Home Blog Page 256

Soomaaliya Kenya iyo Mauritius oo ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda

0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulamo miro dhalay la qaatay safiirka dalka Kenya Amb. D.Raj  Busgeeth iyo kan dalka Mauritius Amb. Jean Njeri Kamau ee dalka Ethiopia.

Kulamadaas ayaa ku qotomay adkaynta cilaaqaadka saddexda dal, iskaashiga iyo ka wada shaqaynta horumarka guud ahaan dalalka Gobolka Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Mauritius.

Safiir Warfaa, ayaa soo dhoweyn iyo hab-maamus waafqasan curfiga Diplomaasiyadda caalamka kala kulmay labada danjire ee Kenya iyo Mauritius, isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta ay ugu sameeyeen safaaradahooda Addis Ababa, sidoo kale wuxuu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, isagoo u iftiimiyey in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku guulaysatay tillaabooyin kala duwan oo ay u qaaday dhinaca kobcinta Dawlad-wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada, ayna muhiimad weyn u leedahay in dalalka Geeska Africa ay si buuxda u garab istaagaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Ambassador Warfaa ayaa dhiggiisa Kenya Ambassador Jean ku adkeeyey in labada Safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee dalkan Ethiopia ay sii xoojiyaan wada shaqaynta iyo iskaashiga maadaama ay wakiil ka yihiin dalal daris ah oo ay ka dhexeeyaan arrimo badan oo muhiimad weyn u ah horumarkooda iyo midka Geeska Africa.

Danjire Warfaa iyo Safiir D.Raj, ayaa dhankooda si wada jir ah u bogaadiyay xiriirka laba geesoodka soo jireenka ah ee ka dhexaaya Soomaaliya iyo Mauritius waxayna isla qaateen in lasii xoojiyo iskaashiga labada dal.

Danjirayaasha Kenya iyo Mauritius ayaa si buuxda u caddeeyey inay sii xoojin doonaan xiriirka iyo garab istaagga ay la leeyihiin Soomaaliya, ayna ku taageeri doonaan dedaalka ay Soomaaliya ugu jirto Dawlad-wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay shir looga hadlayay ceymiska xoolaha.

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta muqdisho ka daah-furay shir looga hadlayay arrima la xariiro ceymiska Xoolaha,kaa oo ay ka soo qeyb kaleen xunnno ka socday dowlad goboleedyada dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamed oo furay shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahy in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha ceymiska xoolaha,iyo sidii  Masharciida si iskumid ah looga fulin lahaa dhammaan gobolada dalka.

” Mashruuca Ceymiska Xoolaha wuxuu muhiim u yahay Xoolo dhaqatada waana inay ka faaiideystaan si ay uga gaashaantaan abaaraha soo noq noqda”.

Waxa uu sidoo kale wasiirka xubnaha shirka ka qeybgalay iyo qolada fulineyso mashruuca Ceymiska u sheegay in ay muhiim tahay in kulanka uu noqdo mid  ay ka soo baxaan qodobo wax badan ka badali doono dhibatooyinka dadka reer miyaga ah heysto oo ay abaartu kamid tahay
Xubnaha maamul goboleedyada Dalka ayuu wasiirku timaamay in lalal Sheqeeyo oo la gaarsiiyo adegyada Ceeymiska Xoolaha si loo daadajiyo adegyada dowladnimo.

Howlgal Amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

0

Taliyaha Qaybta 27aad Ciidanka Dhulka XDS G/Sare Faarax Kooshin ayaa Hawlgalo lagu Nadiifinayo Khawaarijta ka Sameeey degaanno Hoostaga Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Howlagalka ayaa daaranaa Nadiifinta haraadiga khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayo degaanno hoostaga Magaalada Halgan,halkaa oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ka sameeyeen howlgal baritaano ah,waxana sarakiisha howlgalka hoggaamineysay ay shacabka u shegeen in ay la shaqeyaan ciidamada amniga.

Degaanno badan oo katirsan gobolada Galmudug iyo Hirshabeelle waxa si dar-dar ah uga soconayo howlgallo kala duwan oo khawaarijta looga saarayo goobaha fara ku tirska ah ay degaanada qaar kaga sugan yihiin,

waxaana xusid mudan in mudda todobaad ku dhow uu magaalada Dhuusamareeb  ku suganyahay Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh oo ujeedka uu  halkaa u tagay ay tahay dar-dargalinta howlgalada dalka looga sifeeynayo khawaarijta.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo degaannada Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku xoreeyeen Degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Degmada Ruu-nirgood iyo deegaanada hoos yimaada sida Hilowle gaab iyo Ceelbacad,

Madaxweynaha ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee shacabka Degmada Ruunir-good iyo deegaanada hoos yimaada ka dul-qaaday cadowgii ku habsaday mudada dheer.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in wajiga labaad ee howlgalka lagu xoreeyn doono dhamaan deegaanada dhaca Galbeedka Wabiga ee Dowladda goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhagax dhigay wadada isku xirta Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddo Laami ah ah  Waddooyinka Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud ee degmada Yaaqshid.

Hirgalinta dhismahaan oo qeyb ka ah mashruuca dalkaaga ku dhiso hal Dollar ayaa fulinteeda waxaa iska kaa shaday Maamulka Degmada Yaaqshid, bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo waddooyinka ugu horeeyaan.

Bile Muxudiin” Khawaarijtu waxay iga dishay Hooyadeey,Aabaheey iyo Walaalkeey”, ( Warbixin)

Bile Muxudiin Maxamuud, waa 20-sanno jir labadiisa waalid ay dileen Khawaarijta,.labo sanno ka hor ayuu ciildartiis u qortay ciidanka, qorigana u qaatay Khawaarijta ka dib markii ay dileen hooyadiis, Aabihiis iyo walaalkiis.

” Waxaa igu kalifay inaan ciidanka qorto sababo la xiriira Khawaarijta dartood inaan la diriro, maaddaama hore ay ii dhibaateeyeen, mana doonayo in ummad Kale oo Soomaaliyeed dhibaateeyaan sidaas darteed ayaa u qortay,”.

Bile ayaa si qoto dheer kaga hadlay dhibaatada ay u geysteen Khawaarijta, wuxuuna sheegay in aysan wax u yareysan oo dhammaan qoyskiisa ay dhibaateeyeen.

” Waxba iima yareysan hooyadey waa dileen, Aabahey waa dileen iyo wiil Ila dhashay,horta wixii aniga igu dhacay waa igu dhaceen, balse waxaa go’aansaday inaan la dilin wiil dambe Soomaaliyeed, aabe iyo hooyo dambe oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Bile oo la hadlayay warbaahinta Qaranka.

2017, xilli galab ah, degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa gaadmo ku idlay Bile Aabihii Alle ha u naxariistee Muxudiin Maxamuud Abooreyste oo ka mid ahaa Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale, Bishii November, 2018, Qarax ay argagixisadu ka geysatay Kaawo-godeey Isla degmada Kaaraan ayuu Bile ku waayay hooyadii Alle ha u naxariistee oo halkaas gamacsi ku lahayd iyo walaalkii Maxamed Muxudiin Abooreyste oo booqasho ugu yimid hooyadii, waxayna ku naf waayeen qaraxii Khawaarijtu ay soo maleegtay.

Bile, markii ay Al-shabaab ka dileen hooyadii, Aabihii iyo walaalkii dhowr dagaal oo uu Khawaarijtu uga hortegay wuxuu sheegay inuu hooyadii, Aabihii ito walaalkii ugu aarguday Khawaarijta, wilina wuxuu doonayaa inuu shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay falalka guracan ee aragaguxisadu ugu aargudo.

” Hadda waxaan filaa inaan u aaray, haddana inaan u sii aaraa rejeynaa, 2-sanno iyo wax la jiro ayaa ciidan ahay, waxaan u dhaartay ummadda Soomaaliyeed,”.

Bile,ayaa fariin u diray dhallinyarada asaagiisa ah in xilligan la joogo waqtigii qof kasta ka aargudan lahaa Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo degaannada Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku xoreeyeen Degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Degmada Ruu-nirgood iyo deegaanada hoosyimaada sida Hilowle gaab iyo Ceelbacad,

Madaxweynaha ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee shacabka Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada ka dulqaaday cadowgii ku habsaday mudada dheer.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in wajiga labaad ee howlgalka lagu xoreeyn doono dhamaan deegaanada dhaca Galbeedka Wabiga ee Dowladda goboleedka Hirshabeelle

Ciidanka Nabadsugida jubbaland oo fashiliyay qaraxyo Miino

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland oo kaashanaya shacabka reer Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay agabka Qaraxyada oo ay dhagar-qabayaasha Khawaarijta doonayeen iney ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee amniga iyo saxansaxada nabadadeed ku naaloonaya.

Ciidamada ayaa u mahadceliyay shacabka reer Jubbaland ee sida joogtada ah ugu soo wargeliya xogta dhagaraha ay khawaarijta u malegeeyso Shacabka reer jubbaland,si ay ciidamada uga howlgalaan.

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo katitsan gobolada dalka kawada howlgallo ka dhan ah khawaarijta oo dhibaata badan ku hayo dadka shacabka ah.

Nuxurka Wareysi uu bixiyay wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir

0

Halkaan waxaan ku soo koobayaa nuxurka wareeysi aad u qiimo badnaa ee uu bixiyey Wasiiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre Faraax Sheekh Cabdulqaadir.

Wareeysiga faham qoto dheer siinaya dadka doonaya in ay wax badan ka ogaadaan heerka Waxbarasho ee dalkeena iyo sida loogu gundhi karo.

Wareegsiga ayaa nuxurkiisa ahaa sidan:-

✓ Dadka heerka waxbarshado gaarey dalkeenna waxaa lagu qiyaasaa ilaa 5,000,000 oo qof, hadda inta waxbarsho aadda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1,000,000 oo qof. 2030 waxaa la qiyaasayaa in dadkaasi ay gaarayaan ilaa 8,000,000 oo qof.

✓ Shan Milyan oo arday waxa ay u baahan yihiin 120,000 oo macallin ( Boqol iyo Labaatan Kun)

✓ 33,000 oo arday ( Sodon iyo Seddex Kun ) ayaa sanadkaan fariisatay imtixaankii fasallada 8aad iyo 12aad ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

✓ Guud ahaan hadda 22,000 oo macallimiin ayaa ka howlgala dalka, in yar ayaa tababar macalinimo qabta.

✓ Shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya waa 6,000 oo qof, waxaana lagu kordhiyey 3,000 oo macallin oo si rami ah kaga mid noqday shaqaalaha Dowladda.

✓ Qofku haddii uu hal sano waxbarto 10% ayaa xaaladda faqriga ee qof ahaaneee aya hoos u dhacaysa, haddii uu 10 sano waxbartana 100% wuu ka baxayaa faqriga.

✓ Seddex u jeeddo ayaa qofku wax u bartaa. 1- Waxbarashadu waa waxa ka dhigaya qofka waxa uu noqonayo iyo waxa uu qabanayo mustaqbalka. 2- Waxbarshadu dadka waxa ay bartaa wada noolaanshaha. 3- Sidoo kale waxbarshadu qofka waxa ay usii gudbisaa heerka kale ee waxbarsho.

✓ Ujeeddada loo qabtay shirkii qaran ee waxbarsho waxaa ka mid ahaa, in la helo ajande qaran oo waxbarsho; Sida ay u jirto  ajande qaran, shirar qaran, ayay sidoo kalena u jirtaa   sheeko qaran, waxa ay umaddeennu kaga sheekaysato fadhi ku dirirka ayuu noqonayaa mustaqbalkoodu.  Waxbarashadu waa inay noqotaa ajande Qaran oo lawada lee yahay.

✓ Dhawaan waxaan rajeyn inaan dib u furno Mac’hadkii macallimiinta ee Lafoole. Sidoo kale waxaannu hirgelin doonaa guddiga horumarinta Manhajka.

✓Umaduhu uma jidboodaan waxa la soo dhaafay ama hore u soo mareen ee waxay ujedboodaan waxa soo socda mustaqbalka ah sax maaha in dhallinyaradeen u jidboodaan wixii la soo maray.

✓ Hadda waxaa soo socda wadatashi ku saabsan Tacliinta Sarre ee dalka marka la dhammeeyo waxaa la heli doonaa meelaha ku habboon ee laga furi karo jaamacadda umadda iyo jaamacadaha kale ee dowliga ahba.

✓ Sannadakan waxaannu go’aaminnay inaannu ka furno 12 dugsi oo farsamo gacanta ah gobollada dalka oo dhan.

✓ Wax akhris qoraalka adduunka waxaa laga qiimeeyaa qofka waa afkiisa hooyo. Akhris  qoraalka waxa uu qaabeynayaa hab fekerka qofka. Waxaan dhowaan bilaabi doonaa olalaha akhris qoraalka. Qofka wayni wuxuu wax akhris Qoraalka ku baran karaa 80 saacadood ama 8 toddobaad.

✓ Arday walba haddii uu masuuliyad iska saaro qoyskiisa gaarka ah dadka aan akhris Qoraalka aqoon in uu wax baro, ardaygaasi waajib wayn buu gutey.

✓ Barnaamijka EMS (Education management information system) wuxuu fududaynayaa in lala socdo sooyaalka waxbarsho ee ardayga.

✓ waqtigayga ugu badani wuxuu ku baxaa wacyigelin, gaar ahaan kooxda ila shaqaysaa iyo  wacyigelinta guud ee bulshada.

✓ Umadaha adduunyadu saddex heer ayey midkood ku jiraa Less developed countries, middle developed countries iyo high development countries. Innagu saddexdaas midna kuma jirnee kan ugu hooseeya ayaynu ka sii hoosaynaa.

✓ Ardayga jooga dalka uu horumarkiisu hooseeyo qiimaha waxbarshada ee sanadkii ku baxa waxaa lagu qiyaasaa $200. Halka kan ku nool waddamada meel dhexeedka ka ah lagu qiyaaso $1,000 wax  ka yar, waddamada horumarayna ardayga waxa lagu qiyaasaa in la geliyo sanadkii $8,000 lacag ka badan. Sidee ayey u sinnaanayaan marka arday sanadkii la geliyo $200 iyo mid la geliyo $8,000 lacag ka badan sidaa darteed si ardaygeenna aynu usoo gaarsiinno heerka koowaad waxaynu u baahannahay sanadkii $1,250,000,000. ( Hal Bilyan Laba Boqon iyo Konton Milyan)

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS oo Dhuusamareeb ka wada abaabulka duullaanka.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo deegaannada ay khawaarijtu wali ku dhuumaaleysaneyso ee Gal-mudug

Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Dhuusamareeb kula kulmay odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada Gal-mudug iyo dhallinyaro.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada joogtada ah ee wasiirku la yeelanayo qeybaha bulshada ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya xoreynta oo ay kamid tahay in dhammaan bulshadu ay wadajir uga qeyb qaadato howl-galka, si dadka deegaanku ay u gaaraan horumarka ay u baahanyihiin.

Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa shalay bilaawday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo.