Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Maxkamadda Gobolka Banaadir Maanta Hor Keeyay Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud Oo Loo Haysto Inuu Xaaskiisii Gubay

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Maxkamadda Gobolka Banaadir Maanta Hor Keeyay Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud Oo Loo Haysto Inuu Xaaskiisii Gubay

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in amniga iyo cadaaladdu ay yihiin laba aan kala maarmin dowlad la’aanna aysan shaqayn karin.
Guddoomiye Baashe oo furay shir sanneedka 6-aad ee Xeer ilaaliyayaasha Soomaaliyeed ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leeyihiin amniga iyo caddaaladda, wuxuuna tilmaamay in dhammaan adeegyada kale ee bulshadu ay cid kale qaban karto, balse bulshadu aysan ka maarmin garsoorka iyo ammaan, wuxuuna dowladda ku boorriyay in lagu bixiyo dedaal badan.
Guddoomiyaha ayaa dul istaagay waajibaadka ka saaran xeer ilaalinta dalka iyo hay’adaha la shaqeeya la dagaallanka dmbiyada abaabulan, wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay mas’uuliyad wadareed.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee haysata laamaha amnigu ay tahay Xabsi la’aan, wuxuuna intaa raaciyay in ka boolis ahaan aysan haysan meel ay geeyaan maxaabiista la qabto.
Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guuto; Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xeer ilaaliyeyaasha dalka ugu baaqay in ay dhowraan waxa loo igmaday ee ah xeerka dalka,wuxuuna ku boorrriyay in cadaaladda lagu dedaalo.
Xeer Ilaaliye Guud ee Qaranka Dr; Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in xafiiskiisa uu ku guuleystay in uu xalliyo caqabado badan oo hortaagnaa in Cadaalad la helo.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa sheegay in Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku guuleystay in la yareeyo dambiyada abaabulan oo ay ka mid ahaayeen Ciyaal weerada iyagoo kaashanaya laamaha amniga.
Shirkan sanadlaha ah oo uu furay Guddoomiyaha Maxakamadda sare Baashe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka wasaaradda cadaaladdda XFS, Xasan Macalin Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, xeer ilaaliyayaasha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan laba Aqal ee BFS.
Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa maanta fariin culus u diray dadka wax u dhimaya nadaafadda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxayna arrintaasi ka soo saareen degniin adag.
Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale, ayaa ku booreyay dadka ku dhaqan degmada in ay ka qeyb qaataan oloaha nadaafada iyo qashin qaadista ay maamulka ka wadaan magaalada.
“Waxaan leeyahay qof kasta oo ku nool magaalada Gaalkacyo ha ku dadaalo sidii ay ololaha nadaafadda uga qayb qaadan lahaa, qof kastana ha ka soo bilaabo gurigiisa, iyo xaafadaha ku xeeran, sidaas ayaanu ku sugi karnaa amnigeenna iyo caafimaadkeenna.” ayuu yiri duqa degmada.
Sidoo kale, waxa uu faray Waaxda Arrimaha Bulshada inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo qashin ku dhex daadisa magaalada, isagoo soo jeediyay in ciqaab ku habboon la marsiiyo.
Maamulka degmada ayaa dhawaan bilaabay olole lagu nadiifinayo qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada, laguna ilaalinayo caafimaadka iyo fayodhowrka bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah oo loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Hirshabeelle.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegey in gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan qeybta Caafimaadka Dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.
Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleed Hirshabeelle mudane Saadaq Maxamed Maxamuud ayaa ka mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyey, waxa uuna sheegay in loogu adeegi doona bulshada dowlad goboleed Hirshabeelle si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada iyo guud ahaan yoolka Qaranka ee Caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay Mowlid Cali Dhuxulow oo ka tirsanaa Khawaariijta.
Howlgalka lagu soo qabtay dhagar qabaha ayaa ka dhacay Baadiyaha Di-Biriq Deegaanka Waniile oo qiyaastii 20KM u jira Dagmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.
Ciidanka oo ku howlgalay Xuuraansi iyo xogo sirdoon ayay u suura gashay in ay Gacanta ku soo dhigaan Mowliid oo Khawaariijta ugu Magacaabnaa waxa ay ugu yeeraan Xisbada.
Ciidamada ayaa horey sidaan oo kale howlgal uga fuliyay Gudaha Dagmada Ceeldheer oo ay xilligaas Khawaarijtu gacanta ku haysay iyaga oo gacan ku soo dhigay Horjooge Garoobshe oo Khawaarijta ka tirsanaa.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in Soomaaliya ku biirto Ururka Dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika.
Soomaaliya ayaa xubin rasmi ah ka nooqotay Ururkan sanadkii hore ka dib markii dowladda Soomaaliya daddaal badan ku bixisay.
Ganacsatada iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga faa”iidaysan doona fursadan,iyagoo badeecadahooda u heli doona suuqaq u iibgeeyaan.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed waxaana Haa ku ogolaatay 149-Xildhibaan Hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.
Hindisaha waxaa soo gudbisay oo golaha horgeysay wasaaradda Maaliyadda XFS, wasaaradda ayaana golaha uga mahad celisay ansixinta xeerka.
Dhinaca kale isla Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaan ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka oo dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka, Si loo waafajiyo Qodobka 82aad Fagradisa 4aad ee Dastuurka KMG,waxaana Haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan mana jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay.
Hindise sharciyeedka ayaa waxaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.
