Home Blog Page 256

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo gaaray dalka Ciraaq

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Adan, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baghdad ee Dalka Ciraaq Halkaas oo uu u joogo Howlo Shaqo.

Wafdiga wasiirka oo gaaray Magaalada Baghdad ayaa waxaa garoonka caalamiga aha ee Bagdhad kusoo dhaweeyay Dhiggiisa Ciraaq isagoo maalmaha soo aadan ka gayb galaya Meertada 61-aad ee Golaha Wasiirada Caafimaadka ee Jaamacada Carabta, iyadoo Soomaaliya ay ka tahay Xubin muhiim oo ka tirsan Golahan.

Wasiirka, ayaa inta uu ku suganyahay Dalka Ciraaq waxa uu kulan doceedyo loogu qareemayo horumarinta caafimaadka la yeelan doonaa dhiggiisa dalalka ku bahoobay jaamacada Carabta.

Agaasimaha guud ee Socdaalka oo faray Saraakiisha inay fududeeyaan bixinta Baasabooradaย 

0

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Ahmed Said Mohamed oo manta kulan gaar ah kula qaatay Saraakiisha ka howlgasha xafiiska Baasaboor bixinta ee xarunta shaqaalaha, ayaa faray saraakiisha in la dar dargeliyo howlaha Baasaboor bixinta isla markaana waxa uu sidoo kale saraakiisha ku booriyay in muwaadiniinta loo fududeeyo adeega loo haayo loona turo dadka jilicsan oo soo doonto adeegga Baasaboor bixinta.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa faray saraakiisha in la ilaaliyo habraacyadda shaqada xooggana la saaro hufnaanta iyo isla xisaabtanka howlaha shaqo. Waxa uuna sidoo kale ku booriyay in la ilaaliyo kala dambaynta, anshaxa iyo shaqo wanaaga.

Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaa ka goโ€™an in ay bixiso adeeg bulsho oo wax ku ool ah iyadoo la isticmaalayo tiknoolijiyada casriga ah si loo fududeeyo habka casri ah ee adeeg bixinta oo la jaanqaadayo adduunyada kale.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka kobaad ee dalka oo kormeeray Wasaaradda Beeraha XFS

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama, ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradaha Beeraha, Waraabka iyo Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo booqday Xarumaha Wasaaradaha, ayaa kulan la qaatay Wasiirrada iyo howl wadeennada kala duwan, isaga oo ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha socda iyo dardargalinta adeegyada ay bulshada u hayaan, waxaa kale oo kormeer ku sameeyay shaybaarro casri ah oo loo diyaariyey beeralleyda Soomaaliyeed si loo dhiirrigaliyo wax-soo saarka dalka, loona horumariyo nidaamyada waraabka.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Wasaaradda,ayaa qireen howsha baaxada leh oo sheybaarkaan uu dalka u haayo waxa ayna ballan qaadeen sidii loo horumarin lahaa sheybaarka si adeegyo intaan ka badan loogu qabto

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka taageerada joogtada ah ee uu u fidiyo wasaaradda iyo beeraleyda Soomaaliyeed

Guddoomiye ku-xigeenka SODMA oo boggaadiyay Shirweynaha Cilmibaaristaย ย 

0

Guddoomiye ku-xigeenka Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka-SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa bogaadiyay Shirweynaha Cilmibaarista Soomaaliyeed ee sannadkiisa 11aad.

Shirweynahan ayaa noqday madal muhiim ah oo loogu talagalay in la isku xiro aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha, iyo dowladda si loo dhiirrigeliyo cilmi-baarista iyo horumarka Soomaaliya.

Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa xusay in shirweynahan uu fursad u yahay in la isweydaarsado aqoon iyo aragtiyo cusub oo ku saabsan maareynta musiiboyinka iyo sidii loo xoojin lahaa nidaamka gargaarka iyo ka hortagga musiiboyinka.

Wuxuu ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha inay sii wadaan cilmi-baarista iyo horumarinta xalal waara oo wax ka qabta caqabadaha ka jira dalka, gaar ahaan xaaladaha musiiboyinka dabiiciga ah ee saameeya bulshada Soomaaliyeed.

Shirweynahan waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo fikrado cusub oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, maamulka iyo bulshada, iyadoo si gaar ah loo soo bandhigay caqabadaha iyo fursadaha ka jira dhinacyada maareynta musiiboyinka, iyadoo la rajeynayo in laga dhigo mid ka qayb qaata nabad-gelyada iyo horumarka dalka.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska oo xarigga ka jaray Xabsi Haweenka loogu talagalayย 

0

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaaย si rasmi ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey saldhigga Xamar Jajab. Qeybtan cusub ayaa ah xabsi casri ah oo u gaar ah haweenka, taas oo loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda haweenka ee ku jira gacanta booliska.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ku wehliyey Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Soomaaliyeed G/sare Mahdi Cumar Muumin Guddoomiyaha Degmada Xajajab iyo Masuuliyiin ka kala socdey Dhamaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir

โ€œXabsigan cusub wuxuu muujinayaa sida Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ugu heellan yahay inay xaqiijiyaan adeeg hufan oo xushmad leh, gaar ahaan marka ay timaado daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed,โ€ ayuu yiri taliye ku xigeenka.

Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xoojinaysa kalsoonida bulshada ee ku aaddan hayโ€™adaha ammaanka, iyadoo la hubinayo in qof kasta oo la xidho lagu hayo duruufo habboon oo u qalma sharaftiisa iyo karaamadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Dalka Turkigaย 

0

Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip ErdoฤŸan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaaย Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.

Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka Iyo Sanad Guurada 76-aad Ee Baaqa Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka, taas oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay munaasabadda Xuska ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda ay leedahay Maalintan wayn, isagoo tilmaamay Xoriyada ugu weyn ee qof uu leeyahay inay ka mid tahay inuu codkiisa ku doorta madaxda Dalkaan hogaaminaysa.

Dhankiisa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Maxamad El-Aamin ayaa Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey Meel-Marida Sharciga Naafada Xuquuqul Insaanka.

Ku-xigeenka Wakiil Qaramda midoobay iyo Arrimaha Biโ€™niaadinimada Goerge Connway oo hadlay munaasabadda Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in maalintani ay qayb ka tahay 16-Maalin ee u qareemida xuquuda Aadanah.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirro ka tirsan XFS oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Isgaarsiinta Mohamed Soomaali, Wasiirka Qayska Bashiir Mohamed Jaamac oo ay wasaaradiisa soo qabanqaabisay, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Marti sharaf kale iyo qaybaha kale duwan ee bulshada.

Maalinta Xuquuqul Insaanka ayaa la xusaa sanad walba 10ka Disembar โ€“ waana maalintii Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa UDHR sannadkii 1948. Baaqa UDHR wuxuu ku dhawaaqayaa/qeexayaa xuquuqda lama taabtaanka ah ee uu qof kasta u leeyahay baniaadan ahaan.

Ficillada Itoobiya waddo oo u muuqda kuwa garabsiinaya Argagixisada (WARBIXIN)

0

Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya ku eedeysa inay faragalin iyo iska horkeen ka dhex wado beelaha Walaalaha ah ee wada dega Gobolka Gedo, waxeyna Soomaaliya ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay Difaaca Madaxbanaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna Baaq u dirtay Beesha Caalamka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay Midawga Afrika in ay cambaareeyaan falkaan guracan ee Itoobiya wax ugu dhimeyso nabadda Gobolka.

Dowladda Soomaaliya, waxay mar kasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam, balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qarankaโ€, sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dowladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaasi oo xad-gudub ku ah shuruucda Caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taasi oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horraantii sanadkaan.

โ€œKadib markii Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay ku wiiqayso Amniga Dalka sida, in ay Dalka ku soo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda ku diyaariso Maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata, ka dibna ay u soo dirto gudaha Soomaaliya, si ay colaad u huriyaan. Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelleโ€ ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ay dowladdu soo saartay.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo sida xogta lagu hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaasi oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo, kuwaasi oo ay dooneyso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah Ummadda iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

โ€œFiciladaan waxay si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrikaโ€. Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraaโ€™id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaasi oo siday Hub sharci-darro ah, wuxuuna cambaareyn dusha uga tuuray Ficillada aan xilkaska aheyn ee Itoobiya ka waddo xuduudaha, isagoo sheegay in labadan diyaaradood ay sidoo kale magaalada Kismaayo ka qaadeen shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo, kuwaasi oo ay dooneyso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah Ummadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

โ€œEthiopia muddo dheer ayey mashquul ku aheyd dalkeena inay farogalin ku sameyso, waxay hub shirci darro ah soo galisay meelo ka mid ah dalka, waxayna uruurisay maleeshiyaad calool u shaqeystayaal ah, si dalka u carqaladeeysoโ€ ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, wuxuuna intaa ku daray in dowladda ay qaadeyso talaabooyin dalka looga difaacayo Taliska Raโ€™iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo dhanka kale sheegay in kuwa daba-dhilifka u ah Ethiopia laga qaadi doono talaabooyin waafaqsan sharciga dalka u yaalla.โ€œFicillada aan xilkaska aheyn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha Argagixisada ah, waxa ayna ka soo horjeedaan mabaadiโ€™da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taasi oo meeshana ka saareysa wadahadaladii labada dowladood u socday, islamarkaana horseedaya xiisad cusubโ€ ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Taliska Raโ€™iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidan oo kale horay dhowr jeer hub si sharci-darro ah ugu soo galiyay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxa uu ku soo xadgudbay biyaha Soomaaliya, iyadoo heshiis beenaad la galay horaantii January Madaxweynahii hore ee Soomaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, taasi uu kula kulmay Weji kabax dhan kasta ah, haataanna waxa uu ciidamo u soo dirayaa Deegaanno ka mid ah Soomaaliya, taasi oo la og yahay in ciidamada Itoobiya lagu wado inay dalka ka baxaan ugu dambeyn bishan Disember.

โ€œWaxaa xaaladda sii murjiyay dhaqdhaqaaqyadii hore ee Itoobiya ee dhul-ballaarsiga, oo ay ka mid aheyd isku day ku doonaysay inay gacanta ku hayso dhul-badeedka Soomaaliya ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland),โ€ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, isagoo walaac weyn ka muujisay in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Jubbaland, halkaas oo ay ka jiraan xiisado u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, wuxuuna intaasi raaciyay in ay walaac ka muujinayaan tallaabooyinka qaar oo ay qaadday dowladda Itoobiya, kuwaasi oo uu sheegay inay xad-gudubyo cad ku yihiin madax-bannaanida, arrimaha gudaha, iyo amniga Soomaaliya, islamaraasna ka hor imanaya shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay falalkani inay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, ayna wiiqayaan xiriirka derisnimo, iyo mabaadiโ€™da nabad-ilaalinta ee Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoo xusay in tallaabooyinka Itoobiya ay carqaladaynaya wada-xaajoodyadii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika

0

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maalintii Labaad ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika (๐€๐Ÿ๐ซi๐œ๐š ๐…๐ข๐ง๐š๐ง๐œ๐ข๐š๐ฅ ๐’๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ญ) oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.

Shirkan oo maanta lagu soo gabagabeen doono magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco ayaa waxa uu ka qeyb gali doonaa Wasiirka Maaliyadda kulamo guud iyo kuwo gaar ah oo ay ka mid yihiin doodo iyo hadal jeedino ku saabsan waddii Soomaaliya ee deyn-cafinta oo cashar ku dayasho mudan ay ku tilmaameen dalalka iyo heyโ€™adaha dhaqaalaha Adduunka.

Ka sukoow hadal-jeediyeyaasha muhiimka ah, waxaa sidoo kale uu Mudane Wasiir Biixi ka mid noqon doonaa Madasha Doodda sare ee shirka taas oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya looga dhageysan doono aragtida, talada iyo qaabka ugu fudud ee loo maareeyo deymaha maadaama Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hannaanka deyn cafinta ka soo gudbay.

Safiirka JFS Uganda oo kulan la qaadatay Odayaasha iyo Waxgaradka ku nool dalkaasi

0

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaadatay Xarunta Safaaradda qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya safaaradda iyo jaaliyadda.

Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa Odayaasha kulanka ka soo qayb galay u caddeysay in siyaasaddeeda cusub ee hoggaaminta safaaradda ay tahay mid ku saleysan cadaalad iyo sinnaan ay helaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in aysan jiri doonin cid gaar ah oo safaaradda u xiran tahay ama cid kale oo laga xigsan karo, maadaama safaaraddu tahay xarun dowli ah oo loo wada siman yahay.

Sidoo kale Danjiraha ayaa xustay in safaaradda ay tahay goob qaran oo albaabadeeda u furan yihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoona ku adkeysay inay diyaar u tahay inay u adeegto bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Uganda.

Dhankooda Odayaashii ka qeyb galay kulanka ayaa si diiran u soo dhaweeyay dadaalka safiiradda, iyagoo ballan qaaday inay si buuxda ula shaqeyn doonaan safaaradda si loo horumariyo danaha guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Kulankan ayaa bilow u ah kulamo ay safiiradda la yeelan doonto dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.