Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagay dalka Masar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Cabdulfataax Al-Siisi ayaa xoogga saari doona horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...