Madaxweynaha JFS oo socdaal diblomaasiyadeed ugu ambabaxay Yugandha iyo Itoobiya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxay dalka Uganda si uu uga qeybgalo Shir-madaxeedka Bangiga Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP).

Madasha ayaa isu keenaysa hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wada hadlaan maalgelinta iyo horumarinta beeraha Qaaradda, iyada oo la xoojinayo doorka muhiimka ah ee beeruhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.

Inta uu shirku socdo, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni, iyo Madaxweynaha Kenya, Dr. William Samoei Ruto.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida gobolka, iskaashiga dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Wadahadalka uu madaxweynuhu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Socdaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah safarro ballaaran oo uu ku marayo gobolka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen booqashooyin guul leh oo uu dhawaan ku tagay dalalka Ereteriya iyo Jabuuti.

Intii uu ku sugnaa dalalkan, Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga adag ee kala dhaxeeya dalalka deriska ah iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee nabadda, horumarka, iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si xooggan uga shaqeynaysa xoojinta iskaashiga goboleed ee lagu gaarayo barwaaqada.

Dadaalladan ayaa la jaanqaadaya aragtida Soomaaliya ee ku saleysan midnimo, iskaashi, iyo horumar waara oo loogu daneynayo dalalka gobolka oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...