Home Blog Page 280

Danjire Geelle “Itoobiya waxay kasoo horjeeddaa in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

0

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Ambassador: Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeeddo isla markaana dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Ambassador: Daahir Maxamuud Geelle “Itoobiya waxay kasoo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

Danjire Geelle oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in daandaansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto.

Mudane, Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay ka dhaadhici la’dahay in aynu nahay laba dal oo deris ah, in aynu nabad ku wada noolaanno iyo in ay Soomaaliya u madax bannaanaan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso.

Booliska oo gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal dhac ka geysanayay degmada Dharkenley

0

-Ciidanka Booliska saldhigga degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa soo xiray saddex nin oo hubeysan iyo Mooto Bajaaj ay wateen xilli dhac u geysanayeen dadka shacabka ah.

Raggan ayaa ku eedeysan in ay dhac u geysteen muwaaddin ku nool degamda Dharkenley ayaa waxaa falka ay geysanayeen Booliska la wadaagay shacabka halkaasi ku dhaqan, taas oo fududeysay in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha.

Waxaa maalmahan soo badanaya howlgallada guuleysta ee lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimadda kadib markii ay shacabka kordhiyeen wada shaqaynta kala dhaxaysa laamaha ammaanka gobolka Banaadir.

Danjire Geelle “Itoobiya waxa ay kasoo horjeeddaa in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

0

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ambassador Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeeddo isla markaana dhib ku tahay in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ambassador Daahir Maxamuud Geelle “Itoobiya waxay kasoo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

Danjire Geelle oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in daandaansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto.

Mudane, Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay ka dhaadhici la’dahay in aynu nahay laba dal oo deris ah, in aynu nabad ku wada noolaanno iyo in ay Soomaaliya u madax bannaanaan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso.

Ciidnaka Booliska oo gacanta kusoo dhigay Rag dhac ka geysanayay degmada Dharkeenley 

0

Ciidanka Booliska saldhigga degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir,ayaa soo xiray saddex nin oo hubeysan iyo Mooto Bajaaj ay wateen xilli dhac u geysanayeen dadka shacabka ah.

Raggaan, ayaa ku eedeysan in ay dhac u geysteen muwaaddin ku nool degamda Dharkenley ayaa waxaa falka ay geysanayeen Booliska la wadaagay shacabka halkaasi ku dhaqan, taas oo fududeysay in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha.

Waxaa maalmahan soo badanaya howlgallada guuleysta ee lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimadda kadib markii ay shacabka kordhiyeen wada shaqaynta kala dhaxaysa laamaha ammaanka gobolka Banaadir.

Munaasabadda Mahadcelinta iyo Abaalmarinta Canshuur bixiyaasha oo Muqdisho lagu qabtay

0

-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabada Mahadcelinta iyo Abaalmarinta Canshuur bixiyaasha oo ay kasoo qeyb galeen wasiirro,xildhibaanno xubno ka socday ganacsatada iyo masuuliyiin kale.

Cabdullaahi Abshir Shariif Maareeyaha Dekada Muqdisho oo ka hadlay goobta ayaa u mahadceliyay canshuur bixiyaasha oo qeyb weyn ka qaadanayo dib u dhiska dalka

“Waxaan u mahadcelinayaa Canshuurbiyaasha oo qayb weyn ka qaatay dib u dhiska dalka, sida Xukuumadda Dan Qaran talada dalka u timid waxaa lagu guulaystey in Shaqaalaha dowlada mushaarkooda in aysan kab u baahan.”ayuu yiri Maareeye Cabdullaahi Abshir

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waaxda Dakhliga Feysal Maxamed Xaashi oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri “Maanta waxaan isugunimid u mahadcelinta Canshuur bixiyaasha.”

Agaasimaha Furdooyinka Abuukar Sheekh Axmed “Canshuurtu waxa ay asal ahaan ka timid sekada, waxaan soo wadnaa system ganacsatada u fududaynaya in ay dowlada kula xisaabtamaan Canshuurta ay dhiibaan.”

Dowladda soomaaliya ayaa dhawaan soo rogtay cashuurta Iibka,oo dib u habeeyn iyo casriyeen lagu sameeyay,waxana shacabka soomaaliyeed la faray in ay bixiyaan canshuurta si dalka uu hormar u gaaro

Taliye Mustafe: Cadowga Soomaaliyeed innaga ayaa ku filan

0

Taliyaha Ururka 193’aad Guutada 19’aad ee kumaandoska Gor-Gor,Dhemme Mustaf Mohamed Husseen oo la hadlayay boqolaal kamid ah ciidanka kumaandooska Gor-Gor ayaa sheegay in ciidanka qaranku ay mar walba u taaganyihiin difaaca dalka,ayna u dhaarteen cid walba oo soo damaacisa qaranimada & midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Cadawga Soomaaliyeed innagaa Ku Filan,kamana yeleeyno cid walba oo soo damaacisa madax bannaanida jamhuuridda Soomaaliya “ayu yiri Taliye

Dhemme Mustaf Mohamed Husseen

Taliyaha Ururka 193’aad Guutada 19’aad ee Gor-Gor ayaa ciidanka u sheegay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka,cid laga yeelayana aysan jiri xadgudbka ay waddo itoobiya oo si cad u dafirtay Madaxbannaanida ummadda soomaaliyeed.

shaqaalaha Israel oo daneynaya xabbad-joojin & duqeymo weli ku socda Falastiin

0

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Marinka Gaza iyo deegaanada kale, iyagoo dilay tiro Falastiiniyiin ah oo rayid ahaa .

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira 11 qof oo gabaad ka dhiganayay iskuul ku yaalla waqooyiga magaalada Gaza iyo afar kale oo la socday gaari oo masraayey meel u dhow bartamaha Deir el-Balah.

Dhinaca kale,Gudaha Israel ayaa la filayaa in ay ka dhacaan shaqo joojin guud,kadib markii boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah oo ka xun dilka loo geystay lix ruux oo la heystayaal ah ay isugu soo baxeen waddooyinka Tel Aviv iyo magaalooyinka kale, iyagoo dalbanaaya heshiis xabbad-joojin ah.

Daanta Galbeed ee la haysto, tirada dhimashada ee weerarrada Israa’iil ayaa kor uga kacday 29 ruux, iyadoo go’doominta Israa’iil ee xerada qaxootiga Jenin ay gashay maalintii lixaad, isla markaana ay adkaatay helaan cunto, biyo, koronto iyo internet.

Ugu yaraan 40,738 qof ayaa lagu dilay Gaza ,halka dhaawaca uu gaarayo 94,154,kadib weeraradii Israel ee bilowday 7-dii Oktobar ee sanadkii tagay.

Wasiir Biixi Iimaan Cige:Soomaaliya Dayn cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo safar shaqo ku tagay dalka Maraykanka ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay safarkiisa & guulaha dalkeenu ka gaaray dhanka Dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dayn Cafintii kaddib in uu Dalka sameeyay horumar dhanka Dhaqaalaha ah taasina ay muujineyso dedaallada sida wadajirka ah iyo guulaha muuqado ee la gaaray.

Waxa inta wasiirku ku daray hadalkiisa in Madaxda Hay’adda Lacagta Adduunka & Bangiga Adduunka uu kala hadlay halka uu Dalka marayo iyo isbaddelka ka jira.

“Soomaaliya, Dayn cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, wana arrin lagu farxo, ” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan ayaa intaas ku daray in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah kuna nool Dalka Maraykanka oo guullo waa weyn ka gaaray dhanka Ganacsiga,isago bogaadiyay dedaalkaas xooggan ay sameeyeen.

Wasiirka ayaa dhawaan ka qeyb galay shir ka dhacay Dalka Marakanka,waxa una kulama gaar gaar ah la qaatay madaxda kala duwan ee shirkaas ka qayb gashay isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya.

Soomaaliya Cadowgeeda koowaad waa Xabashida (WARBIXIN)

0

Cadowtinimada Soomaalida iyo xabashida waa mid soo soo jireen ah, waxa uuna ka soo bilowday Qarniga 15-aad, waxaana halganka Shumaca shiday Al- imam Axmed Gureey, waxaa kaloo Labada dal ay horey u dagaalameen labo jeer, kuwaasi oo kala ahaa sanadadii 1964-kii iyo 1977-kii. Mar walba dagaalku wuxuu lahaa ruux iyo waxyaabo kiciya dareenka dadka oo Dowladihii jiray u sahlay inay shacabku bixiyan xoog, Xoolo iyo Naf, Madaxdooda adeeca, oo hadalkoodana loo hoggaansamo.

Sida ku xusan diiwaanka, dagaalkii 1964-kii, Dowladdu waxay dadka ku kicineysay dhulka maqan iyo wadaniyad waxaana joogtay madax lagu yaqaano wadaniyad oo indho u ahaa dagaalka sida Aadan Cabdulle Cusmaan ‘Aaden Cade’, Cabdirashiid Cali Sharma’ake, Cabdullaahi Ciise iyo Jeneraal Daaud dhammaantood allaha u naxariistee, halka Dagaalkii 1977-kiina, ruuxda dagaalku waxay aheyd inay Soomaali leedahay awood ciidan iyo hub ay dhulka maqan ku soo ceshato, waxaana joogay madax iyo saraakiil kalsooni ciidan lagu qabo oo dagaalka hormuud u ahaa sida Gen.Maxamed Siyaad Bare, Gen.Maxamed Cali Samatar, Maxamed Nuur Galaal, Gen. Neero, Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo saraakiil kale.

Hadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne ka ah Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waana ku kalsoonahay inuu ka soo bixi karo inuu mar kale difaaco Qaranimada, Madaxbanaanida, shatafta iyo karaamada Dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sida uu u difaacay damacii guracnaa ay dowladda Kenya u damacday Baddeena oo aan heer Maxkamdeed isla gaarnay, haddana waxa uu heli karaa cid uu la kaashado, maadaama uu dalkeennu ku jro dib u soo kabasho, burburkii dalka kadib, waxaana si xoowli ah u socda dib u dhiska ciidanka Qalabka Sida iyo qalabeyntoodaba.

Wasiir ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan Soomaalida u maana sheegtay, isagoo leh Soomaaliya waxa aan ku bixinay Naf iyo Maal fara badan, balse waxaa la garamay masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya,“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, balse taasi micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaasi waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFs Mudane Axmed Macallim Fiqi, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, haddii ay tahay maal ama dhiigba.

Hadalka Wasiirka ayaa daba jooga hadallo xanaf lahaa oo ka soo yeeray masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayuu ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, isagoo carabka ku dhuftay in hadalada xanafta ah ay sii adkeynayaan Xaaladda haatan jirta.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa ‘in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya’ ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah intii u dhaxeysay sanadihii 2007-2008-kii, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca Dad gaaraya 800 kun oo qof.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo aan aqoon qaabka ama fahansaneyn Mucaaradnimada ayaa Warbaahinta la soo taagan Erayo munaasab ku aheyn xilliga la joogo, loona akhri karo ‘Qaai’inu Wadan’, marka Xildhibaan Zama Zam Muxumad Cumar ‘Gobsan’ oo Qolooyinkaasi ka hadleysay ayaa tiri:- “ War waxaasi Mucaaridnimo ma ahane, Mucaaradnimo anagaa ku soo Caana maalnaye, adinku wixiina mucaaradnimo ma ahane, waa ku macno beeleysiin”, taasi oo loo fasiri karo ‘Mucaaradnimadiina mid maca leh ma ahan, marka loo eego waaqiga jira iyo xaaladda markaasi taagan.

Marka laga hadlaayo heshiis yaa gali kara? “Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyada” sidaasi waxaa yiri:- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Golaha Aqalka sare oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshiisyada caalamiga ah ay awood u leedahay oo kali ah dowladda dhexe,wax boos ahna usan uga bannaaneeyn dowlad goboleedyada dalka.

“Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu, marka heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar waxaa dalkeena ugu jira faa’iidooyin badan.” Saneterka ayaa tilmaamay sida ay muhiimdda u leedahay ilaalinta qaranimada midnimada ummadda, si cadowga Soomaaliyeed loogu midoobo, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa in Soomaaliya ay faa’iida weyn ugu jirto heshiiska ay la gashay dowlada Masar, islamarkaan wax badan ay ku soo kordhineyso dalka.

Xil. Ifraah Noolooye ayaa iyadana ku hadal darsatay, waxayna tiri:- “Qofna kuma raali gelinayo in dhulkeyga ama baddeyda lagu soo xad gudbo, dowladana innaga ayaa u idmanay in ay heshiisyada waxtarka leh gasho”, waxayna dhammaan Xildhibaanadaasi daba joogaan hadlkii muritda badnaa ee uu kal hore ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna yiri:- “Soomaaliya waa xor, cidda ay doonto ayay la heshiinee” , xilli dowladda Soomaaliya ay iskaashi militery wada saxiixdeen dowladda Masar oo ay cadow u aragto Itoobiya.

Marka laga hadlaayo colaadda ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Xabashida waxaa lagu tilmaamaa inay tahay mid soo jireen waxaad taasi ka dheehan karta sida uu yiri:- Xildh. Cabbdinuur “Markaan Ciyaalka aheyn qofka noogu dhibka badan ama noogu xaasidsan, waxaan dhihi jirnay ‘Xaasidsanidaa ma Xabashi baa tahay’ yacni Cadaawadda Ethiopian-ka aan u qabno awgeed”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray Waddo laami ah oo laga hirgeliyay Degmada Yaaqshiid

0

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Maagaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Waddo cusub oo laami ah, taasi oo laga hirgeliyay Degmada Yaaqshiid, iskuna xirta Waddada Jeneral Daa’uud ilaa Dahabshiil – Suuq Bacaad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha isku tashiga dhismaha Kaabayaasha waddooyinka uu qeyb weyn ka qaatay soo celinta bilicda, kobaca ganacsiga, dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada, asigoona ugu baaqay qeybaha kala gedisan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar ee lagu horumarinaayo Caasimadda.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Suleymaan Fargax, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ganacsato, Odayaasha Degmada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Yaaqshiid.