Home Blog Page 272

Wasiirka Caafimaadka XFS oo u hambalyeeyay Wasiirka Caafimaadka Qadar oo loo aqoonsaday wasiirka ugu wanaagsan dunida

0

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadam ayaa yiri”waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Qadar H.E Dr. Hanan Mohamed Al kuwari oo ku guuleysatey Wasiirka ugu wanaagsan aduunka.

Wasiirka ayaa xusay in abaalmarintaan ay muuineyso dadaalka gaarka ah ee ay wadaan Wasiirada Caafimaadka ee ku kala sugan daafaha dunida oo ay Soomaaliya ka mid tahay,isagoo yiri “tallaabadaan waxay  kor u qaadeysaa tayada shaqo ee hay’adaha dowliga iyo hirgalinta qorshayaasha lagu horumarinayo  bulshooyinka Caalamka.

“Waxaan u aragnaa dadaallada lagu dhiirigelinayo saraakiisha kale ee Dowladdaha iyo bixiyeyaasha adeegga Caafimaadka in ay yihiin kuwo    Kobcinaya hal-abuurka iyo kor u qaadista aqoonta iyada oo la tixgelinayo xaaladaha ku saabsan arrimaha caalamiga ah ee maanta iyo burrito ayuu hadaladiisa ku soo gabagabeeyay wasiirka caadifaadka XFS Mudane Cali Xaaji Aadam.

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal

0

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan à Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Kumaandooska Ayaa Heley Xogta in Khawaariijta ay isku aruursanayaan Deegaanadaas Howlgalka ayaana lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Deegaanada howlgalku ka dhacay ayaa ciidanku la wareegay waxaana la burburiyey saldhigyadii Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay madasha diblumaasiyadda Antalya

0

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, waxa uuna sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas, waxa uuna beeniyey dhammaan qodobbada mala-awaalka ah ee ay ku marmarsiyoonaysay Xukuumadda Itoobiya, kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan Baddeena.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo guddoomiyay shirka wada-tashiga golaha wakiilada ee dowlad goboleedyadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay shirka wada-tashi guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada dowlad goboleedyadda,kaas oo looga hadlaayo qodobbo badan oo ay ku jiraan arrimaha dastuurka. dalka iyo guddoonka BJFS.

Shirkaasi waxaa Guddoomiyaha ku wehelinaayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade.

Shirka wada-tashiga ayaa qeyb ka ah talo gelinta arrimaha dib u eegista Dastuurka oo doodiisa ay ka socoto Baarlamaanka labadiisa aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedka shirka oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa ah in guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyadda ee ka qeyb galaya shirka wada-tashi ee wax ka bedelka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay shacabka gobolada u gudbiyaan ama gaarsiiyaan horumarada lagu saleeyay qodobada dastuurka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay dalkaTurkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga ,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya ,wuxuuna mudada uu joogo halkaasi uu  kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay uga qeybgalay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya,,kaas oo looga hadlay isbaddalka cimilada adduunka.

Caalamka oo cambaareeyay xasuuqa Israel ay ku heyso dadka gargaar doonka ah

Wasaaradaha arrimaha dibadda, kooxaha gargaarka iyo ururada xuquuqda ayaa cambaareeyay xasuuqa foosha xun ee Israa’iil ay ku dishay in ka badan 100 qof oo sugayay inay helaan gargaar cunto oo degdeg ah waqooyiga Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in afar carruur ah oo kale ay gaajo iyo fuuq-bax ugu dhinteen waqooyiga dhulka Falastiin.

Weerar toogasho ah oo lagu qaaday Daanta Galbeed ee Ceel ayaa waxa ku dhintay laba Israa’iiliiyiin ah, taas oo dhalisay cabsi laga qabo rabshado kale oo ka dhan ah bulshooyinka Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa taleefoon kula xiriiray Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo kan Masar Abdel Fattah el-Sisi, iyadoo Washington ay sheegtay in ay riixeyso xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Gaza.

Ugu yaraan 30,035 qof ayaa la dilay 70,457 oo kalana waxaa  lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Hay’adda qaxootiga iyo Wasaaradda Kaluumaysiga XFS oo iska kaashanaya Horumarinta Xirfadaha Bulshooyinka Barakacay ee Kaluumaysatada ah.

 

Hay’adda qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka oo kaashanaysa Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah XFS ayaa daahfurtay Barnaamij lagu Xoojinaayo xirfadda Bulshooyinka Barakacay gaar ahaan Kaluumaysatada.

Daahfurka Barnaamijkaan waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka, agaasimaha guud ee Wasaaradda Kuluumaysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah iyo Masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Hay’adda qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo daahfurtay Kulanka ayaa sharaxday qorshaha lagu hormarinaayo xirfadaha Bulshooyinka Barakacay gaar ahaan Kaluumaysatada, si qor loogu qaado Shaqo abuurka Dadka gudaha dalka ku barakacay iyo kuwa dalka dib ugu soo laabtay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumaysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah XFS oo sharaxay qorshaha lagu hormarinaayo Kaluumaysata Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshooyinka Barakacay ee Kaluumaysatada ah. si loo helo wax soo saar tayaysan oo Dunida loo iib geeyo ayaa sheegay in Wasaaradda Kaluumaysiga ay ka go’an tahay horumarinta Xirfadlayda Soomaaliyeed si loo yareero shaqo yarida dalka ka jirta.

Dadkaan oo isugu jiray Shacabka gudaha dalka ku barakacay, Qaxooti ajaaniib ah iyo kuwo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka kooban kaluumaysato aan lahayn agab dhamays tiran oo ay ku kuluumaystaan iyo kuwa u baahan in laga caawiyo Barashada Xirfadda Kaluumaysiga ayaa Soo dhaweeyay qorshahaan looga lagu hormarinaayo inay Muruqooda Maalaan.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad oo maanta bilaabay ka doodista cutubta 2-aad ee dastuurka KMG ah

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wehliyo guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka 17-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedinnada wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 2-aad Xuquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka Muwaadinka.

Ugu horrayn, Guddoonka Guddiyada u xilsaaran dib u eegista Dastuurka ayaa Xildhibaannada iyo Senatorrada Labada Aqal BJFS la wadaagay warbixin soo koobaysa sagaalkii qodob ee cutubka koowaad ee Dastuurka KMG ah ee ka doodistoodu ay soo gaba gabowday, isla markaana soo bandhigay warbixin uruursan oo soo koobaysa nuxurka aragtiyadii Sanatarradii iyo Xildhibaanadii fikirkoda dhibtay.

Intaas ka dib Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka oo ay ugu horreeyaan arrimaha diinta, Xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Soomaaliyeed sida xorriyad hadalka iyo Sinnaanta oo ay si daah furan uga aragti dhiibteen.

Dhinaca kale, Xildhibaannada labada  Aqal ayaa go’aan Baarlamaan oo wadajir ah ku meel mariyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu taageero murashaxnimadeeda tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) loogana jaro Xildhibaan kasta shan boqol oo dolar.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland ayaa daahfuray shirweynaha sanadlaha ah ee guddiga sare ee Machadka tababarka Garsoorka dalka.

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka martida ee magaalada Kismaayo ka daahfuray shirweynaha sanadlaha ah ee guddiga sare ee Machadka tababarka Garsoorka dalka.

Shirkaas waxaa ka qeybgalay dhammaan hay’adaha garsoorka dalka ee heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Soomaaliya oo ay ku soo qul-qulayaan dalxiisayaal AjaanIib ah

0

Iyadoo uu soo hagaagayo amniga guud ee dalka, waxaa dalkeenna waxaa soo gaaray dalxiisayaal ajaaniib ah, madax ka socota dalalku aynu saaxiibada nahay, howlwadeeno hay’adaha caalamiga ah, qurbooj iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo wax badan ka maqnaa dalka.

Dalxiisayaal u dhashay dalalka Austria iyo Jarmalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo Tiyaatarka Qaranka ( National Theater) ku daawaday heeso waddani ah, ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka ah iyo music toos ah ( Live).

Dr. Heemo oo u dhashay dalka Austri ayaa ka warbixiyay isbeddelka uu arkay 2013-kii oo uu mar yimid iyo maanta oo la joogo 2024, wuxuuna sheegay inuu jiro isbeddel weyn oo dhanka ah amniga iyo horumar la taaban karo.

” Markii ugu horeysay oo aan Soomaaliya nimid waxay ahayd bishiin 20213, markaas oo aan Xamar nimid, Xamar sidan ma ahayn waxyaabo badan ayay ugu duwaneyd xilligaas, waxaan aragnay waxyaabo badan oo bur bur ah, iskuulada oo bur bursanaa aragnay, laakiin hadda waxyaabahaas oo dhan maan arag,” ayuu yiri Mr. Heemo.

Dalxiisahan u dhashay dalka Austria Dr. Heemo, ayaa sidoo kale, ka hadlay waxyaabaha aad u soo jiidday muddadii ay dalxiiska ku jireen oo ay meelo badan oo dalka ka mid ah ay soo mareen.

” Isbeddelka weyn ee aan aragnay waxaa ka mid ah labo shey, ”midka ugu horeeyo waa dadka oo hadda u heelan una fur furan in ay dadka ajaaniibta ah la sheekeystaan soona dhoweeyaan, midda kale, oo ugu muhiimsan waxaa waaye xagga amniga, xagga amniga waxaa dareemeynaa inuu aad u soo hagaagay gaar ahaan markii aan u imaaneynay iyo hadda waxaan amni iyo bad-qab weyn dareemeynaa hadda,”’.

Dalxiisayaashan oo u kala dhashay dalalka Jarmalka iyo Austria, ayaa soo maray deegaannada Jubbaland iyo Shabeellaha dhexe, Eyl, Boosaaso iyo magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen isbeddel weyn oo dhanka kasta ah.