Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada New Delhi 

Date:

Danjiraha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan u soo magacawday dalka Hindiya, Mudane Danjire, Dr. Abdullahi Mohammed Odowa ayaa soo gaaray Magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Danjiraha cusub ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Abdifatah Abdullahi Nur, Safiiradda dalalka caalamka u jooga dalkan Hindiya, diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda ka hawlgala iyo sidoo kale qeybo kamida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Hindiya.

Intaasi kadib Safiirka cusub mudane Dr. Abdullahi Mohammed Odowa, ayaa isbarasho iyo soo dhaweynta ka qaatay madaxdii iyo shacabkii soo dhaweeyay, dhammaantoodna uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa.

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer, immaatinka Danjiraha cusub ayaa la filayaa in uu waxbadan ku soo kordhin doono Arrimaha Siyaasada, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Ganacsiga iyo xoojina xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo maanta soo gabagabeyn doono socdaalkiisa rasmiga ah ee Ethiopia

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

WASIIRKA WARFAAFINTA OO QAABILAY WAKIILKA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KAMPALA KAGA QEYB-GALAY SHIRKA CAALAMIGA AH EE HORUMARINTA BEERAHA EE AFRIKA (CAADP)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo socdaal diblomaasiyadeed ugu ambabaxay Yugandha iyo Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...