Guddoomiyaha SoDMA oo shir guddoomiyay kulan looga hadlaayo ka hortaga Abaaraha

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta guddoomiyey shirar gaar gaar ah oo looga hadlaayey u diyaar-garowga iyo ka jawaabista abaarta la saadaalinayo ee La-nina kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA.

Shirkaan oo laba qeyb ahaa, ayaa qeybtiisa 1-aad waxaa diiradda lagu saaray ka hortagga abartaan, sidii loo kordhin lahaa wacyigalinta bulshada ee ku aaddan sida looga gaashaaman karo iyo qorshaha nimdaam ay dowladda hoggaaminayso la iskulana shaqeynaayo sidii looga jawaabi lahaa abaartaan, sidoo kale shirkan ayaa si qota dheer looga hadlay hoggaaminta iyo iskuduwidda arimaha ka jawaabidda xaaladaha degdegga ee hay’adda SoDMA iyadoo si dhow ula shaqayneeysa nidaamka Unified Social Registry (USR) ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Kulankaan waxaa ka soo qeyb-galay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada iyo horumarinta, iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Sederaalka Soomaaliya, sidoo kale, shirka qeybtiisa 2-aad waxa uu Guddoomiyaha SoDMA la qaatay ku xigeenka Ergayga gaarha ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Sooomaaliya Md George Conway oo ay wehliyaan Hay’adda Isku xirka arimaha biniaadannimada ee OCHA. Shirkaan waxaa looga hadlay u diyaar garowga shirka madasha iskuduwidda arimaha biniaadannimada (Country Humanitarian Forum) ee ka dhici doona Magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Md. Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa ka shaqeeya horumarinta in loo diyaar garoobo abaarta La-nina iyo in ay dhinacayadan iyo SoDMA si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa sameenta ay ku yeelan karto abartaan dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada nugul.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...