Israel oo duqeymo ka geysatay Yemen, Lubnaan iyo Gaza

Date:

Ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah ayaa saacadihii u dambeeyay lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza, sida ay ku warameen ilo-wareedyo caafimaad oo la xiriray shabakadda Al Jazeera.

Sidoo kale Milateriga Israa’iil ayaa weeraray goobo ka tirsan Yemen oo ay maamulaan dagaalyahannada Xuutiyiinta,waxaaba meelaha la duqeeyay ku jira xarun koronto oo u dhow caasimadda Sanca, iyo dekedaha Xudeydah iyo Ras Isa.

Dhowr qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan,xilli Israel ay garwaaqdan tahay in heashiis xabbad-joojinta ah ay la gashay Lubnaan.

Weerarada xagga cirka ah ee ciidamada Israel ay ka geysteen Yemen, Lubnaan iyo Gaza,waxaa ku shintay in ka badan 41 ruux,halka dhaawacana lagu sheegay tiro badan.

Dhinaca kale,dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF ayaa ka digtay xaalad masiibo ah oo soo wajahday bukaannada ku jira isbitaallada Gaza ,kadib markii la tilmaamay in ay dhamaadeen sahaydii shidaalka korontadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....