Home Blog Page 263

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika.

Shirkan taariikhiga ah ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka Bariga Afrika (EAC).

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha oo ka hadlay Doorashooyinka dalka

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka,ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku soo bixisay meelmarita doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhacda Gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in xilligaan  loo baahan yahay in loo dhaqaaqo horumarka dadka iyo dalka,isla markaana aan dib loo eegin marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo hagaajinta dastuurka dalka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Maxamed Nuur ayaa sheegay in meesha laga saaro casida laga qabo doorashooyinka qof iyo codka ah,isagoo Ku taliyay in cid kasta oo daneyneysa doorashadaasi ay galaangal ku yeelato siyaasadda dalka,gaar ahaan sidii loo kasban lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay xuska Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyas Ali Hassan, ayaa hoggaamiyay ka-qaybgalka Soomaaliya ee xuska 25-guurada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xuska waxaa lagu soo bandhigay bandhig farshaxan oo heersare ah oo ay diyaarisay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, kaas oo soo jiitay ka-qaybgalayaasha kuna muujiyay dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay xoogga saareeysaa dadaalkeeda ku aaddan isku xirka gobolka iyo xoojinta xiriirka dhaqan ee u dhexeeya Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Ciidamada Jubbaland oo kusoo biiray howlgallada ay dowladda ka waddo Jubbooyinka 

0

Ciidanka Maamulka Jubbaland, ayaa intooda badan si rasmi ah ugu biiray hawlgallada Ciidamada Qalabka Sida ee lagula dagaalamayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan degaanada Jubbooyinka.

Shacabka iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Degaanka Kulbiyow, ayaa soo dhaweeyay hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale shacabka ayaa dhanka kale taageero u muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya,iyagoo ku eedeeyey Eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) in uu dayacay xuquuqda ciidamada iyo baahiyaha shacabka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaan  howlgal rasmi ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ka bilowday deegaanka Raas-Kaambooni,waxaana ujeedku yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo cadowga nabad-diidka ah.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Golaha Wasiirada EAC

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Soomaaliya ku matalay shirkii caadiga ahaa ee 46-aad ee Golaha Wasiirada Dalalka Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania. Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka oo ay ka mid yihiin ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isu socodka xorta ah ee badeecadaha iyo dadka, nabadda iyo amniga. Wada-hadalladan ayaa ah kuwo muhiim u ah xoojinta is-dhexgalka iyo kobcinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Shirka Golaha Wasiirada (EAC) ayaa waxa uu gogol xaar u yahay Shir Madaxeedka 24-aad ee Caadiga ah ee Madaxda Wadamada Bariga Afrika iyo Munaasabad heersare ah oo loogu dabaal dagayo Sanadguurada 25-aad ee EAC.

Ka-qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo hammigeeda ku aadan inay si rasmi ah ugu biirto EAC. H.E. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qaybgeli doona Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada, isagoo dib u xaqiijinaya in Soomaaliya ay la jaan-qaadi doonto hiigsiga Bariga Afrika oo midaysan oo barwaaqo ah.

Wasiirka Amniga Gudaha oo Tababar ugu soo xiray Saraakiil Soomaaliyeed dalka Serbia

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia, ayaa tababar xirfadeed ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo la baray Baarista Damniyada, Saraakiishan oo laga soo xulay dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa muddo tababar sare ku qaadanayay kuliyadaha Booliska Serbia ee Goć.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, falanqaynta caddeymaha, maaraynta dambiyada abaabulan, iyo adeegsiga teknolojiyadda sare ee baarista. Wasiirka ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka soo hooyeen tababarka, isagoo uga mahadceliyay Serbia taageerada ay siisay Soomaaliya.

Mudane Fartaag, ayaa uga mahadceliyey dowladda Serbia tababarka iyo taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dalka, taas oo gacan wayn ka geysanaysa sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee caalamka.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo shir caalami ah uga qeybgaleen dalka Uganda 

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Guddiga cunnada iyo Nafaqada ee Golaha Shacabka oo safar shaqo ku jooga Magaaladda Kampala ee Caasimdda wadanka Uganda, ayaa halkaasi uga qeyb galay shirka 6-aad ee Baarlamaanka Bariga Afrika ee cunada iyo Nafaqada.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan wafuud ka kala socota ilaa toban wadan ayaa sanadkan lagu qabtay wadanka Uganda, waxaana mudada sedaxda maalin ah ee uu socon doono looga hadli doonaa arrimaha cuna yerida iyo Nafaqada ee Qaaradda gaar agaan Geeska Afrika, waxaana sidoo kale inta shirkan uu socdo lagu dooran doonaa hogaamka cusub ee sanadka soo socda.

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda oo kulan Qaahira Wasiirka Arrimaha Barlamaanka dalkaas

0

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar iyo Wasiirka arrimaha Baarlamaanka dowladda Masar, Mahmoud Fawzi, ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xariirka labada Wasaaradood, horumarinta iyo daadejinta federaaleynta dalka iyo in Masar ay dowladda Soomaaliya ka caawiso geedi-scodka dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka si loo helo dastuur la jaan-qaadaya dunida casriga ah, loona daboolo baahida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale labada Wasiir, ayaa kulankooda uga hadlay isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta, gaar ahaan in dowladda Masar oo kamid ah dowladaha ugu facaweyn dunida ay Soomaaliya usoo dirto khubaro dhinaca sharciga ah oo ka caawiya dib-u-habeynta sharciyada iyo abuuridda sharciya cusub oo la jaan qaadaya hannaanka federaalka ee dalku qaatay.

Wasiir Ilyaas ayaa Maxamuud Fawzi uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran, waxaana wasiirka arrimaha baarlamaanka Masar oo bogaadiyay heerka horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo ka go’naanta hiigsiga hadafka sare, waxaana uu u cadeeyay in Masar ay Soomaaliya ku garab taagantahay xaqiijinta hadafkaas weyn ee qaran.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo hishiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa dalka Serbia

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Serbia Mudane Ivica Dačić, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya.

“Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan”.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, ayaa tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxa uuna hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada.

Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadataa dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidammada iyo horumarinta hey’adaha amniga Qaranka.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo uu kulan mira dhal ah la qaatay dhiggiisa Serbia

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Belgrade ee xarunta dalka Serbia, ka dib markii uu casuumaad uga timid dhiggiisa Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Dalka Serbia Mudane Ivica Dačić.

Booqashadan ayaa muujineysa xiriirka xooggan iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia, kaas oo ku dhisan ixtiraam wadajir ah iyo wada-shaqeynta marwalba si is-daba joog ah, taageeradooda midba midka kale ee ku saabsan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ku saleysan sharciga caalamiga ah iyo is-afgarad diblomaasiyadeed oo ay labada dal gaareen 1960kii.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulamadiisa ku bilaabay wada hadal uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, Mudane Ivica Dačić, wada-hadaladan ayaa diiradda lagu saaray mudnaanta iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadda kor u qaadida tababaridda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Serbia waxay door muhiim ah ka qaadataa dadaallada dib u dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidamada iyo horumarinta hay’adaha amniga.

Khubarada amni ee Serbia ayaa bixiyay khibrad farsamo oo muhiim ah, taas oo door weyn ka ciyaartay xoojinta waaxyaha amniga ee Booliska Soomaaliya. Labada Wasiir ayaa saxiixay heshiis u dhaxeyn doona Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Serbia oo faa’dooyin badan laga dhaxli doono mustaqbalka dhow.

Inta lagu guda-jiro booqashadan ayaa sidoo kale Wasiirka waxaa uu tababar u soo xiri doonaa Saraakiil Soomaaliyeed oo in muddo ah tababar xirfadeed ku qaadanayay Kuliyadaha ugu sareysa Ciidanka Booliska Serbia ay leeyihiin ee Kula iyo Goć.

Booqashadan waxay astaan u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya gacan lagu siiyo hanashadda himilooyinkeeda mustaqbalka.

Kulamada Wasiir Fartaag ee Belgrade waxaa ku jiri doona booqasho uu ku tagayo Machadka daraasaadka iyo horumarinta amniga ee Vlatacom.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ay mar walba xoojin doontaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee dalalka saaxiibada ah, gaar ahaan kuwa aaminsan mabaadi’da wadaagga ah ee madax-bannaanida, xasilloonida iyo arimaha horumarinta sharciyada Caalamiga ah.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa u Mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Safaaradda Soomaaliya ee Serbia, oo uu ugu horeeyo Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade.

Madaxweynaha Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabbilay Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamanada labada dal

0

Madaxweynaha Dalka Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga wadankaasi Turkiga.

Guddoomiye Saadaq Cumar, ayaa Madaxwayne Erdogan gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Wadanka Turkiga Erdogan, ayaa xubnaha wafdiga kaga mahadceliyay booqashada ay ku joogaan Dalkaasi, isaga oo ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay wadaan ee la xiriirta xoojinta xiriirka walaalnimo ee labada baarlamaan.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Wadanka Turkiga Danjire Fatxudiin Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Gudiga Saaxiibtinamada Baarlamaanka dalka Turkiga Mudane Abdirahim Firat.