Shirkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu soo gabagabeeyay Ankaraย 

Date:

Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulankan oo saacado badan socday,ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen, iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saaro, oo ayna tahay taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Soomaliya.

Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga waxaa labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faaโ€™iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qarannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si mug leh ugu mahadnaqeysaa Madaxweyne Erdogan, shacabka iyo dowladda Turkiga, martigelinta kulankan iyo dadaalkii ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira dhalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...