Home Blog Page 255

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo u fariisatay dacwad ka dhan ah Askari horay u dilay muwaaddin Kenyaan ah

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dacwad ka dhan ah, Xasan Cabdiraxmaan Indha-yare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, kaas oo horay u dilay, Fredrick Odhiambo Owino oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Dilka muwaaddinka Kenyaanka ah ayaa 20-kii July ee sanadkan 2023-ka ka dhacay agagaarka garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, xilli uu ninka ajanabiga ah ku guda jiray howlo dhismo guri dabaq ah.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda Ciidamada qalabka sida, Axmed Cabdalla ayaa sheegay in Xasan C/raxmaan aan loo haysan oo keliya dambiga lagu soo eedeeyay oo keliya, balse ay jiraan lunsasho hub iyo baxsasho.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida G/le sare, Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray dhagaysiga gar maqalka ka dhanka ah, Xasan Cabdiraxmaan Indha-yare oo ku eedeysan dilka muwaaddin Kenyan ahaa oo lagu magacaabi jiray, Fredrick Odhiambo Owino

 

Guddoomiyaha Haya’adda Maaraynta Masiibooyinka oo Xafiiska ku qaabilay Madaxa Haya’adda Bisha Cas ee Turkiye

0

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Maxmaud Macallin ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SODMA kula kulmay Madaxa Hay’adda Bisha Cas – Turkey ee Dalka Soomaaliya u qaabilsan Mudane Niyazi kalaycı.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa ka mid ah hay’adaha caawimadda kala duwan ka fidiyo dalka Soomaaliya taas oo uu ku amaanay Gudoomiye Maxamud kagana mahadceliyay daddaalka ay kaga wakiilka yihiin shacabka iyo dowladda Turkiga oo mar waliba garab taagan shacabka Soomaliyeed.

Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa isagana Gudoomiyaha kaga warbixiyay hawlaha kala duwan ay ka hayaan dalka, isagoo si gaara u amaana wada shaqaynta heerkeedu sareeyo ee kala dhexeyso Madaxda iyo Maamulka Hay’adda SODMA.

Ra”iisul wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UAE u Fadhiya Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa isla soo qaaday arrimo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bini’aadanimada.

Dhankiisa, Danjire Al-Rumaithi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, iyo dadaalka ay ugu jirto kor u qaadidda dhaqaalaha, hufnaanta iyo la dagaallanka musuq-maasuqa, isaga oo xusay in dhankooda ay ka go’an tahay taageero dhinacyo kala duwan sida amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga oo mar kale u digtay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugan yihiin khawaarijta

0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Generaal, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dadka ku harsan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan khawaarijta u diray digniinno culus, wuxuuna faray in ay isaga fogaadaan shacabka goobahaasi, si dagaal culus loogu qaado khawaarijta.

Generaal Caanood ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in mar kale dadka lagu baraarujiyo howlgallada halkaasi ka dhacaya, iyadoo ay dowladdu ka fekerayso bed qabka shacabkeeda goobahaas ku nool, deegaannadaas oo cir iyo dhulba laga weerari doono.

Afhayeenka ayaa si gaar ah ugu digay dadka ku nool deegaannada laga xukumo Galhareeri iyo Ceel-buur, goobahaasi oo ay ka mid yihiin inta u dhexeysa Xiin-dheere, Garab la’ , Ceel qooxle, Wabxo, Ceel Xarar dheere, daba galo iyo Jacar, wuxuuna ku celiyay in ujeedkoodu yahay in waxyeellada laga badbaadiyo dadka iyo Xoolahooda.

Wuxuu sheegay Afhayeenku in goobihii horay loo duqeeayay ay ka ag dhow yihiin dad iyo xoolo, dagaalka iyo duqeyntuna ay sii socon doonaan illaa khawaarijta laga nadiifiyo dalka oo dhan, wuxuuna shacabku ka codsaday mar kale in aysan fududeysan digniinta loo dirayo si loo beegsado cadowga oo keliya.

 

Al-Burhaan: Suudaan waxay wajaheysaa shirqoolkii ugu weynaa ee taariikhda soo mara

Taliyaha Ciidanka Suudaan , Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa sheegay in dalkiisa uu xilligan wajahayo shirqoolkii ugu weynaa ee taariikhda soo mara, kaasi oo sida uu sheegay lagu beegsanayo guud ahaan masiirka Suudaan.

Al-Burhaan oo khudbad ku saabsan munaasabadda 69-guurada ka soo wareegtay aas-aaska ciidammada qalabka sida ee Suudaan u jeediyay Shacabka ayaa weeraray  taliyaha ciidamada Taageerada degdega ah, isagoo ku sifeeyay inuu yahay khaa’inul wadan damacsan inuu ka faa’ido dhiiga shacabka reer Suudaan.

 

Taliyaha ciidamada Suudaan, ayaa wacad ku maray in dhawaan Shacabka Suudaan ay u dabaal degi doonaan guulo laga gaaro ciidamada ka soo horjeeda ee tageerada degdega ah.

Khubarada dhanka  militariga iyo qaar ka mid ah diblumaasiyiinta  Caalamka ayaa saadaalin ay ka sameyeen dagaalka ka socda Suudaan, ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon karo muddo dheer.

 

Howlgal qorsheysan oo lagu khaarajiyay 5 khawaarijta ka tirsan

0

Howlgal qorsheysan oo ciidanka Qaranka oo kaashanayaa saaxiibada hawlgalka Maraykanka ee Africom ayaa lagu dilay maleeyshiyaad ka tirsan khawaarijta.

Howlgalka oo xilli hore oo saakay ah ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayaa lagu dilay 5 dhagar qabe waxaana lagu burburiyey goob wayn oo fariisin u ahayd khawaarijta isla markaana ay ka wadeen abaabul.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada hawdka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Ciidanka ayaa kusii siqaya Galhareeri iyo Ceel-buur

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labada degmo ee ka maqan Galmudug ay si kama dambays ah uga bixin doonaan gacanta cadowga.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay sanad guurada 17-aad ee Galmudug ayaa hambalyo ka dib sheegay In dabaal degga sanad guurada Galmudug uu ka dhici doono degaannada ay khawaarijtu haatan joogaan, sida uu qorshuhu yahay.

“Sanad guuradaan, sanad guuradeeda dambe meelo badan oo anay maanta suurta gal ka ahayn in ay ku qabsoonto ayaan rajeyneynaa haddii Alle yiraahdo”

Madaxweynaha ayaa xusay in wejigii koobaad ee dagaalka laga xoreeyay khawaarijta inta badan Hirshabeelle iyo Galmudug, isagoo sheegay in reer Galmudug ay door weyn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah cadowga ee labada maamul goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee dul jooga goobaha kooban ee ay cadowga kaga hareen Galmudug iyo dadka kasoo baxsaday kal hore xarumaha khawaarijta ee ka qayb qaadanaya halganka lagu xoreynayo shacabkooda.

Halganka lagu cirib tirayo haraadiga khawaarija ayuu sheegay madaxweynuhu in dhowaan uu ka billaaban doono dowlad goboleedyada kaafur galbeed iyo Jubbaland, si maamulladaasi ugu guuraan xarumahoodii ku meel gaarka ahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug ay heerkan kusoo gaartay xasillooni siyaasadeed, wuxuuna xusay in asaaska horumarkuna lagu gaaro dib u heshiisiin bulsho, loona baahan yahay in mar walba lagu dhaqmo

Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay inuusan cadowgu noogu faa’iideysan in dadka la geliyo dagaallo sokeeye, ciddii ficilladiisa ku kacana uu yahay Khawaarij.

“Shabaabku yaanu arrintaasi noogu faa’iideysan, marxaladda aan ku jirno, dagaalka aan ku jiro, xoreynta aan ku jirno, soo celinta karaamada aan ku jirno, u hiillinta diinteena iyo shareecada aan ku jirno, ninka nin ku duulaya ee dilaya ama reerka reer ku duulya ee dilaya waa Al-shabaab”.

 

Ciidanka Xoogga dalka oo Cagta mariyay saldhigyadii ay Khawaariijtu ku lahayd xadka ay wadaagaan Galgaduud iyo Sh/dhexe

0

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashana dadka degaanka ayaa cagta mariyay dhamaan saldhigyadii maleeshiyaadka Khawaariijta ay  ku lahayeen xadka ay wadaagaan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysay holgalkan ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in dhamaanba goobahii ay kaga dhuumaleeysanayeen Khawaarijta Al-Shabaab xadka u u dhaxeya gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, laga saaray halkaana looga laayay tiro maleeshiyaad ah.

 

Ciidamada Israel oo Daanta Galbeed ku dilay dad falastiini ah

Ciidamada Israa’iil ayaa dilay laba qof oo Falastiini ah ,kadib markii ay weerar ku qaadeen xero qaxooti oo ku taal Magaalada Jericho   ee Daanta Galbeed ee, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska hor imaad hubeysan uu dhexmaray ciidamada Israel iyo kooxo hubeysan, balse lama oga in labada nin ee la dilay ay ku lug lahaayeen weerarada ay ay halkaasi ka fuliyeen Israa’iil oo socday wax ka yar hal saac.

Laba nin oo dhallinyaro ah ayaa loola cararay cusbitaalka, iyadoo ay ka muuqdaan rasaas kaga dhacday qeybta kore ee jirka,sdia uu saaka oo talaado ah xaqiijiyay agaasimaha Isbitaalka Jericho.

Maalinimadii Axadda ee la soo dhaafay 3 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Magaalada Jenin,waxaana sii kordhay  rabshadaha iyo xasuuqa ay ciidamada Israa’iil ku hayaan dadka degan Daanta Galbeed ee la haysto.

 

Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo soo gabagabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda Dan-qaran sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee aan la leenahay Midowga Yurub, isaga oo dhanka kale guul iyo nasiib wacan u rajeeyey danjiraha.

Dhankeeda danjire Tiina Intelmann ayaa ka mahadcelisay sidii diiraneyd ee loola shaqeeyey muddadii ay gudanaysey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.