Home Blog Page 262

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Matxafka Aasaasihii Yugoslavia

0

 Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo weli ku sugan Belgrade Serbia ayaa maanta booqaday Matxafka Marshal Josip Broz Tito, aasaasihii Jamhuuriyadda Federaalka Hantiwadaaga ee Yugoslavia.

Howl-wadeenadda Matxafka ayaa si qoto dheer uga faalooday taariikhda Marshal Tito, laga soo bilaabo dhalashadiisa sanadkii 1892, wax barashadiisii, baarkiisa, waxqabadkiisii inta uu hoggaamiya ahaa iyo saameyn uu ku lahaa Siyaasaddaha iska soo horjeeda laga soo bilaa 1943 ilaa 1980.

Marahal Josip Broz Tito Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Hantiwadaaga ee Yugoslavia, waxaa uu saaxiib dhow la ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalkeenna  Allaha u naxariistee Xaaji Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Jaalle Maxamed Siyaad Barre, Tito waxaa uu Soomaaliya Booqasho ku tagay in ka badan 5 jeer.

Wasiirka Amniga Gudaha mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag ayaa u mahadceliyay Maamulka xarunta keydka xusuus-dhowrka Marshala Tito sharaxaadda ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaana Wasiirka uu sheegay in weli uu xusuusto aasaasikii ururka isbaheysiga Siyaasadda dhax-dhaxaadka ee loo yaqaanay Non Aliged Movement (NAM) 1961, ee xarunta Belgrade.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo isweydaarsanaya horumarinta arrimaha Awqaafta iyo Diiwaanka Sakada

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyada Federaarlka Soomaaliya Eng. Abuukar Jeylaani Sheekh oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Ibrahim Adam Ibrahim (Nadaara) ayaa Magaalada Abu Dhabi ee Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta kula kulmey mas’uulka ugu sareeya hay’adda guud ee arrimaha islaamka, awqaafta iyo Sakawaadka ee Dalkaasi Dr. Cumar Xabtoor iyo sidoo kale, agaasimaha guud ee hay’adda Dr. Axmed Al Niyaadi.

Waxayna mas,uuliyinta labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada aqoon isweydaarsiga iyo tababarada ee la xiriira horumarinta Arrimaha Awqaafta iyo diiwaanka sakada.

Wafdiga Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumada Federaalka Soonmaaliya ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah la qaatey imaamyada Soomaaliyeed ee ka howl gala Masaajidda Abuu Dhabi ee caasimada waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Salah Ahmed Jama oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum).

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum), oo ah madal muhiim ah oo lagu gorfeynayo doorka internet-ka ee horumarinta Soomaaliya.

Madashan ayaa ujeedadeedu yahay in ay noqoto meel lagu wadaago aragtiyo, talooyin, iyo xalal wax ku ool ah oo la xiriira maamulka internet-ka.

Mudane Salah Jama ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada, dowladda iyo shirkadaha gaarka ah si loo dhiso nidaam hufan oo lagu maamulo internet-ka, taas oo horseedi karta horumar ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay madashani u leedahay dadka Soomaaliyeed oo qeybo badan oo noloshooda dhaqan dhaqaale ay ku xidhan tahay adeegga internet ka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay shirka EAC

0

Madaxwweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay shirweynaha 24 ee caadiga ah oo ay yeelanayaa dalalka ku bahoobay Urur gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika,shirkan ayaa ka socda magaalada Caruusha ee dalka Tanzania

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa shalay ka qayb galay xuska 25-sano guurada ka soo wareegatay aas-aaska ururka Dhaqaalaha bulshada bariga Africa.

Hal ku dhiga shirka sannadkan ayaa ah dhiiri-gelinta ganacsiga, hurumarka waara, nabbada iyo amniga si loo helo nolol fiican.

Dhamaadka Shirka Madaxda ayaa saxiixaya qoddobo muhiima oo ay mid tahay wax ka bedelka hoggaanka meertada ururka oo lagu dooran doono guddoomiye iyo xoghaye cusub.

Soomaliya ayaa ururka xubin rasmi ah ka noqotay sannadkii hore 2023, waxana si xawli ah ku socda hab-raacyada kale ee dhameystirka u ah.

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐫𝐦𝐚𝐥𝐤𝐚

0

Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud HSJ Mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay wehlinayaan Safiirka iyo Safiir kuxigeenka JFS ee dalkaas ayaa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa Madaxwaynaha ugu sarreeya booliiska federaalka ee wadanka Jarmalka halkaas oo ay kaga wadahadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira wadashaqaynta labada dal ee dhinacyadda socdaalka gaar ahaan iskaaashiga ku dhisan khibrad wadaagga iyo dhismaha aqoonta saraakiisha ka shaqaysa Socdaalka.

Dowladda Jarmalka oo xiriir qoto dheer ah la leh dalkeenna ayaa horumar ka gaartay adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah taas oo qayb wayn ka qaadatay horumarinta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, waxaana Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka faa’iidaysanaysaa khibradda iyo waayo aragnimada dalkaas u leeyahay dhanka horumarinta adeegga Socdaalka.

 

 

QM oo ku baaqaysa ‘la dagaallanka Tacadiyada Haweenka iyo Ilaalinta Xuquuqda Carruurta’

0

Xafiiska ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo saaray War saxaafadeed ku aadan Xadgudubka Jinsiga ee Somaaliya, waxaana lagu yiri War-saxaafadeedka “Iyadoo la xusayo billowga 16-ka maalmood ee ololaha dhaq-dhaqaaqa sanadlaha ah ee caalamiga ah ee ka dhanka ah xad-gudubyada ku saleysan jinsiga, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay in maamullada Soomaaliyeed ay kordhiyaan maalgelinta dagaalka ka dhanka ah xadgudubyada jinsiga ku saleysan.

“Wax ka qabashada xadgudubyada jinsiga ku saleysan waxay u baahan tahay maaliyad iyo agab dhaqaale iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ilaalinta haweenka, carruurta, dadka naafada ah, iyo dadka laga tirada badan yahay ee ah kuwa ugu nugul xadgudubyada ku saleysan galmada iyo jinsiga,” Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa saidaa yiri.

“Qaramada Midoobay waxay sidoo kale ku baaqaysaa in la ansixiyo sharciga lagu ciqaabayo xad-gudubyada jinsiga ku saleysan si loogu hogaansamo waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee ay Soomaaliya horay ugu biirtay. Tani waxay xaqiijinaysaa in dadka dambiyada gala lala xisaabtamo, kuwa badbaadayna ay caddaalad helaan,” ayuu raaciyay Md. Swan.

Hal ku dhigga caalamiga ah ee ololaha 16ka Maalmood ee sanadkan – “ay Qaramada Midoobay! Maalgeliya, si looga Hortago Xadgudubyada ka Dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha” – wuxuu muwaadiniinta ugu baaqayaa inay muujiyaan dadaalkooda, iyagoo la wadaagaya ficillada ay qaadayaan, si loo abuuro adduun ka caaggan xadgudubyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Ololuhu wuxuu kaloo ugu baaqayaa dowladaha Adduunka oo dhan in ay la wadaagaan sida ay u maalgelinayaan ka hortagga rabshadaha ku salaysan jinsiga.

Muddada 16-ka maalmood ah, QM ee Soomaaliya waxay la shaqayn doontaa dowladda iyo bulshada rayidka ah, si loo ifiyo baahida loo qabo joojinta xadgudubyada ku saleysan jinsiga, iyadoo xoogga la saarayo baahida loo qabo in la dardargeliyo hannaanka sharci-dejinta ee lagu soo saarayo baahida loo qabo in la dedejiyo hanaanka sharci dejinta lagu meelmarinayo sharciyo lagu ilaalinayo Haweenka iyo Gabdhaha. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay ka caawiso Haweenka iyo Gabdhaha Soomaaliyeed inay gaaraan awooddooda buuxda oo ay ku noolaadaan nolol ka madax-bannaan rabshado nooc kasta ah.

Ololaha Dhaqdhaqaaqa 16ka Maalmood ee sanadlaha ah wuxuu billaawday 25kii Nofembar, Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka, wuxuuna soconayaa ilaa 10ka Diseembar ee sanadkan, Maalinta Xuquuqul Insaanka. Ololuhu waxay ujeedadiisu tahay in la kordhiyo wacyigelinta, la dhiirigeliyo dadaallada u doodista lana wadaago aqoonta si loo joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka”.

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo Khawaarijta ka dhan ah ka wado deegaanno hoostaga Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ka sameeyay deegaanno u dhexeeyo gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Guutadda 26-aad Cali Bin Abii Daalib XDS ayaa howlgalka oo u jeedkiisu ahaa ka hortaga dhagarta khawaarijta ka sameeyay deegaanka Cali-goodle iyo Cali-gureey.

Taliyaha Guutadda 26-aad CXDS G/le Dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa sheegay inta uu howlgalka socday in ciidnka ay ku guuleeysteen inay wadooyinka ka soo saaraan miinooyin Khawaarijta dooneeyso inay ku dhibaateeyaan shacabka balse geesiyaasha XDS ay ku guuleeysteen inay ka hortagaan dhagarta Khawaarijta islamarkaasna soo saaraan miinooyinka.

Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo lagu soo gabagabeynayo Khawaarijta kawada meelaha ay dalka kaga dhuumaaleysanayaan, iyagoo kuwa badan laga khaarajiyay halka tiro badan iska soo dhiibtay.

Israa’iil oo Gaza ku dishay 100 ruux 24-kii saac ee u dambeeyay

0

Ku dhawaad ​​100 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka fulisay Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Dadka dhinatay waxaa ku jira 75 ruux oo lagu dilay weerarro xagga cirka ah oo lagu qaaday laba guri oo ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee dhacda waqooyiga.

Xasuuqa Israel ayaa sii socda xilli gaajada iyo silica heysta Falastiiniyiintya Gaza ay gaartay heer masiibo ah sida uu ku waramay xafiiska warbaahinta dawladda ee fadhigiisu yahay dhulka go’doosan.

Xabad joojinta Lubnaan ayaa gashay maalintii afaraad, waxaana madaxa Xisbullah Naciim Qasem uu tallaabadaan ku tilmaamay guul rabbaani ah oo salka ku heysa dagaalka ay kula jiraan Israel.

Tirada dhimashada Falastiin ayaa mareysa 44,363 iyo dhaawaca 105,070,halka Israel ay Lubnaan ku dishay 3,961 ,isla markaana ay dhaawaceen 16,520 .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarista Amniga Serbia

0

Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag oo ku guda jira booqashadisii Belgrade Serbia ayaa shalay booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarita Amniga Dunida, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Tiknoolajidda ee Vlatacom.

Madaxda Machadka Vlatacom Dr. Vladimir Cizelj ayaa Wasiirka ka siiyay warbixin guud shaqada ay u xilsaaranyihiin iyo xiriirka Machadka uu la leeyahay in ka badan 96 dal oo uu Machadku la shaqeeyo.

Machadka Vlatacom ee Serbia oo qabta hawlo aad u fara-badan ayaa Dowladda Soomaaliya u soo bandhiga fursado ay Soomaaliya u baahan tahay oo wax weyn ka tari doono Dowlad dhiska dalkeenna, waxaana Wasiirka la tusay howlaha ka socda xarunta Vlatacom, sidoo kale waxaa lagu wareejiyay warqado (documents) uu ka xulan doono baahida hortabinta leh ay u qabaan shaqada khibradda iyo Machadka Vlatacom uu bixiyo.

Wasiirka Amniga Gudaha General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia iyo dhamaan Madaxda kala ee uu kula kulmay magaalada Belgrade Serbia.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Arusha ee dalka Tanzania kaga qeybgalaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Danjirah Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang You, iyagoo ka wadahadley xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Danjire Selma Malika Haddadi oo ah Safiirka Jamhuuriyada Algeria u fadhida Ethiopia iyo Midowga Afrika.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley kulan ka dhacay Muqdisho oo loogu duceynayey Madaxweynihii hore ee Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga Magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur galay xaaladaha amniga iyo kobaca dhaqaale ee dalka.

6-Golaha Wasiirada ayaa sharci darro ku tilmaamey tallaabooyinkii uu qaaday hoggaamiyihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo doorasho ka baxsan dastuurka ku qabtey Kismaayo.

7-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey magacyada xubnaha ka mid noqonaya Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha.

8-Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka tacsiyeeyay geerida weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad.

9-Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka 2aad ee Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Muqdisho ka furay Shirka Caafimaadka casriga ah ee Soomaaliya 2024.

10-Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

11-Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha.

12-Golaha Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare ee dalka.

13-Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa daahfurtay xuska maalmaha 16-ka ee ololaha la dagaalanka tacadiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha.

14-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismayo oo ay geysteen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

15-Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

16-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay dowladda Soomaaliya ugu biireyso Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah (UNTOC).

17-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartey amar lagu soo xirayo hoggaamiyihii hore ee maamulka Jubbaland Eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

18-Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la yeeshay odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka kooban 135-ta xubnood.

19-Xafiiska Amniga Qaranka ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasoo qayb ka ah tiirarka Istaraatijiyadda Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta.

20-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynaha Ku-Xigeenka dalkaasi Mudane Cevdet Yılmaz.

21-Wasiir Dowlaha Waxbarashada Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar oo wehliyo Guddomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Xasan Cismaan Gacal iyo safiirka dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya MR. Wang Yu ayaa si’ wadajir ah u daahfuray deeqda waxbarasho ee barnaamijka saaxibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha.

22-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Xamsa Xaadoow ayaa qaabilay Danjire Marwo Selma Malika Haddadi, Safiirka Algeria ee Midowga Afrika iyo Itoobiya.

23-Wasaaradda Warfaaffinta Soomaaliya oo ka tacsiyaysey geerida weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

24-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah dib u furay Xaruntii Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xirneed in ka badan 30 sano.

25-Ilaa iyo 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku biiray hawlaha Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan degaanka Raas Kaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

26-Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Drs Maryan Maxamed Xuseen yaa kormeertay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir oo ay ka socdaan mashruuc indho-fiiqis oo bilaash ah.

27-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa kulan duco ah u qabatay Allaha u naxariistee Marxuum Danjire Yuusuf Xassan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.

28-Safiirka soomaaliya ee u fadhiyo dalka Tanzania Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

29-Guddomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo Safiirka Shiinaha ee u fadhiya soomaaliyaa, Mudane Wang Yu ayaa yeeshay kulan miro dhal ah.

30-Banaanbax lagu taageerayo nidaamka doorashada tooska ah ee qof iyo codka ah ayaa lagu qabtay Magaaladda Moqdishu.