Gollaha Wasiirrada oo Agaasimaha Guud ee HSJ u magacaabey Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

Date:

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdirxamaan Yuusuf (Al-caddaala), ayaa ka warbixiyey qodobada ay goluhu soo saareen.

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha oo ku saabsan magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Xilka Agaasimaha Guud ayaa loo magacaabay Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ku xoojinayso hay’adaha amniga iyo socodsiinta shaqooyinka muhiimka ah ee waajibaadka qaranka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...