Home Blog Page 257

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka ee Isbitaalka De Martino

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo loo dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xarig jarka kadib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, ayaa tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo dabooli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah.

Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta dhaawacyada oo loo dhisay hab-casri ah, ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo tacsiyeey geerida Abwaan Cabdulle Geeda-naar

0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Hirshabeelle geerida Allaha u naxariisto Abwaan Cabdulle Geeda-naar.

Abwaanka ayaa caan ku ahaa shiribka iyo guuroowga waxana uu suugaantiisa diirada ku saari jiray nabadda iyo wacyigelinta.

Noloshiisa ugu badan waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho inkastoo waayadii dambe uu ku noolaa gobalka Shabeellada Dhexe ee Dowladda Hirshabeelle.

“Allaha u naxariisto Abwaan Cabdulle Geeda-naar, ehelka, asxaabta iyo shacabkii Soomaaliyeed ee muddada ku xirneyd suugaantiisa waxaan ugu tacsiyeynayaa geerida Abwaanka.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janno Fardowsa

Wasiir Cali Xoosh oo kulan la qaatay Shacabka Jowhar iyo Madaxda Hirshabeelle

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo shaqo ku jooga Hirshabeelle ayaa waqti la qaatay qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Xildhibaan Cali Xoosh, ayaa dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada ee ku aaddan arrimaha xasilinta iyo dib u heshiisiinta guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle.

Wasiir Cali Xoosh ayaa shalayto gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, isagoo kulamo gaar-gaar ah la qaatay madaxda maamulka oo uu u horreeyo madaxweyne Cali Guudlaawe, siyaasiin iyo qaybo ka mid ah ururrada bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dedaallo dib u heshiisiin, sidoo kale ay socdaan dedaallo wacyi gelin ku aaddan u diyaar garowga doorasho qof iyo cod ah, taas oo lagu wado in ay dhowaan dalka ka qabsoonto.

SoDMA oo Gargaar Raashin ah u qeybisay Qoysas dan yar ah oo ku sugan Deyniile

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa waxa ay deeq gargaar raashin ah degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ugu qeybisay qoysas ka kooban danyar iyo kuwa naafo ah.

Gargaarkaan ayaa ka faa’iideeystay 1,000 qof, waxaana hore sidaan oo kale hay’adda SoDMA qoysas naafo ah iyo kuwo danyar ah ay raashin ugu qeybisay degmooyinka gobolka banaadir ,ayadoona SoDMA ay u taagantahay caawinta Bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha gargaarka ee dagmada Deyniile ayaa u mahadnaqay Hay’adda SoDMA, isagoo sheegay in gargaarkan oo ku soo aadday xilli ay baahi badan u qabeen ayna uga mahadnaqayaan gurmadka joogtada ah iyo caawinta ay la garab jogaan dadka jilicsan hoggaanka SoDMA.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaaminta Afrika

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Hoggaaminta Afrika ee la bixiyo, waxaana lagu guddoonsiiyey munaasabadda ka dhacday magaalada Davos ee dalka Switzerland. Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay hogaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhinacyada dowlad-dhiska, dib u xoreynta, iyo hirgelinta qorshaha dayn cafinta ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadal ka jeediyey munaasabadda, ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta ay u muujiyeen horumarka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay abaalmarintan mid ka tarjumeysa geesinnimada iyo adkaysiga shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay guulaha dowladdiisa, oo ay ka mid yihiin dib u dhiska ciidamada iyo ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Wasiir Cali Xoosh oo gaaray Jowhar

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali -Xoosh ayaa maanta safar shaqo ku gaaray xarunta Hirshabeele ee Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshebeelle Mudane Cabdi Daahir Guure, Duqa Jowhar Mudane Cismaan Beerreey, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada ayaa Wasiir Xoosh kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa intaa kadib kulan la qaatay madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay soo dhawaynta Madaxwayaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo guud ahaan reer bulshada Hirshabeelle.

Wasiir Xoosh ayaa inta uu joogo halkaasi waxaa uu kulamo la yeelan doonaa hoggaanka siyaasadda, shaqanka iyo qeybaha bulshada ee Hirshabelle.

Soomaaliya iyo Afrikada dhexe oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay magaalada New York, Zénon Ngay Mukongo, Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabbilsan Qaramada Midoobey.

Labada mas’uul ayaa wada hadlay sare-u-qaadidda xiriirka labo dhinaclaha iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale horumarka siyaasadeed iyo amni ee Afrikada dhexe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray kor-u-qaadidda xiriirka dhaqaale, dhowridda midnimada dhuleed iyo qarannimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo, iyadoo la isla soo hadal-qaaday muhiimadda ay leedahay in caqabadaha gobolka lagu xalliyo aragti Afrikaanku leeyihiin iyo xaqiijinta bedqabka iyo ammaanka ganacsatada Soomaaliyeed ee beec-mushtarka ku leh DRC, loona fududeeyo habraacyada, iyadoo la ilaalinayo naftooda iyo danahooda maaliyadeed.

Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya 21-ka Janaayo

0

Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta

0

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa diray fariin ku aaddan maalinta warfaafinta iyo xuska markii ugu horreysay ee la qoro wargeys Afka Soomaaliga ku soo baxo 21-ka Jannaayo 1973-kii.

Maanta waxay ku astaysan tahay xuska guul taariikhi ah oo umaddeena u soo hoyatey muddo ahaan laga joogo 52 sanno kana tarjumeysa muhimadda xaqiijinta warbaahin bulshada u adeegta iyo xoojinta hiddaha iyo dhaqanka aan leenahay oo luuqaddu ugu horeyso.

Munaasabadan qaaliga ah ee maalinta warbaahinta Soomaaliyeed, waxa aan u dabaaldageyno ma ahan oo keliya horumarka ballaaran ee warbaahinteenu sameysay, balse waxaa iyana ku hoos jirta maalin aan la ilaabi karin oo taariikhi ah, taas oo ah daah-furka wargeyskii ugu horreeyay ee ku qoran afkeenna Soomaaliga oo udub dhexaad u ah jiritaankeena ummadnimo.

Taariikhdan mugga weyn leh, waxay astaan u tahay sida ay inooga go’an tahay ilaalinta aqoonsigeena, hiddaha, dhaqanka iyo sheekooyinka hodanka ah ee qeexaya sawir cadna ka bixinaya dhaxalka ma guuraanka ah ee ummadda Soomaaliyeed ay leedahay.

Af-soomaaligu ma ahan oo keliya mid aan xiriirkeena ku adkeyno, balse waa doon weyn oo ay ku raran yihiin sheekooyinkeena, taariikhdeena, halgankeena, iyo himiladeena.

In Wargeyskii ugu horeeyay lagu qoro Af Soomaali muddo haatan laga joogo nus qarni, waxay noqotey tallaabo loo aayay oo suurageliyay codka bulshadeena la maqlo, sheekooyinka iyo taariikhda aan leenahayna lagu sheego afkeenna hooyo.

Waxaan bogaadinayaa saxafiyiinta, tifaftirayaasha, iyo cid kasta oo weli meesha kasii wadda hawshan mudddada dheer soo socotey.

Waxaa dhammaanteen waajib uu inaga saaranyahay inaan sii casriyayno shaqadan muhiimka ah, kuna soo darno qeybo adkeynaya midnimadeena, is-dhexgalka bulsho iyo reebista dhaxal mustaqbalka u horseedi doona jiilasha soo socda inay dareemaan in looga tegay taariikh mudan in mar walba la ilaaliyo, si gaar ahna loo qiimeeyo.

Inagoo haddaba u dabaaldegayna xuskan weyn, , ayaan haddana waxaan caddeynayaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta mabaadi’ida xoroyadda hadalka iyo fikirka, iyo welliba xaqiijinta helista xogta ee shacabka ay xaqa u leeyihiin.

In la helo warbaahin tayadeedu sareyso oo bulshada waxa san u bidhaamineysa, xumaantana uga digta, ayaa waxay sal u tahay hirgelinta nidaam dimoqraadiyadeed oo isla xisaabtan ku dheehan.

Waxaan mar kale leeyahay hambalyo bahda saxaafadda, isla markaana ugu baaqayaa dhamaan bahda saxaafadda in ay xaqiijiyaan jiritaanka warbaahin tayadeedu sareyso, oo xambaarsan anshaxa iyo xirfadda saxda ah ee mihnaddan ay mudan tahay, iyagoo maanka ku haya inay indho u yihiin bulsho u ooman xog sax ah oo wax dhisaysa.

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO

Wasiir Fiqi oo ka hadlay fadhiga golaha ammaanka ee QM

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa khudbad ka jeediyay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 9841 ee ku qabsoomay xarunta New York.

Fadhiga oo diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan Gaza iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha liita ee ka jira halkaasi.

Wasiir Fiqi ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay garab-istaagga iyo taageeridda qadiyadda Falastiin.