Golaha Shacabka oo maanta ka dooday siyaasadda iyo arrimaha Masiiriga ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha,XFS oo daahfuray dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee dowladaha hoose.
Gudiga Garsoorka Caadalada iyo Arimaha Diinta Golaha Shacabka oo kulan isugu yimid
Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka sare oo kulan la qaatay Wasiirka xannaanada Xoolaha
Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley).
Xubnaha Guddiga oo gudnaya waajibaadka ka saran korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, ayaa Wasiirka si gaar ah wax uga waydiiyay shuruucda xannanada Xoolaha iyo kobcintooda, maaraynta mashaariicda caalamiga ah iyo sida looga faa’iideeyo dowlad Goboleedyada, hannaanka ka faa’iideysiga xoolaha nool, qorshaha Wasaaradda ee reer guuraaga xoolohooda ku waayay fatahaadihii dalka ka dhacay iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.
Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) ayaa mid mid uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay waydiiyeen xubnaha Guddiga, waxaana lagu ballamay wadashaqayn dheeraad ah iyo isla xisaabtan iyada oo lagudanayo waajibaadka Qaranka.
Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u maray hannaanka diiwaangalinta Kaarka Aqoonsiga Qaran
Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta si rasmi ah u maray hannaanka diiwaangalinta Kaarka Aqoonsiga Qaran (National ID).
Sidoo kole sanatar af cadeey ayaa isna manta is diwaan galiyay wuxuuna shacabka somaaliyeed ugu baaqay inay ka faaidaystaan fursadaan ay ku heli karaan aqoonsiga qaranka.
Reysul wasaarihii hore ee dalka mudane Cali Maxamed geedi ayaa sheegay in fursad dahabi ay tahay in shacabka soomaaliyeed ay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka, si loo xaqiijiyo muwaadinada Soomaaliyeed.
Reysul wasaare Cali ayaa xusay in kaarka aqoonsiga qaranku uu sahli doono ogaashiyaha Tirakoobka dadka soomaaliyeed isla markaana dalka doorashooyinka kusoo wajahan looga faaidaysan doono.
Ha’adda aqoon siga qaranka ayaa gobolka banaadir ka hirgaliyay ilaa afar xarumood oo loogu adeego shaqaalaha dowladda iyo shicibka soomaaliyeed

Guddomiyaha Haya’adda Maaraynta Masiibooyinka oo kulan la qaatay kuxigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliya Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan diiradda lagu saarayay saamayntii ka dhalatay cimiladii El-nino.
Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen madax ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay, ayaa looga hadlay qorshaha lagu qiimaynayo masiibidii fatahaadaha El-nino iyo saamaynta ay ku yeelatay bulshada iyo dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale waxaa qorshaha ka mid ah in ay qiimayntaan ka soo baxdo nidaamka ka soo kabashada dhibaatooyinkii ka dhashay fatahaadaha iyo hannaanka dhisidda awoodaha bulshada ee masiibooyinka dalka.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo golaha shacabka horgeeyey Hindise sharciyeedka Dad-dhigista
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta hordhigay golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Hindisaha-sharci ee Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah, isaga oo ka hor akhriyay sharcigan oo udub-dhexaad u ah qorsheynta howlaha hormarineed ee taabanaya nolosha muwaadinka oo ay dowlad fuliso.
Ugu horreyn, muadne Axmed Macallin Fiqi waxaa uu golaha u sharaxay sooyaalka nidaamkan isaga oo yiri “ Hindisahaan-sharci ayaa nidaaminaya adeegga dad-dhigidda oo adeeg aad u fac weyn, kana mid ahaa adeegyadii ugu horreeyay ee ka hirgalay geyiga Soomaaliya muddo laga joogo boqol iyo laabatan sano, waxaana markii ugu horraysay uu ka dhaqangalay gobollada waqooyi ee Soomaaliya iyadoo Boqortooyadii Ingiriiska ee ka talinaysay dhulkaasi ay dejisay shuruuc nidaaminaysay arrimaha dhalashada, dhimashada, guurka iyo furiinka muddadii u dhaxaysay 1902dii illaa 1904tii. Sidoo kale, dowladdii Talyaaniga ayaa iyana soo saartay shuruucda nidaaminaysa arrimaha dad-dhigidda ee Soomaalidii iyo shisheeyihii xilligaasi ku noolaa Soomaaliya. Ugu dambeyn, waxaa adeeggii dad-dhigidda la middeeyay markii la qaatay xorriyada, israaceen labada gobol ayna dhalatay Jamhuuriyaddii 1aad Dalkeena taasi oo loo garanayay Jamhuuriyaddii Soomaalida, wuxuuna adeeggaasi si habsami leh u socday illaa burburkii Dowladdii Dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1991kii.
Hindisahaani-sharci oo ka kooban lix cutub iyo 46 qodob, isla markaana nidaaminaya diiwaangelinta iyo tirakoobka xaaladaha khuseeya dhalashada, guurka, furiinka, dhimashada iyo kafaalqaadka ubadka ayuu Wasiir Fiqi ku dheeraaday ujeedooyinkiisa sida;
(1). Dhisidda iyo hirgelinta adeeg Dad-dhigis oo midaysan, casri ah, tayadiisu sarreyso ah si fududna loo heli karo kuna baahsan dalka oo idil
(2). Nidaaminta iyo daadejinta hawlaha Dad-dhigista iyo bixinta shahaadooyinkooda
(3). Adkaynta kaalinta dowladaha hoose ay ku leeyihiin bixinta adeegyada Dad-dhigidda
(4). Yagleelidda xog-dhigga/kaydka Qaran ee dhammaan Diiwaanada Xaaladaha Madaniga ah iyo kuwa qoyska
(5), Soo-saarista warbixinnada Tiro-koobka Xaaladaha Madaniga ah kuwaasi oo tayadoodu sarrayso;
(6). Dhisidda heykal maamul oo u xilsaaran fulinta adeegyada Dad-dhigista iyo Tirokoobka Xaaladaha Madaniga ah iyo qeexidda doorarka ay kala leeyihiin;
(7). Hirgelinta xarumo diiwaan-gelin oo lagu fulinayo hawlaha Dad-dhigista iyo tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah
(8). Joogtaynta leylinta diiwaan-hayeyaalka, hawl-wadeennada iyo xirfadleyaasha fuliya hawlaha Dad-dhigidda ee heer qaran, dawlad-goboleed, degmo, tuulo iyo miyiga fog; iyo
(9). Xoojinta wada-shaqeynta hey’addaha qeybta ka ah hawlaha Dad-dhigista iyo Tiro-koobka Xaaladaha Madaniga ah.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in adeeggan ay muwaadiniinta ka heli doonaan degoomiyinka dalka, iyada oo ay intaa dheer tahay in dhammaan shahaadooyinka ay bixinayaan dowladaha hoose ay yeelanayaan awood sharci iyo aqoonsasho isku mid ah iyo in muwaadinka ku heli doono shahaadada dad-dhigista qiimo jaban marka uu sharcigaani dhaqangalo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Kormeerey Bar kantroolada laga ilaaliyo Amniga Magaalada Baydhabo
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeerey Bar kantroolada laga ilaaliyo Amniga Magaalada Baydhabo isagoona Ciidamada ku sugan furumaha kula derdaarmay inay xoojiyaan Sugida Amniga iyo ka hortaga Falalka Guracan ee Cadowga Khawaarijta Alshabaab ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed
Madaxweyne Laftagareen ayaa sido kale Kormeerey Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo Halkaas oo kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska oo ka dhagaystay Warbixin ku saabsan Howlaha Amni iyo sida ay usugayaan Amniga Shacabka
Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga, Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka, Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Gobolka Baay, Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo iyo Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed.

EEDEYSANE GACANTA LAGU DHIGAY
Ciidanka Boliiska Degmada Qoryooley ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Saleemaan Xaaji Cabdi oo shalay 02 Feb 2024 abaare 4:30 PM ku eedeysan inuu Xaafada Wadajir ee Degmada Qoryooleey ku dilay Xaaskiisii Fowsiyo Muxsin Maxamed oo aheyd xaas u dhashay 4 caruur ah.
Eedeysane Saleemaan, ayaa hada ku jira gacanta Ciidanka Boliiska Degmada Qoryoolay, wuxuu dhawaan wajihi doonaa Maxkamad si uu cadaalad u maro.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo qabtay mudaharaad ay ku diidan yihiin damaca gurracan ee Itoobiya
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka UK oo ku hor banaan baxay safaarada Itoobiya ee dalkaas si ay uga dhiidhiyaan damaca guracan ee ay Itoobiya ku dooneyso Badda Soomaaliya.
Banaan baxan oo ahaa mid xooggan ayaa waxa soo qaban qaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka Ingiriiska,iyagoo isaga kala yimid gobolada dalka si ay uga hortagaan damaca gurracan ee Itoobiya.
Kumanaan shacabka ayaa hor tegay Safaaradda Itoobiya ku leedahay London kuwaas oo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan Xadgudubka Itoobiya.

