Home Blog Page 285

Labada Gole ee Baarlamaanka oo ansixiyey guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka 

0

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Vila Hargeysa, ayaa goor-dhow ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay inay  169-Xildhibaan ogolaadeen , waxaana diiday 6 Mudane, sidoo kale wax ka aamusay majirto sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay ansixiyeen labada gole waxa ay kala yihiin:

1) Cabdikariim Axmed Xassan

2) Saadiq Abshir Garaad

3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan

4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo

5) Cumar Abuukar Cumar

6) Farxiyo Maxamed Yusuf

7) Dr. Cumar Jamac Maxamed

8) Faarax Cabdi Xasan

9) Sahro Diiriye Muuse

10) Cabdullahi Salaad Yaroow

11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi

12) Cabdi Cadow Maxamed

13) Cabdishakuur Abiib Haayir

14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil

15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed

16) Naasir Maxamed Shire

17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici

18) Maxamed Cumar Ismaciil

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyinka qof iyo cod ah oo hufan oo la rabo inay ka dhacdo dalka.

Guddiga Saaxiibtinimada ee Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga 

0

Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Turkiga mudane Numan Kurtulmus.

Kulanka, ayaa looga hadlay tababarada howlwadeenada Baarlamaanka Soomaaliya, dhismaha xarunta Baarlamaanka oo ay horay u balan qaadeen, dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo hada meel wanaagsan mareysa, qorshihii lagu dhisi lahaa iyo in Baarlamaanka Soomaaliya ay kala shaqeeyaan doorashooyinka qof iyo codka ah farsamo ahaan iyo waaya aragnimo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Turkiga Mudane Numan Kurtulmus ayaa xubnaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga kaga mahadceliyay booqashada rasmiga ah oo ay ku joogaan Turkiga, isagoo balan qaaday inuu ka shaqeynayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Baarlamaan.

Dhanka kale guddiga saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la kulmay dhigooda dalka Turkiga, iyagoo kala hadlay horumarinta iyo dardar gelinta labada guddi si loo gaaro hadafka labada guddi loo magacaabay.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha guddiga Waxbarashada, Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Cayaaraha mudane Xildhibaan Mahmut ÖZER, waxana kulanka diirada lagu saaray horumarinata waxbarashada Soomaaliya iyo sidii dowladda Turkiga gacan ugu geysan lahayd in la dhiso iskuulo badan iyo kuwa farsamada gacanta ah.

Somalia’s New Ambassador to the EU Presents Credentials

0

Dr. Ambassador Khadija Osoble Ali proudly presented her credentials as Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary of Somalia to the European Union to H.E. Charles Michel, President of the European Council.

During the ceremony, Ambassador Khadija highlighted the importance of Somalia-EU collaboration in addressing pressing regional challenges and fostering stronger partnerships for mutual growth and stability.

Ambassador Khadija expressed profound gratitude to H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud , President of the Federal Republic of Somalia, for entrusting her with this esteemed role, as well as to her colleagues for their support.

In her remarks, she reaffirmed her commitment to advancing Somalia’s interests within the EU and emphasized the need for deeper engagement to address shared priorities.

Image

Image

Image

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 XFS 𝐨𝐨 𝐦𝐞𝐞𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐨 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiisyo dhowr ah oo kala ah hindise sharciyeedka iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Arrimaha Beeraha.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaan ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, iyo heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, iyo dib u xoreynta deegaannada ay ku suganyihiin Khawaarijta, iyadoo Goluhu uu meel-mariyey heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman oo ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray shir lagu soo bandhigay mashaariicda maaraynta musiibooyinka

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa soo xiray shalay galinkii dambe shir lagu soo bandhigay nidaamyo loo marayo maalgalinta mashaariicda maaraynta musiibooyinka ee dalka, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Maaliyadda isla-markaana uu fududeeyay Bankiga Aduukna.

Intii uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray nidaamka loo yaqaan Catastrophe Deferred Draw Down Option (Cat-DDO) oo ah nidaam u oggolaanaya dowladda Soomaaliya in ay si dhaqsi ah uga jawaabto xaaladaha deg-degga ah iyadoo dhaqaalaha lasoo marsiinayo nidaamka maaliyadeed ee qaranka.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay warbixin la xariirta istaraatiijiyadda qiimaynta maalgalinta khataraha musiibooyinka ee dalka ka dhaca (Disaster Risk Finance Diagnostic report). Nidaamkan ayaa dowladda u ogolaanaya in ay caymis galiso hantida Soomaaliyeed ee sanad walba dhibaata ay u gaystan khataraha ka dhasha is-baddalka cimilada.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Algeria ee Midowga Afrika

0

Xoghayaha joogtada wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Xaadoow ayaa shalay xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Danjire Marwo Selma Malika Haddadi, Safiirka Algeria ee Midowga Afrika iyo Itoobiya.

Mudane Xamsa Xaadoow iyo Danjire Marwo Selma Malika Haddadi ayaa intii ay socotay booqasho sharafeedkeeda, waxay labada dhinac ka wada hadaleen xoojinta xiriirka labada Dal , iyo taageerada musharaxnimadeeda Kuxigeenka Midowga Afrika.

Xoghayaha Xaadoow ayaa sheegay in Soomaaliya mar walba ka go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga istiraatijiyadeed ee kala dhexeeya Midowga Afrika iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada qaaradeenna Afrika.

Wasiirka Amniga ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay xakameynta hubka sida sharci darrada ah dalka ku soo gala.

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay xakameynta hubka sida sharci darrada ah dalka ku soo gala.

Wasiirka ayaa tilmaamay in guulo wax ku ool ah laga gaaray sidii loo xakameyn lahaa hubka sharci darrada ku yimaada dalka, si aysan uga faa’iideysan kooxaha argagaxisada ah iyo kuwa geysta danbiyada abaabulan.

 

Cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka oo gaaray deegaanka Raas Kambooni ee Jubbada Hoose

0

Iyadoo si habsami leh ay dalka uga socoto la wareegista goobaha ay baneynayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa waxaa maanta degaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose gaarey Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) ayaa warbaahinta u sheegay inay halkaasi ka sii wadi doonaan dagaalka dalka looga xorreynayo cadowga Khawaarijta Al Shabab.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga ay marwalba diyaar u yihiin la wareegida goobaha ay banneyaan ATMIS,sidoo kalana lasii wadayo xoreynta degaannada wali ku harsan gacanta khawaarijta,ciidanka ayuuna ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay xili walba ugu taaganyihiin bad-baadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo ka qeybgalay aqoon iswaydaarsi uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti uga qayb galay aqoon iswaydaarsi uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD isla markaana ay ka qayb galeen saraakiil ka kala socotay qaar kamida wadamada xubnaha ka ah IGAD.

Aqoon iswaydaarsigan ayaa ku saabsanaa kordhinta aqoonta iyo khibrada ku aaddan habka qumman ee wadashaqaynta iyo wadaagidda xogta maamulka xuduuddaha iyadoo sidoo kale diiradda lagu saaray maaraynta qul qulka dadka sida sharci darrada ah uga gudbaya xuduuddaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xoojinaysa wadashaqaynta, iskaashiga iyo khibrad wadaaga Hay’adaha Socdaalka wadamada dariska ah si loo xoojiyo ka hortagga qulqulka dadka sida sharci darrada ah isaga kala gudba xuduuddaha wadamada dariska ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Safiirka Shiinaha oo yeeshay kulan miro dhal ah

0

Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo Safiirka Dowladda Shacbiga ee Jamhuuriyadda Shiinaha, Mudane Wang Yu ayaa yeeshay kulan miro dhal ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Safiirka aya ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ee ku aadan dhanka garsoorka.

Danjire Wang aya yidhi, “Waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka garsoorka ee labada dal”.