Home Blog Page 277

Ficillada Itoobiya waddo oo u muuqda kuwa garabsiinaya Argagixisada (WARBIXIN)

0

Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya ku eedeysa inay faragalin iyo iska horkeen ka dhex wado beelaha Walaalaha ah ee wada dega Gobolka Gedo, waxeyna Soomaaliya ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay Difaaca Madaxbanaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna Baaq u dirtay Beesha Caalamka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay Midawga Afrika in ay cambaareeyaan falkaan guracan ee Itoobiya wax ugu dhimeyso nabadda Gobolka.

Dowladda Soomaaliya, waxay mar kasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam, balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka”, sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dowladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaasi oo xad-gudub ku ah shuruucda Caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taasi oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horraantii sanadkaan.

“Kadib markii Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay ku wiiqayso Amniga Dalka sida, in ay Dalka ku soo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda ku diyaariso Maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata, ka dibna ay u soo dirto gudaha Soomaaliya, si ay colaad u huriyaan. Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ay dowladdu soo saartay.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo sida xogta lagu hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaasi oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo, kuwaasi oo ay dooneyso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah Ummadda iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

“Ficiladaan waxay si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika”. Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaasi oo siday Hub sharci-darro ah, wuxuuna cambaareyn dusha uga tuuray Ficillada aan xilkaska aheyn ee Itoobiya ka waddo xuduudaha, isagoo sheegay in labadan diyaaradood ay sidoo kale magaalada Kismaayo ka qaadeen shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo, kuwaasi oo ay dooneyso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah Ummadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

“Ethiopia muddo dheer ayey mashquul ku aheyd dalkeena inay farogalin ku sameyso, waxay hub shirci darro ah soo galisay meelo ka mid ah dalka, waxayna uruurisay maleeshiyaad calool u shaqeystayaal ah, si dalka u carqaladeeyso” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, wuxuuna intaa ku daray in dowladda ay qaadeyso talaabooyin dalka looga difaacayo Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo dhanka kale sheegay in kuwa daba-dhilifka u ah Ethiopia laga qaadi doono talaabooyin waafaqsan sharciga dalka u yaalla.“Ficillada aan xilkaska aheyn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha Argagixisada ah, waxa ayna ka soo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taasi oo meeshana ka saareysa wadahadaladii labada dowladood u socday, islamarkaana horseedaya xiisad cusub” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidan oo kale horay dhowr jeer hub si sharci-darro ah ugu soo galiyay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxa uu ku soo xadgudbay biyaha Soomaaliya, iyadoo heshiis beenaad la galay horaantii January Madaxweynahii hore ee Soomaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, taasi uu kula kulmay Weji kabax dhan kasta ah, haataanna waxa uu ciidamo u soo dirayaa Deegaanno ka mid ah Soomaaliya, taasi oo la og yahay in ciidamada Itoobiya lagu wado inay dalka ka baxaan ugu dambeyn bishan Disember.

“Waxaa xaaladda sii murjiyay dhaqdhaqaaqyadii hore ee Itoobiya ee dhul-ballaarsiga, oo ay ka mid aheyd isku day ku doonaysay inay gacanta ku hayso dhul-badeedka Soomaaliya ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland),” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, isagoo walaac weyn ka muujisay in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Jubbaland, halkaas oo ay ka jiraan xiisado u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, wuxuuna intaasi raaciyay in ay walaac ka muujinayaan tallaabooyinka qaar oo ay qaadday dowladda Itoobiya, kuwaasi oo uu sheegay inay xad-gudubyo cad ku yihiin madax-bannaanida, arrimaha gudaha, iyo amniga Soomaaliya, islamaraasna ka hor imanaya shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay falalkani inay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, ayna wiiqayaan xiriirka derisnimo, iyo mabaadi’da nabad-ilaalinta ee Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoo xusay in tallaabooyinka Itoobiya ay carqaladaynaya wada-xaajoodyadii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika

0

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maalintii Labaad ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika (𝐀𝐟𝐫i𝐜𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐚𝐧𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭) oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.

Shirkan oo maanta lagu soo gabagabeen doono magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco ayaa waxa uu ka qeyb gali doonaa Wasiirka Maaliyadda kulamo guud iyo kuwo gaar ah oo ay ka mid yihiin doodo iyo hadal jeedino ku saabsan waddii Soomaaliya ee deyn-cafinta oo cashar ku dayasho mudan ay ku tilmaameen dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha Adduunka.

Ka sukoow hadal-jeediyeyaasha muhiimka ah, waxaa sidoo kale uu Mudane Wasiir Biixi ka mid noqon doonaa Madasha Doodda sare ee shirka taas oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya looga dhageysan doono aragtida, talada iyo qaabka ugu fudud ee loo maareeyo deymaha maadaama Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hannaanka deyn cafinta ka soo gudbay.

Safiirka JFS Uganda oo kulan la qaadatay Odayaasha iyo Waxgaradka ku nool dalkaasi

0

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaadatay Xarunta Safaaradda qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya safaaradda iyo jaaliyadda.

Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa Odayaasha kulanka ka soo qayb galay u caddeysay in siyaasaddeeda cusub ee hoggaaminta safaaradda ay tahay mid ku saleysan cadaalad iyo sinnaan ay helaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in aysan jiri doonin cid gaar ah oo safaaradda u xiran tahay ama cid kale oo laga xigsan karo, maadaama safaaraddu tahay xarun dowli ah oo loo wada siman yahay.

Sidoo kale Danjiraha ayaa xustay in safaaradda ay tahay goob qaran oo albaabadeeda u furan yihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoona ku adkeysay inay diyaar u tahay inay u adeegto bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Uganda.

Dhankooda Odayaashii ka qeyb galay kulanka ayaa si diiran u soo dhaweeyay dadaalka safiiradda, iyagoo ballan qaaday inay si buuxda ula shaqeyn doonaan safaaradda si loo horumariyo danaha guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Kulankan ayaa bilow u ah kulamo ay safiiradda la yeelan doonto dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Danjiraha JFS ee Uganda oo kulan la qaadatay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

0

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare oo kulan la qaadatay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda Vincent Bagira ayaa kala hadashay arrimo badan oo xariirka labada dal ah.

Danjire Fardowso ayaa ugu horayn uga mahadcelisay dalka Uganda sida ay uga qeyb qaataan had iyo jeer nabadda iyo dawlad dhiska Soomaaliya, waxa ayna balanqaaday in ay ku dadaali doonto xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Uganda.

Danjiraha iyo Xoghayaha Joogtada ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in la qabto shirarkii Guddiyada Wadajirka ah ee labada dhinac (Joint Permanant Commission’JPC) iyo xilliga ugu haboon ee ay tahay in la qabto iyo sidii loogu diyaargaroobi lahaa, iyadoo lagu wado in kulanka soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Danjire Fardowsa ayaa intaas kadib ugu dbisay Xoghayaha Joogtada ah dhowr arrimood oo muhiim u ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan dalkan Uganda, kuwaas oo u baahan in oo in wax laga qabto.

Xoghayaha Joogtada ayaa kale balan qaaday in ardayda Soomaaliyeed loola macaamili doono sida kuwa EAC-da, isagoo hoosta ka xariiqay in arrinka kala fariisanayaan Wasaardda Waxbarashada, kadibna la gaarsiin doono dhammaan hay’adaha waxbarashada Uganda.

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐤𝐨𝐫𝐚𝐫𝐬𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐨𝐰𝐥𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐞𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐥𝐚𝐧𝐝

0

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartun Sharif Mohamed iyo agaasime ku xigeenka Isbitalka Banaadir Dr. Amina Hassan Hussein oo howlo shaqo u joogay dalka Finland ayaa booqashooyin ku tagey xarumo Caafimaad oo ku yaala dalkaasi si khibradaha iyo aqoonta la isku dhaafsado taasoo ka qeyb qaadan karta in Isbitaalka Banaadir la sii horumariyo howlaha shaqo ee uu u hayo bulsho waynta Soomaaliyeed.

Agaasimayaasha ayaa inta ay ku sugnaayeen dalkaasi waxey kulamo la qaateen Hey’adda IOM ,machadka Caafimaadka Qaranka, Maamulada Isbitalada iyo Jaamacadda ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, ayagoo sidoo kalena la kulmay bahda Caafimaadka ku sugan ee dalkaasi.

Ujeedada booqashada ayaa aheyd horumarinta adeega Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka loogana wada shaqeyn lahaa kor uqaadida xirfadlayaasha Caafimaadka sida tababarada shaqaalaha iyo helida qalab casri ah si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Dadaaladan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin siyaasada ay Wasaaradda Caafimaadka ku yareynayso sababaha keena dhimashada Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed, dalka Finland ayaa ah dalalka sida weyn ugu hormarsan arrimaha Caafimaadka gaar ahaa Qeybta Hooyada iyo Dhallaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Waddo oo interlock

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray 10 Waddo oo interlock oo laga hirgeliyay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Maamulka iyo Bulshada Degmada Hodan iskaashiga ay ku dhisteen waddooyinkaan oo muhiim u ah isku socodka iyo bilicda Degmada, asigoona sheegay in Degmada Hodan ay tusaale muuqda u tahay Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah Waddooyinka ugu muhiimsan ee maanta la xarig jaray ayaa loogu magacdaray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoona munaasabadda xarig jarka ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Hodan Md. Cali Axmed Faarax, Xildhibaano, Ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Maamulka Beledxaawo oo sheegay in dowladda ay ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya

0

-Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Beledxaawo Cabdifataax Nuur Mataan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Dowlada Federaalka ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya.

Mudane Cabdifataax Nuur Mataan ayaa tilmaamay in dibadbaxyadii ka dhacay Gedo uu ahaa mid shacabka ay ku muujinayeen dareenkooda iyo in garab taaganyihiin dowladda soomaaliya kana soo horjedaan xadgudubka gurracan ee Itoobiya.

“Shacabka Beledxaawo waxa ay garab taaganyihin dowladnimadda,waxa ayna mujiyeen sida ay u diidanyihiin xadgudubka itoobiya, anigoo ah kusimaha guddoomiyaha dhammaan xubnaha maamulkana waan ku garb taaganahnay dowaldda difaaca madaxbannanida dalka” ayuu yiri Cabdifataax Nuur Mataan.

Guddoomiye Mataan ayaa sheegay in maamulka waqtigiisu dhammaaday ee jubbaland usan waxana ka qaban Arrimaha bulsahada,sida caafimaadka iyo waxabarashada,dowladana ay ka rajeynayaan in waxa ka qabato baahiyaha shacabka Degmada Beledxaawo.

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb

0

-Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daahfuray Shirka Madasha Banii’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) loogana hadlayo xaaladaha la xiriira arrimaha banii’aadannimada.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo shirka ka qeyb galay ayaa yiri “Shirka Madasha Arrimaha Banii’aadanimada waxa uu ku soo aaday iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad adag oo abaareed.”

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo shirka furay ayaa sheegay in raja weyn laga qabo in uu ka soo baxo shirkan qodobo waxa looga qabanayo xaaladaha Banii’aadannimo oo ay ugu horeyso abaaraha iyo Fatahaada.

“Shirkan indhaha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa kusoo jeeda, waxaana rajo ka qabnaa in ay ka soo baxaan qodobo dhaxalgal ah.”ayuu yiri Madaxwayne kuxigeShirkaan

Shirkaan waxaa ka qeyb-galaya Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, wakiilo kale oo ka socda Dowladda Federaalka, wasaaradaha Gargaarka ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobolka Banaadir, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiir Al-cadaala: Ethiopia waxay hub sharci-darro ah ka dajisay Kismaayo

0

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo siday Hub sharci-darro ah.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo cambaareeyay Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya ka waddo xuduudaha ayaa sidoo kale sheegay in labadan diyaaradood ay sidoo kale magaalada Kismaayo ka qaadeen shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

“Ethiopia muddo dheer ayey mashquul ku aheyd dalkeena inay farogalin ku sameyso, waxay hub shirci darro ah soo galisay meelo kamid ah dalka, waxayna uruurisay maleeshiyaad calool u shaqeystayaal ah, si dalka u carqaladeeyso” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in dowladda ay qaadeyso talaabooyin dalka looga difaacayo taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo dhanka kale sheegay in kuwa daba-dhilifka u ah Ethiopia laga qaadi doono talaabooyin waafaqsan sharciga dalka.

“Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidan oo kale horay dhoor jeer hub si sharci-darro ah ugu soo galiyay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxa uu ku soo xadgudbay biyaha Soomaaliya, iyadoo heshiis beenaad la galay horaantii January Madaxweynahii hore ee Soomaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, taas uu kula kulmay waji kabax dhan kasta ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo oo safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho

0

-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo Mudane Jaamac Yaasiin ayaa safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Cabdullahi Xirsi Timacadde, Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.