Home Blog Page 271

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Tanzania 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Arrimaha Dibidda Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay dhambaal iyo salaan uu ka siday, Madaxweynaha dalka Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, isaga oo wafdiga la wadaagay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan heshiisyadii dhowrka ahaa ee ay labada dal maanta ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga dowladda Tanzania, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dhinac.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Tanzania 

0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminaayo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Tanzania ee TISS, Mudane Suleiman Abubakar Mombo, oo booqasho labo maalin ah shalay kusoo gaaray Muqdisho.

Intii ay socotay booqashadan ayay labada dhinac si weyn uga wada hadleen dadaallada wadajirka ah ee looga hortagi karo khataraha ururrada argagixisada iyo xoojinta is-dhaafsiga xoggaha muhiimka ah ee amniga.

Madaxda hay’adaha Sirdoonka, ee Soomaaliya yo Tanzania, oo adkeeyay muhiimadda iskaashigan, ayaa kala saxiixday heshiis is af-garad ah oo lagu dar-dargelinayo doorka labada hay’ad ee dagaalka ka dhanka ah halista Argagixisada.

Iskaashigan, ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasiloonida iyo ammaanka gobolka, iyada oo labada dhinac ay wadaagaan ujeeddada guud ee ka hortagga Argagixisada Bariga Afrika.                     

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo lagu soo dhaweeyay Garbahaarey

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah.

Ujeedka booqashada wafdigaan, ayaa la xiriira dardargelinta howlaha amniga ee gobolka Gedo, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka, iyo qiimeynta xaaladda guud ee nabadgelyada ee magaalada Garbahaarey.

Waxaa lagu wadaa in wafdigu ay kulamo muhiim ah la yeeshaan maamulka gobolka, waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga wada shaqeeyo qorsheyaasha amniga iyo horumarinta gobolka. Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey wafdiga magaalada Garbahaarey, iyadoo shacabka iyo maamulka Degmadda muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladda Federalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Baydhabo

0

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG dowlad gobolleedka Koofur Galbeed, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo boqolaal Bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Ujeedka Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed, u kuur galidda horumarrada ka jira Koonfur Galbeed iyo ka qeyb galka Xafladda sanad guurada 6aad ee ka soo wareegtay Muddada uu Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed hoggaaminayay Madaxweyne Lafta Gareen.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlohooda shaqo iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in ay ka madax bannaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, islamrkaana ay ka feejignaadaan in ay dhinac gaar ah la saftaan, isagoo alle uga baryay in uu haleeshiiyo tubta toosan.

Guddiga ayaa looga fadhiyaa qorshaha qabsoomida doorashada qof iyo cod ah,oo ay aheyd inay kasoo shaqeeyaan Guddiga.

 

Madaxweynaha JFS oo xaaladda dalka Suudaan ka dhagaystay siihayaha Safaraadda Suudaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qaabilay Siihayaha Safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan Mudane Cammaar Axmed Baabakir oo uga warbixiyey xaaladda dalkaas, howlgallada ciidan iyo saameynta xiriirka Labada dal.

Danjire Baabakir ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen muwaadiniinta reer Suudaan ee kusoo qaxay dagaallada ka socda dalkaas, isagoo tilmaamay in Soomaalidu, shacab iyo dowladba ay walaalnimo iyo farxad ku qaabileen walaalahooda reer Suudaan ee soo gaaray dalka.

Sidoo kale, sii hayaha Danjiraha ayaa u soo gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh salaan iyo farriin uu uga siday walaalkiis, Hoggaaniyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Al-Burhaan.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan dhiggooda Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hay’adaha amniga.

Ugu dambeyntii, Madaxweynanaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil.

Soomaaliya oo martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casho sharaf u sameysay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Tanzania, iyadoo la xoojinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo sidii loo sahamin lahaa wadashaqeynta dhinacyada muhiimka ah.

Munaasabadda ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania, Danjire Maxamuud Thabit Kombo, labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xaqiijinta danaha wadaagga ah ee dhinacyada horumarka, amniga, iyo isdhexgalka Gobolka.

Mas’uuliyiintii kale ee ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, Fanka iyo Isboortiga ee Tanzania, Mudane Dr. Pindi Hazara Chana, iyo masuuliyiin kale kuwaas oo diiradda saaray horumarinta iskaashiga dalxiiska ee labada dal.

Wadashaqeynta caafimaadka ayaa si weyn u soo muuqatay, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Tansaaniya, ay ka qeybgaleen munaasabadda.

Dhinaca difaaca, Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa la kulmay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Tansaaniya, General Salum Haji Othman, si ay uga wada tashadaan istaraatiijiyadaha kor loogu qaadayo amniga iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Casho sharaftan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Mudane Xamse Xaadow, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ay wehliyaan Agaasime Waaxeedyo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Munaasabaddan heerka sare ahi waxa ay muujinayaa sida ay Soomaaliya iyo Tanzania uga go’an tahay kobcinta xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan, horumarinta labada dhinac, iyo iskaashiga gobolka si ay uga faa’iidaystaan labada dhinac.

Madaxweynaha JFS oo casho u sameeyay Aqoonyahannada joogay Shirweynaha 15aad ee daraasaadka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah Daraasaadka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Shirkan oo markii ugu dambeysay la qabtay 35 sano ka hor ayaa sanadkan lagu soo bandhigay daraasaad muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka qeyb-galayaasha doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta cilmi-baarista iyo xal-u-helidda caqabadaha jira, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo talooyinkii iyo daraasaadkii kasoo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo lagu gaari karo isku filnaansho bulsho iyo mid dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirrigeliyey doorkooda iyo dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

DFS oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro laga soo badbaadiyey xabsiyo ku yaalo dalka Liibiya

0

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo IOM, ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si tahriib ah ku tagay dalka Libya, waxaana laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo kooxo madax-furasho u heystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhalinyaradaan ka kala dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maryan Yaasiin Xaaji Ergayga Gaarka ah ee Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta oo ka hadashay hawlaha soo celinta Gurmadka dhalinyarada tahriibayaasha ah waxaana ay ugu baaqday in ay la xiriiraan safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa xoogga saareysa sidii dhallinyarada Soomaaliya ee ku dhibaateysan dalalka caalamka gaar ahaan dalalka Liibiya iyo Suudaan dib ugu soo celin lahayd ugana badbaadin lahayd dhibaatada ay tahriibka kala kulmaan, waxay dhawaan dalka ku soo celiyay ku dhwaad 100- dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay xeebaha Jaziiradda Madagascar.

Saalax Axmed Jaamac oo ka qeybgalay soo bandhigada warbixinta heerka Saboolnimada

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la fahmo saboolnimada dhinacyadeeda kala duwan si loo dejiyo siyaasado waxtar leh oo wax ka taraya horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormuud u noqoto dadaallada lagu yareynayo saboolnimada, iyadoo la xoojinayo siyaasadaha iyo barnaamijyada u adeegaya danta guud ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka.

Warbixinta ayaa soo bandhigaysa heerarka saboolnimada ee ka jira Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay dhinacyada nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu yaraynayo saboolnimada, iyadoo la isticmaalayo xog sugan oo horseedi karta qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah.