Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maalintii Labaad ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika (𝐀𝐟𝐫i𝐜𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐚𝐧𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭) oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.

Shirkan oo maanta lagu soo gabagabeen doono magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco ayaa waxa uu ka qeyb gali doonaa Wasiirka Maaliyadda kulamo guud iyo kuwo gaar ah oo ay ka mid yihiin doodo iyo hadal jeedino ku saabsan waddii Soomaaliya ee deyn-cafinta oo cashar ku dayasho mudan ay ku tilmaameen dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha Adduunka.

Ka sukoow hadal-jeediyeyaasha muhiimka ah, waxaa sidoo kale uu Mudane Wasiir Biixi ka mid noqon doonaa Madasha Doodda sare ee shirka taas oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya looga dhageysan doono aragtida, talada iyo qaabka ugu fudud ee loo maareeyo deymaha maadaama Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hannaanka deyn cafinta ka soo gudbay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Ciidanka Qaranka oo ka hortegay weerar naf la caari ah oo khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga Moqokori

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ka hortegay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY DALKA MASAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...