Home Blog Page 280

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐢𝐧𝐚 𝐒𝐯𝐞𝐧𝐬𝐬𝐨𝐧.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay taageerada farsamo iyo maaliyadeed ee Bangiga Adduunka uu siiyo Dowladda Soomaaliya. Waxa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray arrimaha dib-u-habaynta Maaliyadda iyo xoojinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee uu Bangiga Adduuku ka wado Soomaaliya iyo sidii ay si dhaw uga wadashaqeyn la hayeen Bangiga Adduunka iyo Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hey’adaha ku shaqada leh dhaqangelinta Mashaariicda.

“𝙒𝙖𝙭𝙖 𝙖𝙖𝙣 𝙠𝙪 𝙛𝙖𝙧𝙖𝙭𝙨𝙖𝙣𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙞𝙣 𝙖𝙖𝙣 𝙢𝙖𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙠𝙪 𝙨𝙤𝙤 𝙙𝙝𝙖𝙬𝙚𝙚𝙮𝙤 𝙭𝙖𝙧𝙪𝙣𝙩𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙈𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖𝙙𝙙𝙖, 𝙆𝙧𝙞𝙨𝙩𝙞𝙣𝙖 𝙎𝙫𝙚𝙣𝙨𝙨𝙤𝙣 𝙤𝙤 𝙖𝙝 𝙒𝙖𝙠𝙞𝙞𝙡𝙠𝙖 𝘽𝙖𝙣𝙜𝙞𝙜𝙖 𝘼𝙙𝙙𝙪𝙪𝙣𝙠𝙖 𝙚𝙚 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖. 𝙒𝙖𝙭𝙖 𝙖𝙖𝙣 𝙠𝙖 𝙬𝙖𝙙𝙖 𝙝𝙖𝙙𝙖𝙡𝙣𝙖𝙮 𝙗𝙖𝙧𝙣𝙖𝙖𝙢𝙞𝙟𝙠𝙖 𝙙𝙞𝙗-𝙪-𝙝𝙖𝙗𝙚𝙮𝙣𝙩𝙖 𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖𝙙𝙙𝙖, 𝙭𝙤𝙤𝙟𝙞𝙣𝙩𝙖 𝘿𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙-𝙬𝙖𝙣𝙖𝙖𝙜𝙜𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙢𝙖𝙨𝙝𝙖𝙖𝙧𝙞𝙞𝙘𝙙𝙖 𝘽𝙖𝙣𝙜𝙞𝙜𝙪 𝙣𝙖𝙜𝙖 𝙩𝙖𝙖𝙜𝙚𝙚𝙧𝙤 𝙚𝙚 𝙠𝙪 𝙖𝙖𝙙𝙖𝙣 𝙙𝙞𝙗-𝙪-𝙝𝙖𝙗𝙚𝙮𝙣𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙝𝙤𝙧𝙪𝙢𝙖𝙧𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙙𝙝𝙖𝙦𝙖𝙖𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙙𝙖𝙡𝙠𝙖” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige.

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya siiyo taagero maaliyadeed iyo mid farsamo, si uu gacan uga siiyo horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta hannnanka horumarinta Hey’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

‘Yuusan nagula soo galgalan colaadda Dalkiisa’ (WARBIXIN)

0

Kacdoon xooggan oo looga soo horjeedo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ka socda gobalka Amxaaradda ee dalka Ethiopia xili uu xilka iska casilay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Demeke, kaasi oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020kii, waxaana la arkayay Muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke kuwaasi oo raasaas ridaya. Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay ka soo horjeesteen dhaqanka qar iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo Shacabka Itoobiya ee hadda diidan Xukunkiisa.

Demeke Mekonnen waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta Dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaana xilkii uu hayay lagu bedelay Temesgen Tiruneh oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, Dalka Ethiopia waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasl oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Demeke oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga Barwaaqo-sooranka ee Xisbiga Talada haya, uuna ku matalayay Garabka Amxaarada ayaa sidoo kale laga qaaday xilkii uu hayay, Sidaasna waxa lagaga dhawaaqay Kulankii Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga PP, ilaa hadda lama yaqaano sababta, balse, Xuuraan loo qaateen ah ayaa daaha ka rogayaa in Xisbiga haya talada Ethiopia ee PP-da uu taageeray Is-afgaradkii ay Dawladda dalkaasi la gashay Maamulka Somaliland, kaasoo ogolaanayay in Dhul/Xeeb Soomaaliyeed laga dhiso Saldhig milateri oo ay Ethiopia leedahay, iyadoo uu ka soo horjeestay Mr.Demeke Meknnen. Ku darsoo bilihii ugu dambeeyay Kacdoonka kooxda FANO ee Hubeysan kana wadaan Gobolada Amxaarada ayaa la sheegayaa iney Degaano badan kala wareegeen Ciidamada Ethiopia oo u badan Qabiilka Oromada ee uu ka soo jeedo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Wararakii ugu dambeeyay oo mar dhow soo dhacay ayaa sheegaya in Ciidamada Jabhadda Amxaarada ay isku gadaameen xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiyaha ee deegaanka Ensaro Shewa oo qiyaastii 93km u jirta magaalada Addis Ababa, ee Caasimadda Itoobiya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Jabhadda. Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaara, iyagoo hadda Kaabiga ku haya magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo R/wasaare Abiy Axmed, waa sida qortay Amhara News Service, waxaa kaloo ay qortay in Gobalka Maamulka Axmaarada uu ka socda kacdoonkii ugu xoogganaa, waxaa laga maqlayay rasaas dabaal deg u muuqatay markii uu is casilay R/wasaare ku xigeenkii Itoobiya ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo dalkiisa dhexmaray bilowgii bishan, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in hab diblomaasiyadeed lagu xalliyo xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo aanay soo farogalin wax uu ku sheegay “dhinacyo ka baxsan.”

Abiy oo hadal ka jeedinayay  shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Barwaaqo (PP), wuxuu intaa raacshey in Itoobiya ay kaga dhinteen boqollaal ciidan ah, si loo helo midnimo iyo nabad ka dhalata Soomaaliya, islamarkaana aanay dalkiisa dani ugu jirin colaad dhex dhexmarta labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. “Itoobiya gabi ahaanba wax dan ah kama laha la dagaalanka Soomaaliya,” ayuu yiri Abiy Ahmed isagoo sheegay in uu dadaal xoog leh ay dowladiisu ka sameeysay sidii ay u midoobi lahaayeen Soomaaliya.

Marka dagaal Ooge Abiy Dadkiisana uma roona Deriskana uma roona, waxa uuna u isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqday masiibo bini’aadantinimo oo ba’an oo u baahan in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020-kii, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu waxyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Dedebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022-kii, ayaa la xaqiijiyay in halkaasi oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halkaasi ka dhigtay.

Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaadeen kaniisadda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa gargaarka deg-degga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama deegaanka Amxaarada, oo ay ka dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarjumeysa sida aan ka fiirsiga laheyn ee loo beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.

Tallaabada gurracan ee ay qaadday Ethiopia ee ay ku faragelinayso Qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba. haddaba yuusan nagula soo gal galan colaaddda ka aloosan Dalkiisaa Itoobiya, taasi ayaa u baahan wax iska weydiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh ayaa sheegay in Itoobiya aysan doonayn oo keliya badda balse ay doonayso in ay ku darsato dhulka Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin., wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin Taariikh ku suntan colaad iyo dagaallo, balse ay Soomaaliya boggaasi iska laabtay, iyadoo go’aansatay in ay waddamada gobolka kula noolaato nabad, sida uu sheegay Teledishinka Al-carabiya ayaa intaasi ku daray in haddii ay Itoobiya joojin weydo tallaabooyinka waallida ah ee ay qaadayso ay iyaguna cid walba weydiisan doonaan taageero gaar ahaan dowladda Masar.

Dhinaca kale inuusan dagaal Ooge Abiy dhanna u rooneyn waxaad ka garan kartaa sida uu ula dhaqmo Shucuubta Itoobiyaanka ah, mar uu gumaado Qowmiyadda uu ka dhashay ee Oromada, mar uu gumaado tan Tigreega, haddana waxa uu sifeyn ku hayaan midda Amxaarada, marka Shacabka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abiya Axmed ee ku wajahan dhulka Soomaaliyeed, iyadoo qaar ka mid ah shacabka Amxaarada dalka Itoobiya oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Buxi ayay ku tilmaameen inuu ahaa mid qar iska tuurka ah, islamarkaana aan laga fiirsan, waxayna sheegeen Shacabka Amxaarada in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin in ay ilaashadaan midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday Xarunta SoDMA

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen Mahad Cabdiraxmaan Adam ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md Maxamuud Macallim Cabdulle.

Guddoomiyaha iyo Taliyaha Asluubta ayaa kawada hadlay in gargaarka SoDMA bixiso la soo gaarsiiyo Maxaabiista ku xeran Xabsiyada dalka oo ay ugu horeyaan kuwa ku jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, in ay yeeshaan wada shaqayn dhaw, sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxa uu kormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta SoDMA.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta iyo Masuuliyiin SoDMA ka tirsan oo iskugu jira Agaasimayaal iyo Lataliyayaal sare.

 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo khadka Foggaan araga kaga qayb galay Mudaharaad lagu diidan yahay Damaca Gurracan ee Itoobiya

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo khadka fogaan aragga kagala qeyb galay Jaaliyadda Soomaliyeed ee Gobolka Minnesota munaasabad looga soo hor jeedo damaca Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya ku qabtay Minnesota.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalka qurbaha ayaa maalmahan ba waday daddaal xoog leh oo uga soo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso Biyaha Soomaaliya.

Xukunka ICJ ee kiiska xasuuqa Gaza ayaa dalbatey iney israel joojiyaan dhamaan talaabooyiinka ku jira awoodeeda

0

U doodayaasha xuquuqda iyo khubarada sharciga ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ku amraya Israa’iil inay qaadaan “dhammaan tallaabooyinka ku jira awooddeeda” si looga hortago falalka u dhiganta xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza.

Iyadoo ay ka gaabisay inay si cad u dalbato xabbad-joojin, maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii qiratay inay jirto khatar macquul ah oo xasuuq ah oo ka dhici karta dhulka la duqeeyay ee Falastiiniyiinta, waxaanay diiday inay meesha ka saarto dacwadda ay Koonfur Afrika keentay.

Go’aanka ICJ ee Hague wuxuu sidoo kale kiciyay baaqyo cusboonaysiin ah oo lagu joojinayo wareejinta hubka dawladda Israa’iil, taas oo u doodayaasha ay sheegeen in ay ka dhigan tahay mid adag oo jabinaysa sharciga caalamiga ah.

Waxaa kaloo  jira shixnado hub ah oo ka yimid Maraykanka, oo ah taageeraha ugu horreeya ee Israel.”Maraykanku ma awoodo mana aha inuu sii wado hubka uu u wareejinayo Israel ”

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan kula qaatay Kusimaha Danjiraha ee safaarada soomaaliya dalka ciraaq

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan kula qaatay Magaalada Bagdaad Kusimaha Danjiraha ahna La-taliyaha Kowaad ee Safaarada Soomaaliya dalka Ciraaq Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdi.

Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn iyo kala xog-qaadasho ayaa waxa uu Guddoomiye Madaale kaga mahadceliyay Danjire Cabdifataax howsha adag oo uu Qaranka u haayo, waxa uuna kula dar-daarmay xoojinta isku xirka labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ciraaq oo ay ka dhaxeyso Taariikh fog oo soo jireen ah.

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shir looga hadlayay xiriirka dhaqanka Afrika iyo Shiinaha

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska dhaqanka iyo diblumaasiyadda oo lagu qabtey madxafka qadiimiga ah ee Shiinaha ee magaalada Beijing.

Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen machadka Shiinaha iyo Afrika ayaa ahayd mid lagu muujinayay xoojinta xiriirka iyo isfahamka ka dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.  Amb. Kullane ayaa matxafka si diiran loogu soo dhaweeyay gaar ahaan Dhismaha Zhizhong  oo ah xarunta aqoonta taariikhiga ah iyo isdhaafsiga dhaqanka.

Sidoo kale, ujeedkan munaasabaddan loo soo agaasimay ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhaqanka ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya. Danjire Kullane ayaa intii uu booqashada ku guda jiray halkaasi ka jeediyay khudbad uu ku muujinayo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika. Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la fahmo asalka ilbaxnimooyinka.

Danjiraha ayaa ku baaqay in la iska kaashado horumarinta iyo wada-shaqeynta ummadaha dunida ku nool. Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa warbaahinta Shiinaha iyo Afrika, iyadoo lagu soo bandhigay ahmiyadda xiriirka Shiinaha iyo Afrika.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qaybgalay shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Carabta

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Carabta oo ka dhacay Magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii uu gaaray ururka Magaalooyinka Carabta sanadkii la soo dhaafay, Qorshayaasha loo baahanyahay si horumar ballaaran loo gaarsiiyo Caasimaddaha Carabta iyo sidii loo ansixin lahaa ajendayaasha shirka soo socda, oo ay dhamaan isku raaceen madaxda shirka ka qeybgaleysa.

Gaba-gabadii Shirka Duqa Maagalada Bagdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq Mudane Camaar Muuse Kaadim ayaa Hadiyad qaali ah guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdsho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

R/Wasaare Ku-Xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen oo is casilay.

0

R/Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Ethiopia Demeke Mekonnen oo sidoo kale ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa lagu waramay in uu iska casilay xilalkii uu ka hayey dalkaasi.

Lama shaacin sababaha uu isku casiley masuulkaasi oo jagooyinkaasi soo haayey tan iyo bishii November 2020ka.

Demeke Mekonnen waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta Dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Dalka Ethiopia waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaas oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

waxaa dib loo dhigey ciyaarta finalka ee galmudug iyo hirshabeele

0

Muddo Laba Maalin Ah ayaa dib Loo dhigay Ciyaarta finalka Galmudug iyo Hirshabele oo lagu madalsanaa Berri oo sabti ah,Waxaana la ciyaari doonaa Maalinta Isniinta 29-ka Bishaan sida uu shaaciyey Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.