Madaxweynaha Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabbilay Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamanada labada dal

Date:

Madaxweynaha Dalka Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga wadankaasi Turkiga.

Guddoomiye Saadaq Cumar, ayaa Madaxwayne Erdogan gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Wadanka Turkiga Erdogan, ayaa xubnaha wafdiga kaga mahadceliyay booqashada ay ku joogaan Dalkaasi, isaga oo ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay wadaan ee la xiriirta xoojinta xiriirka walaalnimo ee labada baarlamaan.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Wadanka Turkiga Danjire Fatxudiin Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Gudiga Saaxiibtinamada Baarlamaanka dalka Turkiga Mudane Abdirahim Firat.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....