Home Blog Page 273

Cutubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka oo ka qeybgalaya dhoolatus Ciidan oo caalami ah

0

Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhoolatus Ciidan uga qeyb-galaya Dalka dibadiisa ayaa ka anbabaxay garoonka diyaaraddaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan oo dowlada Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaana Xoogga Dalka wakiil uga ah cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab XDS.

Saraakiisha Ciidanka XDS ee garoonka ka sa gootiyay Ciidankan ayaa kula dardaarmay inay door wanaagsan soo qaataan, ayna sameeyaan bandhig ku qotoma tababarka iyo tayada wanaagsan ee Xoogga dalka oo bilaabay la wareegidda amniga guud ee dalka.

Soomaaliya oo gashay Gacan ammaan ah (WARBIXIN)

0

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaasi oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha, iyadoo kulankaasi ay soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka labadiisa Aqal uu muhiim u yahay difaaca badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluumeysi sharci darro ah, in ay isticmaasho Argagixisada, Burcad badeeddu ay ka duusho,iyo Wasaqdana oo lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan, wuxuuna intaa raaciyay in heshiiskan uu socon doono 10 sano ah, muddadaasna la dhisi doono lana qalabeyn doono ciidanka badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”. Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maalintaasi saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebooka ayaa ku yiri, “Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.”

Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyanha JFS oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay heshiiskaan ayaa yiri,”Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga  wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato  Ciidan Badeed oo ku filnaada  difaaca baddeenna.”

Ugu dambeyn qoraalka uu soo dhigay Madaxweynaha waxa uu ku soo gabagabeeyey, “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada XFS uga mahad celiyay ansixinta heshiis taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah, wuxuuna shegay in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah, Soomaaliyana ay maanta yeelatay saaxiib iyo walaal dhab ah, kaas oo meesha ka saarayo in aynu biyaheenna iyo waxa ku jiraba uga baqno argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo baddeenna.

Mudane, Xamsa oo ka hadlay ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sheegay in heshiiskani uu suurto gelin doono in la tababaro lana qalabeeyo ciidankeenna badda, lagana faa’iideysto dhaqaalaha baluugga ah ee dalka, waxa uuna ka mahad celiyay taageerada bini’aadannimo ee ay ugu fidiyeen xilli baahi weyn loo qabay, shacabka Soomaaliyana aysan illaawi doonin abaalka ay u gashay dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

” Runtii heshiiska waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya iyo Turkiga-ba u ah muhiim, siiba Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya muhiim u ah, sababta uu muhiim ugu yahayna waxaa waaye waa heshiis iskaashi oo difaaca ah iyo daqaalaha,difaaca marka lagu leeyahayna waa sidii loo ilaalin lahaa amniga dalkan loona tababari lahaa ciidamadeenna Badda, dhulka iyo cirka meesha ay quseyso dowladda ayey ku xiran tahay,” ayuu yiri Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in uu heshiiskan Soomaaliya ka anfacayo ilaalinta dhammaan wax kasta oo carqalad ku ah dalkeenna.

” Sidoo kale, wuxuu heshiiskan Soomaaliya ka ilaalinaya dhammaan wax kasta oo carqalad ku haayo oo ah deriska iyo bannaankaba, haddii ay tahay dalalka kalluunka sida sharci-darada ah uga xada, haddii ay tahay waddamadan Baddeena wixii ay rabaan ku sameeya iyo burcad-baddeedii oo xoogga wax yar Soomaaliya ay ku dambeeyaan, waxaa dhan ayuu heshiiskan Soomaaliya u anfacayaa,”, Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhiga ah oo muhiim ah dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, isagoona siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan heshiiska labada Dowladood si uu u guuleysto. Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaantay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, islamaarkana xustay in ay muhiim u tahay difaaca dhulka iyo hantida Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cabdiwali Cali Gaas ayaa ka hadlay heshiiska ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsanaa iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda heshiiskan, isagoo carabka ku adkeeyay in awoodda dalka ee sugidda amniga biyaha ay tahay mid xadidan, isla markaana heshiiskan uu wax badan ka qaban doono kalluumeysiga sharci darrada ah iyo burcad badeedda. “Soomaaliya waxay leedahay badda ugu dheer Afrika, mana lahan awood ay isaga difaacdo burcad-badeedda, qashinka lagu daadiyo, iyo duulaan dibada kaga yimaada, arrimahaas ayaa abuuray baahida loo qabo in la raadiyo waddan aan walaalo nahay oo na caawiya.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

Mudane Cabdi Wali waxa uu ku baaqay in heshiiskan aan la siyaasadeynin, lana taageero madaxda dalka, si loo difaaco midnimada iyo qaranimada dalka, lagana hortago khatar kasta, waxa uu intaasi ku daray in Soomaaliya aysan dooneyn inay iska horkeenaan Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya, isla markaana ay carqaladeeyaan Ammaanka Gobalka, isaga oo carabka ku dhuftay inay lagama maarmaan tahay in laga hortago damaca Itoobiya.

“Dooddii dastuurka ee socotey todobaadyadii la soo dhaafay qayla dhaantu way badneyd iyo siyaasiyiinta ilmada yaxaaska qubaya ee lahaa difaaca dalka waa in loo midoobaa oo la joojiyaa doodda Dastuurka, balse markii hey’adaha dawladda Federaalka ahi ay meelmariyeen heshiiska iskaashi ee difaaca iyo dhaqaalaha ee dhexmaray Soomaaliya iyo Walaalaha Turkiga wax juuq ah ama taageero ah lagama haayo, sidaasina waxaa yiri Axmed Macallim Fiqi oo ah Wsiirka Arrimaha Gudaha. “Haddii ujeedkooda dhabta ah uu ahaa in badda Soomaaliya la difaaco ma jiro difaac ka weyn heshiiskaasi oo badda looga difaaci lahaa damaca hororka iyo hanyarida xaraashaha.  Hal mar un baa dadka la siri karaa mar kasta maya!”, ayuu sii raaciyay.

Wargeys lagu magacaabo Aldaaqa oo ka hadla arrimaha Shidaalka ayaa sheegaya in dowlad Carbeed ay ku soo biireysa dowladaha shidaalka dhoofiya dhammaadka sanadkan 2024-ka, taasi oo heysata keyd shidaal oo aad u fara badan. Haddaba waa tuma dowladda uu wargeysku sheegayo?, waa Dowladda Soomaaliya, waxa uuna Wargeysku soo xiganayaa Wasiirka Tamarta iyo Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo shirkadaha shidaalka., wuxuuna Wargeysku ku tilmaamay in Soomaaliya hadda gacan ammaan ah ay gashay oo ay ku soo saran karto shidaalkeeda.

Dhinaca kale Dowladda Turkiye ayaa soo dhaweysay heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiye, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay horgeeyaan heshiiskaasi Baarlamaanka Dalkaasi, si uu ansixyo, maadamaa uu horeyba u soo ansaxiyeen Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Wasiir Maareeye” Shacabka Hargeysa iyo Burco waxay muujiyeen sida ay u diidan yihiin in baddooda iyo dhulkooda la qaato”

0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayay Banaanbaxa balaaran ee lagu taageerayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hargeysa iyo Burco diideen damaca gurracan ee Ethiopia.

Wasiir Maareeye” Shacabka Hargeysa iyo Burco way hadleen waxayna muujiyeen sida ay u diidan yihiin in baddooda iyo dhulkooda la qaato, waxayna doonayaan in Soomaali heshiiso oo dhulkeeda cid kale qaadan, waxaana ku amaanayaa shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir sida ay u garab taagan yihiin dowladdooda” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku bogaadiyey shacabka caasimadda inay yihiin kuwa u taagan midnimada dadka Soomaaliyeed kuna bixiya dhaqaalahooda, isagoo intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed guud ahaan rabo midnimmo iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in muddo bil gudaheeda keeni doonaan Xildhibaannada Labada Aqal ku matala gobollada Waqooyi qorshe lagu dhameynayo tabashada ay qabaan walaalaha Waqooyi si wadajirka dadeed ee Soomaaliya loo xaqiijiyo, meeshana looga saaro kala qeybinta dadka walaalaha ah.

Siyaasiyiinta iyo shacabka gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee (Soomaaliland) aya ku tilmaamay damaca gurracan ee Ethiopia mid aanan marna ka hirgali doonin badda Cas, islamarkaana diyaar u yihiin difaaca dhulleed ee Soomaaliya.

Banaanbax lagu taageerayo heshiiska taariikhiga ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka socda

0

Banaanbax balaaran oo uu soo qaban-qaabiyey Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka socda garoonka Ciyaaraha Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda.

Banaanbaxan ayaa lagu taageerayaa heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha, kaas oo uu dhawaan ansixiyay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, Arday iyo dadweyne kale oo fara badan ayaa ka qeyb-qaadanaya Banaanbaxa, waxaana goobta ka muuqdo boorar ay ku xardhanyihiin xiriirka wanaagsan ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Qaar kamid ah Banaan-baxayaasha oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyey hogaamintiisa wanaagsan iyo heshiiska taariikhiga ah ee uu la galay dowladda Turkiga oo ah saaxiib la isku haleyn karo.

Madaxda goobta ka hadashay ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid fursad wayn u ah labada dal gaar ahaan Soomaaliya oo xiligan ku jirta marxalad ay u baahan tahay saaxiib sida Turkiga oo kale ah, waxayna sheegeen in damaca gurracan ee Ethiopia uusan marna ka hirgaleynin Soomaaliya.

Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qayb ka ah dadaalada dowladda ku bixineyso dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Turkiga waddan saaxiib iyo walaal ah oo lagu aamini karo iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimada iyo midnimadeenna dhuleed ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in heshiiskan uu qeyb ka qaadanaya nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Hawlgal ay fuliyeen Ciidanka Qaranka oo lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah

0

Howlgal Qorsheysan oo Khawaarijta khasaare xooggan lagu gaarsiiyey ayaa ka soconaya deegaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ayaa hawlgalkan qorsheyn ka wada deegaanka Jilib-Marka oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo lagu khaarajiyay 30 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Hawlgalkan oo soo bilawday waaberigii hore ee saakay ayey ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ku bartilmaameedsadeen goob ay isku urursanayeen Khawaarijta, kuwaas oo xogtooda la helay, iyadoo gacanta looga dhigay saanad ciidan oo dagaalka loo isticmaalo, sida ay warbaahinta qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha howgalkan qeybta ka ah.

Dhanka kale ciidanka Xoogga Dalka iyo ku deegaanka ayaa xalay xalay howgal Qorshaysan ka fuliyay deegaanka Faarax-Aaden oo hoos taga degmada Xarardheere gaar ahaan miyiga Jawle ee koonfurta gobolka Mudug.

Xoghayaha guud ee degmada Xarar-dheere maslax Macalin ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howgalkan lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta arxanka daran ee Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guud ahaan dalka kawada howgallo lagu baacsanayo khawaarijta ka been sheegtay Diinteenna suubban ee Islaamka, kuwaas oo kujira maalmooda ugu dambeeyay.

Madaxweyne Guudlaawe oo shirguddoomiyey kulan SoDMA ku soo bandhigaysay raadadka ay reebtay Elnino

0

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo xalay shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle.

Waxaa kale oo ka qeyb galay shirka Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay Elnino.

Sidoo kale waxa ay warbixinta kusoo gudbiyeen inay ku dhawaad 500-kun oo ruux ay ku saameysay Dowladda Hirshabeelle iminkana waxaa taagan %65 cabsi laga qabo Elnino ka dhallato Roobka Gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inay ka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.

 

Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Hirshabelle oo booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar.

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka  Md, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure, wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Gargaarka , Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe  Axmed Mayre Makraan , iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.

Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeeray qayabaha kala duwan ee biya xireenka,  kaas oo ay ka muuqdaan sameyntii ka soo gaartay Fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeyn donaan dib u dayactirka kanaalkaan, anagoo ayuu yiri kaa shaneyna Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka .

si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu sameeyo waxaana loo bahanyahay in la habeeyo biya xireenada iyo goobaha kale ee biya mareenada ah, ayuu intaa ku daray Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.

Madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo wadahadallo la yeeshay saraakiil ka tirsan Ingiriiska

0

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay Masuuliyiin  sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tan Dibadda, Xafiiska baasaboorka iyo Xarunta lagu daabaco baasaboorka ee dalka Uk.

Kulamada ayaa waxaa diiradda lagu saaray aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, wadashaqeynta labada dal ee dhanka socdaalka iyo Horumarinta xirfadda saraakiisha HSJ.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa iskaashiga caalamiga ah oo ay la leedahay Hay’adaha dhiggeeda ah ee dunida, taas oo ujeedkeedu yahay in sare loogu qaado awoodda baasaboorka Soomaaliyeed iyo in laga wadashaqeeyo arrimaha socdaalka.

Israel oo duqeymo cusub ku dishay 40 ruux oo ku sugnaa bartamaha Gaza

0

Duqeymo ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen guryo la deggan yahay oo ku yaalla bartamaha Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 40 falastiiniyiin ah,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

“Waxaan ugu baaqaynaa caalamka xorta ah in ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalkaan xasuuqa ah ee ay ciidamada Israa’iil ku hayaan dadka rayidka ah”sidaasi waxaa yiri Xafiiska warbaahinta dawladda ee Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku warameysa in ciidamada Israel ay dib u galeen cisbitaalka la go’doomiyay ee Nasser ee Khan Younis ka dib markii ay ka baxeen muddo kooban, iyada oo ay sii xumaanayso xaaladaha xarunta caafimaadka.

Waxaa weli xayiran lacagihii deeq-bixiyeyaasha reer galbeedka ee loogu talagalay dadka Falastiin,waxaana la sheegayaa in baahida bini’aadanimo ee ka jirta Gaza ay gaartay meel aad u daran.

Ugu yaraan 29,410 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 69,465 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Safiiirka JFS ee Kenya oo tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

0

Tababarkan oo socday muddo todobo casho ah ayaa waxa ay ka qeyb galayaasha ku qaateen casharo ku saabsan Nidaamka Qandaraasyada Dheef-wadaagga ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (PPP) , kaasi oo ay bixxinayren quburo ka tirsan Hay’adda International Finance Corporation (IFC) ee hoostagra Bankiga Adduunka.

Ugu horeey waxaa halkaasi ka hadlay Madaxda Hay’adda IFC iyo Mashruuca Nidaamka Qandaraasyada Dheef-wadaagga ah, kuwaasi oo ku dheeraaday waxtarka uu u leeyahay Mashruucaan Guud ahaan Dalka iyo Dadka Soomaliyeed.

Sidoo kale qaar ka mid ah ka soo qeybgalayaashii ka faa’iideystay intii uu Taba-barkaan ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay ka faa’iideysteen.

Ugu dambeyntii Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya waxa uu shahaadooyin Gudoonsiiyay Dhamaan wiilasha iyo Gabdhaha ka faa’iideystay Tababarkani.