Masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaliya ee hindiya oo ka qayb galay shir Caalaami ah

Date:

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, ahna Safiir ku xigeenka Safaaradda, Mudane Cabdifitaax Cabdullahi Nuur ayaa magaalada New Delhi uga qeybgalay shirka 29-aad ee CII Partnership Summit 2024.

Shirka oo ay martigalisay Dowladda Hindiya ayaa waxaa ka soo qeybgalay in ka badan 157 dal oo ka kala yimid dalalka Afrika, Asia iyo Europe, waxaana looga hadlay doorka dowladaha ay ka qaadan karaan horumarinta hanaanka warshadaha.

Sidoo kale waxaa hadalo ka jeediyay shirkaas qaar ka mid ah martida dalalkii kasoo qeybgalay oo inta badan ka hadlay wax soo saarka, dhoofka caalamiga ah, xiriirka ganacsi ee qaaradaha, dhaqaalaha guud iyo qaabka looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee is dhaafsiga Dowladaha caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....