Home Blog Page 275

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa goordhow si rasmi ah uga furmay magaalada muqdisho.

0

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed ee arrimaha horumarinta barashada farsamada gacanta iyo Tababarada xirfadaha shaqada (BFTX) ee Soomaaliya ayaa goordhow si rasmi ah uga furmay magaalada muqdisho, waxaana ka qeyb-galaya Madaxda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Buslahda Dowladda Federaalka iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshadda Dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxaa madasha ku sugan bah-wadaagta iyo Hay’ado caalami ah oo dowladda ka taageera arrimahaan, madasha oo socon doonta muddo saddex cisho ah ayaa looga hadlayaa qodobada kala ah; Mideeynta hannaanka horumrinta barashada farsamada gacanta , tababaradda xirfadaha ee (Tvet program), Isku-dabaridka halbeegyada kala duwan ee (Tvet program), Hubinta habraaca ka jawaabidda fursadaha suuqa iyo xoojinta shaqa abuurka.

Hawlgal lagu burburiyey goobo Khawaarijtu ku dhuumanayeen oo ka dhacay Galgaduud

0

Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu beegsaday goobo Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen oo ka tirsan gobolka Galgaduud,sida ay xog ku heshay Wakaaladda Wararka SONNA.

Hawlgalka ayaa ka dhacay Deegaanka loo yaqaan Ceel-wadalaan oo ka tirsan Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Gobolka Shabeellada hoose ayaa sidoo kale waxa Ciidamadu howlgal ku burburiyeen saldhigyo Cadowgu ku lahaa deegaano ka tirsan gobolkaas

Waxaa jira Khasaaro badan oo Khawaarijta lagu gaarsiiyey howlgaladaas xalay laga fuliyey labada gobol.

Faahfaahinta goor dhow kala soco Warbaahinta qaranka.

Muhiimadda Qabyo-tirka Dastuurka

0

Mudo dheer ayaa dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaslia qabyo ahaa, hadda waxaa bilaabtay in la bilaabo howl la rabo in datuurka Soomaaliya la ebyo ama la dhameystiro si uu qabyadda ragaadisay uu uga baxo.

Marka hore, waxaa xusid mudan in la fahmo cidda xaqqa u leh in ay soo jeediso in dastuurka dib u eegis lagu sameeyo. Sida caadiga ah seddex jiho ayaa xaq qaanuuni ah u leh in datuurka la dhameystiro. Labada grab ee uu ka kooban yahay baarlamaanka ayaa keeni kara hindisaha dastuurka lagu dhameystrayo. Waxaa iyana waajib dastuuri ah, in xukuumadda ay soo jeediso Hindse wax looga bedeli karo dastuurka qaranka.

Waxaa iyanaa jirta oo aan meesha ka maqneyn in dhinac sadaxaad uu dastuurku u ogol yahay in ay soo jeediyaan hindise. Dhinacaas oo saamilaha rasmiga ah ee dastuurka iska leh, waana shacabka Soomaliyeed oo soo ururin kara 10,000 oo saxiix oo noqonaya hindise qaraar dastuurka wax looga bedelayo sida dastuurku uubqabo.

Haddaba midda lagu bilaabay howshan hadda dastuurka lagu dhameystirayo waxaa hindisaha keentay xukuumadda oo ka mid dhinacyadda xaqa u leh in howshan la amba- qaado. Waxaa xusid mudan in dowladdu ay howshan ku bilaaday waditashi la yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xukuumadda doodeeda ayaa ku soo bandhitay in muddo dheer loo baahnaa in dastuurka la dhameystiro, hase haatee ma suuroobin sabah kasta ha jirtee. Xukuumaddu waxay hindisaheeda ku soo jeedisay in dastuurka iyo nidaamka doorashada howl hufan in laga qabto. Ogow howshan waa dan guud ee mahan dan gaar ah. Waxaa la rabaa xukuumad iyo mucaarad in ay u mideysan yihiin.

Wadotashi ka dib, qaraarkii wax ka badalka waxaa la geeyay baarlamaanka oo ansixiyay in howlahaa hindisa xukuumadda ku xusan in la meel mariyo. Hadda iyo Dan, howshu way socotaa waxaa loo baahan yahay xukuumadda iyo mucaaradka ay ka wada shaqeeyaan dastuurka dalka si dalka uu u yeesho dastuur dhameystiran oo ay ka wada shaqeeya dhamaan dadka daneenaya in ay dalkan xukumaan.

Siyaasiyiinta mucaradka waxay dan ugu jirtaa in howsha dastuurka in ay xukuumadda kala shaqeeyaan haddii ay rabaa in markii ay xukunka yimaadaan lala shaqeeyo. Howsha dastuurka waa dan qaran oo ay tahay cidkasta oo wanaagga dalkan raba in ay ka qeybqaato. Marka xaqiiqa la abooro, dadka diidan waxaa laga yaabaa in ay saluugsan yihiin sida wax loo wado, laakiin taa macnaheeda maha in cidi diidi karto in dastuurka la qabyo-through. Waxaa waajib ah in ay ra’yigooda ay ku daraan howsha social oo aan aheyn mid u gaar ah xisbi, koox ama urur.

Iyadoo hadda la geli karo wada shaqeyn ma haboona in la abuuro xasard aan jirin. Dalkan intaa ka badan ma ahaan karo dastuur la’aan, marka waxaa waajib Soomaalinimo ah in mucxaafad, mucaarad iyo dhamaan dadka Sama doonka ah in ay howshaab mudnaanteeda siiyaan oo meesha laga saaro dan gaarka oo aan dalka iyo dadka Soomaaliyeed aan waxtar buuxa u Lahey. Waxaa la rabaa in caqliga, aqoonta, farsamada iyo xirfadda in lagu jiheeyo in dastuur dalkan waxtar u leh in la diyaaryo.

Ugu danbeyntii gudiyadda u xilsaran howshaan waxaa laga rabaa in iyana ay u Gutman waajibaadka la saaray ee ah in dastuurka si wanaagsan looga shaqeeyo oo ay wadtashiga ku daraan mucaaradka ogol in howsha si wanaagsan Danton qaran si wanaagsan looga shaqeeyo oo cid walba laga qeybgaliyo oo talo wanaagsan heysa. Haddii intaa la helo waxaa suurowbeysa in dalkan uu ka baxo dastuur la’aanta, ciddii ay dani ka heyso siyaasadda ay raali ku noqdaan howsha socoto.

Marka howshu dhamaato, waxaa ugu danbeyn lagu ansixin doonaa codeynta baarlamaana iyo afti dadweyne oo labaduba u baahan ololeyn badan iyo wadoshaqeyn dheeraad ah si uusan u fashilmin dastuur laga wadashaqeeyay muxaafad iyo mucaaradba.

‘Qoraalkaaga u isticmaal si waxtar u leh bulsha iyo dowladnimadda Soomaaliyeed.’

W/Q:-Maxamed Maxamuud Cadde oo ah aqoonyahan lafagura arrimaha siyaadda Soomaalida iyo caalamka intiisa kale.

 

Wasiir Dowlaha Arrimaha dibedda XFS oo la kulmay xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta ah ee Midowga Africa

0

Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS oo la kulmey xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta ah ee Midowga Africa ee loo yaqaano AFCTFA.

Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS Mudane Cali Cumar “Balcad” oo ka qeyb galaya meertada 37-aad ee Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la yeeshay xoghayaha Guud ee aaga ganacsiga xorta ah ee Midowga Africa Wamkele Mene.

Kulankan ayaa looga wada hadlay muhiimada uu ganacsiga xorta ah u leeyahay ganacsatada kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan dalalka Africa, isla markaana loo baahan yahay in la dar-dar geliyo arrimaha la xiriira ganacsiga xorta ah iyo in Soomaaliya ay meel mariso ka mid noqoshada suuqa ganacsiga xorta ah ee Africa.

Wasiir Cali Balcad, ayaa dhankiisa tilmaamay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u diyaarsan tahay xiligan sidii ay ula jaanqaadi lahayd dunida casriga ah gaar ahaan is dhex galka ganacsiga africa, isla markaana ay dedaal xoog leh ku bixinayso kor u qaadista xiriirka ganacsi ee Soomaaliya kala dhexaaya dalalka Africa iyo caalamka intiisa kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qayb galay munaasabad lagu taageerayey dib u eegista dastuurka

0

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Hotel SYL kaga qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay dhameystirka dib u eegista dastuurka, oo uu soo qaban qaabiyay Xildhibaan Guleed Biixi Cabdi.

Munnaasadda ay ka soo qeyb galeen bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Xildhibaanno, ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ka jeediyay Khudbad uu kaga hadlay mihiimada uu leeyahay dhameystirka Dastuurka ayaa waxaa uu ku sheegay in horumar uu u yahay jiritaanka qarannimada, sarreynta sharciga, iyo xaqa uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha ayaa xusay in uu sameyn doono dhageysi dad-weyne oo aragtidooda ka dhiiban doonaan dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale kormeeray Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee uu furay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo loogu adeego shacabka uu matalo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhiira-geliyay inuu xoojiyo u adeegida shacabka oo ah waajib Dastuuri ah oo mudan in Xildhibaanka lagu dhiira-geliyo, isagoona Xildhibaannada ugu baaqay in ay ku deydaan Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.

Ciidanka Ammaanka oo Fashiliyey Dhagar qabe ku siday Boorso Walxaha Qarxa

0

Ciidanka Ammaanka ayaa Fashiliyay Boorso lagu soo Qariyay Walxaha Qarxa, oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Degmada Cabdicasiis ee Gobalka Banaadir.

Ciidanka NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Ninkii waday Boorsada ay ku jireen waxyaabaha Qarxa.

Ciidamada Amniga ayaa xoojiyay howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga Caasimadda, iyagoo hubinaya dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, si looga hortago dhagarta Kooxaha Argagixisada ee banneystay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.

Garsoore Soomaaliyeed oo kamid noqday liiska xubnaha u tartamaya qabashada Ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2026-ka

0

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa noqday taariikhda markii ugu horreysay garsoore Soomaaliyeed oo kasoo muuqday Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee AFCON ee ka qabsoomay dalka Ivory Coast.

Garsoorahaan oo ah midka ugu da’da yar Garsoorayaasha Africa ayaa ka qeybgalay illaa 8 kulan ,wuxuuna ka mid noqday liiska loo xushay inay in ay u tartamaan qabashada Ciyaaraha Koobka Adduunka 2026 ka ee ka dhici doona Waqooyiga America.

Halyeey Cumar Cabdulqaadir Cartan waxa uu meel sare gaarsiiyay magaca Soomaaliyeed,sidaa daraadeed,waxa uu mudan yahay in loo sameeyo maamuus qaran iyo soo dhoweyn diiran.

Maraykanka iyo Carabta oo ka shaqaynaya qorshaha dawlad ay yeelato Falastiin

0

Sida laga soo xigtay ilo ka yimid saraakiisha Mareykanka iyo Carabta oo laga soo xigtay warbixin ay qoray wargeyska The Washington Post, ayaa sheegaya in ay  jiraan dareen degdeg ah oo ku saabsan in la abuuro nabad waarta oo dhexmarta Israel iyo Falastiin.

Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu qeexo waqti gaar ah oo la dhisayo dowladda Falastiin, iyadoo calaamaduhu ay muujinayaan in ku dhawaaqista arrimahaasi uu imaan karto toddobaadyada soo socda, sida lagu xusay warbixintu.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in xabbad joojinta iyo wada-hadallada la-haystayaal ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ay ku xidhan yihiin sida loo maareeyo qorshayaashan ballaadhan ee ka socda dhinaca Mareykanka iyo dalalka Carabta.

Sida warbixinta lagu sheegay, saraakiisha Mareykanka ayaa ka dhawaajiyay suurtagalnimada in la aqoonsado dowladda Falastiin, iyagoo carrabka ku adkeeyay in aqoonsigaas uu muujin karo qaab cusub oo loo wajaho dadaallada nabadeed ee gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo u safraya Addis Ababa

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka hadlay Safar shaqo oo muhiim u ah danaha Qaranka oo uu ku tagayo dalka Itoobiya halkaas oo maalmaha soo socda ay ka qabsoomi doonaan Shirar ay ka mid yihiin, Shir madaxeedka Midowga Afrika, Shir Madaxeedka IGAD iyo Shir madaxeedka dalalka ku mideysan EAC.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka hadlay Qorshaha dowladda ee dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo saamaynta taban ee ka dhalatay fatahaadihii Roobkii Elino ee ka da’ay deegaanada Jubaland.

Shirka golaha Wasiirada oo looga hadlay dardar galinta dagaalka Khawaarijta.

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlay hawlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ka socdo qeybo kamid ah dalka iyo horumarka ay sameyneysay sanadihii dhawaa Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Shirka oo u guddoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, kuwaas oo soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey ee dalka looga xoreynaayey Khawaariijta.
Golaha ayaa warbixin la xiriirta maamulka Hawada Soomaaliya iyo horumarka la gaaray ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taas oo soo bandhigtay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta howlaha duulimaadka dalka, iyada oo xustay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso guud ahaan maamulka iyo maaraynta hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo geeddi-socodka dib-u-eegista iyo qabyo-tirka Dastuuurka, iyada oo goluhu si mugleh ugu bogaadiyay shaqada adag ee ay soo qabteen hey’adaha dastuurka, maadaama uu haatan horyaallo Baarlamaanka oo guda galay doodaha lagu dhammeystirayo dastuurka.
+10