Home Blog Page 255

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo Booqasho Sharafeed ugu tagay Dhiggiisa dalka Kuwait

0

Safiirka Safaradda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa, ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Dhiggiisa dalka Kuwait ee New Delhi, Mudane Meshal Mustafa Jasim Alshemali.

Labada masuul ayaa ugu horreyn iska wareystay xaaladaha guud ee dalalka Soomaaliya iyo Kuwait, intaasi ka dib ayaa waxaa lagawada hadlay xidhiidhka taariikhiga ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojinlaha wada shaqeynta dhaw ee dhexmarta Safaaraddaha New Delhi Soomaaliya iyo Kuwait.

Ugu dambeyn labada Safiir ayaa ku balamay in ay iska kaashadaan, horumarinta danaha lawadaago ee labada dal iyo labada shacbi ee walaalaha.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka XFS oo tababar usoo xirtay howl-wadeenno Caafimaad

0

Wasiir dowlaha wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa ka qayb gashay xafladda qalin-jabinta dufcaddii 6aad ee tababarka “Frontline Field Epidemiology Training Program” ay ku qalin jabinayeen shaqaalaha caafimaadka ee heerarka kala duwan.

Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah ay usoo agasintay Machadka Caafimaadka qaranka ayay sidookale goob joog ku ahayaeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Dr; Guleed Abdijalil, Dr, Renee Van de Weerdt, Wakiilka Hay,adda Caafimaadka Aduunka ee Somalia, Agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga gudaha Federaalka Federaalka, Mudane. Yuusuf Ali, Agaasimaha Machadka Caafimaadka Qaranka iyo marti sharafkale .

Munaasabadda qalin jabinta ayaa sidookale lagu soo bandhigay waxyaabihii ay ardaydu ka faa’iideen muddada ay kujireen tababarka iyadoo la xusay in dhammaan ardayda ay ka mid yihiin shaqaalaha caafimaadka ee heer federal iyo heer dowlad goboleed ayagoona 23 howl-wadeeno shahaadooyin lagu gudoonsiiyay diyaarna u yihiin inay kubiiraan howl-wadeenada caafimaadka ee Dalka.

Ugu danbayn Wasiir dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa ugu hambalyesay ardayda qalin jabinaysay ayadoona ku boorisay in qalin-jabiyayaashu ay sii wadaan horumarinta xirfadahooda isla markaana ay kaalin muhiim ah ka qaataan la dagaallanka cudurada faafa iyo horumarinta caafimaadka bulshada.

Heshiis Iskaashi oo dhexmaray Wasaaradda Shaqada iyo Hay’adda Qatar Charity

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qatar Charity, ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu taageerayo barnaamijyada horumarinta daryeelka bulshada iyo xirfadaha farsamada gacanta.

Heshiiskan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumaadda Federaalka, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan iyo Madaxa Hay’adda Qatar Charity, Mudane Cabdifataax Adam Macalim oo uu weheliyo agaasimaha barnaamijyada iyo horumarinta caalamiga ah, Mudane Cabdicasiis Jassim Hejji.

Heshiiska wuxuu xoogga saarayaa xoojinta adeegyada ilaalinta bulshada si loo hubiyo in adeegyo hufan oo loo dhanyahay ay gaaraan bulshada. Iyada oo ay Intaasi sii dheer tahay horumarinta xirfadaha farsamada gacanta si ay dadka nugul uga faa’iideystaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira, taasi oo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu kobcinayo awoodda bulshada.

Ugu dambayntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Hay’adda Qatar Charity uga mahadceliyay taageerada hagar la’aanta ee ay markasta la garab taagan yihiin dowlada Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Masar oo Saxiixday Heshiisyo Muhiim ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi,ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira.

Kulankan Labada Madaxweyne ayaa la isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Dhanka waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay’adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga. Masar ayaa muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo baasaboorka diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumasiyadeed, waxayna Labada Dawladood ka wadahadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu hormarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen Guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.

Wasiirka Qoyska oo Golaha Wasiirrada ugu mahadcelisay Cusboonaysiinta Guddiga NQ

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa uga mahadcelisay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya talaabada ay mudo cusbooneeysiinta ugu sameeyeen Guddiga Maamulka Hay’adda Naafada Qaranka taasi oo ay Golaha Wasiirrada u gudbisay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan uga mahad celinayaa xubnaha Golaha Wasiirrada oo uu ugu horeeyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre Muddo Cusboonaysiinta ay u sameeyeen Guddiga Maamulka Hay’adda Naafada Qaranka “ ayey tiri Wasiir Amb Khadiira Maxamed Al-Makhzoumi.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn u hambalyeysay xubnaha Hay’adda waxayna tiri “ Ka Wasaarad ahaan waxaa naga go’an inaan si aad ah u hormarinno sidii dadka baahiya gaarka ah qaba ay kaalin ugu yeelan lahaayeen miiska go’aanka looga gaarayo masiirka ummadda Soomaaliyeed iyadoo la xoojinayo, lana gacan siinayo Hay’adda Naafada Qaranka.”

Duqa Caasimadda oo kormeeray Waraha Biyo-qabadyada ah ee Degmooyinka 

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa kormeeray Waraha iyo Biyo qabadyada ku yaala Degmooyinka Xamarweyne, Boondheere, Warta Nabadda iyo Kaaraan, si loogu diyaar garoowo xilli roobaadka nagu soo food leh.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, oo sheegay in meel wanaagsan uu maraayo howlaha dib hagaajinta Waraha iyo Biyo qabadyada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Amiir ayaa faray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir in ay dar-dargeliyaan hagaajinta Waraha iyo Biyo qabadyada, asigoona ka digay in lagu xad-gudbo Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho, waxa uuna xusay in dhawaan la hirgelin doono sharciga Nadaafada oo ay ku xusan yihiin ganaaxa ay muteysan doonaan dadka ku xad gudba Nadaafada.

Golaha Wasiirrada oo cusboonaysiiyey xil-haynta Guddiga Naafada Qaranka

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyadoo kulankaasi uu muhiimad weyn u lahaa horumarinta adeegyada dowladda iyo xoojinta howlaha muhiimka ah ee dalka.

Kulanka ayaa looga dooday arrimo dhowr ah oo muhiim u ah dalka, sida xaaladda amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo siyaasadda dhijitaalka ah ee dalka. Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey Siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay, taasoo diiradda saareysa isbeddelada la xiriira tiknoolajiyada iyo horumarinta adeegyada dowladda iyadoo la xoojinayo nidaamyada cusub ee teknolojiyadda ee dalka.

Waxaa sidoo kale lagu ansixiyey istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan, taasoo ka tarjumaysa qorshayaasha dowladda ee ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam maamul oo casri ah oo xoojinaya adeegyada iyo hawlaha dowladda.

Guddiga Naafada Qaranka ayaa sidoo kale u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda 4 sano oo kale, si ay u sii wadaan howlaha ay u idmanyaheen. Guddigan ayaa door muhiim ah ka ciyaara taageerada dadka naafada ah iyo dhammeystirka adeegyada bulshada ee loogu talagalay si loo xaqiijiyo sinnaanta bulshada.

Ugu dambeyntii, golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay xog muhiim ah oo ku saabsan kobaca dhaqaalaha iyo qaababka loo qorsheynayo si loo gaaro horumar waara.

Ciidanka Deegaanka oo howlgal ay ku laayeen Khawaarijta ka fuliyay Ceelgaras

0

Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Deegaanka jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta, ayaa ka dhacay degmada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Hawlgalkaan oo lagu beegsaday fariisimo iyo goobo Khawaarijtu ka joogtay magaalada Ceelgaras ayaa waxaa lagu dilay seddex dhagar-qabe, uu ku jiro horjooge sare oo lagu magacaabo Mirre Cagdheer, halka lagu dhaawacay 6 kale oo ay ku jiraan horjoogihii degmada Ceelgaras oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Salmaan iyo Madaxii Maaliyadda Khawaarijta deegaanka Jabriil, kaas oo dhaawiciisa loola cararay magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, madaama dhaawiciisa uu ahaa mid adag sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Maxamed Faarax Geedi oo howlgalkaan hoggaaminayay.

Dhawaan ayey ahayd markii howlgal midkaan la mid ah ciidankaan deegaanka ay ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo xarun weyn u ah Khawaarijta.

Wasiirka arrimaha Dastuurka XFS oo kulan la qaatay Ururrada haweenka Soomaaliyeed 

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo kulanka la yeeshay Ururada Haweenka iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka Dastuurka, doorashooyinka iyo kaalinta haweenka ee dhismaha dowladnimada. Wasiirka ayaa uga warbixiyay dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, halka ay marayaan dhismaha hay’adaha garsoorka iyo dib-u-eegista Dastuurka, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ku jirto marxalad cusub oo taariikhi ah oo muwaadinku si buuxda ula wareegayo samaynta mustaqbalkiisa.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday in ay taageeraan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyagoo door muuqda ka qaadan doona wacyigelinta bulshada. Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku booriyay wadajirka shacabka iyo ka-qaybgalka bulshada rayidka ah si looga gudbo marxaladda kala-guurka laguna xoojiyo dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Tababar ugu soo xiray Ciidamo ka tisan XDS ee Dalka Qatar

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Dooxa ee dalka Qatar, si ay uga qeyb galaan munaasabadda qalin-jebinta 17 arday Soomaaliyeed ah, kuwaas oo soo dhameystay tababar ciidan oo kala duwan, kuwaa oo lagu tababaray dalka Qatar. Tababarkan ayaa loogu tala galay inay ku soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiirka Gaashaandhigga, ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyay dowladda Qatar taageerada ay siisay dhallinyaradaan, isagoo sidoo kale hambalyo u diray 17-kii arday ee qalin-jebiyay, kuwaas oo muujiyeen dadaal iyo adkeysi muddadii ay ku jireen tababarka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyaradaan ay si toos ah ugu biiri doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan dadaallada dib u xoreynta iyo difaaca dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in tababarka ay heleen ay sare u qaadayo tayada ciidamada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay ku dadaalaan adeegga iyo ilaalinta amniga dalka.