Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ka qeybgalay furitaanka Shirka #COP16 oo ka furmay Riyadh.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamedbayaa ka qeyb galay furitaanka rasmiga ah ee shirka caalamiga ah ee #COP16, oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Riyad, ee Boqortooyada Sacuudiga.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu xallinayo caqabadaha isbeddelka cimilada. Waxa kale oo ay xoogga saareysaa in la xoojiyo adkeysiga deegaanka si loo ilaaliyo mustaqbal waara oo loo wada dhan yahay.

Sidoo kale, Shirka #COP16 waxa uu fursad muhiim ah u yahay in Soomaaliya ku muujiso dadaalkeeda dhinaca deegaanka, isla markaana ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka cimilada sii xumaanaysa ayadoo markii ugu horeysay Soomaaliya ku dhex yeelaneyso Ardaa xarunta uu la socda Shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....