Home Blog Page 278

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo xiray

0

Shirkaan oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Muhiimada Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya, iyo sidii loo mideyn lahaa Fariimaha Dowladda iyo Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Shirkaan waxaa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana Furintaankiisa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Mudane Cabdirahmaan Yuusuf Al-Cadaala, isaga oo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa fariimaha Dowladda, iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Maalinkii koowaad ee Shirka waxaa aad loo faaqiday saddex dood oo kala ahaa Maareynta muhiimada Xiriirka Warbaahinta Xilligaan Casriga ah, hagaajinta iyo Mideynta fariimaha hayโ€™addaha kala duwan ee Dowladda, iyo Fududeynta Xaqa Xog Helista Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Doodahaan waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan hayโ€™addaha kala duwan ee dowladda, khubarro dhinaca Warbaahinta ah, Siyaasiyiin iyo xiriirka dadweynaha, xafiisyada Warfaafinta dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, wariyayaal iyo qeybaha kale ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tilmaamay in ay madashan tahay fursad ay ku wada hadlaan dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha si loo xoojiyo wacyi-galinta dadweynaha iyo kor u qaadista daah furnaanta dowladda.

Maanta oo shirka lasoo xiray, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tiran Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Wakiilada Maamul goboleedyada, Maamulka G/Banaadir, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.

Dadka maanta ka qeyb galay shirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali, Wasiirka Qoyska Bashiir Mohamed Jaamac Goobe, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala, madax ka tirsan dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Mohamed Nor ayaa shirka ka sheegay in Warbaahintu Door muhiim ah ka qaadatay dagaalka dalka looga xoreynaayo khawaarijta โ€œGuulaha laga gaaray Dagaalka Khawaarijta, warbaahinta waxay ka qaadatay Door muhiim ah, waxaa lasoo bandhigay Boobka iyo Dullaysiga Khawaarijtu ku haysay Bulshadii laga xoreeyayโ€ ayuu yiri Wasiir jaamac.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Mohamed Aadan Moalim, ayaa xusay in shirkaan oo muhiim u ahaa midaynta fariimaha Dowladda si isku mid loogu wajaho dagaalka Khawaarijta wuxuuna intaa ku daray โ€Inaga oo kaashanayna Wasaaradda Warfaafinta Waxaan meesha ka saarnay kumanaan Akoonno Baraha Bulshada Khawaarijtu ku marin habaabinaysay Dadkeenaโ€.

Sidoo kole Wasiirka Qorshaynta Xukuumada Maxamuud Cabdirahman Beenebeene oo Madasha ka hadlay yaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dowlad dhiska iyo horumarka dalka muhiim ugu yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone.

Masuuโ€™liyiintii goobta ka hadashay waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka Mudane Bashiir Mohamed Jaamac Goobe. Waxaa uu xusay in warbaahintu door muhim ah ku leedahay Midnimada iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed โ€œQofka waxay masuuliyad ka saran tahay ilaalinta Xuquuqda, warbaahintana waxaan ku boorinaynaa inaysan waxyeelayn mideynta Bulshadeenaโ€

Gunnaanadkii waxaa Madasha ka hadlay Wakiilada ka socday sida Wakiilka ATMIS ee Soomaaliya wuxuu yiri โ€œHorumarinta iyo midaynta xiriirka Warbaahinta waxay muhiim u tahay ka hortagga been abuurka Khawaarijtu ay ku marin habaabinayaan bulshadaโ€

Ari Gaitnis oo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ayaa isna sharaxamay muhiimda Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya โ€ Istiraatiijiyadda xiriirka aad ayay muhiim inoogu tahay, ka UN ahaan maadaama dadka Soomaaliyeed aan ka taageerno dhinacyo badan, waana talaabo horumar horseedi kartaโ€ ayuu ku daray hadalkiisa.

Dood ku saabsan la dagaalanka Xagjirnimada ayaa lagu soo xiray doodihii Madasha oo ahayd tii ugu horeysay ee Istiraatiyadda Xiriirka Warbaahinta.

Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa uga dambeyn xiritaanka u mahad celiyay qeybaha bulshada, madaxda hayโ€™adaha dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, Bahda saxaafadda iyo saaxiibadda Caalamka ee ka qeyb galay Madasha.

Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ee shalay galinkii dambe lasoo xiray oo ay qabashadeeda Wasaaradda uu ka taageeray Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Qaramada midoobay UNTMIS ayaa filashadeedu tahay inuu horseed u noqdo Jihaynta Bulshada ee Dowlad dhiska, mideynta Fariimaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Bulshadeena.

Somali Government Condemns Ethiopiaโ€™s Territorial Violations and Interference

0

The Somali Federal Government has condemned Ethiopiaโ€™s recent actions within Somali borders, asserting these activities constitute a severe breach of international law and a threat to Somaliaโ€™s sovereignty and stability.

Over the past year, Ethiopia has engaged in a series of provocative and illegal operations aimed at territorial expansion. These include the illegal importation of weapons and the training and deployment of militias within Somali regions such as Puntland and Galmudug.

The Somali Government reports that Ethiopia recently orchestrated the landing of two Ethiopian Airlines planes in Kismayo, which reportedly carried illegal arms. Additionally, these planes are said to have transported Mahmud Sayid Aden, the former Vice President of Jubaland, along with his entourage, to Ethiopia. The government claims these actions are part of Ethiopiaโ€™s efforts to destabilize the region and exert control over the Gedo region by supporting militia groups.

These actions, described as reckless and aggressive, allegedly include arming and organizing militias from Hirshabelle and deploying them into Somalia. These developments are seen as Ethiopiaโ€™s attempts to disrupt Somaliaโ€™s unity and sovereignty, posing a significant threat to the security of the entire Horn of Africa.

Somalia accuses Ethiopia of undermining the principles and objectives of the African transitional Mission in Somalia (ATMIS), which aims to support peace and stability in the region. The Somali Government argues that Ethiopiaโ€™s behavior not only breaches international norms but also jeopardizes ongoing diplomatic efforts to resolve bilateral issues peacefully.

In response to these incursions, the Somali Government has issued stern warnings to individuals collaborating with Ethiopian authorities in actions against Somaliaโ€™s statehood and independence, pledging that such acts will be met with severe consequences. The government reaffirmed its commitment to defend Somaliaโ€™s territorial integrity and warned Ethiopia against any further violations.

Despite the tensions, Somalia emphasized its dedication to peaceful coexistence and mutual respect between the two nations. However, it underscored that it would not tolerate any actions that compromise its independence, unity, and security.

Somalia remains open to dialogue and cooperation that respects its sovereignty and promotes regional stability. The government urges Ethiopia to cease all destabilizing activities and engage in constructive discussions to foster peace and collaboration in the Horn of Africa.

Dowladda Federaalka oo cambaareysay falalka gurracan ee Itoobiya ay ka waddo xuduudaha dalka

0

Dawladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub Ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taas oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horaantii sanadkaan.

Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan.

Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle.

Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo Sida aan xogta Ku hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

Ficiladaan waxeey si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika.

Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadiโ€™da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub.

Dawladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka.

 

Halkan hoose ka akhirso warxaafadeedka Dowladda:-

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa oo laga sii daayay Suudaan

0

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif.

Dhallinyaradan oo tiradoodu tahay 22-Qof oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa markii hore la qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.

Sii deynta dhallinyaradaan waxaa qeyb weyn ka qaatay hayโ€™adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawlgala Portsudan, waxaa sidoo kale, weli gacanta hayโ€™adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhallinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in iyagana sida uga dhaqsiyaha badan looga loo soo sii deyn doono si ay ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Xoghaya joogtada wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Madaxa Hayโ€™adda IOM ee Soomaaliya

0

-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Aadan Xaadoow, ayaa kulan Muhiim ah la qaadatay Madaxa Hayโ€™adda IOM ee Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira, iyagoo ka wada hadlay Socdaalka joogtada ahayn iyo saameyntiisa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha tahriibka iyo yareynta dhibaatooyinka baniโ€™aadannimo ee ay sababaan tahriibka, iyo sida ay Wasaaraddu uga goโ€™an tahay xaqiijinta waddooyinka socdaalka ee badbaadada leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii la isku waafajin lahaa dadaallada IOM iyo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya, kaas oo ah istaraatiijiyad shanta sano ah oo lagu dhaqaajinayo horumarka dalka ee dhinacyada muhiimka ah, Mudane Xamza Xaadow ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaradda ay hormuud ka tahay kobcinta wadashaqeynta iyo horumarinta himilooyinka Soomaaliya, waxa uuna caddeeyay doorka ay ku leedahay horumarinta dadaallada lagu dhisayo Qaran horumarsan.

Mr. Marques Pereira ayaa bogaadiyay habka firfircoon ee Wasaaradda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo saaxiibada caalamiga ah inay diiradda saaraan fursadaha horumarineed ee Soomaaliya. Waxa uu ku celiyay taageerada IOM ee ajendaha isbeddelka Qaran ee Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay iska kaashadaan hindisayaasha kobcinaya horumar waara.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

0

-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada wasaaradaha gargaarka ee maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay wasiirka gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawi,maamulka Gobolka Galgaduud Iyo masuuliyiin kale.

Socdaalka Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa ku soo aadaya xilli magalaada Dhuusamareeb uu maalinta berri ah ka furmayo shirka Madasha Arrimaha Biniโ€™aadannimada oo sanadkiiba saddex jeer la qabto kaas oo sanadkaan lagu qabanayo Galmudug.

 

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo 2 bilood laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka BJFS

0

Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka, sidoo kalena waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay sida warqadda ku xusan is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhowrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka Golaha.

Inta badan Ciidanka Jubbaland oo ku biiray howlgallada dowladda ee ka socda Jubbooyinka

0

Boqolaal ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa maanta ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Beledxaawo ee gobolka Gado.

Taliyaha Guutada 10-aad Qeybta 43-aad ee ciidanaka xooggaa dalka Gaashaanle dhexe Aadan Siyaad iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada oo ciidanka kusoo dhaweeyay degmada Beledxaawo,ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Qaar kamid ah askarta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihin kusoo biirida ciidanka xoogga diyaarna u yihiin ay ka qeyb qaadashada dagaalada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Ciidanka Qalabka sida ee ku sugan degaanada jubbaland ayaa la wareegi doona fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo dhanka kale sii wadi doona howlgalka Dalka looga xoraynayo Khawaarijta.

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐š๐ซ๐š๐š๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐š๐›๐š๐œ๐š๐š๐๐๐š ๐๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐จ๐จ๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐‰๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š.

0

Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha xafiiska daabacaadda baasaboorrada si loo dardargaliyo hawlaha socda iyo horumarka laga gaaray howlaha adeeg bixinta baasaboorrada.

Intii uu socday kulanka, saraakiisha daabacaadda baasaboorrada ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka shaqada xafiiska, caqabadaha haysta iyo guulaha la gaaray bilihii la soo dhaafay. Xafiiska daabacaadda ayaa soo bandhigay sida ay ugu heellan yihiin in ay si waqtiyeysan oo hufan u daboolaan baahiyaha baasaboorrada ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda.

Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay dadaallada Xafiiska iyo shaqaalaha ka shaqeeya iyo sida ay ugu goโ€™an tahay in ay bulshada ugu adeegaan. Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta hawlaha maalinlaha ah si loo daboolo baahida sii kordheysa ee baasaboorrada loona hagaajiyo adeegyada.

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo Maalintii labaad ka socdo Muqdisho

0

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo galay maalintii Labaad,waxaa hoolka shirka kusoo biiray Wasiirro ka tirsan Xukuumada fadaraalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Cabdirahmaan Yusuf Al-Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Mohamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS, Mohamud Beenebeene,Wasiirka Isgaarsiinta Mohamed Soomaali, Wasiirka Qayska Bashiir Mohamed Jaamac Goobe, Madax ka tirsan Dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, SSC Khaatuma, Wakiilo ka socda Beesha caalamka iyo Marti kale.

Wasiir ku xigeenka Warfaafint Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo maalintii labaad ka qeyb galayo shirka ayaa sheegay in dowladda aya dadaal badan ku bixisay sidii loo mideyn lahaaa fariimaha dowladda.

โ€œSanad iyo barkii lasoo dhaafay XFS waxa ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa farriimaha Dowladda iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeedโ€ Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.

Madashaan waxaa sidoo kale ka qeybgalay khubarro, aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada oo wasaaraddu ay ku casuumtay Madashaan ayaa falanqeyn, doodo iyo hadal-jeedinba ka yeela doona kaalinta wax ku oolka ah ee isku xirka iyo hagaajinta Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha, caqabadaha ku gadaaman iyo fursadaha jira.