan ka yeeshaan damaca Itoobiya ee ka soo horjeeda shuruucda IGAD iyo dhammaan xeerarka Caalamka ah ee la isla wada yaqaan.

Taliyaha Hoggaanka Baarista dambiyada Boliiska Soomaaliyeed oo booqday Safaaradda JFS ee dalka Kenya.

Waxaa Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Kenya soo booqday Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada Ee CID-da, Gaashaanle Dhexe. Muxudiin Axmed Cusmaan
waxa uu kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Mud, Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda oo ay ugu horeeyaan Khunsulka Safaaradda, Xoghayaha labaad ee Safaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Kenya.

Taliyaha Hogaanka Baarista Dambiyada Ee CID-da iyo Safiirka Safaaradda shir ay xafiiska Safiirka ku qaateen ka dib, waxa ay isla garteen in Xarunta Safaaradda ee Magaalada Nairobi laga Furo xafiiska laga qaato warqadaha Dambi la’aanta uu Hoggaanka Baarista Dembiyada bixiyo si loola dagaalamo Dadka Dukumiintiga Been-abuurka u sameeyo Muwaadiininta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka kenya.

Waraaqda Dembi la’aanta isla markaana loola socdo Dadka Dembiiliyaasha iyo in adeegyada kala duwan ee Hoggaanka CID-da bixiyo loogu soo dhaweeyo Shacabka Soomaaliayeed ee ku dhaqan Dalka Kenya.

Ugu dambeyn Taliye Muxudiin Axmed Cusmaan waxa uu soo Kormeeray Xafiisyada ay Safaaradda ku shaqeyso gaar ahaan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha halkaas oo muwaadiniin Soomaaliyeed adeeg u soo doonteen si uu arko howlaha baaxada leh ay qabato Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.