Home Blog Page 277

Maraykanka oo ku baaqay in la baaro Xasuuqa Abiye ka wado gobolka Amxaarada

0

Dowladda Mareykanka oo ku baaqday in la baaro xasuuqa maamulka Abiy Axmed ka wado gobolka Amxaarada ee waqooyiga Itoobiya.

Danjiraha Mareykanka ee Addis Ababa Ervin Massinga ayaa sheegay in 80 ruux ciidanka ku dileen magaalada Merawi.

“Dowladda Mareykanka waxay ka walaacsan tahay warbixinada ka imaanaya magaalada Merawi, waxaan ku baaqaynaa in la baaro dambiiliyaasha ma dambeeyayna cadaalada la marsiiyo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda.

Ciidanka maamulka Abiy ayaa falal ka baxsan bani’aadanimada ka geysanayay gobolka Amxaarada waxaana deegaanka ka jira kacdoonka ka dhanka xukunka taliska Addis Ababa kaas oo ay hogaaminayaan jabhadda Fano.

Ethiopian refugees stand in for supplies at the Um Rakuba refugee camp which houses refugees fleeing the fighting in the Tigray region, on the Sudan-Ethiopia border in Sudan, November 29, 2020. REUTERS/Baz Ratner – RC2ADK93HUQB

dagaalka gaza Dhimashada ayaa ku dhow 28,000 iyadoo weerarka Rafah uu sii socdo

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku amray militariga inay dejiyaan qorshe labada dhinac rayidka looga saarayo Rafah iyo la dagaalanka Xamaas, iyadoo ergayga Qaramada Midoobay ee Falastiin uu su’aal ka keenay halka dadka rayidka ah lagu daadgureynayo weerarka qorsheysan.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in kala bar 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah “ay hadda ku xayiran yihiin Rafah oo aan lahayn meel ay aadaan”, isaga oo uga digay barokacayaasha ayuu yiri  “ma laha guryo” iyo “rajo la’aan”.

Toogashada Israa’iil ee Khan Younis ayaa ugu yaraan 21 qof lagu dilay bannaanka Isbitaalka Nasser iyadoo shaqaale caafimaad ay ka mid yihiin kuwa la beegsaday.

24 saac gudahood, 107 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 142 kalena waa lagu dhaawacay.

 

 

Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay culumada Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatashi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta XFS mudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada soomaaliyeed.

Cadale: Xarummo loogu talagalay adeegyada bulshada oo laga hirgaliyay Ceel Xaashi

0

Masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle, Goddoomiyaha Degmada Cadale, Muuse Maxamed Fareey ,saraakiil , Ganacsato iyo hoggaamiyaasha bulshada ayaa ka qeybgalay xafladda dhagax-dhigga goobo waxbarasho,kuwo caafimaad iyo masjid  laga hirgelinaayey deegaanka Ceel Xaashi oo hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe..

C/Lle Maxamuud Bidaaye nabadoonada ka warbxiyay ahmiyadda adeegyadaan ay u leeyihiin bulshada iyo kaalinta ay ka qaadan karaan horumarka bulshada iyo kan Degmada Cadala .

Munasabad  Dhagax dhigga waxaa kaloo ka hadlay, Prof. Maxamuud Xaaji Axmed kiimiko macalimiinta Jaamacadda Umadda iyo abbaanduulka  Guutada Koowaad ee Ciidanka Daraawiishta Abuukar C/lle Raage

Dhulkaasi loogu talagalay adeegyada bulshada waxaa horay u bixiyay Xaashi Cumar Xasan oo sidoo kale horay u qoday ceel biyood.

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah

0

Wasiirrada Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhigiisa Turkiga Yasar Guler  ayaa maalinimadii shalay Magaalada Ancara ku  kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah si kor loogu qaado xiriirka labada dal iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa kahor kulan ay wadaqaateen waxaa la isku weydaarsaday xoojinta xiriirka labada dal iyo aragtiyo ku saabsan arrimaha difaaca iyo amniga gobolka.

“Soomaaliya waa saaxiibka muhiimka ah ee Turkiga ee Afrika, waxaan kulan wax ku ool ah la yeelanay dhiggeyga Soomaaliya, wada-hadalladu waxay ku dhaceen jawi aad u diirran oo sii xoojinaya xiriirkeenna. waxaan ku celinnayaa muhiimadda aan siineyno madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. ” ayuu yiri Guuler kulanka ka dib.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay sameysato ciidamo Qaran oo ay la socdaan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor, kuwaas oo ay isugu tageen dhalinyaro ay ka buuxdo wadaniyad, ayuu yiri,isagoo xusay in dhallinyaradaasi ay noqdeen tusaale muhiim u ah qaaradda Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay  Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeystay tan iyo markii uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan booqasho ku yimid Dalka Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

“Marka laga soo tago xiriirka ka dhaxeeya labada wasaaradood, heshiiska aan maanta saxiixnay waxaa ka mid ah in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga ciidamada iyo dhaqaalaha, waxaan aaminsanahay in heshiiskan uu sidoo kale wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya” ayuu intaa raaciyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaradda Awqaafta XFS oo shaacisey Jaangoynta sicirka xajka ee sanadkaan

0

Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qoraal ku saabsan  qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed ee sankaan 2024.

Qoraalkaan oo ku socday Shirkadaha fuliya adeegga xajka ayaa lagu wargaliyay in qiimaha xajka ee sanadkaan uu noqon doono 4430 doolarka Mareykanka.

Qoraalkaan ayaa soo baxay kadib markii guddi khuburro ah oo loo xilsaarat arrimaha xajka ay muddo laba bilood ah ku soo diyaariyeen qiimaha suurtagalka ah ee ku bixi kara xujeyda Soomaaliyeed ee doonaya in ay u safraan Dalka Sacuudu carabiya si ay u soo gutaan cibaada xajka.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo shir caalami ah uga qeybgashay Kenya

0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa magaalda Nairobi uga qeyb gashay shir Caalami ah oo ku saabsan horumarinta jawiga maalgashiga iyo xoojinta dhaqaalaha qaxootiga soo laabtayaasha, barakacayaasha iyo bulshooyinka martida loo yahay.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay hay’adaha caalamiga iyo kuwa heer gobol ee daneeya arrimaha qaxootiga, soo laabtayaasha iyo barakacayaasha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Sheegay in Nidaamka Wadomarista uu qeyb weyn ka qaadanayo Badqabka Bulshada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa kormeeray qaar ka mid ah Wadooyinka Caasimadda Muqdisho oo loo diyaarinaayo nidaamka wadomarista wadooyinka.

Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Jeneraal Bishaar Axmed Geedi ayaa mas’uuliyiinta ugu warbixiyay qorshaha hirgelinta xeerka Nidaamka Wadomarista Magaalada Muqdisho oo meel wanaagsan maraya, asigoona sheegay in ay jiri doonto dhaqan gelinta xeerka iyo isla xisaabtan ku aadan ku xad-gudubta Nidaamka Wadomarista.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qorshaha Nidaamka Wadomarista uu qeyb weyn ka qaadanaayo Badqabka Bulshada, yarenta saxmada wadooyinka iyo bilicda Caasimadda, asigoona ka digay in lagu xad-gudbo goobaha ka dhaxeeya Bulshada.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun 10 sano xabsi Ciidan ah ku riday xubin katirsan khawaarijta

Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) ayaa lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha maleeshiyada Khawaarijta Alshabaab isaga oo u qaabilsanaaa qeybta dhuumaalaysata iyo kooxda basaasiinta.

Maxamed ayaa Maleeshiyada kaga biiray Jilib sanadii 2013 , Maxamed iyo labo kale oo ka baxsaday waalidkood dugsi diidnimo tuulada Gorgoreey ee hoos tagta degmada Saakow ee Jubbada Hoose.

Waxa uu tababar ku soo qaatay Mucaskarka Abu-zubayr oo ku yaal inta u dhaxayso Jilib iyo Bu’aale tababar socday Sadax bilood waxaana lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan, ka dib tabarkiisii isaga iyo kooxdii tababarka la qaatay waxaa loo daabulay gobalka Galgaduud gaar ahaan Wabxo iyo Ceelbuur.

Waxa u qeyb ka ahaa 2 jid gal oo lagu sameeyay Ciidanka Ethopia inta udhaxeesa Wabxo iyo Ceelbuur, Waxbo iyo Maxaas.

Sanadii 2018 ayaa loo soo wareejiyay qeybta Basaasida Muqdisha isgoo gabaad ka dhigtay guri uu abtigiis leeyahay kuna yaal Xaafada Saybiyaano degmada Hodan, waxa uuna ka shaqa bilaabay Baqaar lagu iibiyo Mooska oo kuyaaal suuqa Bakaaraha si uu gabaad uga dhigto.

Waxa u jaajuusay Askar iyo dad shacab ahaa oo qaraabo ahaayeen isaga oo xogtooda u gudbiyay horjoogihisii oo joogay Jubada dhexe.

Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo qabtay Maxamed Beerta Nabadda ee degmada Xamar Jajab Sadax iyo labaatankii bishii November sandii 2023.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Qaadista kiiskan Sadax iyo Tobankii bishii January.

Garsoorka Maxakamda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbayn maanta ku xukuntay Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo gacanta ku soo dhigay Eedeysane Sayid Cali Macalin oo xaaskiisa ku gubay Muqdisho.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo ku howlanaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa eedeysane Baxsad Sayid-Cali Macalin Daa’uud, kaas oo 26 Jan 2024 Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku gubay xaaskiisii marxuumad Luul Shiikh Cabdi oo ay u geeriyootay gubashadii ayaa ugu dambeyn galabta gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid -Cali Macalin Daa’uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado.

Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii la soo dhaafay ku raad joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn ka soo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Eedeysanayaashaan ayaa gacan ku siiyay eedeysanaha 1-aad inuu ku dhuumaalysato dhulka ballaaran ee isku xira Gobolada Galgaduud iyo Mudug Halkaas oo ay suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo xilli uu ku sugnaa deegaanka Cadayleey.

eedeysanayaasha kala ah Ingiriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa’uud (Caluuke), ayaa laga soo qabatay deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug xilli ay ku howlanaayeen fududeynta baxsashada eedeysane Sayid-cali oo la qorsheeynayay inuu doon ku baxsado markale.