Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Nidaamka Lacag-bixinta Degdegga ah ee SIPS

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Nidaamka Lacag-bixinta Degdegga ah ee SIPS (Somali Instant Payment System).

Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo xubno ka socday hay’adaha maaliyadda iyo bangiyada. Nidaamka SIPS waxaa lagu tilmaamay horumar weyn oo ka dhashay dadaallada dowladda iyo bangiyada Soomaaliya, kaas oo suuragelinaya in lacagaha lagu kala wareejiyo si degdeg ah, ammaan ah, oo hufan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in nidaamkan cusub uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta adeegyada maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Wuxuu xusay in SIPS uu fududeyn doono lacag-bixinta iyo iskaashiga ganacsi ee gudaha dalka iyo dibadda, sidoo kale wuxuu noqon doonaa aalad muhiim ah oo kor u qaadaysa adeega bangiyada iyo helitaanka lacagaha.

SIPS ayaa sidoo kale ka caawin doonta shacabka Soomaaliyeed in ay si sahlan ugu gudbiyaan lacagaha, taasoo ka dhigaysa nidaamka lacag-bixinta mid casri ah oo u dhigma baahida bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntii ku boorriyey shacabka iyo hay’adaha maaliyadeed in ay si buuxda uga faa’iideystaan nidaamkan, isla markaana ay ka qeyb qaataan sidii loo horumarin lahaa adeegyada maaliyadeed ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...