Home Blog Page 271

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud held a meeting with soldiers from Danab special unit of the Somali National Army who participated in a military exercise in Kenya in which 23 countries participated.

2- President Hassan Sheikh Mohamud participated in the graduation ceremony of the 22nd batch of students of the Somali Nation University.

3- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Dr. Hassan Sheikh Mohamud, has sent a congratulatory message to the Somali women on the commemoration of the World’s Women Day of 8th March.

4- President Hassan Sheikh Mohamud congratulated the Somali people on the start of the month of Ramadan.

5- The Parliament of the Federal Republic of Somalia has begun debating Chapter 4 of the Transitional Federal Constitution, which deals with the representation of the people and elections.

6- Prime Minister Hamsa Abdi Barre held a meeting with the Director General of the Green Climate Fund (GCF), Mafalda Duarte and discussed the problems caused by climate change in Somalia and how to tackle them.

7- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has inaugurated the new building of the Police Criminal Investigation Department which has been added with modern equipment.

8- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has inaugurated the construction of a new road that connects Hoosh Road to Ex Kontorool Afgooye, that passes through three districts of Banadir region.

9- Prime Minister Hamsa Abdi Barre, has attended the closing ceremony of a three-week diplomatic training session for ten ambassadors recently approved by the Cabinet.

10- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has cut the ribbon of some parts of the Ministry of Planning and Investment Promotion which have been reconstructed.

11- The Minister of Justice and Constitutional Affairs of Somalia, Mr. Hassan Macallin Mohamud, has launched the public discussions of the country’s draft constitution. In Hodan District.

12- The Minister of Finance Mr. Bihi Iman Ige said that Somalia has shown a strong change in the reform of the economy and financial institutions after a meeting in Nairobi with the world financial institutions.

13- The Minister of Petroleum and Mineral Resources of Somalia Mr. Abdirizaq Omar Mohamed and his Turkish counterpart have signed an agreement on oil and gas cooperation.

14- Somalia’s Minister of Health, Dr Ali Haji, has inaugurated the forum for cooperation between the private and public health services.

15- The Minister of Interior, Federal and Reconciliation of Somalia, Mr. Ahmed Moallim Fiqi chaired a ministerial meeting attended by the heads of OCHA and FAO organizations, which discussed the management of climate change and humanitarian conditions in Somalia.

16- The Minister of State for National Security, Mr. Mohamed Ali Hagaa and the Commander of the Somali Police Force, Brigadier General Sulub Ahmed Firin, have attended the closing ceremony of a training session for new soldiers trained at the Somali Police Force training school in General Kahiye.

17- The Minister of Defense of Somalia, Mr. Abdulkadir Mohamed Nur, met with the US acting Ambassador to Somalia to discuss the war against the Kharijites Al Shabab.

18- Somalia’s Minister of State for Finance Madam Raha Mohamud Janaqow participated an international gathering of business cooperation between public and private institutions in Istanbul, Turkey.

19- The new Permanent Secretary of the Prime Minister’s Office Mr. Kamal Dahir Gutale has officially assumed his post.

20- The National Intelligence and Security Agency has arrested the former District Commissioner of Dharkenlay, Abukar Ahmed Addow Tifoow, who was a member of the Kharijites Al Shabab hiding in government agencies for some years.

21- Police forces in Mogadishu have captured 140 mortars from the Kharijites Al Shabab, which the terrorists wanted to use against the Somali people in the capital and the surrounding areas.

22- The Director General of the Somali Immigration and Citizenship, Mr. Ahmed Said Mohamed, has launched a modern process for issuing passports.

23- The police forces in Dhobley District of Lower Jubba Region have arrested Hassan Ibrahim who was involved in stealing a government owned vehicle and handed it over to the Kharijites Al Shabab last year.

24- The Somali National Army, with the help of the American troops have killed three members of the Kharijites Al-Shabab after a military operation in Lower Shabelle region.

25- A fire broke out in a part of Bakara Market in Mogadishu, causing damage.

26- Officers from the Somali National Forces have completed in Baydhabo a training on the management of challenges arising from the areas liberated from the Kharijites Al Shabab.

27- Danab Special forces of the Somali National Army have participated in a military exercise in Kenya, where they performed well.

 

==============END===========

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 3-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Howlwadaag iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud , waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Howlwadaag iyo Ceeldheer ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Howlwadaag
Tartameyaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Ceeldheer, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Howlwadaag ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Ceeldheer
Tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal oo kaliya, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Howlwadaag, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Ceeldheer waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.
Hadaba kulankii 3-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 4-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Kaxda iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir..

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 2-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir , waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Garbahaareey iyo Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Garbahaareey

Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ttodobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su\aal oo soo hareermartay dhigooda Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 2-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 3-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Howlwadaag iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud.

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 1-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Galmudug iyo Bakool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb iyo Xudur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

XUDUR

Tartameyaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool  waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar  su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xudur ay heleen waxay noqotay Lex (6) dhibcood.

DHUUSAMAREEB

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug  waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Todobadii Su’aalood ay la weediiye iyo Labo Su’aal oo soo hareermartay Degmada Xudur, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen dhankooda,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay Sideed (18) dhibcood.

Sidaas darteed tartamayaasha Dhuusamareeb waxa ay heleen 18 dhibcood, halka Xudur ay la yimaadeen 6 dhibcood, sidaas ayayna ugu soo gudbeen Dhuusamareeb wareegga xiga ee tartanka.

Hadaba kulankii 1-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galmudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 2-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Xamar-iyo Garbahaaree oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo.

 Wasiirka Warfaafinta XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka ay si wada jir ah u taaba gelinayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in tartanka uu soo socday muddo 13- sano ah, sanadkana ay noqon doonto  kii 14aad,  kaasi oo loo qabto degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka kale ee gobollada dalka oo ay sanadkan ku jiraan degmooyin hor leh.

Guddoomiyaha Bangiga IBS mudane Cabdirisaaq Cali Warsame oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay qeyb ka noqdaan sanadkii 4aad oo xiriira taabagelinta tartanka, isagoo guul u rajeeyey ka qeyb galayaasha tartanka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xusay in ujeedka tartanka uu yahay sidii aqoon loogu tartami lahaa, isagoo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Amniga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo caawa lagu casuumay furitaanka tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan,  isagoo Hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 13aad la qabanayo.

“Sanad waliba waxaa sii kordhaya degmooyinka tartanka ka qeybgalaya, waxaana degmooyinka 32da ah u rajeynayaa guul, runtii tartanka waxaa nasiib u yeeshay inay sanadkan ka qeybgalaan degmooyin horleh”. Ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uu intaa ku daray in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Dunida

Soomaaliya iyo dalalka kale ee dunida ayaa maanta u dabbaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arrimaha bulshada ,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo guud ahaan  horumarada xoogan ee ka jiray dunida.

Waxaa xusid mudan in aan ogaanno kaalin nuucee ah ayeey haweenku ka qaateen dhaqdhaqaaqyadii iyo halgankii kale ee loo galay raadinta 8-dda Maarso?.

Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sinnaanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badqabka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka,waxa uu soo ifbaxay dhaamaadkii qarnigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub .

Dhowr arrimood ayaa sabab u ahaa aasaaskii maalinta haweenka,waxaana ka mid ahaa:-

1-halganka  xoogagga shaqeeya ee haweenka ay  kaga qeybgaleen kacdoonadii shaqaalaha ee looga horjeeday milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

2-dhismaha ururadii shaqaalaha iyo raadinta maalin iyo xuquuq u gaar ah haweenka.

Hirgainta arrimahaasi, waxa ay mideeyeen dumarkii ku noolaa wadamada Yurub , Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ,waxaana sanadihii u dhaxeeyay  1907-1917-kii dhacay bannaanbaxyo si gaar ah loogu raadinaayey xuquuq iyo maalin ay leeyihiin haweenka.

Si loo xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in la siiyo maalin u gaar ah,aawadeed,waxaa sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.

Haddaba,dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay munaasabadda maalinta caalamiga  ah ee 8-dda Maarso oo ah xus taariikhi ah oo lagu muujiyo waxqabadkii haweenka iyo doorkii shariiifka ahaa ee ay ku lahaayeen xoriyadda dalka iyo horumarkiisa.

Waxaa xaqiiqo ah in qeybaha haweenka ee dalka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen ama ka ciyaareen dhaqdhaqaaqyadii xoriyad doonka ee ay hoggaaminaayeen ururkii SYL,kuwaas oo naf iyo maalba ku bixiyay halgankii xaq u dirirka ee lagu helay gobanimada anta.

Sidoo kale,haweenku waxay door muhiim ah ku lahaayeen  wax soo saarka beeraha,warshadaha, dhismahii ururadii bulshada ee dalka,gaar ahaan ururkii shaqaalaha ee gudaha dalka ka curtay dagaalkii labaad ka dib iyo guud ahaan ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed ee dalka ka hanaqaaday xilliyadii la soo dhaafay.

Inkastoo,  Xilligii Xoriyadda ay aad u yaraayeen  dumarka wax bartay ,haddana, dowladdi rayidka ee talada dalka la wareegtay 1960-kii,waxa  ay ku  guuleysatay in loo siman yahay raadinta xirfadaha shaqo, waxbarashada iyo xuquuqaha kale ee bulshada,waxaana waqtigaasi iyo sanadihii ka dambrryay so baxay dumar leh aqoon iyo xirfado kala duwan oo wax ku kordhiyay horumarka dalka.

Dhinaca kale dowladdii kacaanka ee ay hoggaaminaayeen mileteriga Soomaaliya,iyadoo aaminsan nidaamka hantiwadaagga waxa ay haweenka u aqoobsadeen udub-dhexaadka bulshada ee lagama maarmaanka u ah habka dhaqan dhaqaale ee dunidaan casriga ah.

Haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badbaadinta  iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuur  iyo horumarinta hab-nololeedka guud.

Waloow ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in fursadaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin kuwo ka hooseeya fursadaha shaqo ee ay helaan  ragga,

Maanta tirada ugu badan Xoogagga shaqeeya dunida, boqolkiiba 45.4 waa haween, waana kuwo ka dambeeya isbadal kasta oo loo qaado dhanka horumarka,sidaa daraadeed,waxaa waajib ah in xil la iska saaro kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee haweenka .

Gabagabadii ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah uga direynaa Ururada Haweenka Caalamiga ah ee Dunida,kuwaas  oo maanta u dabaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso,waxaanna u rajeyneynaa horumar iyo barwaaqo.

SONNA

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay haweenka Soomaaliya oo maanta u dabbaaldegay 8-dda marso

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunida,gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo maanta u dabbaaldegaya munaasabadda  8-da Maarso oo ah maalin caalami ah.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan horumarinta, dhaqaalaha dalka iyo samatabixinta qoysaska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay kaalinta taariikhiga ah ee ay ka qaateen halgankii gobonnimo doonka iyo kaalinta maanta ay ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa qiray in haween badan ay naftooda ku waayeen halgankii loo galay madaxbannaanida dalka iyo sidoo kale dagaalada xilligaan lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku haray deegaanno kooban oo dalka ah.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed in ay halkaasi ka sii wadaan dadaaladooda ku aadan ka qeybqaadashada horumarka dalka,isagoo dhinaca kalena u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta Soomaaliya.
Muqdisho, 07 Maarso 2024:-Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee Marwo Hodan Cismaan in ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halkan Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Hey’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan-gelinta Gaadiidka iyo Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.
Golaha Wasiirrada, ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee sugidda amniga, xasillinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka.

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka. Hanaankan cusub ayaa ah mid si digital ah loogu hubinayo xogta muwaadinka, hanaanka dirista baasaboorka iyo habka qaadashada intaba.

Adeeggaan cusub oo ah mid la jaanqaadaya habka casriga ah ee bixinta baasboorada, ayaa looga maarmi doonaa in lagu qoro gacanta codsiyada baasaboorka iyo xogta muwaadinka waxa uuna meesha ka saaridoona culeyskii ka iimaan jiray foomamka gacanta lagu buuxiyo, isaga oo soo gaabinaya waqtiga hubinta iyo daabacaadda intaba.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa si joogta ah horumarin iyo isbedal casriyeysan ugu sameynaysa hanaanka adeeg bixinta taas oo ay hay’addu ugu gol leedahay fududaynta adeegyadeeda bulshada u hayso.

ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya  ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo gebagabeeyey Wejigii labaad ee dhimista ciidankooda, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan. Xilwareejinta ayaa ku soo beegantay iyadoo 3,000 oo askari laga saaray Soomaaliya. Labadii Weji ee hore ee dhimista, 5,000 oo Askari ayaa ka baxay Soomaaliya, 13 saldhig oo ciidan ayaa lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya. Howlgalka oo loo yaqaano ATMIS ayaa waxaa ku jira ciidamo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Alhaji Sarjoh Bah, oo ah Agaasimaha maareynta khilaafaadka ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga ee guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay in soo-saarkii labaad uu muujinayo in Soomaaliya laga yaabo in ay isu diyaariso in ay xakameyso dhammaan mas’uuliyadda amniga ee dalka dhammaadka 2024-ka, markaasoo howlgalka uu ku eg yahay, lana filayo in gabi ahaanba laga baxay. “Dhammaystirka marxaladan dhimista, iyadoo ay jiraan caqabado waaweyn, oo ay ku jiraan El Niño [qaabka cimiladu], waxay marag madoon u tahay rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan kala-guurka habeysan,” Bah ayaa yiri intii ay socotay xafladdii xil-wareejinta oo ka dhacday Muqdisho.

Saraakiisha ayaa markii hore filayey inay dhameeyaan wejiga labaad ee ka bixitaanka ATMIS dhamaadka bisha Sebtembar. Si kastaba ha ahaatee, weerarrada Al-shabaab ee weli socda oo ay weheliyaan dib-u-soo-noqoshada ciidamadii horay looga qabsaday, ayaa dowladda Soomaaliya ku qanciyay inay codsato in dib loo dhigo xilliga la dhimi doono.

Qorshaha Wejiga 3-aad

Qorsheynta Wejiga 3-aad ee dhimista ayaa bilaabatay bishii Febraayo intii lagu jiray shir afar maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen taliyeyaasha howlgalka. Wejigan ayaa la filayaa in ay ku jiraan bixitaanka 4,000 oo askari oo dheeraad ah bisha June. Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in ciidamada ammaanku ay galayaan “marxaladda ugu xasaasisan ee howlgalka.”

“Ma fududa, laakiin waa inaan ka gudubnaa caqabadaha anagoo ku sii jirna feejignaanta ugu badan inta lagu jiro xilliga kala guurka,” Souef ayaa ku yiri sii deynta wararka ATMIS. Taliyaha ciidamada ATMIS ee dalka Uganda Lt. Gen. Sam Okiding ayaa sheegay in taliyeyaasha ay ka wada hadleen arrimo badan. “Waxaan baarnay xaaladda amniga Soomaaliya, waxaana tixgelinnay halka ay hadda taagan tahay al-Shabaab, iyo sidoo kale waajibaadkeenna iyo xaaladda amni ee ATMIS-ka kaddib,” ayuu yiri.

Maraykanka oo Dhisaya Saldhigyo Ciidan

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo waxa ay ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya. Weerar kan la mid ah oo Mareykanka uu fuliyay ayaa bartamihii bishii hore ee Feberaayo waxaa uu ka dhacay deegaan ka fog fog ee Maamulka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya.

Maalmo kadib howlgalkii Jubaland, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay ku dhawaaqday in ay qorsheyneyso in ugu yaraan afar saldhig oo ciidan ay ka dhisto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay; Dhuusamareeb, oo ah degmo ka tirsan Galgaduud; Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe; iyo Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu tayeynayo ciidamada Soomaaliya iyo ciribtirka Al-Shabaab. “Heshiiskani waxa uu caawinayaa qorshayaashayada aan dalka kaga xoraynayno Al-shabaab iyo sugidda amniga,” Maxamuud ayaa sidaas ku yiri xafladdii saxiixa.

Guutada Danab ee Milatariga Soomaaliya ayaa lagu xirayaa saldhigyada cusub. Milatarigu waxa ay aasaaseen guutada 2017 kii dib markii ay Soomaaliya iyo Maraykanku heshiis ku gaareen in ay qortaan, tababaraan, qalabeeyaan, iyo la taliyaan 3,000 oo rag iyo dumar ah oo ka kala socda gobolada dalka si loo dhiso awood ciidan oo xoog leh oo ka dhex jirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Guutada ayaa markii hore ka koobnaa dad gaar ah oo ka yimid gobollada ugu saboolsan dalka. Laakiin aragtideeda dadwaynaha ayaa kor u kacday wakhti ka dib, oo hadda waxay shaqaaleysiinaysaa musharaxiin aqoon sare leh, oo uu ku jiro ugu yaraan hal dhakhtar.

Ciidanka Danab waxaa loogu talagalaa in 72 saacadood gudahoodoo weerar deg deg ah, waxayna si joogto ah u raadsadaan ilaa 350 Askar cusub ah markiiba, si ay u tababaraan, islamarkaana ay la wareegaan goobta dagaalka.

Waxaa qortay Madashada Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (ADF)