Home Blog Page 272

Wasiirka Ciyaaraha Galmudug oo tababar Aqoon kororsi ah u furay Dhallinyarada Galmudug

0

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Galmudug Cabdiwahaab Sheekh Abuukar Nuur, ayaa maanta Tababar sare loogu qaadayo Aqoontooda xirfadeed uga furay Gaalkacyo Xubno ka socday Ururada Dhalinyarada Galmudug iyo Ardayda Jaamacadaha, kuwaas oo ka kala yimid dagmooyin ka tirsan Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Furitaanka tababarka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyayaasha ururada dhalinyarada iyo Cayaaraha heer Gobal iyo Heer Dagmo, ayaa wasiirka oo ka hadlay furitaanka Tababarka waxa uu sheegay in tababarkaan uu qeyb ka yahay kuwo horay ay wasaaradda ugu qabatay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ujeedka tababarka ayaa ahaa in dhalinyarada laga dhisayo xagga Aqoobta, tiknoolajiyada casriga, si ay ula jaanqaadaan Heerka uu caalamku usii guurayo ee Tiknoolajiyada.

Ugu Dambeyn Wasiir Cabdiwaah Sheekh Abuukar Nuur ayaa yiri ” waxaan idanka codsanayaa inaad ka faa’iideeystaan Casharada Tababarka lagu baranayo, mudada uu socdo ayna gaarsiiyaan Aqoonta aad halkaan ka dhaxashaan Dhalinyarada iyo Bulshada aan nasiibka u yeelan Tababarkaan”.

Xil wareejin rasmi ah oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Cadaaladda XFS

0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Aadan Xasan,  ayaa maanta si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey Kusimihii Agaasimaha Waaxda Dastuurka mudane Cabdulqani Cali Aadan iyo Agaasimaha cusub ee waaxda Cabdikhaliq Axmed Maxamed.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda, ayaa waxaa ka qayb-galay Kusimaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Muxudiin Xaashi Dalmar, agaasime waaxeedyo iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Xoghayaha joogtada ah Mudane Feysal Aadan Xasan ayaa uga mahadceliyey Kusimihii xilka wareejiyey dadaalkii uu kusoo shaqeeyey, wuxuuna Agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday Isagoo xusay in xilka uu yahay meerto iyo in isbeddelku yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah habsami u socodka dowladnimada ayuu Alle uga baryay in xilka uu fududeeyo mas’uulka cusub.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan rabnaa inaan xoogga saarno sidii Baasaboorkeennu ula tartami lahaa kuwa Caalamka”.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda looga fadhiyo sidii Baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida.

“Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta Hey’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hey’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada, waana halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow).

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo kula dardaarmay agaasimaha cusub ee xilka la wareegay in uu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeegga ay hey’addu bixiso.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Magaalada Baydhabo 

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah Ee Shaatigaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Baydhabo.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Xildhibaano waxay Magaaladda Baydhabo uga qeyb geli doonaan xuska sanad guurada lixaad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Wasiir Dowlaha Howlaha guud oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta 

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd), ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay dalka Algeria.

Shirka Wasiiradda Howla Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa ahaa meertadii 8-aad kalfadhigii 41-aad iyado sanadkana ay marti gelisay Dowladda Algeria, waxa ayna diirrada lagu saaray dib u dhiska wadamada soo kabanaya ee ay Soomaaliya ku jirto Wasiirada, ayaa isla qaatay in Dowladda Somaliya laga caawiyo dib u dhiska xarumaha Dowladda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xayd oo shirka ka hadlay, ayaa Wasiirada dhigiisa ah ee Jaamacadda Carabta uga mahadcelinayay sida ay Dowladda Soomaaliya u garab taaganyihiin isaga oo hoosta ka riiqay in Dowladda Somaliyeed ay hayso wadadii dib u dhiska iyo horumarka ayna ka soo kabatay inta badan mar xaladihii ay soo martay.

Intu shirku waxa kale oo ka soo qeyb galay wasiirka Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta Dalka Shiinaha waxana laysku af gartay in uu u heshiis iskaashi wada galaan Wasiirada howlaha guud ee wadamada Jaamacadda carabta iyo wasiirka Howlaha Guud ee Shiinaha waxaana uu dhici doona sanadka soo socdo kaasi oo si rasmi ah loo wado saxiixi doono.

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Nabadda Gobalka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo 

0

Munaasabadaan oo lagu magac daray xuska maalinta Nabadda iyo Horumarinta Gobalka Mudug, oo ku beegan 17 Decembar oo ah maalintii sida rasmiga ah Madaxda Galmudug iyo Puntland ay u kala saxiixdeen heshiiska Nabadda ku wada noolashaha iyo Joojinta Colaadii soo jireenka aheyd ee ka jirtay Gobalka Mudug, ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

munaasabada oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan labada Maamul, Madax ka socotay Ururka Dhisidda Nabadda Gobalka Mudug (Mudug Peace Bulding) iyo Xubno ka socday Bulshada qeybahooda Kala duwan, ee Doorka lama iloobaanka ah kasoo qaatay Taaba galka Nabadda lagu naaloonayo ee ka jirta Gobalka, ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye isxal iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobalka Mudug ee Puntland Maxamuud Jaamac Xirsi.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Odayaasha dhaqanka Haweenka iyo Dhalinyarada, Saraakiishii Ciidanka Xasilinta Xoogga Dalka, ee La aan tood aysan suurta Gasheen iyo Marti Sharaf lagu casuumo Kulanka, kuwaas oo dhammaantood ka soo sheekeyay Colaadihii lasoo maray iyo Horumarka iyo Nabadda Xiligaan la dareemayo.

Agaasimihii hore ee Wasaarada Gaashaandhigga Dowladda Fadaraalka Prof Sonkor Geyre oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Fadaraalka ee kaalinta ka qaatay Nabadda, ayaa isna munaasabada ka hadlay. ” Waan idin kugu hambalyeynayaa guusha aad gaarteen,Ee nabada iyo horumarinta leh”.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobalka Mudug ee Dhanka Horumarinta Mashariicda iyo Samafalka Dr Badal Liibaan Maxamed, ayaa gunaanadkii Munaasabada kula dardaamay inay ilaashadaan nabada ay heestaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geeriddii Sheekh Muuse Cadde 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” oo ka mid ah Culimmada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, isagoo xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

R/W Xamse oo goobjoog ka ahaa goobta uu xilka kula wareegayay Duqa cusub ee Muqdisho 

0

Ra’iisul Wasaare Xamsa “waxaan rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caasimadda ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee caawa xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo xoojinta matalaadda shacabka.

“Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay horumarinta caasimadda intii uu xilka hayey.

Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Tanzania oo Soomaaliya soo gaartay

0

Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska ee dalka Tanzania Dr. Pindi Chana ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Danjire Ilyaas Cali Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Cabdulqaadir Maxamuud Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Tanzania Marwo Pindi Chana ay Muqdisho ku kala saxiixa doonaan heshiis ku saabsan horumarinta iyo iskaashiga dalxiiska labada dalka ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeena iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uu xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsantahay la falgelidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee dhinaca amniga, la dagaallanka Argagixisada iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka Gobolka.